Wednesday, February 22, 2012

Jaaliyadaha Reer Somaliland Ee Dalka Ingiriiska Oo Dibad-bax Balaadhan Oo Ictiraaf Lagu Dalbanayo Ka Wada London Iyo Shacabka Gudaha Oo Kala Socda Idaacadda Hargeysa

Jaaliyadaha Reer Somaliland Ee Dalka Ingiriiska Oo Dibad-bax Balaadhan Oo Ictiraaf Lagu Dalbanayo Ka Wada London Iyo Shacabka Gudaha Oo Kala Socda Idaacadda Hargeysa

London (burcotoday) Feb 22,2012 – Caasimada dalka Ingiriiska ee London ayaa waxa dibad-bax balaadhan ka wada jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan Magaalooyinka kala duwan ee dalkaas.

Dibad-baxan ay dhigayaan muwaadiniiinta reer Somaliland ayaa waxa uu hadda ka socdaa badhtamaha London iyo waliba agagaarka xafiiska raysal-wasaaraha dalka Ingiriiska Mr David Cameron .

Dibad-baxayaasha ayaa sita calanka saddexda midab ah ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo waliba boodhadh ay ku qoran yihiin weedho ka turjumaya ujeedada dibad-baxa taasi oo ah in beesha caalamka iyo dawlada Ingiriiskuba ay ictiraaf buuxda siiyaan Jamhuuriyada curdinka ah ee Somaliland oo mudadii labaatanka sano ahayd ee ay jirtay qabsatay waxyaabo badan oo indhaha caalamka soo jiitay.

Muwaadiniinta reer Somaliland ayaa ku qaylinaya weedho ay ka mid yihiin “Somaliland ictiraaf ayaanu idiinka baahan nahay”

Dibad-baxan oo sidoo kale ay ka qayb-qaadanayaan jaaliyadaha reer Somaliland ee wadamada kale ee Yurub ayaa waxa hadda si toos shacabka gudaha Somaliland ugala socdaan idaacada Radio Hargeysa oo si toos ah u baahinaysa dibada-baxan.

Muwaadiniinta reer Somaliland ee dibad-baxa samaynaya oo sida muuqata ku beegmay maalin ka hor shirka dawlada Ingiriiska ugu qabanayso kooxaha Somalida iyo dawlada Somaliland, ayaa la filayaa inuu wax wayn ka badalo aragtida beesha caalamku ka aaminsantahay qadiyada madaxbanaanida Somaliland, maadaama oo shirka beri ay ka qayb-galayaan wufuud caalami ah oo kor u dhaafaya afartameeye .

Dhanka kale, shacabka gudaha ayaa si wayn ula socda dibad-baxa London iyadda oo dadka qaarkood qurbojoogta ku bogaadiyeen talaabada ay qaadeen.

0 comments:

Post a Comment