Sunday, December 5, 2010

Barnaamijka Deegaanka Iyo Duurjoogta.Maxay Xayawaanada Qaarkood Awoodi Karaan?

China(BCT)- Waa barnaamijkii Deegaanka iyo Duurjoogta oo aanu todobaadkana ku soo qaadaneyno waxyaabaha la yaabka leh ee ay awoodi karaan shimbiruhu ,waxbaahan sida aad ka aragtaan sawirada waa shimbiro si cajiib ah loo tobabarey iney awood u leeyihiin iney sameeyaan waxbaano aad u cajib badan,haddaba akhriste waxad aragtey uun shimbir duusha waa sida aad aalaaba aragtide hadaba miyaad aragtey shimbir ku soconeysa laba kabood oo weliba taayiro leh ,weliba ku darsoo miyaad aragtey shimbir sameyneysa wax aan ciyaartoyda caalamiga ahi ee xirfadoodu tahay ciyaarista kubada cagta aaney awoodi karin ,waa shimbir lugaheeda ku dhaqaajineysa kubad iyadoo aan ka dheeliyeyn marna oo weliba sidaas sameynkarta masaafo dheer.


Akhriste waxyaabaha kale ee aan barnaamijkan ku soo qaaneyno ee ku saabsan shimbiraha iyo waxey awoodi karaan waxaa ka mib ah shimbir khafiyad ku xidhan waayir ama xadhig dhaqaajineysa oo weliba ku dul socota,iyo weliba shimbir afkeeda aad aragtid ee aad is odhaneysid waxaan ahayn saxarada dhulka yaala mala korba u qaadi karimeyso oo awood u leh iney qaado miisaan dhowr gram ah oo weliba culus ,waxyaabaha kale ee cajiibka ah ee barnaamijkani sida gaarka ah uga hadlaayo waxa kamid ah shimbir kaxayneysa baaskiilad oo weliba si dareewalnimo ah u wada oo aan marnabada dhinac uga dhaceyn .


Hadaba akhriste dunidan waa laysku dayey in noockasta oo shimbiro ah amaba xayawaano kale la tobabarey iyadoo la gaadhsiiyey iney kubadhawaadaan iney awoodaan waxaaney dadka bini aadamka ahi qaar badan oo kamid ahi aaney qaban karin.sidoo kale akhristow kuma oo koobna oo qudha shimbirihee waa kaloo cajiib ah sida loogu tobabarey xayawaanada halista ku ah nolosha aadahama ee ay kamidka yihiin shabeelada iyo harimacadku kuwaas oo inta la horkeeney masrax dad ka buxaan ka hor jaasaaya oo weliba aan dhulka joogine meelkale oo loo sameeyey ku ciyaaraya malaa waaba ciyaar soomalideeni dhaantada la odhinjiraye waa arin cajiib ah oo koley aan ahayn mid wakhti yar lagu awoodey in sidaas loo toobabaro xayawanadane waxay qaatarey wakhti ,maskax iyo weliba dedaal caalami ah.

Inkastoo wadamada iyo dadyowga dunidu ay kala fogaaden oo kala dedaal baateen taas oo la gaadhey heerar cajiib ah oo aad ku arkeysaan sida shimbiraha samada duulaaya inta lasoo fadhiisiyey loo barey wax aaney dadkuba qabankarin.

 
ugu danbeyn akhriste waxaan idinka raali galinayaa barnaamijkan oo aan hore idinku balan qaadey inuu todobaadle noqon doono oo hakad yari galey waxan rajeynaya hadii eebe raali ka noqdo inaan dedaali doono.

 

 

SAWIRKA MAANTA. Magaalada Boorame & Billicdeeda Nalla Daawada

Sawirka Maanta Ee Shabakada Caalamiga Ah Ee BURCOTODAY Waa Magaalada Boorame, Sawirkan oo Ah Mid Aad u Qurux Badan Ayaa Muujinaya Billicda Magaalada Boorame & Buuraha Ku Gadaaman Ee Daawasho Wacan,

Golaha Guurtida Somaliland Oo Soo Gababoobay Kalfadhiga 41-aad Galayna Bil Fasax ah.

Hargeysa(BCt)- Xildhibaanda Golaha Guurtida Somaliland ayaa  uu u soo gabo gaboobay kalfadhigii 42aad oo ay maalintii shalay yeeshaan  fadhigii ugu danbeeyay ee  Golaha guurtidu, waxana ay galeen Fasax muddo 1bil  ah, isaga oo uu guddomiyuhu sheegay in ay isku soo noqondoonan 1/1/2011.

Fadhigan maanta oo uu shirgudoominayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa ka soo xadiray 46mudane oo ka mid ah 82 ee uu golaha guurtidu ka kooban yahay,

Guddoomiyaha golaha guurtidu waxa uu sheegay in mudadii labada bilood ahay  ee Goluhu shaqaynayey ay  kal-fadhigan 42-naad ku ansixiyey wax ka bedelka iyo kaabista xeerka biyaha qaranka, isla markaana uu doodoodo ka yeeshay arimo badan oo ay ka mid yihiin nabadgelyada dalka iyo siyaasadaha arimaha gudaha iyo dibedda ee Somaliland waxanu tilmaamay in fadhiyadii goluhu uu ku dhamaadeen Jawi fiican.

Guddomiyuhu waxa uu mudanayaasha Guurtida ka codsaday mudada bisha ah ee Goluhu fasaxa ku jiro inay soo maraan deegaanada kala duwan ee dalka oo ay ka soo warbixiyaan dad iyo duunyo wixii ay ku sugan yihiin intaasina waxa uu ku daray in anay is dhigan xilidhabanadu oo anay moodin in ay fasax yihiin balse looga bahanyhay in ay wixii hawl ah ee dayacan ee ay arkan ay wax ka qabtaan.

Waxa kale oo uu Gudomiyuhu sheegay in wakhtigan dalku meel fiican maryo, loona bahanyahay in la sii xoojiyo xorumarka uu dalku doonayo in uu gadho.

Hargeysa: Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Sagootinyey Arday Deeq Waxbarasho Ka Heshay Wadanka Sudan Oo Lagu Qabtay Xarunta Dugsiga Sare Nuuradiin+SAWIRO

Hargeysa (BCT) Munaasibada balaadhan oo lagu sagootiyey 8 arday Oo Ka mida 30 arday  ee reer Somaliland Oo deeq waxbarasho ka helay Wadanka Sudan,8  ardaydan oo wax ka barantay dugsiga Nuuradiin ayaa maanta lagu qabtay xarunta dhexe ee aybta Dugsiga sarre ee Iskuulkaasi.

 Xafladdaasi oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa kasoo qaybgalay maamulka sare iyo macalimiinta Iskuulaasi, Sheekh Aadan Siiro, Gudoomiyha Xafiiska Imtixaanaadka Da’uud Axmed Faarax, waalidiinta iyo  ardayda waxbarasahda ka heshay dalkaasi Suudaan iyo marti shafarafkale.

 

Waxaa halkaa ka hadlay maamulaha qaybta 1aad ee Nuuradiin Secondary  Ismaaciil Maxamed Cakuush, waxaanu ka waranay ardayda heshay Deeqdaasi waxbarasho iyo sifihii ay ku heleen waxaanu carabka ku dhuftay markii sida ay Deeqdaasi ku soogaadhay dalka Somaliland.

 

Sida uu sheegay Maamulaha Iskuulkaasi Md Ismaaciil inay kusoo horeysay Sheekh Aadan SAiiro kadibna uu isna soo dhedhdhigay wasaaradda Somaliland sidaana ayqaybtaa ku heleen Iskuulada Nuuradiin.

 

Ismaaciil waxaa kale oo uu sheegay ardaydani inay ahaayeen kuwii ugu dadaalka badnaa intii ay soodhiganayeen waxbarashadooda, maamuluhu waxaakale oo uu ka intaa raaciyey inay ardayaasi guryahooda ka haajireen markiii ay ku jireen diyaarinta Imtixaanaadkii ay ku guuleysteen isla markaana ay hoy ka dhiganjireen Masaajidda iyaga oo ahneenkii halkaa u hooyanjiray.

Waxaa isna halkaa ka halday Sheekh Aadan Siiro waxaanu sheegay inay isaga farxad gaara u tahay inu kasoo xaadiro xafladda lagu sagootinayo ardaydaasi,Sheekh Siiro waxa uu intaa ku daray inay waxbarashadu tahay hogaanka kaliya ee qofka ku xidhaya caalmka intiisa kale.

 

Sheekhu waxa uu sheegay inay caruutu iska soo celiyaan wixii la baray iyaga oo u abaal guday waalidkoodii soo baray wixii qiimaha lahaa ee ay ugu talaabeen maqaamyadaasi sarsare ee ay maanta 8 daasi arday gaadheen.

 

Waxwaa isna halkaa ka hadlay arday Siciid Maxamed Xaaji Nuur oo halkaa kasoo jeediyey Gabay uu ugu talogalay inuu kaga qayb qaato sagootiska ardaydaasi,wawxaa isna halkaa ka hadlay Sheekh Xasan Axmed Jaajac oo kamida Macalimiinta Iskuulkaasi waxaanu ka waramay inay ardaydaasi kuheleen waxbarashadaasi inay kaasoo dhex bexeen 4000 oo adray oo ay wada tartamayeen.

 

Waxaa isna halkaa ka hadlaygudoomiyaha Imtixaanaadka Daa’uud Axmed Faarax waxaanu kawaramay Hahad celin Ilaahayka dib waxa uu sheegay inay mahad celin kale mudan yihiin waalidinta dhalay ardaydaasi iyo macalimiintii kala soo dabaatalay dhibaatadii dheerayd ee waxbarashada.

 

Gudoomiye Daa’uud waxa uu sheegay inay ka hoodo badantahay wasiirkiika horeeyey maadaama uu dalku helay waxbarasho bilaasha oo uu ka helay wadamo kale “Somalidu waxay tidhaadaa Habluhu waligood Ragga way ka hoodo badanyihiine wasiirka cusubi intii ay timid dalka waxaa soo gaadhay deeqo waxbarasho oo farabadan”ayuu yidhi.

 

Dhanka kalana waxa uu carabka kudhuftay inaysan waxba kajirin erayo horey loogu xamanjiray oo ah inuu u xaglinjiray Iskuulada Nuuradiin balse ay ardayda Iskuulkaasi kuheen dadaaladooda ay dheer yihiin Iskuulada kale.

 

waxa kale oo uu Gudoomiye Daa’uud intaas ku daray“11 sanaan xafiiska Imtixaanaadka joogay oo dambikale oo Ilaahay igu qaadaba waxaan hubaa inuusan ii qabsandoonin arday aan si hoose Imtixaanka darajo aanu helin ku siiyey” isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa raaciyey “waligood waxay I odhandoonaan Daa’uud lacagbuu ka qaataa Nuuradiin taasina waligay iga reebi mayso inaan amaano Iskuulada Nuuradiin”ayuu yidhi Daa’uud Axmed Faarax gudoomiyaha Imtixaanaadka Qaranka Somaliland.

Magacyada sideedda arday ee xafladda loo sameeyey

 

1-Yaxye Cabdullaahi Muaxumed Kaahin         wuaxuu helay Caafimaadka

2-Khaalid Muxumed Cawl                                 wuxuu helay caafimaadka

3-Nadiira maxamed Saciid                                 wuxuu helay caafimaadka

4-Axmed Ibraahim Ismaaciil                              wuxuu helay shaybaadhka

5- Maxamed Axamed Xuseen                            wuxuu helay Caafimaadk

6-abdikraiim Aadan Cabdi                                  wuxuu helay caafimaadka Xoolaha

7-Cali Xuseen Abokor                                         wuxuu helay Beeraha

8-Axmed Ibraahim Muxumed                         wuxuu helay Caafimaakda Xoolaha

War-Saxaafadeed:Weftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland : Axmed (Siilaanyo) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Iskaashiga iyo Mucaawimada dibadda ee Ingiriiska Md. Andrew Mitchel.,

JAMHUURIYADDA                 SOMALILAND

   Republic of                        SOMALILAND

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada  JSL
 Date: 05/12/2010
Hargeisa
War-Saxaafadeed

Weftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo wali ay u socoto booqashadii ay ku joogeen dalka boqortooyada Ingiriiiska, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Iskaashiga iyo Mucaawimada dibadda ee Ingiriiska Md. Andrew Mitchel.

Kulankan oo ay Madaxweynaha ku weheliyay Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed C/llaahi Cumar, Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, iyo Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada Xirsi X Cali.  Waxa uu Md. Andrew Mitchel ugu horeyntiiba  ku hambalyeeyay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo doorashada loo doortay kursiga madaxtinimada Somaliland, isagoo shacbiga reer Somaliland ku bogaadiyay sida nabadgalyada leh ee doorashadaasi ku dhacday. Wasiirka Iskaashiga iyo Mucaawimada dibadda ee Ingiriiska Md Mitchel waxa uu intaasi ku daray in dowladda Ingiriisku kor u qaadi doonto taageerada ay siiso Somaliland shanta sanno ee soo socda.

Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisu waxay si mug leh oo balaadhan uga warbixiyeen qorshayaasha lagu horumarinayo dalka iyo dedaalka xukuumada Somaliland ugu jirto kor u qaadida hawl-galada ka socda dalka ee ku wajahan horumarka iyo dhismaha dalka. Waxaanay halkaasi ku soo bandhigeen oo sharaxaad ka bixiyeen weftigu qorshayaasha xukuumada ee dhinacyada waxbarashada , caafimaadka, biyaha iyo horumarinta kaabiyada dhaqaalaha sida dhismayaasha dekadaha, garoomada, waddooyinka, Leydhka iyo isgaadhsiinta.

Madaxweyne Siilaanyo Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Wasiirka Iskaashiga iyo Mucaawimada dibadda ee Ingiriiska Md. Andrew Mitchel waxa kale oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka iyo wada shaqaynta labada dal ka dhexeysa (Somaliland iyo Ingiriiska), gaar ahaana waxay si aada uga wada xaajoodeen xagga nabadgalyada, fidinta dimuqraadiyada iyo adeegyada bulshada ee ay dowladda Ingiriisku gacanta ka geysato.

Kullankan labada dhinac dhexmaray waxa uu ku dhamaaday jawi guul iyo is afgarad ah, waxaanay madaxweynaha iyo weftigiisuna uga mahadceliyeen dowladda Ingiriisku sida qiimaha leh ee ay ugu soo dhaweeyeen dalkooda iyo kaalmada joogtada ah ee ay u fidiyaan Jamhuuriyada Somaliland.



ALLAA                         MAHAD                             LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )
    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Saturday, December 4, 2010

Tacsi Ku Socota Marxuum Mustafe Cilmi Kaahin


Tacsi  Ku Socota Marxuum  Mustafe Cilmi Kaahin
 Aamin Xasan Daacad,Sayid Hassan abdilahi,Abdirisaq Maxmed Yousef,Salman Maxauud Abdilahi, Mubaarig Abdirisaq Bashiir,Khadar Axmed Faarax,Cumar MAxamed Cali,Maxmed Ahmed Osman,Abdisalan Cawil Dirir,Mustafe Muse Maxamed,Abdirisaq Jaamac Abdi,Mukhtaar maxamed Abdilahi,Abshir Maxamed Abdilahi,Maxamed XEEF,Khaalid Nafyar,Farxaan dheer,Xamse Ahmed mohamed,Abdiqani Baxnaan,Farxaan Fayfle,Maxamed Ahmed Abdinaser Saleban aw daahir,Abdicasiis saleban awdaahir,Abdilahi ,Guuleed Abdi Aw Daahir,, Maxamed Axmed Ismaacil, Layla Maxamed Cumar, Axmed Xasan Cabdilaaahi,Raxma Deeq Cabdi, Maxamed C/Laahi Axmed Xamda Maxamed Muxmed,Liiban Cabdi Aw Daahir, Xayaad Xasan Siciid, Khadar Cumar xuseen, kawsar Xuseen , Fatxi Maxmed jaakuli, farduus Maxmed, Hibaaq Muctaad C/laahi, Xamse jaamac,MaX'ed Daahir,Farxiya Cawil Cabdi And Eng: Hamse Kaise Ahmed Digaale.
 iyo Dhamaan, Maamulka, Macalimiinta, Ardayda, Shaqaalaha ka Hawlgala Dugsiga Sare ee BVTC Candlelight  waxay Tacsi u Tiiraanyo leh u Dirayaan Eheladii Iyo Qaraabadi uu ka baxay Marxuum Mustafe Cilmi Kaahin , oo ku geeryooday magaaladda Burco 2/12/2010, Khamiis.
Ilaahayna waxaan ugua baryanaa marxuum ka inuu Naxariista  janada  ka Waraabiyo . Aamin......Aamin...........Aamin.


XIGASHO TOGDHEERNEWS

Madaxweyne-Xigeenka Ahna ku Simaha Siilaanyo oo maanta la Kulmay Wafti ka Socda Hay'adda UNHCR

Madaxweyne-Xigeenka Ahna ku Simaha Siilaanyo oo maanta la Kulmay Wafti ka Socda Hay'adda UNHCR PDF Print E-mail
Saturday, 04 December 2010
Madaxweyne-Xigeenka Ahna ku Simaha Siilaanyo oo maanta la Kulmay Wafti ka Socda Hay'adda UNHCR


JAMHUURIYADDA                 SOMALILAND
   Republic of                         SOMALILAND
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada  JSL
Email:
: private) cukuse@hotmail.com This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it afhayeenka_jsl@yahoo.com This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it , afhayeenka@gmail.com This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it ,(E-m
 Date: 04/12/2010
Hargeisa

War-Saxaafadeed

Madaxweyne Ku-xigeenka JSL, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha JSL  MUDANE: CABDIRAXMAAN CABDILAAHI ISMAACIIL (SAYLICI) Waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti uu hogaaminaayo MR. ANTONIO GUTERRES  oo ah Sarkaal ka socda Hay’ada Qaramada Midoobay u Qaabilsan Qaxoontiga Aduunka ee UNHCR Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Weftiga Faah-faahin kasiiyey Xaaladda guud ee Dalka ee Dhinaca Dhaqaalaha iyo Nabad-gelyada waxa kale oo uu Madaxweyne ku xigeenku weftiga uga Xog-waramay inay Somaliland ku sugan yihiin Dad Badan oo Kuman-naan gaadhaya oo  qaxoonti ah kuwaas oo Culays wayn ku haya Dalka isla markaana aanay Hay’addan UNHCR aanay u aqoonsanayn qaxoonti balse ay u taqaan Bara-kacayaal noloshoodana aanay wax kaalmo ah ka gaysan Madaxweyne ku xigeenku waxa uu tilmaamay inay Qaxoontigaasi ka soo  Galaan Wadamada Deriska la ah Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu Weftiga ka codsaday inay Dadkaa qaxoonti u Aqoonsadaan oo ay Gacan ka siiyaan Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Hay’ada UNHCR ku amaanay kaalmada Binu-aadan-nimo ee ay Somaliland u gaysatay 19 sanno ee uu dalkani jiray.

Madaxa Weftiga MR. ANTONIO GUTERRES Oo ah Sarkaalka u sareeya ee Hay’adda UNHCR oo isna halkaa ka hadlay ayaa Madaxweyne ku-xigeenka iyo Xukuumada somalilandba uga mahad-naqay soo dhawayntii lagu soo dhaweeyey Dalka waxaanu si mug-leh uga waramay Hay’ada uu madaxda ka yahay ee UNHCR iyo Shaqadeeda, waxaanu sheegay inay UNHCR diyaar u tahay inay Somaliland kala Shaqayso Hawlaha Binu-aadannimo ee ay u xil-saarantahay waxaanu ka garaabay Culayska Dadka Qaxoontiga ah ee Dalkeeda ku sugan.

Dhinaca Somaliland Waxa Madaxweyne ku-xigeenka kulanka ku wehelinaayey Wasiiradda Warfaafinta,Duulista iyo hawadda, Waxbarashadda, Arrimaha Guddaha, Caafimaadka, Kaluumaysiga iyo Wasiirku Xigeenka Arrimaha Debeedaa.

Dhinaca Weftiguna waxay ka koobnaayeen Sarkaalka ugu sareeya Hay’adda UNHCR, Sarkaalka UNHCR Madaxda uga ah Africa iyo Sarkaalka UNHCR u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya.















ALLAA                         MAHAD                             LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )
    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Samaale oo Dalka Dib ugu soo Noqday, kana Hadlay Mooshinka Xil ka Qaadista Shir gudoonka Wakiiladda

Hargaysa-(Togdhnews)-Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland C/casiis Maxamed Samaale ayaa maanta faahfaahin ka bixiyay kulamadii ay yeesheen intii safarka ugu maqnaayeen dalka Dibediisa.
Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Adis Ababa isla markaana si weyn saxaafada kula hadlay Degmada Wajaale halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay ayaa sheegay inay dhamaan kulamadii ay yeesheen ay ugu dhamaadeen guul iyo asgarad, waxaana uu xusay inay Adduun waynuhu si weyn ula riyaaqay Golaha Wakiilada Somaliland oo uu sheegay inay ku tilmaameen Gole Dimoqraadi ah.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada C/casiis Maxamed Samaale oo ka hadlay Mooshinka la horkeenay golaha Wakiilada ayaa sheegay inay xildhibaanadu xaq u leeyihiin in mooshin la horkeeno Golaha balse ay muhiim tahay inuu maro sifaha sharciga ah ee u yaala dalka iyo Golahaba, waxaana uu ku eedeeyay Xildhibaanada wada Mooshinkani inay yihiin kuwii ugu habsanka badnaa Golaha ee inta badan ku marmarsoon jiray xanuunka, waxaana uu tilmaamay Golaha Wakiilada inuu yahay gole gudanaya Waajibkiisa isla markaana waxyaabo badan u qabtay dalka soona shuruuc badan.

Baraf Xoogbadan oo ka dhacay Casimada Uk ee London

30/11/2010 UK london Waxaa maagalada Lonodon Manta lagu arkayey Baraf Xoog Badan taas oo aad meel kasta oo aad martid ku arkaysay, wana markii igu horaysay oo aan arko Baraf Noocan oo kale iyada oo aad ku arkay meel kasta oo aad martid caruurta oo ku ciyaraysa barafka iyo dadka waawayn oo aad farxadi ka muqato taas oo aan u Qadan Wayey, meelaha qaar ayaad modaa in aad garan waydo barafka awgeed ,, waxa baryahan wadamada yurub lagu arkayey baraf xoog badan iyo dabaylo taas oo keentay in isku socodka wadooyinku xirmaan , london waa magaalo aad u wayn lagamana dareemo dhib marka dhinaca barafka oo waxaba ay dadku rabaan barafka iyaga oo meel kasta aad ku arkaysid iyaga oo isku tuurtuuraya barafka ,,
Bal hadaba sawirada nala daawada.


Garoonka Diyarahada Burco Aya Tan Iyo Markii bishii 9aad markii dib loo furay Diyaaradi soo fadhiisatay

Burco(burcotoday) Garoonka Diyarahada Burco Aya  Tan Iyo Markii bishii sagaalaad Diba Loofuray Ayay Soo Caga Dhigatay Diyaaradii u Horaysay Diyaaradan  Oo ahayd Diyarad Yar  oo uu Rarnayd  Hayada Samafalka Ayaa Maanta Soo Caga Dhigatay Garonka Diyarada Burco Airpot  Maareeyaha Airportka  Burco Abdi Yaasin  Oo Saxafada Uga  Waramay Maanta   Xafiskiisa Aya sheegay In ay Faaido Wayni Ugu Jirto Gobolka Togdheer Dib U Furida Garoonka  Taasoo Uu  Sheegay Inu Ka Qayb Qadan Doono Kobaca Dhaqaalaha Gobolka Iyo Horumarka Gobolkaba Madaarku Mar Hadii Uu Dib Shaqadii Uu Bilabay Oo Dulimadayadii Diyaaradu Ka Bilamen  Garoonka.
Ilaa Iyo Markii Madaarkan Burco Dib Loo furay Ee Uu Xadhiga Ka Jaray Wasiirka Duulista Hawad Iyo Gaadiika Cirka Maxamed Xaashi Cabdi Ayaan Ila Hada Anay Soo Caga Dhigan Wax Diyaarada Oo Ka Socada Shirkadaha Diyaaradaha Ee Ka Shaqeeya Dalka Taasoon Ila   Hadda Aanay Wasaarada Dulista Hawada Iyo Gadidka Cirku Sheegin Waxay Diyaradu Uu Adegsan Wayen Garoonka Burco .
Bales Maanta Ayaa Diyarada U Rarnayda Hayada Samafal  Ay Soo Cag Dhigatay Taaso Rajo Wayn Galisay Dadwaynaha Reer Burco Markii Ay Arkeen Maanta Garoonkii Oo Diyaaradi Soo fadhiisatay Tasoo Ay Maanta Dadwayna Reer Burco Iska Waraysanayeen Diyaarada Soo Fadhiistay Madaarka Burco.

Rag Hubeysan oo dhaawacay C/laahi Yusuf Walaalkii..

Rag ku hubeesnaa hubka fudud ayaa dhaawac culus gaar siiyey Col. Warsame Yusuf Axmed (Yey)  oo ah nin la dhashay Col. C/llaahi Yusuf Axmed xilli uu ku sugnaa bartamaha waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Sadex nin oo ku hubeesnaa bastoolado ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen Col. Warsame isaga oo kasoo baxay masaajid salaada cishada kadib, waxaana rasaasta ay ka haleeshay luqunta sida ay goob joogayaashu xaqiijinayaan.
Saraakiisha ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inay wadaan howl galo ay ku baadig-oobayaan kooxaha falka ka dambeeyay, iyadoo saacadihii la soo dhaafay ay qab qabteen dad gaaraya tobaneeyo ruux.
Col. Warsame ayaa rasaasta lagaga dhifay qaarka hore ee jirkiisa, waxaana xaaladiisa ay tahay mid halis ah, oo xaalad koma ah uu ku jiro sida ay sheegeen dhaqaatiirta baxnaanineysa.
Magaalooyinka Puntland ayaa si xiriir ah waxaa uga dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanayay mas’uuliyiinta iyo saraakiisha Ciidamada, iyadoo maalmo ka hor maalin cad bartamaha boosaaso lagu dilay G/Dhexe Jaamac oo ahaa gudoomiyihii maxkamada darajada koowaad ee gobolka

Sh. Aadan Siiro Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Eedaysanaha Jarmalka ah ku Fuliso Shareecadda Islaamka

Friday, 03 December 2010
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Aadan Siiro) oo ka mid ah Culimada waa weyn ee Somaliland ayaa ugu baaqay xukuumada in si deg deg ah Shareecada Islaamka loogu xukumo ninka Jarmalka ah eek u eedaysan inuu ku kacay falal Anshax xumo ah.
Sheekh Aadan Siiro oo khudbadii Jimacaha Boqolaal kala hadlay Masjidka Xawaadle ayaa si adag ugu hadlay eedaysanahan Jarmalka ee fara xumaynta u gaystay hablo u dhashay Somaliland.
Sheekh Aadan Siiro ayaa ka dhawaajiyay in si dhakhso ah loo xukumo ninkaasi oo uu sheegay inay lagu helay cadaymo muujinaya inuu ku kacay falal danbi oo si weyn uga soo horjeeda Diinta Islaamka iyo dhaqanka Suuban, waxaana uu xusay inay cadaymo uu hayay uu u gudbiyay Xukuumada dhawr todobaad ka hor balse ilaa haatan ay ka caga jiidayso.

Kulamo Duceedyo la Doonayo in Lagu Damiyo Xammaasadda Kulul ee ka Tagaan Golaha Wakiillada

Mudanayaal digniin culus u diray Madaxweyne Siilaanyo, xildhibaanno ka noqoday mooshinka ay saxeexeen iyo lacag laga soo qaaday mid ka mid ah mudanayaasha hunguraynaya kursiga 1aad ee Shirguddoonka


“Madaxweyne, ina kala badbaadi oo yaan been laguu sheegin, dagaalkana lugahaaga ha la soo gelin”
Md. Siciid Cilmi Rooble

“Mooshinkaasi waan ka noqday…waxa kale oo ka noqday mudanayaal kale oo uu ka mid yahaya Md. Maxamed Cali Xirsi, sababtuna waxa weeye..”
Md. Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale

Hargeysa (Jam)- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md.. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inay siyaabo gooni-gooni ah kulamo hoose ula yeesheen mudanayaasha Golaha Wakiillada ee ay isku deegaanka yihiin, iyagoo doonaya in la damiyo xiisadda ka dhex taagan mudanayaasha, isla markaana meesha laga saari lahaa mooshinka golaha horyaal ee muranka aloosay.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulamada masuuliyiintaasi la yeesheen mudanayaasha ay isku deegaanka yihiin ee golaha ku jira. Has eyeeshee, siday Jamhuuriya u xaqiijiyeen xalay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, waxa madaxweyne-ku-xigeenku xalay kulan la yeeshay qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada, kaas oo ujeeddadiisu ahayd sidii loo damin lahaa xiisadda ka taagan golaha ee ka dhalatay dooda xeerkii kala xadaynta mushaharooyinka iyo mooshinka la doonayo in dib-u-habayn lagu sameeyo xeer-hoosaadka golaha, mooshinkaasi oo xamaasad kulul ka dhex abuuray mudanayaasha, loona arko mid salka ku haya sidii xilka looga qaadi lahaa shirguddoonka wakiillada.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa tibaaxay inay iyaguna habeenkii Arbacada iyo ilaa xalay kulamo la lahaayeen qaar ka mid ah mudanayaasha wakiillada, iyada oo la sheegay inay ku dhiirigeliyeen  muanayaasha ay sida gooni-goonida ah u la kala kulmeen sidii loo damin lahaa xiisadda golaha ka taagan, isla markaana loo hakin lahaa mooshinka xiligan 29-ka mudane golaha horkeeneen ee laa doonayo in lagu rido xubnaha shirguddoonka wakiillada.
Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogayn natiijada ka soo baxday kulamada mudanayaasha wakiillada ka tirsan iyo masuuliyiinta kale ee qaranku yeesheen, haddana waxa soo baxaya warar sheegaya in lagu kala furfuray mudanayaashii watay mooshinka wax lagaga beddelayo xeer-hoosaadka golaha, iyagoo qaar ka mid ah xildhibaannada mooshinkaa saxeexay Jamhuuriya u xaqiijiyeen inay kala noqdeen taageeradii ay u hayeen mooshinka ay hore u saxeexeen.
Md. Bashiir Sheekh. Xuseen Tukaale oo ka mid ahaa mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee saxeexay mooshinka shirkuddoonka loo gudbiyey ee la doonayo in wax-ka-beddel lagu sameeyo xeer-hoosaadka golaha, ayaa ku dhawaaqay in isaga iyo xildhibaanno kale oo uu ka mid yahay Md. Maxamed Cali Xirsi  ka noqdeen  saxeexii mooshinkaas.
Xildhibaan Tukaale oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay si wax looga weydiiyo sababta ku kelliftay ka noqdoshada, ayaa caddeeyey inuu mooshinkaasi ka noqday, kadib markii uu arkay in mudanayaal golaha ka tirsan doonayaan inay sifo qalloocan u adeegsadaan mooshinkaasi, isla markaana uu dhaliyey in la bilaabo olole iyo loollan loogu jiro sidii loo buuxin lahaa xubnaha shirguddoonka, haddii xilka laga qaado.
“Mooshinkaasi waan ka noqday.. oo waxa kaloo ka noqday mudanayaal kale oo uu ka mid yahaya Md. Maxamed Cali Xirsi, sababtuna waxa weeye mooshinkii aanu ugu tallogalnay in aanu xeer-hoosaadkayaga ku haggaajisano, ayaa dhinac kale loola baydhay oo durba rag baa murrashaxiin noqday oo olole bilaabay Waxaan idiin sheegayaa inaan Anagu shakhsiyan joojiyay oo ka noqday mooshinkan aan saxeexay, kadib markii aan arkay in xildhibaanno ay kale wax u wadaan oo danno siyaasadeed oo kale ka leeyihiin mooshinkan wax-ka-beddelka xeer-hoosaadka golaha oo aan arkayay mid caadi ah oo la mid ah shuruucda kale ee wax laga beddelay.markaa ninkii muraad kale lihi gogol kale ha furto.  Anigu iska daacad baan ahaa laakiin waxaan ogaaday in mudaneyaal dano gaar ah ka leeyihiin mooshinkan. Waxaan u arakayay in xeer-hoosaadka golaha wax laga beddeli karo sida xeerarka kaleba. Sidaas darted, waxaan idiinku celinayaa inaan joojiyay mooshinkan,” ayuu yidhi Md. Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale.
Geesta kale, mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada oo ka mid ah xildhibaannada gudbiyey mooshinka lagu dalbanayo in wax-ka-beddel lagu sameeyo xeer-hoosaadka galahooda, ayaa digniin culus u diray madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa, iyaga oo caddeeyey in haddii xukuumaddu faragelin ku samayso ay dagaal la geli doonaan, waxayna madaxweynaha uga digeen in aanu maqal wasiirrada iyo masuuliyiinta doonaya inay isku diraan Golaha Wakiillada iyo xukuumadda cusub.
Sidaana waxa lagaga dhawaaqay shirjaraa’id oo ay shalay si wada jir xarunta Golaha Wakiillada ugu qabteen toddoba mudane oo sheegay inay ka mid yihiin 50 mudane oo doonaya in wax-ka-beddel lagu sameeyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, iyagoo sheegay habayaraatee in aanay jirin qorshe lagu doonayo in lagu rido xubnaha shirguddoonka.
Md. Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudanayaasha wata mooshinka xeer-hoosaadka wax lagaga beddelayo oo shirkaa jaraa’id ka hadlay, waxa uu yidhi; “Waxaannu ka xunahay annagoo ah raggii ku garba beelay KULMIYE ee aad ogaydeen in xoogayagii iyo xoolahayagiiba halkay mareen, waxaa nasiib-darro ah in maanta nalagu yidhaahdo xukuumadday ridayaan oo yaa odhanaya wasiirrada shalay laga keenay hawd iyo Maraykan. Rag baa jira iyagoo toban kun oo dollar qaata oo kombuyutar sidaa u dulfadhiya la yidhi kaa lama magacaabayo.
Nin wasiirrada xukuumadda ka mid ah baa shalay waxa uu ku hadlay oo uu yidhi, waxa waxan oo dhan wada nimankii xisbiga ku hadhay ee wasiirrada waayey iyo niman Barlamaanka ku jira oo malaha iyaguna xilal doonayey oo KULMIYE ah, dabadeedna kuwaas baa iskaashaday, meeshana cadho ayaa socotoo, kadibna nimankii UDUB-na waa la kaxaystay. Wallaahi iyo Billaahi, taasaa nala yidhi ee ma naga qabataa ninka hashayadii maalaya, inuu caanaheeda iska cabbo mooyaane may ahayn inuu shuqa-shuqeeyo. Nin baa hore u yidhi, ‘Dameertu geela ha didisee qururufteetaan diiday!’.
Ma maanta nala odhanayaa, dabadeetana waar maxay wadaan isagiibay ridayaan haddana. Anigu lama hadlayo UCID iyo shacabka kale ee waxaan ka hadlayaa wixii 26-ka wasiir, madaxdan qaranka ee KULMIYE isku tilmaamaysa ee haddana diraadiraalaynta wada.
Haddii halkaa wax ka xumaadan annagu dagaal ma wadno, madaxweynahayaga waxaan leeyahay waa Siciid ninka kula hadlayaa, ma wadno dagaal, mana wadno qaran dumin. Niman ku waajahan baanu nahay shir-guddoonkayaga oo xaqbaanu u leenahay in aanu samaysano xeerkii eryayey ninka candhuufta ku tafa, laakiinse iminka kuma jirno qorshaheeda, mooshinkana waa kii xeer-hoosaadka ee iyaga awooda siinaayey.
Ragga leh marka kuwan la rido, ayaa adigana madaxweyne Siilaanyooy lagu ridayaa, haddaad madaxweyne qaadato kuwaa hadalkooda waa nasiibkaa, dagaal uma jeedo horena anigu waxaan u idhi xisbigayga waxaan ku raacsanahay xaqa, haddii laga baydhana ka ugu horreeya ee ka horyimaaddaan ahay. Haddii maanta xukuumaddu dagaal nagu bilawdo; nimanyahay dhagaysta oo shacbiyow dhex noo noqda oo markhaatibaan idin gashanayaa idinka, waxaannu ka digaynaa haddii ay farogalin nagu samayso xukuumaddu iminkaba tu dahsoon baanu arkaynaaye, iyagu waxay leeyihiin idin maanu faragelin, laakiin xildhibaannadii ugu dhadhawaa waa nalagala hadhay, ayaan baa jirta aan tilmaami doono haddii loo baahdo.
Madaxweynaha iyo ku-xigeenkaba raaskooda iyo ardaagoodu soomuu saarin ee qarankaas dhan ee Somaliland baa soo saaray, Maxamed Case-na soo ma saarin, Maxamed Abokorna sooma saarin. Markaa waxaan leeyahay anigu waxaan xukuumadda uga digayaa inay na soo farageliso. Aniga Illaahay wuxuu igu ogyahay xaqa, waxaanuna kuu haynaa madaxweyne gole kula shaqaynaaya oo sidii u dhan yahay diyaar u ah inay ku maamuusaan oo wax kula qabtaan oo doonaya inuu la jaan-qaado xukuumaddaada ee ina kala badbaadi madaxweyne, beena yaan laguu sheegin dagaalkana madaxweyne lugahaaga ha la soo gelin.”
Waxa kale oo shirkaa jaraa’id ka hadlay Md. Axmed Ducaale Bullaale oo sheegay in mooshinka golaha la horkeenay looga gol leeyahay sidii loo hagaajin lahaa xeer-hoosaadka golaha, isaga oo meesha ka saaray in aanay waxba ka jirin wararka dacaayadaha ah ee la leeyahay waxa mudanayaasha goluhu doonayaan inay ridaan xukuumadda iyo xubnaha shirguddoonka.
“Xukuumad la ridayaa ma jirto, shirguddoon la ridayaana ma jiraan ee shirguddoonkayagu cabsida ha iska daayaan oo golahooda ha yimaaddaan, waxaanan doonayaa inaan qeexo in aannu doonayo in goluhu midoobo iyo in aan xeer-hoosaadkayaga haggaajisano,” ayuu yidhi Md. Axmed Ducaale.
Md. Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde oo ka mid ah shirguddoonka golihii wakiillada ee hore oo isaguna shirkaa ka hadlay, ayaa xusay in Golaha Wakiilladu ku dhisan yahay xeerar iyo qawaaniin u yaal iyo sidii mudanayaashu ugu dhaqmi lahaayeen. Waxaannu sheegay in haddii aan lagu shaqayn xeerarka ay waxyaabo badani qaldamayaan, isla markaana horumarku ku jiro hagaajinta golaha iyo xeerarkiisa.
Waxa kale oo Md. Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde  halkaa kaga dhawaaqay in mudanayaasha xisbiga UDUB ka soo baxay ee uu xubinta ka yahay aanay ku hawlanayn qorshe wax loogu dhimayo madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadda cusub, wixii sax ahna ku taageeri doonaan, wixii khaldanna ka qaban doonaan, isaga oo xusay in mudanayaasha UDUB kulankii u horreeyey ee madaxweynuhu Golaha Wakiillada kula yeeshay huteelka Ambassador ee markii la doortay ay ugu caddeeyeen inay si buuxda ula shaqayn doonaan xukuumaddiisa.
Dhinaca kale, warar aan si cad loo xaqiijin oo sheegaya inay jiraan qaar ka mid ah xildhibaannada u ololaynaya meel-marinta mooshinkan xasaasiyadda huwan oo gelinkii dambe ee shalay lacag ka soo qaaday mid ka mid ah xubnaha hungurigu ka hayo inay ku fadhiistaan kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, kuwaas oo la sheegay inay ilaa xalay ku hawlanaayeen soo xero-gelinta mudanayaal buuxin kara ansixinta mooshinka lagu dalbanayo wax-ka-beddelka xeer-hoosaadka golaha oo la tuhunsan yahay inuu salka ku hayo qorshe lagu ridayo xubnaha shirguddoonka.

Qarax Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo ka Dhacay Xaafadda Islii ee Nairobi

Abaaro  8:00 Subaxnimo ayaa gaadhi ay saarnaayeen ciidanka boolika ee dalka Kenya ayaa wax dhacay qarax, waxaan halkaas ku dhintay Mid ka Mid ah askarti Gaadhigaas Saaarna, qaar kalana way ku dhaawacmeen.Qaraxan ayaa ka dhacay Xaafadda Islii qaybta loo yaqaan  'Section Three' ee xaafadda Islii (Eastleigh). Madaxa qaybta booliska ee qaybta oo ka qarax ka dhacay Kinuthia Mbugua ayaa xaqiijiyey dhimashada askariga oo lagu sheegay in uu ahaa Darawalkii gaadhigaas waday.
Qaraxaan ayaa  wararku sheegayaan in qof aan la garanayn uu ku soo tuuray bambo gaadhiga ay saarnaayeen booliska, halka warar kalena sheegayaan In Qaraxu ka dhex qaraxay Booliska gaadhigaa watay.
Booliska Kenya ayaa bilaabay baaritaan ay ku ogaanayaa wixii meesha ka dhacay. Gaarigii qarxay ayaa wali yaala goobtii uu qarax ka dhacay.
Dadweynaha ku nool xaafadda Islii ayaa ka cabsi-qaba in qarxaan maanta dhacay uu dhibaato u soo jiididoono ayada oo laga yaabo in ciidamo badan lagu soo daadiyo xaafadda Islii halkaasna ku xirxiraan dad badan oo isugu jira wax sharci leh iyo kuwa aanan sharci lahayn.

Friday, December 3, 2010

Laas-caanood: Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Oo Sheegtay Inay Ku Guulaysatay Heshiisiinta Laba Beelood Oo Collaadi Ka Dhexaysay Muddooyinkii Ugu Dambaysay.

Laas-caanood (BCT) Wasiirka Arimaha Guddaha Somaliland Dr Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa maanta magaalada Hargeysa ka shaaciyey in la soo af-jaray colaad dhex taalay labada beelood ee Fiqishini iyo Xasan Ugaas oo wada dega deegaanka Gobolka Sool.
Sidan waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku sexeexan yahay Af-Hayeenka Wasiirka Arrrimaha Gudaha Maxamed Cismaan Dubbe, kaasoo lagu sheegay in Wasaarada Arimaha Guduhu ay soo af-jartay  colaad labadaa beelood ee walaalaha dhextaalay, isla markaana laga gaadhay heshiis kama dambays ah oo lagu dhameeyey colaadan oo ka dhalatay dilkii Taliyihii Ciidanka Asluubta Gobolka Sool, marxuum Cabdi Ciise Nuur oo  lagu dilay magaalada Laascaanood taariikhdu markay ahayd 31August  2010.

War-saxaafadeedka ay Wasaaradu ka soo saartay colaada ay dhamays ee labada beelood ee walaalaha ah, isagoo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan:- “Waxa heshiis kama dambeys ah  laga gaadhay khilaaf u dhexeeyey beelaha Fiqi- Shini iyo Xasan Ugaas kaasoo ku saabsanaa dilkii  Taliyihii Ciidanka Asluubta Gobolka Sool, marxuum Cabdi Ciise Nuur oo  lagu dilay magaalada Laascaanood taariikhdu markay ahayd 31August  2010.

Iyadoo waajibaadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha  JSL u xilsaaran tahay  ay ka mid yihiin sugidda amniga iyo   qaboojinta dhibaatooyinka ka dhex dhaca beelaha reer Somaliland, ayaa isla markiiba waxay  Wasaaradda Arrimaha Guduhu  xil weyn iska saartay siddii xal nabadeed loogu dhameyn lahaa. labada beelood ee midna marxuumku ka  dhintay midna gacantooda ku dhintay aanay colaad iyo dhibaato kale uga sii dhex aloosmi lahayn.

Haddaba 28-kii  October 2010, ayaa labada beelood ee walaalaha ah waxay isku soo hor fadhiisteen shir waan- waan nabdeed ah oo   ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool  si looga wada hadlo dilkii marxuumka kor ku xusan, waxaana nasiib wanaag  ah in shirkaasi  ku dhamaaday  guul iyo is af-garad dhex maray labada beelood ee walaalaha ah.

Labada beelood ee Fiqi Shini iyo Xassan Ugaas  waxay aad ugu mahadsan yihiin dulqaadka ay muujiyeen intii lagu guda jiray xalinta arrintaas, waxa kale oo mahad iyo bogaadin mudan  cid kasta oo ka qayb qaadatay xalinta iyo daminta dhacdadaas, sida  odayaasha labada beelood, Ugaasyada, Waxgaradka, Xildhibaanada, Culimo –aw- diinka iyo cid kasta oo ka hawl gashay in is af-garad lagu dhameeyo dhacdadaas.
Waxaana  guul weyn ah siddii dhaqanka Somaliland ahaan jiray in labada beelood ee walaalaha ah wixii kala gaadhay uu ku dhamaaday is af garad iyo wanaag dhex maray labada beelood.”

Bur-tinlle: Taliyihii Hore Ee Saldhiga Dhexe Booliska Xarunta Maamul-gobolleedka Puntland Ee Garoowe Oo Taagasho Qudha Lagaga Jaray Maanta Magaalada Burtinlle

Bur-tinlle (bct)Alle ha u naxariistee, waxa maanta lagu dilay Magaalada Burtinle oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Nugaal ee maamul-gobolleedka Puntland taliyihii hore ee Saldhiga dhexe booliska ee magaalada Garoowe Marxuum Axmed Jaamac Saalax.
Alle ah u naxaariistee Marxuumka maanta lagu dilay Magaalada Burtinlle, ayaa hore u ahaan jiray taliyaha Saldhiga dhexe ee booliska Magaalo madaxda dawlada Gobolleedka Puntland ee waqooyi bari Somaliya.

Gacan ku dhiiglaha geystay dilka taliyaha, ayaa ilaa hada la garanaynayn sababta dhabta ah ee uu dilaykan ugu kacay, isagoo ka baxsaday markii-ba goobtii uu dilka ka geystay, Ciidamada amaanka Magaalada Burtinlle, ayaa ilaa hadda ku daba jira sidii ay u soo qaban lahaayeen gacan ku dhiiglaha oo la sheegay in la gartay cida uu ahaa.

Maamulka degmada Burtinle, ayaa warbaahinta u sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay gacan ku dhiiglaha u soo qaban lahaayeen, si loogu qaado sharciga awooda u leh in lagaga jawaabo dilka uu marxuunka u geystay.

Marxuum Axmed Jaamac Saalax oo xilka taliyenimo ee saldhiga dhexe ee Magaalada Garoow ahaa wakhtigii uu Puntland hogaaminayay Madaxwayne Cadde Muuse.

Deegaanada ay ka taliso maamul goboleedka Puntland, ayaa bilihii u dambeeyay waxa ku soo badanayey dilal kala duwan oo si qorshaysan loogu ugaadhsanayo Masuuliyiinta kala duwan iyo dadka magaca ku leh deegaanada ay ka taliso dawlad Gobolleedka Puntland, iyadda oo aan ilaa hadda qof-na aan dilalkaas si toos ah loogu qaban falalkaas argagax leh ee hadheeyay deegaanadaas, kuwaasoo cabsi xoog lehna ku beeray dadweynaha ku dhaqan deegaanada kala duwan ee uu ka taliyo maamulkaasi.

Dhaxan Aad U Qabow Oo si Weyn Looga Dareemay Magaalada Hargeysa Labadii Toddobaad Ee Ugu Dambeeyay

Hargeysa (burcotoday)Waxa Magaalada Hargeysa aad looga dareemay labadii Toddobaad ee u dambeeyey dhaxab aad u qabow, iyadoo dadku ay dhaxantu ku khasabtay in ay xilli hore ay tagaan gurhayadooda wakhtiyada habeenka.U diyaar garowga dhaxantu waxa uu socdaa si xawli ah, iyadoo suuq-yada caasimada Hargeysa lagu arkayo dad aad tiro badan oo iibsanaya bustaal iyo koodhadhka ay dhaxanta ka gashadaan.

Ganacsada leh meherdaha yar-yar, ayaa sheegaya in qabowgu uu saamayn ku yeeshay ganacsigooda, taasoo sababtay in xilli hore ay albaabada u laabaan.
Waxa ay sheegeen in macaamiishoodu ay awoodi waayeen in wax ka iibsadaan wakhtiyada ay dhaxantu ugu daran tahay oo ah habeenkii ama fiidka hore ee habeenka, laakiin waxa ay arrintan ku tilmaameen mid dabiici ah sannad kasta wakhtigan oo kale la fisho.

Qaar ka mida dadka reer Hargeysa oo aanu wax weydiinay saamaynta qabowga, ayaa sheegay in cimilada aduunka ee is bedelaysaa ay keentay in uu yimaadu qabow xad-dhaafka ahi.

Waa wakhtigii ay ugu dhaxanta badnayd Magaalada Hargeysa ama dalka Somaliland oo dhan oo iyagana laga soo sheegayo dhaxan tan caasimada ka dhacayso oo kale ah.

Dadweynaha reer Hargeysa ama Somaliland, ayaa filaya in maalmaaha soo socda ay sii siyaadi doonto dhaxantu sida ay sadaalinayaan khubarada cimiladka oo inta badan sheegaya in laga yaabo aduunka oo dhan inuu ka dhici doono qabow aad u badan oo saamayn weyna ku yeesha dadweynaha aduunka dacaladiisa ku nool.

Thursday, December 2, 2010

Dilkii Ugu Argagaxa Badnaa ee ka Dhaca Burco.

Burco(Burcotoday) waxaa xalay saqdii dhexe lugu dilay ardey ka mid ah Form fourada dugsiga sare ee Candlelight ee magaalada burco marxuun la dhaho MUSTAFE CILMI KAAHIN.marxuunkan oo si xun lo dilay ayaa la gawaracay baliga dhoobane agtiisa, maydiikasana lugu soo qaadey gaadhi lana keenay Sayalada xoolaha agteeda, si akstaba ha ahaatee boliska ayaa ilaa imnka raad guraya nimankii ka damebeeyey falkaas waxshinimada ah.
Dakhaatiirta Caafimaadka ayaa sheegay inuu yahay Falkani Dilkii kii ugu Argagaxa Badnaa ee soo Mara, isla markaana yahay kii ugu horeeyay ee Noocisa ah ee ka dhaca Burco. waxaana dilkaas loo adeegsadey MINDI
waxaan aniga oo ah maamulaha shabakan wararka ee Burcotoday oo aanu marxuunkan isku class ahayn tan & form 1kii aan u tacsiyadaynaa  & dhamaan shaqaalaheeduna  halkan ka tacsiyadeyaa marxuunka MUSTAFE CILMI KAAHIN oo xalay saqdii dhexe lugu gawracay magaalaadan Burco, waxaanaa ilaahay uga baryaya inuu janadii fardawsa uu geliyo oo uu kashifo ragii dilay aamiin aamiin kuligiin muslimiintaay waxaan si aad ah idiinka codsanayaa inaad faataxada u martaan

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo munaasibad kulmisay masuuliyiin badan ku sagootiyay Wakiilka Kiiniya ee Somaliland+SAWIRO

Hargeysa (BCt)- Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland, Dr.  Xuseen Cabdi Ducaale Ayaa casho-sharaf sagootin ah u sameeyay wakiilka Somaliland u fadhiya wadanka Kiiniya, Md. Maxamed Nuur Axmed (Indho-buur), kaasi oo uu ku ammaanay sidii uu ugu fududeeyay hawlihiisa shaqo ka dib markii uu dhawaan safar ku tagay wadankaasi.

Casho-sharaftan oo ku qabsoontay Hoteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Daakhiliga, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka Kalluumaysiga iyo khadraadka Badda, Dr. Maxamed Yaasiin, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Yoonis Cawaale, Gudoomiyaha Baanka Maxamed Dirir, Wasiir ku xigeenka Maaliyada Siciid Cabdi iyo marti sharaf kale.

Masuuliyiintan oo munaasibada casho-sharafta ka hadlay ayaa si wayn u ammaanay hawlaha uu qaranka Somaliland u fadhiyo Md. Indho-buur.

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo isagu furay hadalka ayaa waxa uu ku bilaabay; “Maxamed Nuur Axmed ayaanu casho-sharaftan u samaynay oo aan ku soo dhawaynayaa oo berri ayuu wadanka ka  dhoofayaa, waanu wada soconay, oo Kiiniya ayaan safarkaygii iska soo raacnay, waa nin wufuud wayn ku leh wadanka Kiiniya oo ku dhashay, wadani ah, socdaalkii aan ku tagay hadii aanu albaabadii badnaa ii furin, waxyaalaha ii soo qabsoomay may ii suurto-geleen, waa ilaahay mahadii inuu nin isaga oo kale ah inoo joogo Kiiniya.” Ayuu yidhi Md. Ducaale.

Waxaanu wasiirka Macdantu intaasi ku ladhay; “Dalku waa dalkaagii ee ku soo dhawoow, waa dalka aad u maqan tahay ee aad u shaqayso. Shaqooyin badan ayaa Kiiniya nagaga xidhan, waad nala qaban doontaa wax badan.”

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibada, Maxamed Yoonis Cawaale ayaa isagu ku faanay in Wasaaradiisa uu ka mid noqdo Indho-buur, “isaga oo aanay jirin kharash aynu siino dawlada ahaan, hadana inuu xafiiska inooga furo Kiiniya wuu ku mahadsan tahay indho-buur, annaga sharaf bay noo tahay inuu wasaaradayada ka tirsan yahay nin noocan oo kale ah.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo khadraadka Badda, Dr. Maxamed Yaasiin ayaa isaguna ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadlay munaasibada casho-sharafta.

“Jaaliyad adag baa degan Kiiniya, gaar ahaan Nairobi, dadkii asalkoodu ka soo jeeday wadanka waa midhaha uu ka soo dhex-baxay Maxamed Nuur, hadaanay kuwaasi jirin, keligii waxba ma qabteen, waxay leeyihiin amaanta koowaad, isaguna wuxuu leeyahay ammaanka labaad. Markaa waa mid wasiirada u taala in xafiiska kiiniya la wayneeyo, waa mid dawlada u taala.

waxaan leeyahay Maxamed Nuur waan ku faraxsanahay inaad inaadeerkay tahay.” Ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysigu.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa isaguna erayo kooban halkaasi ka jeediyay.

“maamulka madaxweyne Siilaanyo iyo wasaarada arrimaha dibada, dib u magacaabista maxamed nuur waxay muujinaysaa inay tayo raadis tahay oo aanay ahayn hebel iska magacoow.”ayuu yidhi Gaboose, waxaanu hadalkiisa ku soo koobay, “Waxaanu ku leenahay soo dhawoow, waxaanan jeclahay in adiga oo jooga uu ictiraafku yimaado.”

Ugu dambayntii, waxa isagu hadalo mahadnaq ah halkaasi ka jeediyay Wakiilka Somaliland ee Kiiniya, Mr. Indho-buur oo u mahad-naqay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo isagu u fidiyay casuumadan sagootinta ah iyo Wasiiradii kale ee ka qayb-galay, isaga oo tilmaamay in Somaliland tahay mid la wada leeyahay qof u shaqeeya iyo mid aan u shaqayn toona, waxaana uu ku baanay in jaaliyadiisu tahay ta ugu adag jaaliyada ee Somaliland ee caalamka, isla-markaana ay ku dheertay wadaniyadu.

Wakiilka Somaliland u fadhiya wadanka Kiiniya ayaa ah masuulka keliya ee xukuumadu cusub haatan dib u magacawday.

SAWIRKA MAANTA Nin Reer Miyi Ah oo Maraya Laamiga u Dhexeeya Hargeysa & Berbera

Sawirka Maanta Ee Shabakada Caalamiga Ah Ee Burcotoday Waa  Nin Reer Miyi Ah oo Maraya Laamiga  u Dhaxeysa Magaalooyinka Hargeysa & Berbera,

Sawiradan Waxaa Soo Qaaday C/rashiid Jaamac Kaahin oo Ah Ninka Iska Leh Ee As-aasay Shabakadan Caalmiga Ah Ee Oodweynenews Ahna Tafa-tiraha Guud Ee Shabakada oo Safar Shaqo oo uu Ku Tegey Dalkii Kasoo Noqday Shalay,


Wakiilka Somaliland ee Sweden Eidarus Sh Adan oo soo dhaweeyey Gancasade Xaaji Mohamed Saciid Duacle, Dahabshiil

SWEDEN(BCT)- Wakiilka Somaliland ee Sweden ayaa maanta bisha kowda december 2010 ku soo dhaweeyey  magaalo madaxda Sweden ee Stockholm mudane Xaaji Mohamed Saciid Ducaale, Ku magac dheer Dahabshiil.  Kulankaas waxa goob joog ahaa Xildhibaan Amir Adan oo ku jira Barlamaanka Sweden(conservative Party), Mohamud Sh Ibrahim iyo Jamac Mohamed Aden, Dahabshiil Sweden,  Mohamed Bashe Xaaji Hassan, Dahabshiil London iyo marti sharaf kale.

Wakiilku waxa uu uga waramay arrimo ku saabsan baayacmushtarka iyo xidhiidhka dhaqaale ee ka dhexeeye Sweden iyo Somaliland.  Xaaji Mohamed Saciid Ducaale, Dahabshiil. Waxa uu ka waramey ujeedada socdaalkiisa iyo in uu jecelyahay in uu ka shaqeeyo xidhiidhka baayacmushtarka ka dhaxeeya Sweden iyo Somaliland. Xildhibaan Amir Adan ayaa isna soo dhaweeyey wefdiga una sheegay in uu diyaar u yahay in uu ka shaqeeyo sidii loo kobcin lahaa maagelinta shirkadaha Sweden ay ku sameeyaan Somaliland.

Kulankaasi waxa uu ka dhamaadey qado sharaf  iyo is afgarad.

 

 

Mohamud  Sh Ibrahim Stockholm Sweden


Wednesday, December 1, 2010

Gudoomiye Ciro Oo Sheegay In Ay Xildhibaanada Wakiiladu Xaq U Leeyihiin In Ay Golaha Hor Keenaan Mooshin Wal Oo Sharciga Waaafaqsan

Geneva(BCT)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md.Cabdiraxamaan Maxmed Cabdilaahi (Ciro) ayaa sheegay in Xildhibaanda Golaha Wakiilada Somaliland ay xaq u leeyihiin in ay Golaha keenaan mooshin wal oo sharciga waafaqsan.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro Oo safar shaqo ku guda jira ayaa waxa uu shiraasi ka sheegay mar uu waraysi siiyey idaacada VOA, waxa  uu sheegay in ay banaantahay in la badalo shir Gudoonka, si ay taasi u soortowdan ay tahay in la maro dariiqa sharcigu baneeyey.

 

Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro ugu horay ka hadalayey aragtidiisa ku wajahan Mooshin buuqa weyn ka dhaliey Golaha Wakiilada waxa uu yidhi “Marka hore horta waa arrin uu Dastuurku ogolyahay in la bedeli karo shir-guddoonka golaha wakiiladda iyadoo la raacayo xeer hoosaadka golaha u yaalla, xeer hoosaadka ayey ku caddahay tirada bedeli karta iyo tirada mooshinka keeni karta labadaba, horta marka waa inay buuxaan shuruudahii lagu keenaayey mooshinka isla markaana goob joog ay yahiin xubnahii mooshinka keenay, marka xeer hoosaadka golahu wuu ogolyahay in la keeno oo maamuska laga xayuubin karo Shir-guddoonka, marka xeer hoosaadku wuxuu dhigaya in tiro cayimani ay ka tuuri karto xilka, haddii ay tiradaasi timaaddo oo xilka ka tuurtana wuu fulaya haddii ay kalana dee wuu buraya”

Waxa kale oo Md.Ciro waxa laga weydiiyey sababta keenatay in mooshinkani uu ku soo beegmo wakhti uu Gudoomiyhii iyo Gudoomiye ku xigeenka kooqwaad ay dalka dibada ugu maqan yihiin waxa uu shheegay “Dee waxaa laga yaaba inaanay malaha wakhtigii ugu haboona ahayn laakiinse dee haddii sharcigu ogolyahay waa arrin la keeni karo golaha, dee marka fullintiisuna waxay ku xidhantahay shuruudaha sharcigu dhigaayo wax mamnuucayaana ma jirto in la keeno golaha ama aanu ka maqnaano ama aanu joogno eh” sidaan waxa yidhi Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cab diraxmaan Ciro.

Muushin Gilgilay Golaha Wakiilada Oo La Doonayo In Xilka Laga Qaado Shir Gudoonka

Hargeysa (BCT)- Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada ayuu hadheeyay muran ka dhashay mooshin la sheegay in xilka lagaga qaadayo shir-gudoonka Golaha Wakiilada , taasoo keentay in muran gacan ka hadli uu dhexmaro qaar ka mida mudanayaasha Golaha.

Fadhiga maanta ee Golaha waxa shirgudoominayay Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Md Baashe Maxamed Faarax iyadoo mooshinka maanta la horgeeyay Golaha Wakiilada ay soo gudbiyeen xildhibaano tiradoodu ay dhantay 32 mudane, mooshinkaas oo la doonayo wax ka bedel in lagu sameeyo xeer hoosaadka Golaha iyadoo sharcigani haddii la meelmariyo uu saamayn ku yeelan doono nidaamka xilka qaadista Shir-Gudoonka Golaha Wakiilada.

Mooshinka waxa Golaha Hadheeyay Buuq iyo Muran xoogan oo ka dhashay diidmo uu diiday Mooshinkaasi inuu qabto Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax oo Guddoominayay Fadhiga Maanta waxaanu buuqaasi sababay in uu xidho Shira isla markaana Dibeda uga baxo Golaha isaga iyo Xildhibaano ka mid ah Goluhu, hase yeeshee muddo kabacdi ayuu Golaha Dib u furay, waxaanu ka qabtay Mudanayaashii Mooshinka watay Mooshinkoodii isagoo cayimay fadhi danbe in la iskugu soo noqdo Axada Toddobaadka soo socda.

Mooshinka ay mudanayaashu soo hordhigeen Golaha oo faahfaahsanina waxa uu u dhignaa sidan:-

Ujeedo: soo jeedin

Anagoo kala ah Mudanayaasha ay magacyadoodu hoos ku qoran yihiin, anagoo tixraacayna Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland, qodobada kala ah 45aad, 49aad, 50aad, 53aad,

anagoo Cuskanayna Xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda Qodd. 37aad, faqradiisa 1aad iyo 2aad oo muujinya in mudanayaashu xaq ay u leeyihiin inay Golaha soo hordhigaan soojeedimo (Motions), Haddii tiradoodu ay dhan tahay 11 isla markaana ay soojeedintu qoraal tahay.

Anagoo ogsoon in Golaha Wakiiladdu uu ka baaqday gudashada in kabadan waajibaadkiisa iyo xilalkiisii Distooriga ahaa iyo waxqabadkii uu ka sugayay dadweynuhu,

Anagoo aqoonsam in Xeer Hoosaadku yahay furaha ama qalabka sharciyadeed ee ugu muhiimsan xil gudashada iyo fulinta hawlihiisa.

Anagoo garawsan in Xeer-hoosaadka Golaha Wakiiladda  loo Ansixiyay shan sano ka hor si qarbo-qarbo ah.

Anagoo ogsoon in mudadii uu Goluhu furnaa aan wax isbedel ah lagu samayn, iyadoo loo baahnaa in waayo aragnimo iyo khibradii golaha lagu buuxiyo xeer hoosaadka.

Anagoo ogsoon in mugdi iyo muran badani ka dhashay Xeer hoosaadka mudadii uu golahani furnaa taasina ay carqalad ku noqotay xilgudashadii Golaha.

Kadib markii ay soo baxeen galdaloolooyin farabadan oo Xeer hoosaadka ka muuqday oo u bqaahan in la daboolo.

Anagoo aqoonsan in qoddobo ka mid ah Xeer hoosaadku ay ka soo horjeedaan Distoorka iyo Mabaadiida Aaasaasiga ah ee Dimuquraadiyada

Anagoo ka niyad xun habdhaqanka kaas oo hoos u dhigay magacii iyo karaamadii golaha iyada oo ay gaadhay in mudanayasha laga baahiyo warbaahinta kadib markii ay soo xaadiri waayeen fadhiga golaha

Anagoo ogsoon in fadhiyada goluhu marar badan u furmi waayeen kooram la’aan iyadoo mudanayaal badani Caasimada ku sugan yihiin

Anagoo ogsoon inay jiraan Xildhibaano Golaha ka maqan muddo dheer oo gaadhaysa sanado, iyadoo aan laga qaadin wax talaabo ah Golahana aan la ogaysiin sababaha ay ku maqan yihiin

Anagoo ogsoon inay marar badan fadhiyada goluhu u baaqdaan, ama u furmaan si sharci daro ah, oo aan waafaqsanayn Distoorka iyo Xeer hoosaadka Golaha, taas oo mararka qaarkood fadhiyada golaha lagu baajiyo fariin telefoonada loo mariyo, halka uu sharcigu dhigayo in dibu dhigada fadhiyada lagu meel mariyo go’aan gole.

Anagoo ka duulayna mabaadiida Dimuquraadiyada ee Aasaasiga ah sida  wada xisaabtanka iyo Daah furnaanta( Transparency and Accountability), waxaanu Golaha u soo jeedinaynaa:-

A) in wax laga bedelo qoddobada Xeer hoosaadka ee soo socda

1.qoddob 12 faqrada 2aad oo u qoran sedan:-

Musharixiinta u tartamaya Guddoomiyaha iyo ku xigeenada Golaha cusub, jago kasta waa inaanay ka badnayn sadex xubnood oo ku yimaada soo jeedinta Mudanayasha sadexda Xisbi Qaran oo si Dimuquraadi ah uga soo tartamaya Xisbiyada Dhexdooda.

Waxaanu soo jeedinaynaa in loo bedelo sedan:-

Musharixiinta u tartamaya jagada banana ee shirguddoonka waxay mudanayaashu si Dimuquraadi ah ugu tartamayaan Golaha dhexdiisa jago kastana waxa u tartami kara hal Mudane iyo in kabadan.

2. qoddobka 16aad faqradiisa 1aad oo u qoran sedan:-

Waxa xubin kasta oo shirgudoonka kamid ah xilka laga qaadi karaa marka ay soo jeediyaan 27 xubnood, 55 xubnoodna u Codeeyaan xil ka qaadistooda marka laga reebo xubnaha banaanka shaqadooda laga baahiyay, waxa shirguddoonka waajib ku ah marka mudanayaasha tiradoodu kor ku xusan tahay ay qoraal ugu keenaan soo jeedintooda inay codayn u mudeeyaan iyaga oo u qabanaya muddo aan ka badnayn sadex maalmood oo shaqo kana yarayn 24 saacadood.

Waxaanu soo jeedinyanaa in loo bedelo sidan:-

A) xilka qaadista Shirguddoonka waxa soo jeedin kara 27 mudane

B) shirguddoonka waxa waajib ku ah marka ay mudanayaasha tiradoodu kor ku xusan tahay ay qoraal ugu keenaan soo jeedintooda inay codayn u mudeeyaan, taas oo ah ugu badnaan sadex maalmood isla markaana aan ka yarayn 24 saacadood.

C) Xilka qaadista xubnaha shirguddoonku waxay ku ansaxaysaa marka ay codeeyaan ugu yaraan 42 mudane (Absolute majority)

3. isla qoddobka 16aad faqradiisa 4aad oo u qoran (xil gudasho la’aan joogto ah),

waxaanu soo jeedinaynaa in loo bedelo sidan:-

xil gudasho la’aan joogto ah taas oo ku imanaysa ka maqnaansho Golaha 20 fadhi oo isku xiga Idan la’aan, waxa kale oo aanu soo jeedinyanaa in Faqradaha B, T iyo J ay kala noqdaan 5, 6 iyo 7.

4. waxaanu soo jeedinaynaa in meesha laga saaro Qoddobka 17aad, faqradiisa 1aad

5. waxa kale oo aanu soo jeedinaynaa in qoddobka 33 aad Farqadiisa 6aad oo u qoran sidan:-  Shir guddoonku ma fasixi karo 15 xubnood wax ka badan Hal fadhi kasta, haddii aanay Duruufi khasbin.

Waxaanu soo jeedinaynaa in loo bedelo:-

A)    shirguddoonku wuxuu Kal-fadhi kasta fasixi karaa ugu badnaa 15 xubnood wixii intaa ka badan Golaha ayaa Ogolaansho loo weydiinayaa

B)    fasaxa ugu badan ee shirgudoonku bixin karaa waa Hal kalfadhi ( Sideed Toddobaad), wixii intaa kabadan Golaha ayaa Ogolaansho loo weydiinayaa.

6. qoddobka 37aad, farqadiisa 6aad oo u qoran sidan:- shir guddoonku wuxuu soo hordhigayaa soo jeedinta Golaha haddii aanay soo jeedintu ka hor imanayn Distoorka Shurrucda Dalka ama Xeer hoosaadka Golaha, kadibna wuxuu ogolaanayaa in laga dodo.

Waxaanu soo Jeedinaynaa in lagu bedelo sidan:-

Waxa waajib ah in shir-guddoonku soo jeedinta soo hordhigo Golaha go’aan ka gaadhista soo jeedinta waxa iska leh Golaha, in laga dodo iyo inaan laga doodin, isla qoddobka 37aad farqadiisa 6aad oo sidan u qoran:- Haddii ay muuqato inaanay soo jeedintu waafaqsanayn Distoorka ama Shurrucda Dalka ama Xeer hoosaadka Golaha loo qaybin maayo Golaha, lagana Doodi maayo. Waxaanu soo jeedinaynaa in meesha laga saaro.

Waxa kale oo aanu soo jeedinaynaa

C)    in lagu daro Xeer hoosaadka qodobada soo socda:-

1.      Qoddobka 13aad, waxaanu soo jeedinaynaa in lagu kordhiyo farqada soo socota oo noqonaysa farqada 1aad una qoran sidan:- awooda ugu saraysa ee Golaha Wakiiladdu waa fadhiga Gola weynaha “Assembly”.

2.      fadhiga Gole weynuhu wuxuu awood u leeyahay inuu wax ka bedelo ama laalo qoddob ama qoddobo ka mid ah Xeer hoosaadka Kal-fadhi kasta oo loo baahdo

Allaa Mahad leh

Ka hor intaan Golaha la xidhin waxa mid mid u akhriyay Mudanayaashii Mooshinka saxeexay Xoghayaha Golaha Wakiiladda Somaliland.

CID-da oo Qirtay in Xeer-Ilaaliyuhu Codsaday in Sheikh Aadan Siiro Baadhitaan lagu Sameeyo, balse Sheegtay inaanay Arrinkaa Weli Fulin

Hargeysa (BCT)- Madaxa CID-da JSL Daahir Muuse Abraar ayaa warbaahinta u sheegay in Xeer-Ilaaliyaha Guud uu ka codsaday inay soo baadhaan Sheekh Aadan Siiro ka dib markii uu Sheekh Aadan si isdaba jooga uga hadlay kiiska nin Jermal ah oo ku xidhan Hargeysa.

Waxa maalmahan la isla dhexmarayey warar sheegaya in xukuumadda Somaliland ay Sheekh Aadan Siiro la damacsantahay xadhig.  Waxay arrintaasi ka dambaysay markii uu Sheekh Aadan Siiro si isdaba jooga uga hadlay arrinta nin ajnebi ah oo lagu xidhay Somaliland ka dib markii lagu soo dacweeyey falal anshaxa diinta Islaamka iyo dhaqanka dalkaba ka baxsan.  Sida uu Sheekh Aadan Siiro baahiyey wuxuu indhiisa ku arkay sawirada uu ninkaasi ka qaaday dumar reer Somaliland ah oo ceeb fool xun ah, waxaanu ka codsaday xukuumadda oo ninkaa muddo 10 cisho ah ba xidhan in degdeg loo horkeeno maxkamad.  Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Moxamed Cabdi Gaboose ayaa hase yeeshee si kale u dhigay arrinta isaga oo leh maxkamad baa kiiskiisa laga hor caddayn doonaa, culimadda ka hadashay arrintaasina ha keenaan cadeemahooda.

Waxa ka dibna soo ifbaxay warar sheegaya in Sheekh Aadan looga yeedhay xarunta CID-da.  Arrintaas oo shacabka Somaliland werwer ku abuurtay.  Madaxda Sare ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa iyagu si gaar ah u cambaareeyey arrinta Sheekha loogu yeedhay.  Waxay arrintaasi kale oo aad ugu cadhaysiisay dadweynaha reer Somaliland oo in badan ugu muuqatay cagajugleen ay kula kacday Sheekh Aadan Siiro.

Waxaanse marna si rasmi ah u soo shaac bixin inay arrinta baadhitaanka Sheekh Aadan tahay mid dhab ah iyo mid uun suuqa soo gashay.  Hase yeeshee waxa si lama filaan ah warkaa u dhabeeyey taliyaha CID-da oo isaga oo Wargayska Madaxbanaan ee Haaruf u waramay dafiray inay CID-du baadhitaan ku samaysay Sheekha balse ay jirto warqad rasmi ah oo Xeer-Ilaaliyuhu ku amray in arrintaa baadhis lagu sameeyo.  Wuxuu Taliyuhu se sheegay inaanay weli amarkaa fulin.  Ma cadda sababta uu u fulin waayey amarkaa maadaama ay khasab ku tahay in dembiga uu gacanta ku hayo Xeer Ilaaliyhu ay CID-du ka soo gun gaadho haddii sidaa ay maxkamadda iyo  xeer Ilaalihu ka codsadaan.  Iyada oo uu xilkoodu yahay in waxa ka jira falka iyagu soo baadhaan xogtana horgeeyaan maxkamadda iyo xeer ilaalinta oo iyagu markaa ku shaqo leh inay dacwad iyo kiis furan iyo in kale.

Sheekh Aadan Siiro wuxuu ka mid yahay Sheekhyada ugu caansan JSL.  Wuxuu Sheekhu isku taxalujiyaa waxtarka ummadda isaga oo samafal aad u balaadhan gaadhsiiya danyarta, dhalinyarada iyo dadka maskaxda wax ka qaba.  Wuxuu Sheekh daryeelaa qoysas iyo caruur aad u tiro badan.  Wuxuu Sheekhu aad ugu adag yahay jiritaanka Somaliland iyo cadaaladda.  Wuxuu cambaareeyaa falalka musuqmaasuqa.  Sida ku cad warsaxaafadeedkii Mudane C/Cabilqaadir Faarax, Guddoomiyaha labaad ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE waa nin aan geyeyn falkaa xeer ilaaliyuhu la damacsanyahay.

\Ilaa imika ma cadda in Xeer Ilaaliyuhu arrintaa ka noqday iyo inuu weli ka sugayo CID-da macluumaadkii dembi baadhis ee looga baahnaa ee weli sida uu sheegay mudane Abraar aan weli lagu dhaqaaqi.

xigasho Waaheen.

SAWIRKA MAANTA. Daanyeerada Magaalada Hargeysa oo Daansha Daanshoonaya

Sawirka Maanta ee Shebekeda Caalamiga Ah Ee Bucotoday Waa Daanyeerada Ku Nool Magaalada Hargeysa, Iyadoo Sawirku Muujinayo Laba Daanyeer oo Ku Xaragoonaya Laamiyada Magaalada Hargeysa,   DAAWO,

Dalka Mareykanka Budhcad Badeed Soomaaliyeed oo Lagu Xukumay 30 Sanadood oo Xadhig Ah & Nimankaa Budhcada Ah oo Mid Kamida uu Kuwii Kalle Ku Markhaati Furray

NORFOLK(BCT)- Maxkamada Federalka ee magaalada Virginia ayaa ku xukuntay 30 sanadood oo xadhig ah Budhcad Badeed Soomaaliyeed oo lagu tuhmay inay ka afduubayeen gacanka Cadmeed markab laga leeyahay dalka Mareykanka, Maxkamada nimankaa lagu xukumay ayaa ah tii ugu horeysay ee nooceeda ah ee ka dhacda gobolkaa mudo 150 sanadood ah,


Shabakada CCN ayaa sheegtay in qaadiga maxkamadaa uu sheegay inay tahay markii ugu horeysay ee muddo 150 Sanadood ah uu ka dhaco xukun noocaas ah magaalda Norfolk ee gobolka Virginia, Qaadiga ayaa sheegay in Budhcad Badeedu ay nqotay mid kamida Mushkiladaha ugu waaweyn aduunka isla markaana xukunkan iminka lagu Ridday ee 150 sanadood ah uu yahay in Raggaa budhcada ah dusha loo saaro mas,uuliyada falkaa ay sameynayeen,


Qaadiga ayaa sheegay in ninka lagu magacaabo Jaamac Aydel Ibrahiim oo kamid ahaa budhcad badeedaa la xukumay uu qirtay danbigaa uu galay isla markaana uu ogolaaday inuu markhaati ku furro Ragga kalle oo aan markaa loo hayn wax cad oo xukunkaa loo adeegsado, Jaamac ayaa isga lagu tuhunsanaa inuu doonayey inuu afduubo markab laga lahaa dalka Denmark sanadkii 2008,

Jaamac oo ka mid ahaa Raggaa l xukumay aya waxaa kalloo lagu soo Eedeeyey isaga iyo lix nin oo kalle oo budhcad badeeda ka mida inay doonayeen inay fduubaan markabka dagaalka ee mareykanka h ee lagu magacabo Ashland iyagoo u maleynayey markab caadi ah ama baayac mushter laakiin uu ku noqday markab dagaal halkaana lagu qabtay nimankaa,

Dalka Mareykanka Wiil Dhalinyaro Ah oo 15 Jir Ah oo Afduubay 23 Ka Mida Ardeydii Iskuulkiisa & Macalinkisii Isagoo Xabad Isku Dhuftay Markii Danbe

CHICAGO(BCT)- Booliska Dalka Mareykanka ayaa sheegay in  wiil dhalinyaro ah oo 15 jir ah uu qol ku xidhay macalinkiisii iyo 24 ka mida ardayda iskuulkiisa isagoo wiilkaasi dadkaa ku qabtay Baastoolad uu sitay, wiilkaa ayaa mudo halkaa ay ugu afduubnaayeen ardeydaa iyo macalinkoodii, Wiilkan ayaa Boolisku sheegay inuu la soo galay iskuulkaa oo ku yaala magaalada Wisconsin e waqooyiga mareykanka Bastoolad,

Taliyaha Booliska ee magaaladaa Jeffrey Schorik ayaa sheegay in aan la garaneyn sababta ku kaliftay wiilkaa yar inuu afduubo ardaydii ay wax wada dhiganayeen iyo macalinkiisii, Wiilkaa yaa Boolisku sheegay inuu markii danbe siidaayey ardeydaa laakiin uu isagu xabad isku dhuftay,Taliyaha Booliska oo qabtay shir Jaraa,id oo uu arintaa kaga waramayey ayaa sheegay inay galeen qolkii uu wiilkaasi dadka ku haystay kadib markii ay maqleen dhawaaqa xabada uu wiilkasi isku dhuftay,


Booliska ayaa sheegay in wiilkaa oo aanay sheegin Cida ama qofka uu yahay inay u qaadeen Isbitaalka kadib markii uu soo gadhay dhaawac xun, Iskuulkan oo ay dhigtaan 700 oo arday ayaa waxaan la garaneyn sababta uu wiilkaasi dadkaa u qafashay isla markana uu xabada isugu dhuftay, Guud ahaan dalka Mareykanka ayay in badn ka dhacdaa in qof qori ama Baastoolad sitaa uu soo gallo iskuul ama meherad isla markaana uu halka ku dillo ama ku dhaawaco dad shicib ah,