Madaxtooyadda Somaliland oo Amartay inay Hubka ay haystaan soo xareeyaan Ilaalada Madaxweynihii iyo ku-xigeenkiisii hore Waxa ay ka mid yihiin Masuuliyiinta uu Dastuurku siiyey maamuuska gaarka ah
Hase yeeshee waxa ay Ilo xogogaal ahi sheegeen in ay ilaalada labada masuul ee talada Dalka hore u hayn jiray ay Taliyaha Madaxtooyadda ee ka soo dalbaday inay Hubkaas soo xareeyaan u sheegeen inaanay soo xaraynayn ilaa iyo inta ay Ogolaansho ka helayaan cida la soo raaciyay ee ay u shaqeeyaan.
Balse Taliyaha ayaa la sheegay inuu ka diiday Codsigoodaas, waxaanu shalay u keenay Amar kale oo uu ku Amrayo inay maanta Toddobadda Subaxnimo soo xareeyaan Haddii kale uu talaabo ka qaadi doono, isagoo ugu hanjabay inuu Ruqsayn doono shaqada ay hayaana ciidan kale keeni doono.
Ilaa hada arrintan kama uu hadal Madaxweyne ku-xigeenkii hore oo imika Dalka ku sugan isla markaana Madaxtooyadu wax wargalin ah isaga may siin ee waxay toos ula xidhiidheen Askarta u shaqaysa hase yeeshee Taliyaha Ciidanka Illaalada Madaxtooyadda oo ay waaheen wax ka weydiisay Arrinkaasi ayaa u sheegay inuu isagu Amarkaas bixiyay oo uu kaga qaadayo Baastooladahaasi, waxaanu sheegay inay ka ururinayaan wixii aan Saraakiil ahayn ee Ciidanka ka tirsan.
Macadam sababta ay xukuumadu talaabadan u qaaday iyadoo masuuliyiintaasi ka mid yihiin dadka uu dastuurka Somaliland siiyey maamuuska gaarka ah.
0 comments:
Post a Comment