Monday, September 3, 2012

Guddida Doorashada Madaxwaynaha Somaliya Oo 22 Musharax Siiyay Waraaqo Ay Ku Soo Buuxinayaan Magacyadda Musharixiinta Kalsoonida Siinaya


Guddida Doorashada Madaxwaynaha Somaliya Oo 22 Musharax Siiyay Waraaqo Ay Ku Soo Buuxinayaan Magacyadda Musharixiinta Kalsoonida Siinaya

Muqdisho (BCT) Sept 3,2012 – Guddida doorashada Madaxwaynaha Somaliya ayaa maanta bilaabay qabashada araajida Musharixiinta Madaxwaynuhu ku dalbanayaan inay ka qayb-galaan tartanka doorashada oo dhici doonta 10-ka bishan September.
Guddoomiyaha guddida doorashada Madaxwaynaha Somaliya ayaa sheegay inay maanta 22 Musharax siiyeen warqado ay ku soo buuxinayaan Magacyadda 20 Musharax oo kalsooni siinaya marka la bilaabo tartanka doorashada, sidoo kalena waxay Musharixiinta fareen inay lacagta diwaangalinta oo dhan  $ 10,000 doolar ku shubaan baanka dhexe ee Somaliya.
Afhayeenka guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Cismaan Libaax Ibraahim, oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Muqdisho, ayaa isaga oo arimahaa faahfaahinaya yidhi “Maanta waxa bilaabantay qabashada araajida murashaxiinta u tartamaya jagada Madaxweynenimo ee Somaliya”
Afhayeenku waxa kale oo uu soo qaaday “22 Musharax ayaanu maanta siinay foomam ay ku soo buuxinayaan Magacyadda 20-ka Murashax ee kalsoonida siinaya”ayuu yidhi, isaga oo tilmaamay ku dedaalayaan sidii doorashadu wakhtigeeda u dhici lahayd.
Afhayeenku waxa kale oo uu faray Musharixiinta inay lacagta diwaangalinta ku shubaan baanka dhexe “Murashax walba waxa  looga baahan yahay inuu lacagta ku shubo Akoonka lambarkiisu yahay 795 oo bankiga dhexe ah”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaana warqadda risiidhka uu u keenayaa guddiga doorashada Madaxwaynaha”

0 comments:

Post a Comment