Monday, September 3, 2012

Isku Xidhka Ururada Xuquuqal Iisaanka Oo Cambaareeyay Go’aankii Wakiiladu Ku Laaleen Kootadii Haweenka, Xukuumaddana Ugu Baaqay Inay Garsoorka Faraha Kala Baxdo


Isku Xidhka Ururada Xuquuqal Iisaanka Oo Cambaareeyay Go’aankii Wakiiladu Ku Laaleen Kootadii Haweenka, Xukuumaddana Ugu Baaqay Inay Garsoorka Faraha Kala Baxdo

Hargeysa (BCT) Sept 3,2012 - Isku-xidhka Ururada Aan Dawliga Ahayn ee Xuquual Insaanka ayaa cambaareeyay go’aankii golaha Wakiiladu ku laaleen xeerkii kuraasta kootada ah loogu xidhayey haweenka iyo dadka la hayb-sooco.
Isku-xidhka Ururada Aan Dawliga Ahayn ee Xuquual Insaanka, waxa kale oo ay xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo ugu baaqeen inay faraha kala baxdo hay’addaha garsoorka dalka oo ay sheegtay inay bilihiiu u dambeeyay culays aad ah saartay.
War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Isku-xidhka Ururada Aan Dawliga Ahayn ee Xuquual Insaanka oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha isku-xidhkaasi Maxamed Cabdalle, ayaa u dhignaa sidan “Isku xidhka ururada xuquuqal insaanka aan dawliga ahayn ee Somaliland wuxuu halkan ku canbaaraynayaa go’aankan  mudanayaasha golaha wakiiladu ku tureen isla markaana ajandaha kalfadhigooda ay kaga saareen xeerkii kootada kuraasta haweenka iyo dadka la hayb sooco.
Talaabadan oo u muuqata mid niyad jab ku ridi karta labada qaybood ee kar aynu ku soo sheegnay kuwaas oo sida ay muujiyeen daraasadihii la sameeyay aanay suurta geli Karin inay cod ku soo baxayaan caqabado jira awgeed ama khibradii laga dhaxlay doorashooyinkii kla danbeeyay ee Somaliland ka qabsoomay.
Isku xidhku wuxuu halkan baaq uga jeedinayaa shir gudoonka iyo mudanayaasha golaha wakiilada,isagoo u soo jeedinaya  inay dib uga laabtaan go’aankooda isla markaana xeerka mariyaan majarihiisa sharci.
Geesta kale waxa isku xidhku halkan baaq uga dirayaa Golaha fulinta Somaliland(xukuumada) kaas oo la xidhiidha inay faraha kala baxaan arimaha garsoorka oo ah hay’ad ka madax bananaan waaxda fulinta, kormeerayaasha xuquuqda aadanaha waxay diiwaan geliyeen in labadii todobaad ee ugu danbeeyay  xukuumadu culays dheeraad ah  saaratay arimaha garsoorka iyagoo ku andocoonaya waxa dalka ka jirta cadaalad daro baahsan, sida muuqata arintan oo kale waa mid saamayn ku yeelan karaysa go’aamada ka soo baxaya garsoorka.
Isku xidhku wuxuu ku boorinayaa waaxda garsoorka iyo hawl wadeenadeeda inay shaqada ay umadda u hayaan ilaahay kaga cabsadaan isla markaana aanay u nuglaan faragelin kastoo kaga timaada cid ka baxsan xayndaabka garsoork.


Allaa Mahad Leh

Maxamed Cabdalle
Gudoomiyaha Isku-xidhka Ururada Aan Dawliga Ahayn ee Xuquual Insaanka.

0 comments:

Post a Comment