
Saturday, January 15, 2011

Aamiin Hassan Daacad
Riyadh(Burcotoday)-Madaxweyne Zeynal Caabidiin Bin Cali ayaa xalay ku huleelay diyaarad khaas ah isaga, xaaskiisa iyo carruurtii uu dhalay, waxaana la sheegayaa inuu ka degey wadanka Sacuudi Carabiya, Dowlada Sacuudiga ay xaqiijisay in diyaarada Zeynal Caabidiin ay ka soo degtay wadankeeda.
Waxaa ay wararku sheegayaan in Madaxweynha dalka Tunisia uu isku dayay inuu u baxsado dalka Faransiiska laakiin dowlada Faransiisku ay diiday in madaxweyne Zeynal Caabidiin iyo qoyskisa ay u soo baxsadaan Faransiiska.
Waxaana taladii dalka la wareegay Raysal wasaaraha dalkaasi Maxamed Ghanouchi kadib baxsashada madaxweyne Zeynal Caabidiin, wuxuuna sheegay in talaabada ugu horayso ay tahay sidii amaanka loosugi lahaa isla markaana loo badbaadin lahaa hantida dowlada si aan loo boobin.
0 comments:
Post a Comment