Friday, September 24, 2010

QABANQAABADA AFTI-QAADKA KOONFURTA SUDAN OO LOOGA CABSI QABO IN UU DIB U SOO CELIYO DAGAALKII SOKEEYE EE RUBUC QARNIGA KA SOCDAY KOONFURTA WADANKA SUDAN

 

KHARTOUM(burcotoday-) Aftiqaadka madaxbanaanida koonfurta Sudan oo la filayo in uu  qabsoomi doono 11 January sanada 2011 ayaa ahaa heshiis ay si wada jir ah u saxeexeen xukuumada iyo mucaaridka koonfurta Sudan sanadkii 2005. Waxaa jira walaaca laga qabo in hawsha aftiqaadku u qabsoonto sidii loogu talagalay.


Wasiirka Arimaha Debeda ee Norwey Mr Jonas Gahr Stoere ayaa sheegay in mudada loo cayimay hawshu ay tahay mid xaasaasi ah, waxaanu intaa raaciyay in 9 January loo baahan yahay in dhamaanba agabka aftiqaadka la soo dhamaystiro. Gudoomiyaha Gudida abaabulka aftiqaadka Mr Mohamed Ibrahim Khalil oo u waramayay wakaalada wararka ee Rueters waxaa uu yidhi: “Hadii laga baaqsado wax dib u dhac keeni kara qabsoomida hawsha, Isla markaasina ay gudida aftiqaadku u shaqeeyaan sidii loogu talagalay dhanka kalena aanu ka badbaadno faragelin nagaga timaada dhinacyada ay hawshu khusayso, waxaanu awoodnaa in aanu ka soo baxno hawsha na loo igmaday isla markaasina waxaanu la iman doonaa dedaal dheeri ah.


Madaxweyne Omar Hassan Al-Bashir oo lagu eedeeyay in uu geystay xasuuq ka dhan bini aadminimada oo ay xadhigiisa amartay maxakamada caalamiga ah ee danbiyada dagaalka ayaa sheegay in uu aqbali doono natiijada ka soo baxda aftiqaadka ka dhici doono koonfurta Sudan balse wuxuu sheegay in isaga iyo xisbigiisa National Congress Party ay isku deyi doonaan in ay ka dhaadhiciyaan dadka koonfurta Sudan in ay u codeeyaan sidii midnimada dalka loo ilaalin lahaa. Weriye ka tirsan Telifishanka Al-Jazeera oo lagu magacaabo Haru Mutasa oo ka waramayay sida xaaladu tahay ayaa  yidhi: “Waa laga yaabaa in dagaalkii dhamaaday balse dadka reer koonfureedku ma aamini doonaan shucuubta reer waqooyiga”.


Koonfurta wadanka Sudan ayaa ah goob qani ku ah shidaalka, hadii ay dadka reer Koonfureedku goostaan in ay madaxbanaani qaataan waxaa dawlada Sudan halkaas ku waayi doontaa lacagtii ka soo geli jirtay shidaalka dalka waloow dhuumaha qaada saliida ay maraan dhanka waqooyi ee wadanka. Iftiqaadka koonfurta Sudan waxaa u dhegtaagaysa Jamhuuriyada Somaliland oo aan weli la ictiraafin isla markaasina dhibane u ahayd dawladaha Afrika oo inta badan caalamku ku riixo in ay iyagu aqoonsadaan

0 comments:

Post a Comment