Friday, August 26, 2011

Dr. Gabboose oo Xilkii Wasiirnimada Daakhiliga ku Wareejiyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha





“Haddii maamulku milgihiisa, jidkiisa, shuruucdiisa iyo hawlihiisa wax ka khaldamaan laga yaabo khalad yar inuu dhibaato weyn inoo keeno” 


Dr. Maxamed Cabdi Gabboose

Hargeysa (Jam)- Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa xilkii wasiirnimo si rasmi ah ugu wareejiyey shalay Wasiir-ku-xigeenkiisii Md. Maxamuud Garaad Soofe, kadib markii xilkaas iska casilay horraantii toddobaadkan.

Xilwareejinta oo ka ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa waxa ka soo qaybgalay Taliyaha Ciidanka Bilayska, Taliyaha Ciidanka Xeebaha, Taliyaha Laanta Socdaalka, masuuliyiin ka socda dawladaha hoose ee Hargeysa iyo Gabiley.

Wasiirkii hore ee Daakhiliga Dr. Gabboose, ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo xukuumaddiisa wixii ka khaldan uu u sheegi doono, wixii uu saxana ku garab istaagi doono, isagoo iftiimiyey inuu madaxweynaha lex-jeclo weyn ka qabo, waxaannu intaa ku daray inuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu madaxweynaha kursiga ugu fadhiisan lahaa.

“Markii aan xilka iska casilay kadib waxaan madaxweynaha u qoray waraaq aan kaga codsanayo inuu xilka cid u soo magacaabo, waayo anigu markii aan isweydiiyey waxaan ogaaday in aanan isku qaban karin anigoo mid kale wata oo himiladayda ah ee aan muddada dheer u soo halgamayey, taas oo aan leeyahay hadday khayr ii tahayna Alle ha iga dhigo, haddii aanay jirinna Ilaahayna ha iga xijaabo, waxaanan dorraad [Isniintii] madaxweynaha u qoray waraaq aan kaga codsanaayo inuu sida ugu dhakhsaha badan xilwareejintii cid u soo igmado, waxaan ka baqay in saacadda aan sii joogaba la yidhaa danihiisa ayuu sii wataa, waxaanan is idhi mar haddaad ka tagtay si dhakhso ah u wareeji xilka.

Madaxweynuhu wuu ku ammaanan yahay iscasilaadda uu iga aqbalay. Markaan qalbigayga hoose ka hadlo, waxaan runtii i diin sheegaya madaxweynaha lexjeclaan ka leeyahay, waayo halgan dheerbuu soo maray oo aan qayb ka ahaa oo aan isleeyahay wuu ku mudan yahay inuu umaddiisa hago, waxaan la jeclahay inuu guul ka gaadho dalka uu muddada dheer u soo halgamayey. Lex-jeclo labaad baan u leeyahay oo waxa weeye hadh iyo habeen maan hadhsan si aan kursiga u saaro. Qofkaan dadka hortiisa ku ammaanayey, qofkaan la jeclaa inuu kursiga yimaad igama suurtowdo inaan dadka hortooda ku caayo, waayo aniga iscaayaya, mid kalena lex-jeclaan uga leeyahay oo waxa weeye waxaynu nahay dal nugul oo mandaqad aad u kharriban ku dhexyaal, nabadna Ilaahay siiyey dadkiisuna ku jiraan halgan nololeed.

Haddii maamulku milgihiisa, jidkiisa, shuruucdiisa iyo hawlihiisa wax ka khaldamaan laga yaabo khalad yar inuu dhibaato weyn inoo keeno, waxaan ka wadaa oo labada jeerba ugu hiilanayaa markuu saxsan yahayna inaan sixitaanka ku garab galo, markuu khaldan yahayna inaan kala biqin een ku dhiirrado inaan khaladkiisa u sheego anigoo dariiqa ugu asluubta badan u maraya. Khalad u sheegistu ma aha burburin ee waxaan ka wadaa waxa weeye isaga kalgacal loo qabo in wax u hagaagan, waayo waxa loo sheegayaa hadday sax yihiinna ha qaato, haddaanay sax ahayna ha ka tego,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gabboose.

Dr. Gabboose waxa kaloo uu ka hadlay himiladiisa siyaasadeed oo uu sheegay in aanay sal u noqon doonin qabyaalad iyo reernimo, balse ku jihaysnaan doono aqoonyahayka, isaga oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Dariiqaa ii bilaabmaya waxaan jecelahay inaan ka fogaado inaan salka la galo reer gaar ah. Waxaan jeclahay inaan u durko oo aan waxoogaa noqdo aqoonyahanka, waayo maanta caalamka aqoonbaa hoggaaminaysa oo hagaysa, ma lihi ka aan aqoonta lahayn waa qof xun, dawladnimaduna aqoonbay u baahan tahay, waa loo soo dhintay, markaa dadkii ka saari lahaa ayey tahay inay hawshaas qabtaan.”

Sidoo kale, waxa uu farta ku fiiqay waxqabadkii wasaaraddiisa oo ay ugu weyn tahay nabadgelyada, isaga oo sheegay inay waxqabadyo la taaban karo ku tallaabsadeen muddadii uu xilka hayey.

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Md. Maxamuud Garaad Soofe oo xilka wasiirnimo kala wareegay Dr. Gabboose, ayaa Madaxweynaha Somaliland uga mahad-celiyey xilka uu u soo igmaday, isaga oo Dr. Maxamed Cabdi Gabboose-na ku ammaanay muddadii ay wada shaqaynaayeen inay si buuxda u soo wada shaqeeyeen, isla markaana aanay isku khilaafin shaqada, waxaannu ugu baaqay shaqaalaha iyo bulshada Somalilandba inay siday ula shaqaynaayeen wasiirkii hore ula shaqeeyaan isagana.

Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Gen. Maxamed Saqadhi Dubbad, ayaa ka xusay, kuna amaanay inuu soo nooleeyey Dr. Gabboose inuu waxqabadyo la taaban karo hirgeliyey sida kaabayaasha nabadgelyada, isagoo tilmaamay inuu doonayey inuu u dhiso talis cusub.

 “Wasiirka hore waannu isu naqiinay, waana markii labaad ee halkan aan ka sheego, intii uu siyaadda ku jiray dakhtar buu ahaa caan ah, aad iyo aad baanan mabsuud uga hawsh uu nala qabanayey, hawlahuu nala qabanayana waxa uu caan ku yahay aad buu u fudfudud yahay oo 24ka saacadood wuu ximayey, taasina waa mid guul ka soo hoynaysa oo kor u qaadaysaa inuu shaqada diyaar u yahay, waqti kasta oo aad la hadashana waa xaadir. Waxyaabaha ugu waaweyn ee noo fuliyey waxa ka mid hirgelinta talis cusub, kaas oo noqon doona ilaa saddex dabaq,” ayuu yidhi Taliye Saqadhi Dubbad.

Waxa iyaguna halkaa ka hadlay, Taliyaha Ciidanka Xeebaha, Taliyaha Laanta Socdaalka iyo masuuliyiin kaloo dhammaantood ku ammaanay Dr.Gabboose in uu muddadii la joogay wax weyn u qabtay, waxaanay ugu duceeyeen inuu himiladiisa guul weyn ka gaadho.

0 comments:

Post a Comment