Friday, September 24, 2010

Somaliland Iyo Puntland Oo Maxaabiis Iyo Gaadiid Kala Bedeshay

 

Hargeysa (burcotoday)- labada dawladood ee Jamhuuriyada Somaliland iyo ismaamul-goboleedka Puntland, ayaa saaka taariikhda markii ugu horaysay la kala wareegay maxaabiis iyo gaadiid labada dhinac lagu kala hayay.



Kala wareejinta maxaabiista iyo gaadiidkaas ay labada dhinac la kala wareegeen, oo ka dhacay magaalo la yidhaahdo Gambadha oo u dhexaysa Garoowe iyo Laascaabood, ayaa xagga Somaliland waxa  masuul uga ahaa hawshaa wefti uu hogaaminayay Gudoomiyaha gobolka Sool Maxamed Jaamac Diiriye, halka dhinaca Puntland-na wetfigii hawhaa wadday uu madax u ahaa Caaqil Cabdi Wahaab Maxamed Guray.



Dawlada Somaliland ayaa maamulka Puntland ku wareejiysay 11 Maxbuus iyo 2 gaadhi, halka Puntland ay soo wareejisay 7 baabuur iyo 5 darawallo ah.



Maxaabiista ay Somaliland wareejisay oo ku xidhnaa Jeelka Mandheera ee gobolka Saaxil, ayaa hore maxkamadi ugu riday xukunno kala duwan, iyaga oo ku eedeysnaa inay ka tirsan yihiin kooxaha budhcad-badeeda, kuwaas oo laga soo qabtay xeebaha Somaliland oo ay damacnasanayeen inay wax ka soo af-duubaan.



Iyaga daraadood, ayaana loo af-duubay gadiidka iyo darawallada reer Somaliland oo muddo sannad ku dhaw ku xidhnaa Hobyo iyo meelo kale oo mudug ka tirsan.


Si kasta ha ahaatee is-u-socod badan iyo wada-xaajood muddoyinkaaba ka dhex-socday Somaliland iyo Puntland ayay ku suurtagashay Maxaabiistaa iyo Gaadiidkaas.

0 comments:

Post a Comment