Tuesday, November 2, 2010

Bogga Isbarashada Ee Referring To The Ugly Ama Dadka Isu Haysta Inay Fool Xun Yihiin oo Markii Ugu Horeysay Ku Guuleystay Inuu Isu Guuriyo Lamaane Halkaa Isku Bartay

LONDON(burcotoday)Bogga Isbarashada Ee lagu magacaabo Referring To The Ugly oo ay isugu yimaadaan dadka iyagu shakiga ka qaba muuqaalkooda ama isu haysta in aanay qurux badnayn ayaa sheegay inuu ku guuleystay inuu isu guuriyo labadii qof ee ugu horeeyey ee isku barta Boggaa,

Jariirada Daily Telegraph ayaa sheegtay in ninka lagu magacaaabo Tom Clifford iyo gabadha lagu magacaabo Jenny Walker ay sheegeen inay is guursan doonaan Todobaadkan dhexdiisa iyagoo uu jacayl xoogan dhex maray kadib markii ay isku barteen Boggan mudo bil ka hor ah,
Jariirada ayaa sheegtay TOM oo 36 jir ah isla markaana ka shaqeeya dukaan lagu Rakibo Rooggaga uu sheegay inay ku qaadatay mudo dheer inuu hello gabadhii uu ku hamiyi jiray, Tom oo Naftiisa aan ku kalsoonayn ayaa isku sheegay inuu yahay nooca ay caruurtu ka oydo marka ay arkaan isla markaana sheegay in Muuqaalkiisu aanuu wanaagsaneyn, TOM ayaa u Mahadnaqay Boggan ay isku bateen oo uu sheegay la,aantii inaanuu heleen gabadhaa isla markaana waxa uu sheegay in noloshiisii isbedeshay kadib markii uu hellayJENNY isagoo ku tilmaamay inay tahay gabadh aad u qurux badan isla markaana uu aad u jecel yahay, TOM ayaa sheegay in aanuu Rumeysnayn inuu hellay gabadhaa isagoo naftiisa ku Tilmaamay mid aad u fool xun,
Jariirada Daily Telegraph ayaa sheegtay in JENNY WALKER oo 31 jir ah ay sheegtay in aanuu TOM ahayn Brad Pitt laakiin Quruxdu ay tahay aragtida qofka iyo sidaad u aragtid, Jenny ayaa sheegtay in Tom uu iyada uga dhigan yahay Boqor Qurux badan isla markaana kaamil ah,
Boggan ayaa loo sameeyey markiisa horaba dadka iyagu naftooda aan ku kalsooneyn in loogu soo xod xoddo lamaane uu nolosha la wadaago iyadoo boggaa lagu magacaabay  Referring To The Ugly, ama Bogga dadka aan quruxda badnayn iyadoo markii ugu horeysay ay ku guuleysteen inay laba qof isu guuriyaan,   Iyadoo waliba Quruxda dadku aanay isku si,u Aqoonin oo qofba si u yaqaano ama ulla muuqato,

0 comments:

Post a Comment