Friday, August 26, 2011

Cahdigii Hoggaamiyaha Libiya oo Dhammaaday, Qadaafi oo la la’yahay iyo Aragtida Beesha Caalamka



Tripoli (Burcotoday)- Cahdigii keligii-taliyihii dalka Libiya Mucamar al-Qaddaafi ayaa si dhab u soo gebogaboobay kadib markii jabhadaha 
 mucaaradka ee dagaalka kula jiray lixdii bilood ee u dambeeyey gacanta ku dhigeen caasimadda Tripoli oo noqotay meeshii u dambaysay ee laga qabsado taliska Qaddafi.

Qiyaastii 80% magaalada Tripoli waxa la wareegay kooxaha mucaaradkaa, waxana goobaha ay gacanta ku dhigeen ka mid ah xaruntii telefishanka dawladda iyo fagaaraha loo yaqaan Green Square ee ay isugu soo bixi jireen taageerayaasha Qaddaafi.

Haseyeeshee, waxa dagaal weli ka socdaa dhinaca galbeed ee magaalada oo ay weli ku sugan yihiin ciidammada daacadda u ah Qaddaafi, kuwaas oo ku jira dhismaha Qaddaafi ee Bab Al-Casisyah iyo dhismayaasha u dhow.

Dagaal ayaa qarxay kadib markii ciidamo kuwa Qaddaafi ah oo wata taangiyada dagaalka ay ka soo baxeen dhismaha Bab al-Cazizyah ee uu ka talin jiray, kuwaas oo markii ay soo baxeen rasaas culus furay.

Madaxa Golaha Mucaaradka ee dagaalka ka waday Libiya Mustafa Abdel Jalil, ayaa ku dhawaaqay inuu dhammaaday cahdigii Qaddaafi ee kaligii-teliga ahaa, isla markaana ku raad-joogaan sidii ay isaga gacanta ugu dhigi lahaayeen.

Geesta kale, iyadoo ilaa hadda aan la garanayn meesha uu ku sugan yahay Mucammar al-Qaddaafi, ayaa la sheegay in kooxaha dagaallamayaa gacanta ku dhigeen saddex ka mid ah wiilasha uu Qaddaafi dhalay oo ay ka mid yihiin Sayf Al-islam oo laga qabtay xaafad ku taal galbeedka Tripoli, Maxammed Qaddaafi.

Shacabka magaalada Tripoli oo u dabbaaldeggaya guusha mucaaradku gaadheen ayaa isugu soo baxay fagaaraha Cagaaran ee Qaddaafi oo taageerayaashiisu caanka ku ahayeen, waxaanay farxad ku sagootiyeen dhicitaanka rajiimka muddada 41-ka sanno iyo 11 bilood ah xukunka keligiitaliska ah ku haystay waddanka Libiya.

Hoggaamiyeyaasha adduunka ayaa Madaxweyne Qadaafiga la la’yahay ugu baaqay inuu awoodda wareejiyo oo qirto in laga adkaaday, iyada oo dawlado badan oo ay ugu dambeeyeen Masar iyo Tuunisiya dawlad ahaan u aqoonsadeen golaha mucaaridka Liibiya, iyadoo beesha caalamku aragti ahaan soo dhaweeyeen guulaha xoogga mucaaridka, balse hoggaamiyaha waddanka Vensualle Mr. Hugo Chaves ayaa Isbahaysiga NATO ku eedeeyey inay burburinayaan caasimadda Liibiya ee Tripoli.


0 comments:

Post a Comment