Saturday, January 15, 2011

Burco: War Degdeg ah:Diyaaraddii saska iyo argagaxa ku abuurtay shacabka oo la helay wixii ay u socotay + Hawlgalo Culus oo lagu xidhxidhay 3 Ruux oo ay Fuliyeen Ciidanka Ammaanku xalay.

Burco: Diyaaraddii saska iyo argagaxa ku abuurtay shacabka oo la helay wixii ay u socotay + Hawlgalo Culus oo lagu xidhxidhay 3 Ruux oo ay Fuliyeen Ciidanka Ammaanku xalay.

Burco(Burcotoday)Diyaaradii argagaxa gelisay shacabka reer Togdheer ee labada habeen dul heehaabaysay hawada sare ee Magaalada Burco, ayaa laga war helay waxa ay wadday iyo halkii ay ku socotay.
Ilo xog xogaal oo hadhwanaagnews xuuraansatay aya u sheegay in Diyaaradani ahayd Diyaarad Daba joogtay kooxo la sheegay inay debedda uga yimaadeen fulinta falal argagaxiso ay ka fuliyaan Gudaha Dalka.
Dadkani ay diyaaraddu dabajoogtay ayaa ku soo degey mid ka mid ah xaafadaha magaalada Burco, gaar ahaan xaafad u deggenaa Mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Telesom.
Abbaaro 10:00 Fiidnimo ee xalay ayay ahayd markii Ciidan Milleteri iyo Bileys isugu jiray ay iskuweer ka qabteen Goobaha ay u bartilmaameedsanayd Diyaradani ee ay sida aadka ah ugu wareegaysay.
Diyaaradan oo la sheegay in laga hagayey dhulka isla markaasna ay la shaqaynayeen Qolooyin caddaan ahi ayaa iyadu si weyn ugu dul wareegaysay guri ku yaalla xaafadda Tuurta Gaar ahaan Meel Waxoogaa ka danbaysa   Xarunta Candleight.
Ciidankan isku weerka ka qabtay xafadahaasi ayaa si adag oo bilaa Naxariis ah u baadhayey Dadka iyo Gaadiidka Marayey aaggaga ay fadhiyeen, waxaana xalay illaa arroornimadii saaka adkayd gelitaanka iyo Marida Waddooyinkaasi ay ciidanku fadhiyeen, Waxaana 4tii Subaxnimo ee Saaka ay ciidanku ka kaceen halkii ay fadhiyeen ,iyadoo ugu Danbayntiinta saqdii dhexe ee xalay ay ciidanku galeen Gurigii ay Tuhunsanaayeen kana kexeeyey kooxo la sheegay in ay Dalka Dibaddiisa ka yimaadeen.
Waxa la xidhay oo xabsiga magaalada Burco ku xidhan inta la hubo 3 uu ka mid yahay Ninkaasi xalay gurigiisa la galay oo La yidhaa Saleban Good Abees, Dad kale oo xalay intii Baadhitaanadu ay socdeen la qabqabtay oo uu ka mid ahaa wiilka laxidhay Aabihii Good abees ayaa iyaguna  Saaka la soo daayey, waxaana illaa iyo imminka aan wax war ahi ka soo saarin arrinta dhinacyada ay khusayso oo ah maamulka iyo Gobolka iyo Hogaanada iyo saarkiisha ciidanka, iyagoo shacabkuna aad ugu dhegtaagaya ka hadalka arriinkaasi.
Gebogabadii xaalada Magaalada Burco ayaa saaka deggen balse hadalhaynta u badan ee saaka ayaa ah ciidanka Xooganaa ee dhex fadhiistay xaafadaha dhex dooda Xalay , hawlgaladii ay sameeyeen iyo diyaaradda saska weyn ku abuurtay dadka oo saaka aad loo hadal hayey.





Wixii warar ka soo kordha Arrimahaasi kala soco Burcoday saacadaha soo socda ……

0 comments:

Post a Comment