
Sunday, November 21, 2010

Aamiin Hassan Daacad
BOOSAASO(burctotoday)- Maamul Goboleedka Puntland oo Beryihii ugu danbeeyey ay ka jireen dilal qorshaysan o lagu khaarajinayo dadka magaca leh ayaa Mid kamida Salaadiinta Gobolada Barri ee Puntland caawa fidkii ay kooxo hubaysani ku dilleen badhtamaha magaalada Boosaaso ee xarunta maamulka Puntland, Suldaankan oo ka mid ahaa isimada ugu caansan gobolkaa oo lagu magacaabi jirey Suldaan Ciise Cali Nuur ayaa la sheegay inay dilleen laba nin oo hubaysani,
Marxuumka ayaa xilligii la tooganayay ka soo baxay salaadda Cisho oo uu
ku tukada Masjidka Aqsa oo aad ugu dhow xaafadiisa.
Sida ay sheegeen dad goobjoog ah ragga dilay Suldaanka ayaa ku
hubeysnaa bistoolado waxeyna gaadhayeen labo ruux oo u muuqday in ay
saacado badan ku daba jireen Suldaanka.
Ciidamada Booliska ayaan wax war ah ka soo saarin Cid ay u qabteen
dilkan, walow ay Ciidamo fara badan soo gaadheen goobta uu dilka ka
dhacay.
Dilka Suldaanka ayaa imanaya xilli Maamulka Puntland uu muujinayay in
xal laga gaadhay dilalka qorsheysan ee xilayada Fiidkii ah lagu fuliyo
dadka wax garadka ah, kaasoo badaanaaba ka dhaca magaalada Boosaso.
Cabdi Xasan Cilmi.
0 comments:
Post a Comment