Friday, August 26, 2011

Ciidanka Qaranka Somaliland oo Dhoolatus Ballaadhan oo Hanjabaad xamabarsan ku Sameeyey Taleex



PrintE-mail
TUESDAY, 23 AUGUST 2011
“Waxa weeye in aynu la dagaallano wax alla wixii inagaga soo duula Puntland, jilibka u dhigno oo kula dagaallano si mintid ah, maadaama waxoodu tahay daandaasi”



Abbaanduulaha Qaybta 81-aad oo ka tirsan Taliska 12-aad ee Ciidanka Qaranka

Taleex (Togdhnews)- Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan degmada Taleex ee dhowaan Puntland ka qafaashay masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Sool, ayaa sameeyey dhool-tus ay ugu hanjabeen maamulka Majeerteeniya.

Dhoola-tuska oo ay ka qaybgaleen ciidan badan oo degay qalcadda muhiimka ah ee ay deganaan jireen ciidammadii Daraawiishta, waxa ay soo bandhigeen siday diyaarka ugu yihiin inay difaacaan dalkooda, gaar ahaan farogelinta maamulka Puntland ku hayo degaankaasi.

Abbaanduulaha Qaybta 81-aad ee Taliska 12-aad Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Axmed Muuse oo hadal u jeediyey ciidankaas, ayaa siiyey awaamiir iyo talooyin la xidhiidha sugidda ammaanka iyo qorshayaasha u diyaargarowgooda cadowga.

“Waxa la innagu weeraray baabuur tikniko ah innaga oo aanay jirin wax allaale iyo wax aynu cid ka hayno oo xaq ah ayaa si gardarro iyo daandaansi ah la inoo weeraray oo taliyaheenii loo qabsaday masuuliyiintii iyo shaqaalihii Gobolka Sool-na loo haystaa. Sidaa daraadeed, waxa weeye in aynu la dagaallano wax alla wixii inagaga soo duula Puntland, jilibka u dhigno oo kula dagaallano si mintid ah, maadaama waxoodu tahay daandaasi.

“Degaankeennu waa halkan Somaliland inteeda kale iyo degmada Taleex way kala fog yihiin oo waxay isku jiraan 280km, gurmadka halkaa ka soo baxaa waxa uu ina soo gaadhi karaa 4 saacadood kadib, markaa inta gurmadku ina soo gaadhayo waa in aynu iska celino cadowga,” ayuu yidhi Abbaanduuluhu.

Madaxa maamulka Lacagta ciidankaasi Caydaruus Cali Ciise, ayaa isaguna ka hadlay qorshihii lagu afduubay masuuliyiintii Gobolka Sool ee iyagoo ku sii jeeda Taleex la afduubay oo uu ku tilmaamay mid xidhiidhsan oo laga shaqeeyey.

“Sababta afduubka noogu gaysteen maamulka Majeerteeniya iyo kuwa ay adeegsanayeen waxa keenay oo qayb ka qaatay goyntii adeegga isgaadhsiinta ee shirkadda Golis oo markii aannu soo baxnay ka baxday khadka, waxaanay ka maqnayd intii aannu sii soconay, waxay shirkaddaasi hawada ku soo noqotay markii dagaalku dhammaaday oo aan u malaynayo in telefoon lagu hagayey, waa arrin lala yaabo oo dabagalkeeda leh, kiisna ka furan yahay,” ayuu yidhi Mr. Caydaruus Cali Ciise.

0 comments:

Post a Comment