Thursday, September 8, 2011

Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Gudaha Oo Sheegay Inuu Ka Baxay UDUB, Tilmaamayna In Waxqabadkiisii Iyo Astaantii Xisbi Ee Uu Sitay Aanay Is Lahayn

“Waxa Jirtay Gal-daloolo Aan Muddo Badan Lahaa Oo Tacabkayga Iyo Taarikadaydu Ay Kala Duwanaayeen” Maxamed Nuur Caraale (Duur)

Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Gudaha Oo Sheegay Inuu Ka Baxay UDUB, Tilmaamayna In Waxqabadkiisii Iyo Astaantii Xisbi Ee Uu Sitay Aanay Is Lahayn
Hargeysa, September 5, 2011 (Haatuf) – Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa sheegay inuu ka baxay xisbigii uu hore uga tirsanaa ee UDUB, isla markaana uu ku biiray xisbul xaakimka Kulmiye kadib markii loo magacaabay Wasiirka Daakhiliga.
Duur oo hore uga mid ahaa Xildhibaanada golaha Wakiiladda ee laga soo doortay Gobolka Saaxil, isla markaana iska soo sharaxay Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB ayaa dhawaan Madaxwayne Siilaanyo u Magacaabay jagada Wasiirka Arrimaha Gudaha, taas oo uu iska Casilay Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa waxa kale oo uu ka hadlay sababta uu uga baxay xisbiga UDUB ee laga soo doortay, ayaa tilmaamay in sharciga dalku u diiday inuu si rasmiya ugu biiro Kulmiye isagoo ah Mudane UDUB ka soo jeeda, balse hada uu sharcigu u ogolaanayo inuu xisbiga uu doono ku biiro oo uu xor noqdo.
Wasiirka cusub ee arrimaha guduhu Maxamed Nuur Caraale waxa uu sidaasi ka sheegay mar uu shalay ka hadlayey xaflad qado sharaf ah oo Hutelka Summer Time loogu sameeyey.
Ugu horayn Duur oo ka hadlaya madashaas, waxa uu yidhi “Waxaan qaatay taladii ay masuuliyiinta qaranku ii soo jeediyeen. saxaafadda ayuun baan mid u cadaynayaa oo eegata Gal-dalooda qofka, waxa jirtay Gal-daloolo aan muddo badan lahaa oo ahaa in tacabkayga, tamartayda iyo Taarikadaydu ay kala duwanaayeen. Aniga Taarikadayda UDUB-bay ahayd tacabkayga iyo tamartaydu-na Kulmiye ayey ahayd, markaa labadaa waan is waafajin kari waayey sharciga dalka u yaala awgii. Sharciga dalku waxa uu dhigayey in xildhibaanku xisbiga uu ka soo baxay aanu ka tagi Karin, laakiin sharuucda dalku qofka garaadkiisa iyo rabitaankiisa may Xadidin, sidaa awgeed lixdaa sano ee aan xildhibaanka UDUB ka soo baxay ahaa waxa aan ku shaqaynayey Qalbi iyo Taariko aan is lahayn. Waxaan shalay wareejiyey xilkii xildhibaan-nimo waana la iga aqbalay, sidoo kale waxa aan wareejiyey xubin-nimadii UDUB, laga bilaabo maanta waxa aan ahay xubin ka tirsan Kulmiye markaa saxaafadu halkii ay iga soo gali jirtay ee UDUB baad ahayde way dhamaatay ayaanu filayaa taasina imika”.

0 comments:

Post a Comment