
Tuesday, November 16, 2010

Aamiin Hassan Daacad
Hargeysa (burctoday)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta salaadii ciidal-adxada kumanaan qof kula tukaday Masjid Ibraahim Dheere ee magaalada Hargeysa.
Madaxweynayaasha Somaliland oo hore looga bartay inay ku takadaan salaadaha Ciidda Masjid Jaamicada weyn ee Hargeysa, ayaan saaka dhicin, ka dib markii aag-bedelis lagu sameeyey, taas oo salka ku haysa arrimo nabadgelyo.
Madaxweynaha Somaliland oo ay tukuashada salaakada cidda ku wehelinayeen madax sar sare oo ka tirsan Golayaasha Qaranka JSL, ayaa shacabweynaha Somaliland u diray hambalyo iyo bogaadin la xidhiidha farxadda ciidda adxada, isla markaana waxa uu u soo jeediyey inay meel uga soo wada jeedaan ilaalinta iyo sugista nabadgelyada.
0 comments:
Post a Comment