Monday, January 10, 2011

Beesha Qorilugud oo jawaab kulul ka bixiyay go’aanka Madaxtooyada

Madaxweynuhu hadduu qof Islaam ah yahay wax Shareeco xukuntay inuu dimuqraadiyad ku xukumo xaq umalaha, waxaana jira dhul badan oo…” “Afhayeenka Beesha deegaanka Qori-lugud….“Meesha xukun amarka Madaxweynaha ka wayn baa ka dhacay, waxaananu magan uga nahay oo aanu uga fadhinaa inuu…”
Qori-lugud (Burcotoday)- Beesha deegaanka Qori-lugud, ayaa gaashaanka ku dhufatay go’aan uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ku sheegay in degaanka Kalshaale oo dhowaan shaqaaqo ku dhexmartay laba beelood, uu la wareegi doono ciidanka qaranka Somaliland.
Degaanka Kalshaale oo dhowaan dagaal khasaare sababay ku dhexmaray beelaha degmooyinka Qori-lugud iyo Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Togdheer, waxa dhexdhexaadin laga galay laga soo saaray go’aan aan midho-dhal noqon, ka dib markii beesha Buuhoodle ka biyo-diiday, iyadoo Madaxweynuhuna warsaxaafadeed uu shalay soosaaray uu ku sheegay in deegaankaa muranku ka taagan yahay uu noqon doono fadhiisin ay leeyihiin ciidanka qaranku, labada beeloodna maleeshiyaadkooda ka qaadaan degaamadaas.
Hase yeeshee, beesha degaanka Qorilugud oo hore u caddaysay inay aqbashay go’aamadii ergooyinka dhexdhexaadinta, waxay qaadacday go’aanka Madaxweynuhu ka soosaaray shaqaaqadaas.
Afhayeenka guddida beesha Qori-lugud Maxamed Cawil Sii-arag oo xalay Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay aragtidooda ku saabsan arrintaa, ayaa sheegay in go’aanka Madaxtooyada ka soo baxay ay reer Qori-lugud aad uga xumaadeen, wuxuuna tilmaamay in go’aankii hore loo gaadhay aan laga noqon karin, maadaama uu ku salaysnaa shareecada Islaamka.
Afhayeenku waxa uu sheegay in xurgufta labada dhinac aanay ku koobnayn degaanka Kalshaale oo keliya, balse ay jiraan degaamo kale. “Goor ay ahayd afartii galabnimo, waxa la raray ciidanka qaranka oo laga raray Qori-lugud oo u guuray xaga Kalshaale iyo Maskax-buqle, markii la dhegaystay BBC-dana (oo go’aanka laga baahiyay) waxa bilaabmay kacdoon, markii la maqlay war ka soo baxay Madaxtooyada  oo ku saabsan Kalshaale oo ay la wareegayaan ciidamada qaranku, cidii wax ka galeena loo celinayo, taasoo ay jiraan dhul badan oo lagu muransanaa oo aan lagu darin oo Kalshaale oo keliya laga dhigay meeshii muranku ka socday,” ayuu yidhi. “Buuhoodle iyo Qori-lugud waxa u dhexeeya 16 magaalo oo la sameeyay intii ka dambaysay dawladii Siyaad Barre oo hore u mamnuucday inaanay labada degmo waxba u dhaxayn, ka dib intii la soo galay dalka ayaa la sameeyay meelaha la kala yidhaahdo, Shangale, Cumar Aji, Sool-joogto, Maygaagle, Sac-madeeqo, Hagoogane, Galgal, Gocondhaale iyo Jaf, intaba intii dalka lagu jiray baa la sameeyay. Talaabadii koowaad sanadkii hore waxa la isku qabtay Galgal, waxa dhexdhexaadisay xukuumaddii Somaliland, waa la joojiyay oo waa la xidhay, imika hinaasahan waxa bilaabay Gocondhaale, Maygaagle iyo Qaydar,” ayuu raaciyay. Wuxuuna isagoo hadalkiisa sii wata uu intaa ku daray, “Reer Qori-lugud aad bay maanta uga xumaadeen warsaxaafadeedkii ka soo baxay Madaxtooyada, meesha go’aan shareeco ayaa ka dhacay, sidii la yidhi go’aankaa ugu dhaqma ayay ugu dhaqmeen reer Qori-lugud, meeshana xukun baa ka dhacay oo amarka Madaxweynaha ka wayn, shareecadu iyada oo labada dhinacba isa soo horfadhiisisay baa la wada hadlay, amarka Illaahay iyo ka Madaxweynahana waxa wayn ka Illaahay oo la qaadanayaa, Madaxweynuhuna hadduu qof Islaam ah yahay wax Shareeco xukuntay inuu dimuqraadi ku xukumo xaq umalaha. Markaa arrintaa shareecada sababta uu Madaxweynuhu u bedelay hanoo sheego hadaanu nahay deegaanka reer Qori-lugud, marka uu noo sheego ayaanu ka soo jawaabaynaa, laakiin waxaanu magan uga nahay ama aanu uga fadhinaa arrinta uu shareecada u burburiyay.”

0 comments:

Post a Comment