Monday, September 5, 2011

Waxgaradka Galbeedka Burco Oo Soo Dhaweeyay Magacaabista Wasiirka Cusub Ee Daakhiliga

Burco (burcotoday)- Waxgaradka iyo Cuqaasha Beesha Galbeedka Burco ayaa maanta kulan ballaadhan oo ay shalay yeesheen magaaladaasi waxa ay ka soo saareen bayaan ay ku taageerayaan wasiirka Cusub ee wasaarada Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur).

Kulanakan oo ka dhacay Hoteelka Ramad ee Magaalada Burco ayaa waxa ka soo qayb galay Cuqaal, Ganacsato, Maayirka magalaada Burco, aqoonyahano iyo siyaasiyiinta Beesha ee xisbiyada qaranka qaarkood, kulankaasi oo ahaa mid ay beeshu ku muujinayso taageerada ay u hayaan wasiirka cusub ee wasaarada arimaha gudaha iyagoo dhanka kalena ku hanbalyeeyay madaxweynaha Somaliland magacaabista wasiirkani.
Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo ka mid ah xildhibanada Golaha Wakiilada Somaliland oo ugu horayn kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in kulanakani yahay mid taageero loogu muujinayo wasiirka cusub ee wasaarada arimaha gudaha Somaliland, waxaanu Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ugu hanbalyeeyay soo xulista xubintani ka tirsan golaha wakiilada Somaliland uu noqdo wasiirka arimaha gudaha Somalilnd.
“Waxaan aad u hanbalyaynayanaa wasiirka cusub ee wasaarada arimaha gudaha Somaliland Xildhibaan Maxamed Nuur Caraale waxaanan beel ahaan ku garab istaagaynaa xilkani culus ee loo igmaday waxanuna ILLAAHAY uga barayaynaa inuu xilkani u fududeeyo.”
Mayiirka Mgaalaada Burco Mr: Maxamuud Axmed Xasan Dhegalaab ayaa isaguna kulankaasi hadal ka jeediyay, waxaanu sheegay in xilka loo magacabay wasiir Duur uu yahay xil aad u adag dhibaato badana leh balse uu filayo in wasiirkani cusub uu leeyahay kartidii iyo hufnaantii uu ku gudanlahaa waajibaadkiisa qaran, bulshadana looga baahanyahay in la garab istaago si hawlaha shaqo ee wasaaradiisu u meelmarto.
Xildhibaan Maxamed Diiriye Xayd (Dibjir) oo ka mid ah Golaha Deegaanaka ee magaalada Burco iyo Gudoomiye ku
xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar, kana tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB, ayaa kulankaasi iyaguna hadallo ka soo jeediyay, waxaanay sheegeen in xisbi ahaan ay madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ku hanbalyaynayaan magacaabista wasiirka Cusub ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale iyagoo tilmamaay in madaxweynuhu haatani qaaday talaabo uu ku xulanayo inuu dalka xilal uga dhiibo masuulyiin badan oo ka tirsan xisbiyada UCID iyo UDUB. talabadaasina ay tahay mid loo qaaday dhanka horumarka iyo hirgalinta dimuqraadiayada Somaliland ka jirta.
“Waxaan Madaxweyneheena sharafata leh ku hanbalyaynayaa talada iyo damiirka siiyay inuu u soo magacaabo jagadani wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale anigu aqoon baan u leeyahay Wasiir Duur waa nin u qalma jagadani lehna kartidii iyo hufnaantii shaqo ee wasaaradani. waxaanan beel ahaan ku garab isataagi-doona wasiirka xilkani culus ee loo magacaabay oo aan ILLAAHAY uga baryayno inuu u fududeeyo” sidaa waxa yidhi Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar.

0 comments:

Post a Comment