Sunday, January 30, 2011

SAWIRKA MAANTA. Hargeysa & Kalluunka Maxaa Kalla Haysta Daawo Sawirkan

Sawirka Maanta ee shabakada caalamiga ah ee Burcotoday waa nin Kalluun ku iibinaya magaalada Hargeysa, Ninkan ayaa sida sawirada ka muuqata kaariyoone ku dul iibinaya kalluunkaa oo uu shiillay, Dadka hargeysa oo laga yaabo  badankoodu inaanay aqoon u lahayn Cunida Kallluunka ayaa had iyo jeer ku soo xoomo meelaha kalluunka lagu iibinayo walliba miisaska ama kaariyoonayaasha si ay u iibsadaan,   DAAWASHO WACAN, ...

Saturday, January 29, 2011

Mudahadaada Iyo Cadha Dadka Reer Masar Oo Cirka Isku Shareeray Iyo Mudahraayadii Oo rabsahdo Isu Badalay + Mubarig Oo Milatariga Amaray In Ay Farogalin Sameeyaan + SAWIRadii ugu dambeeyey

Qaahira (Burcotoday)- xaalada amaanka iyo daganaansha wadanka Masar ayaa ka sii daraysa kadib mudaharaado xoogan  oo ay dhigayaan boqolaal kun oo qof oo masaari ah mudaharaadadaas ayaa waxa ay isu badaleen rabshado iyo qulqulatooyin ba’an, Madaxweyne Mubaarigna waxa uu  Ciidanka milatariga ee wadankaasi ku armaray in ay faro galin sameeyaan . Wararka ka imanaya wadankaasi ayaa waxa ay tibaaxayaan in ay mudharaadadii ka socday magaaliiyinka waaweyn ee wanadankaasi sida magaalada Caasimada ah ee Qaahira iyo Caasimada labaad ee Alxecandariya, iyo magalada Zuweis ay sii xoogaynteen isla markaan ay mudaharaadayaa reer Qaahira ku guulaysteen...

“Xukuumada Maanta Jirta Waxa Lagu Dhaliilayaa Mid Is Bar-Bar Socota, Ninka Leh Ma Dulqaadanayo Waxbana Yaan La Iga Sheegin Xil-Qaaday Dhibaatadeeda Ayay Leedahay” Sh. Aadan Siiro

Hargeysa(Burcotoday)- Sh. Aadan X. Maxamuud Xirsi (Siiro) ayaa khudabadii Jimaca ee maanta xukuumadda ugu baaqay in ay la timaado dulqaad, isada oo kalena waxa uu ka hadlay arimo kale oo mihiim ah. isagoo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yidhi “Xukuumadda waxaan ugu baaqaynaa in ay dadka daayaan waayo Xukuumaddii hore waxay ku badaleen wixii la qori jiray ee iyagu (Dawladdu) qori jireen ayay maanta dadka ku haystaan wax la yeeli karayo maaha, jaraa’idkii waa Documentary (Kayd) wixii oo dhan waa qoran yihiin Internet-ka ayay ku jiraan ordoo gala Xukuumaddii hore intii aan la badalin wixii la qori jiray, haddii rubuceed la qoro wixii ay qori jireen...

Xusni Mubaarig oo Wax Yar Ka Hor Sheegay Inuu Xukuumadiisii Casilley & Mareykanka oo Sheegay In Tallada dalkaasi Ay Faraha Madax Weyne Mubaarig Ka Baxday

MASAR(BCT)- Madax weynaha dalka Masar Xusni Mubaarik ayaa sheegay inuu Casillay xukuumadiisii isla markaana uu soo dhisi doono bar xukuumad cusub si uu u dejiyo shacabka dalkaa ee gadooday, Madax weynaha ayaa arintaa ku sheegay khudbad  si toosa looga daawanayey Telefishinka dalkaa oo uu goor dhaweyd kasoo jeediyey, Xusni Mubaarik oo aan wax hadal ah laga maqal afar maalmood oo mudaharaadyadaasi ay ka soconayeen dalkaa ayaa isagoo ay ka muuqato Beer-laxawsi badan waxa uu sheegay inuu yahay nin u  damqanaya shacabkiisa isla markaana uu doonayo inuu wax ka bedello noloshooda, Madax weynaha ayaa sheegay inaan loo dulqaadan karin rabshadaha...

“Aan Fool-Xumadee Waxaan Doonayaa Inaan Noqdo Hoobiyeyaasha Aad Sidatid…Madaxweynahana Waxaan Leeyahay Yaanad Gaadhi Raacin Sidii Odaygiiy Tunis… Idinkuna Hanagu Qarxina” Abwaan Gaariye

Hargeysa(BCT)- Abwaanka weyn ee caanka ah Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), ayaa ugu baaqay Xukuumada, Ganacsatada iyo Shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay shaqo u abuuraan Dhalinyarada tirada badan ee ka soo qalin jabinaya Jaamacadaha dalka si aanay Mushkilad iyo dhibaato dalka ugu horseedin.   Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), waxa uu si mug leh uga waramay xaalada shaqo la’aaneed ee dalka ka taagan isaga oo hoosta ka xariirqay in looga baahan yahay Shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo Ganacsatada in aanay dadka ku shaqaaleysiin Ehelnimo balse ay u eegaan Aqoontooda oo ay ku shaqo geliyaan. Abwaan Gaariye oo xalay ka hadlayey munaasibad loo...

Thursday, January 27, 2011

WAA MAXEY SIFOOYINKA SAAXIIBKA XUN LEEYEY

google_protectAndRun("render_ads.js::google_render_ad", google_handleError, google_render_ad); Marka hore waxan salamayaa dhammaan cidwal oo akhrida afka somaliga,waxa kale oo aan salamayaa hawlwadeenka shabakada Burcotoday.blogspot.com salatas kadib. Inshaa allaah waxan donayaa manta in aan idiin soo gudbiyo mawduc lasocda Mawduucii hore , magaciisu yahay(SIXIBKA XUN IYO SIFADIISA) Mawduucan kii kahoreyey oo ahaa (SIFADKA SAXIBKA WACAN LEYEY) Waxanan isku xigsiiyey labadan mawduuc in ay dadku isbar bar dhigaan sifadka ay kala leeyihiin saxiibadu kadibna uu ku bararugo, Waxaa waajib ah in uu qofka muslimka ahi la jeclaado walaalkiisa...

Xukuumada Somaliland Oo Go’aamisay Xilliga Uu Bilaabmayo Korodhsiimada Mushaharka Ciidamada iyo Shaqaalaha Dawladadda

Hargeysa (BCT)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay si rasmi ah u go’aamisay xilliga uu bilaabmayo korodhsiimada mushaharka Ciidamada  iyo Shaqaalaha   dawladda. Sidanna waxa lagu go’aamiyay shirkii maanta ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo ka qabsoomay qasriga maxadtooyada JSL oo uu Gudoominaayey Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo. Warsaxaafadeed kooban oo laga soo saaray go’aanka lagu gaadhay shirkaas, ayaa u dhignaa sidan:- “Fadhigii maanta oo ay Bishu Tahay 27/01/2011 ee Golaha Wasiirada oo Ka Qabsoomay Qasriga Maxadtooyada JSL Gudoominaayeyna Madaxweyanha JSL   Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo...

War Saxaafadeed Xisbiga UCID oo Ku Eedeeyey Qaar Kamida Mas,uulityiinta Xukuumada Inay Shaki Galinayaan Gooni Isu Taagga Somaliland

Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka                                               UCIDJustice And Welfare Party___________________________         Date: January 27, 2011 Ujeeddo: War-Saxaafadeed  HARGEYSA(OWN)- Muddooyinkan dambe waxaa soo ifbaxaya dhawaaqyo kasoo yeedhaya masuuliyiin xukuumadda ah iyo shakhsiyaad siyaasiyiin ah oo u dhashay Somaliland. Dhawaaqyadaas...

Nelson Mandela oo Isbitaalka la Dhigay Kadib Markii Xanuun Ku Soo Boodey & Mas,uuliyiinta Dalkaa oo Shacabka Ka Dalbaday Inay Is Dejiyaan Iyagoo Saxaafadana u Sheegey In Aaanay Buun-Buunin

JOHANNESBURG(BCT)- Madax weynihii hore ee dalka South Africa Nelson Mandela ayaa isbitaalka la dhigay kadib markii xanuun ku yimi. Mandela oo 92 jir ah ayaa Jackson Mtheinbo Enioz oo af-hayeen u ah hay,ada The Mandela Foundation uu sheegay in hogaamiyahaa oo lagu tilmaamo inuu yahay ninka ugu qaalisan aduunka in la dhigay isbitlaaka, Mr: Enioz ayaa ka dalbaday shacabka dalka Koonfur Africa inay is dejiyaan isla markaana aanay arin weyn u qaadan sidoo kalle waxa uu ka dalbaday saxaafada in aanay buun buunin dadkana aanay khal khal ku ridin, Mr. Enioz ayaa cadeeyey in Mandela uu la kulmay xanuun isla markaana baadhitaan loogu sameynayo isagoon...

Wednesday, January 26, 2011

Wasiirka Xanaanda Xoolaha Somaliland Oo ka Hadlay Laba Markab oo Xoolo Siday Oo Laga Soo Celiyay Wadanka Sucuudiga

Hargeysa (BCT)- Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Deegaanka Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, ayaa sheegay  inay ku hawlan yihiin sidii ay xal uga gaadhi lahaayeen laba markab oo xoolo ka qaaday dekada Berbera oo laga soo celiyay dalka Sucuudiga, ka dib markii lagu soo celiyay xanuunka Cabeebka oo aan hore ugu jirin shuruudihii dhoofka xoolaha. Waxanuu Wasiirka Xanaanada Xoolaha sidaa ku sheegay mar uu  maanta u waramayay Laanta Af soomaaliga ee Idaacada VOA-da, isaga oo arintaa faah faahin ka bixinayana waxa uu yidhi  “Horta waa run  oo laba Markab waa la soo celiyay oo labaduba adhi siday oo mid waxa saarnaa 7 kun halka ka...

SAWIRKA MAANTA. Gawaadhi safar Ah oo Taagan Jidka U Dhaxeeya Hargeysa & Burco

Sawirka Maanta Ee Shabakada Caalamiga Ah Ee Burcotoday Waa Laba Mark 2 Iyo Waliba Bus Taagan Mid kamida Tuulooyinka u Dhaxeeya Hargeysa & Illaa Burco, Sawirkan oo Aad u Qurux Badan Ayaa Muujinaya Dadkan Ku safraya Jidkaa oo Inta Badan Aad u Qurux Badan,   Isku Day Inaad Garatid Meesha Ay Tahay,   DAAWASHO WA...

"Xukuumadda Dulqaad Ayaa Looga Baahan Yahay… Qadiyadeediina Way Soo Dhawaatay….Ururrada Siyaasadana anaga Oo Dawlada Ah Ayaanu Diidnay…Wasiirka Arrimaha Dibaduna Ha Nala Tasho Oo Ayaanu Odhan…..”Axmed Yuusuf Yaasiin

Hargeysa (BCT)- Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland, ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga UDUB Mud. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa sheegay in wakhtigii ay Xukuumaddii UDUB ay xilka haysay ay u dulqaadan jireen waxyaabaha ay Saxaafadu ka qorto, iyaga oo ilaalinaya sida uu yidhi in Beesha Caalamka ee ay Somaliland  ka raadinayso Aqoonsigu u arkaan meel lagu tunto Xoriyatul Qawlka iyo saxaafada horta ah. Mudane, Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu Xukuumadda MAdaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ugu baaqay in ay dulqaad u muujiso Warbaahinta, waxaanu cambaareeyey Xukunka Maxkamada Gobolka Hargeysi ku riday Tafaftirihii Wargeyska Madaxa...

Tuesday, January 25, 2011

SAWIRKA MAANTA: TAREEN AY DAD JANBI KASTA ISKA LAALAADIYEEN!!!!

Sawirka maanta ay idiin soo gudbinayso Shebekeda Caalamiga ah ee Burcotoday.blogspot.com wuxuu ku saabsan yahay wadanka Bangladesh oo ay dadku Tareenka Buuxin dhaaafiyeen  iyadoo  janbi kasta iska laalaadiyeen.  SAWIRADA CAALAMKA....

Halkan Ka Daawo Sawirada Qaar Ka Mid Ah Fannaaniintii Wacdaraha Ka Dhigtay Habeenkii Boon Xirsi Ee Magaalada London

Londson(OWN)- Xaflad aad loo agaasimay ayaa Habeenkii sabtidii 22/01/11 ka dhacday magaalada london , Xafladaas oo loogu magac daray Habeenkii Boon Xirsi iyo Hobolada Waaberi Iyo Xidigaha UK, waxaa  kasoo qayb galay Fannaaniin aad u tiro badan oo aan halkan lagu soo koobi karin iyagoo tirada Fannaaniiintu ay gaadhaysay ilaa 20. Fannaaniintaas waxaa ka mid ahaa Fannaanka wayn ee Sir Maxamuud Cumar oo isagu goobtaas ka qaaday hees cusub uu u sameeyey Abwaan Boon Xirsi Heestaas waxay ahayd sidan hoos ku qoran:–Iftiinkii fanaankiyoaqoontii fankaygoow.udubkii jilaagiyo.hal abuur abwaanoow.abaal baad ku leedahay.soomaali idilkeed.ku iloobi maynoo.waxaad...

Monday, January 24, 2011

SAWIRKA MAANTA:Geel Iyo Adhi Wada Daaqaya

Sawirka Maanta Ee Shabakada Caalamiga Ah Ee Burcotoday Waa Geel iyo Adhi wada Daaqaya Meel Barwaaqo Ah Oo Aad U Qurux Badan, Waa Sawir Xusuus Leh Oo Ku Tusaya  Quruxda Dalkeena,Iskuna Day Inaad Garatid Halka Ay Jooggaan...

Koonfurta Kuuriya oo Sheegtay Inay Maxkamad Soo Taagayaan 5 Budhcad Badeed Ah oo Ay Ku Qabteen Markabkii Ay Xoogga Kusoo Furteen

Korea(BCT)- Wararka ka soo baxaaya dawlada koofur kuuriya ayaa sheegaya in budhcadbadeedii somalida intii ka hadhay l soo taagi doono maxkamad ku taal dalkaas.Wakaaladda wararka u faafisa dawlada Korea, da koofureed ee Yonhap oo soo xigatay mas’uuliyiin ka tirsan dawlada ayaa sheegtay in wadankaasi maxkamad lagu soo taagi doono 5 ka mid kooxaha burcad badeeda Somalied oo ay dhawaan ciidamada badda dalkaasi ka qabteen hawl gal ay xeebaha Somalia ka sameeyeen. Warku waxaa uu sheegayaa in qorshuhu yahay in maxakamad la hor geeyo illaa iyo 5 ruux oo Somali ah lona heysto inay ka mid yihiin ragii afduubtay markabkii dhawaan la bad baadiyay ee South Korea laga lahaa waxaana saraakiil wasaaradda arrimaha gudaha u hadlay oo aan magacyadooda la sheegeen ay tilmaameen in ragas maxkamad la taago doono...

Dalalka Sudan & Falastiin oo Laba Nin Isku Gubeen & Nidaan Cusub oo Shacabka Carabtu La Soo Baxeen Kadib Markii Dad Hore Isku Gubeen Wadamada Tunisia, Masar & Al-jeeriya

KHARTOUM(BCT)- Baryihii ugu danbeeyey ayaa shacabka carabtu ay la soo baxeen nidaam cusub oo ay ka helleen faa,iido kaasoo ah inay dab iyo gaas  isku qabtaan dadku iyadoo ninkii dabkaa billabay oo lagu magacaabo maxamed Bu Casiis oo sabab u noqday inuu dhaco madax weynihii Tunisiya, Hadaba dalka Sudan ayaa nin dhalinyaro ah oo 25 jir ah uu isku qabtay dab iyo batrool iyadoo wakaalada wararka ee AFP ay sheegtay in ninkaa oo ka shaqeyn jiray dhismaha guryaha (Wastaad) uu isku gubay badhtamaha suuga lagu magacaabo Um-Durmaan ee magaalada Khartuum, Wakaalada ayaa sheegtay in ninkan uu ku noolaa nolol aad u xun iyadoo ninkaa oo xaaladiisu...

Saturday, January 22, 2011

WAA BARNAAMIJKII SOOYAALKA TAARIIKHDA OO AAN KU EEGI DOONO DOORASHDII WADANKA SUDAN IYO WAXAY ISKA SHABAHAAN S/LAND‏

SUDAN(Burcotoday )- Waxaad moodaa koonfurta wadanka suudaan iyo S/land in ay waxyaalo badan iska shabahaan oo labadaba markii ugu horaysay ay ahayd doorashooyin ka qabsoomaa, hadaba Sudan oo mudo 20 sano ah ay ugu danbaysay cod bixini ayaa natiijadii weli la sugayaa isala markiiba waxaa soo baxay war hoosaad sheegaya in Cumar Al bashiir si aan caadi ahayn ku badiyay waxaa isla markiiba diidmo kala hor yimid mucaaradka yidhina waxba kama jiraan natiijada maraykanka ayaa ku tilmaamay wax lagu degdegay oo dhib weyn horseedi karta, Sudan waxay ku danbaysay meel dhib ka taagan yahay xaalada Darfur oo ka siidaraysa xeryo qaxooti oo dhibi ka taagan...

Pages 381234 »