Friday, September 24, 2010

Siidhi Walaha Caalamiga Ah Ee Byron Moreno oo Ciyaarihii Laga Joojiyey Kadib Markii Lagu Qabtay Isagoo tahriibinaya Lix Kiiloo oo Daroogo Ah

 

ITALY(burcotoday)- Saxaafada dalka Talyaaniga & dalka Ecuadoria ayaa sheegay maanta in Siidhi walihii caalamiga ahaa ee Byron Moreno sababta ciyaaraha looga fadhiisiyay ay ahayd isagoo lagu qabtay lix kiiloo oo daroogo ah oo uu tahriibinayay, Moreno oo ahaa siidhi wale caalami ah ayaa la sheegay in lagu qabtay daroogadaa isagoo ku qarinaya surwaalka hoose,


Byron Moreno oo 40 jir ah ayaa laga joojiyey inuu kala xukumo ciyaaraha sanadkii 2003 kadib markii lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee  John F. Kennedy ee magaalada New York isagoo hoosta ku sita lix kiiloo oo daroogada Herion-ta ah,  Moreno ayaa xiligaa la qabanayay soo dhameystay ciyaaro uu siidhi wale ka ahaa oo ka dhacayay dalka mareykanka,

Telefishinka Talyaaniga ah ee Renioz ayaa sheegay maanta in Siidhi walahaa la qabtay isagoo sita lix killoo oo Daroogo ah. Arintan ayaa ku noqotay saaxada ciyaaraha wax layaab ah iyadoo uu Moreno ahaa siidhi wale caalami ah oo aan looga shakisnayn inuu arimahaa oo kale galo,

Byron Moreno ayaa hore u qabtay ciyaaro muran badan dhaliyey kuwaas oo ay kamid ahayd ciyaar ay dalka Talyaanigu ilaawi waayeen taasoo ahayd ciyaartii ay la yeesheen dalka South Korea ee wareegii 16 aad ee koobkii aduunka 2002, Ciyaartaa ayuu Siidhi wale Moreno garoonka ka saaray laacibkii Reer Itaaliya ee  Francesco Totti kadib markii uu kaadhka cas u taagay & Talyaaniga oo ka cabanayay in goolkii lagaga badiyey uu khalad ahaa oo uu Siidhi wale Moreno ku saxay kuna meel mariyey, Siidhi wale Moreno ayaan isagu xukumin ciyaar danbe oo caalami ah kadib markii laga joojiyey inuu ciyaarahaa Siidhi wale ka noqdo,
 

0 comments:

Post a Comment