Friday, August 26, 2011

Mucaaridka Liibiya oo ku Dhawaaqay inay 1 Milyan oo Doollar Siin Doonaan Ciddii Soo Sheegta Qadaafi



Saaraakiil xagjir ah ka soo dagaallamay Afganistan oo ka mid ah xooggaga muacaridka Liibiya ee Galay Tripoli

Tripoli (Burcotoday/Sky News)- Mucaaridka waddanka Liibiya, ayaa ku dhawaaqay in lacag ka badan hal milyan oo dollar ay siin doonaan cidda soo sheegta geeri iyo nolol halka uu ku dambeeyey Madaxweyne Qaddafi, iyadoo la caddeeyey inuu lacagtaas heli doono qofka maydkiisa ama nololoshiisa keena Gaddafi.

Hoggaamiyaha Golaha Qaranka Ku-meelgaadhka ee Liibiya Mr. Maxamuud Jibriil, ayaa sheegay in madaxa Qaddafi lacag la duldhigay oo ciddii warkiisa soo sheegta ama nolol iyo dhimasho ku keenta loogu ballanqaadayo in la siin doono lacag gaadhaysa laba milyan oo diinnaar oo u dhiganta 1 milyan oo giniga Ingiriiska ah, taas oo noqonaysa hal miyan oo dollar iyo dheeraad, waxaanay mucaaridka Liibiya tibaaxeen inay lacagtaasi bixinayaan ganacsato ka soo horjeeda xukunka Qaddafi.

“Ganacsato taageerayaasha mucaaridka ah ayaa bixinaya laba milyan oo diinaar oo u dhiganta hal milyan oo giniga Ingiriiska ah, iyada oo lacagtaasina la siin doono ciddii nolol ama dhimasho ku soo sheegta Qaddafi.” Sidaa waxa yidhi Musfate Abdul Jalliil oo ka mid ah saraakiisha sare ee kooxaha mucaaridka ah.

Kooxaha mucaaridka ah oo gacanta ku dhigay inta badan waddanka Liibiya, ayaa ka cabsi qaba in Qaddafi iyo wiilashiisu dagaal kulul la geli doonaan ciidammadooda, waxana laga werwersan yahay in ilaa inta Qaddafi iyo innamadiisa la qabanayo aanay degi doonin xaaladda Liibiya, taasina waa arrinta keentay in lacag xad-dhaaf ah loogu ballanqaado ciddii soo sheegta ama warkiisa keenta hoggaamiyaha Liibiya ee la doonayo in laga tuuro talada dalkaas oo uu gacanta ku hayey in ka badan 40 sannadood, iyada oo dagaallo googoos ah ka socdaan badhtamaha magaalada caasimadda ah ee Tripoli.

Waxa kaloo xalay ilaa shalay dagaal kulul ka socday degaannada Bab Al-axziziyah oo ah xaruntii Qaddafi iyo degaanka Al-mansoura iyo meelo kaloo uu ka mid yahay hudheelka Rixos, halkaas oo laga sii daayey suxufiyiin badan oo muddo shan maalmood ah ku xannibnaa.

Hoggaamiyaha waddanka Liibiya Col. Muamar Al-gaddafi oo la rumaysan yahay inuu ka baxay caasimadda Tripoli, inkastoo aan war sugan laga hayn, ayaa sheegay in aannu dinacna uga bixi doonin waddanka Liibiya ilaa uu ku dhimanayo ama ka xoraynayo xulafada NATO iyo xooggaga mucaaridka ah ee iskaashanaya, iyadoo Qaddafi dadweynaha ku dhaqan magaaladaas ugu baaqay inay hubka qaataan oo caasimadooda ka sifeeyaan canaasiirta iyo dambilaayaasha soo weeray ee ku ciyaaraya xadaaraddii dalka Liibiya lahaa.

Dhinaca kale, iyadoo dunidu werwer xooggan ka qabto mabaadii’da hoose ee u qarsoon xooggaga mucaaradka Liibiya, ayaa haddana waxa soo baxaya xogo sheegaya in mucaaridku ay ka mid yihiin saraakiil millatari oo ka soo dagaallamay waddanka Afganistan, kuwaas oo aad ugu dheggan mabda’a islaamnimada iyo nacaybka reer galbeedka.

Sida lagu faafiyey shabakad dhinaca Internet-ka ah oo ay leeyihiin ururro islaamiyiin ah shalay, saraakiisha millatari ee ku jira kooxaha mucaaridka Liibiya ee ka soo dagaallamay waddanka Afganistan waxa ka mid ah Cabdulxakiim Balxaaj, kaasi oo ka mid ah saraakiisha horseedka u ahaa in mucaaridku gudaha u galaan caasimadda Tripoli, isagoo isla markaana sannadkii 1988 ka qaybgalay dagaalkii Afgaanistan lagaga xoreeyey ciidammadii Midowga Sofiyeeti.

Dr. Gabboose oo Xilkii Wasiirnimada Daakhiliga ku Wareejiyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha





“Haddii maamulku milgihiisa, jidkiisa, shuruucdiisa iyo hawlihiisa wax ka khaldamaan laga yaabo khalad yar inuu dhibaato weyn inoo keeno” 


Dr. Maxamed Cabdi Gabboose

Hargeysa (Jam)- Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa xilkii wasiirnimo si rasmi ah ugu wareejiyey shalay Wasiir-ku-xigeenkiisii Md. Maxamuud Garaad Soofe, kadib markii xilkaas iska casilay horraantii toddobaadkan.

Xilwareejinta oo ka ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa waxa ka soo qaybgalay Taliyaha Ciidanka Bilayska, Taliyaha Ciidanka Xeebaha, Taliyaha Laanta Socdaalka, masuuliyiin ka socda dawladaha hoose ee Hargeysa iyo Gabiley.

Wasiirkii hore ee Daakhiliga Dr. Gabboose, ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo xukuumaddiisa wixii ka khaldan uu u sheegi doono, wixii uu saxana ku garab istaagi doono, isagoo iftiimiyey inuu madaxweynaha lex-jeclo weyn ka qabo, waxaannu intaa ku daray inuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu madaxweynaha kursiga ugu fadhiisan lahaa.

“Markii aan xilka iska casilay kadib waxaan madaxweynaha u qoray waraaq aan kaga codsanayo inuu xilka cid u soo magacaabo, waayo anigu markii aan isweydiiyey waxaan ogaaday in aanan isku qaban karin anigoo mid kale wata oo himiladayda ah ee aan muddada dheer u soo halgamayey, taas oo aan leeyahay hadday khayr ii tahayna Alle ha iga dhigo, haddii aanay jirinna Ilaahayna ha iga xijaabo, waxaanan dorraad [Isniintii] madaxweynaha u qoray waraaq aan kaga codsanaayo inuu sida ugu dhakhsaha badan xilwareejintii cid u soo igmado, waxaan ka baqay in saacadda aan sii joogaba la yidhaa danihiisa ayuu sii wataa, waxaanan is idhi mar haddaad ka tagtay si dhakhso ah u wareeji xilka.

Madaxweynuhu wuu ku ammaanan yahay iscasilaadda uu iga aqbalay. Markaan qalbigayga hoose ka hadlo, waxaan runtii i diin sheegaya madaxweynaha lexjeclaan ka leeyahay, waayo halgan dheerbuu soo maray oo aan qayb ka ahaa oo aan isleeyahay wuu ku mudan yahay inuu umaddiisa hago, waxaan la jeclahay inuu guul ka gaadho dalka uu muddada dheer u soo halgamayey. Lex-jeclo labaad baan u leeyahay oo waxa weeye hadh iyo habeen maan hadhsan si aan kursiga u saaro. Qofkaan dadka hortiisa ku ammaanayey, qofkaan la jeclaa inuu kursiga yimaad igama suurtowdo inaan dadka hortooda ku caayo, waayo aniga iscaayaya, mid kalena lex-jeclaan uga leeyahay oo waxa weeye waxaynu nahay dal nugul oo mandaqad aad u kharriban ku dhexyaal, nabadna Ilaahay siiyey dadkiisuna ku jiraan halgan nololeed.

Haddii maamulku milgihiisa, jidkiisa, shuruucdiisa iyo hawlihiisa wax ka khaldamaan laga yaabo khalad yar inuu dhibaato weyn inoo keeno, waxaan ka wadaa oo labada jeerba ugu hiilanayaa markuu saxsan yahayna inaan sixitaanka ku garab galo, markuu khaldan yahayna inaan kala biqin een ku dhiirrado inaan khaladkiisa u sheego anigoo dariiqa ugu asluubta badan u maraya. Khalad u sheegistu ma aha burburin ee waxaan ka wadaa waxa weeye isaga kalgacal loo qabo in wax u hagaagan, waayo waxa loo sheegayaa hadday sax yihiinna ha qaato, haddaanay sax ahayna ha ka tego,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gabboose.

Dr. Gabboose waxa kaloo uu ka hadlay himiladiisa siyaasadeed oo uu sheegay in aanay sal u noqon doonin qabyaalad iyo reernimo, balse ku jihaysnaan doono aqoonyahayka, isaga oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Dariiqaa ii bilaabmaya waxaan jecelahay inaan ka fogaado inaan salka la galo reer gaar ah. Waxaan jeclahay inaan u durko oo aan waxoogaa noqdo aqoonyahanka, waayo maanta caalamka aqoonbaa hoggaaminaysa oo hagaysa, ma lihi ka aan aqoonta lahayn waa qof xun, dawladnimaduna aqoonbay u baahan tahay, waa loo soo dhintay, markaa dadkii ka saari lahaa ayey tahay inay hawshaas qabtaan.”

Sidoo kale, waxa uu farta ku fiiqay waxqabadkii wasaaraddiisa oo ay ugu weyn tahay nabadgelyada, isaga oo sheegay inay waxqabadyo la taaban karo ku tallaabsadeen muddadii uu xilka hayey.

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Md. Maxamuud Garaad Soofe oo xilka wasiirnimo kala wareegay Dr. Gabboose, ayaa Madaxweynaha Somaliland uga mahad-celiyey xilka uu u soo igmaday, isaga oo Dr. Maxamed Cabdi Gabboose-na ku ammaanay muddadii ay wada shaqaynaayeen inay si buuxda u soo wada shaqeeyeen, isla markaana aanay isku khilaafin shaqada, waxaannu ugu baaqay shaqaalaha iyo bulshada Somalilandba inay siday ula shaqaynaayeen wasiirkii hore ula shaqeeyaan isagana.

Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Gen. Maxamed Saqadhi Dubbad, ayaa ka xusay, kuna amaanay inuu soo nooleeyey Dr. Gabboose inuu waxqabadyo la taaban karo hirgeliyey sida kaabayaasha nabadgelyada, isagoo tilmaamay inuu doonayey inuu u dhiso talis cusub.

 “Wasiirka hore waannu isu naqiinay, waana markii labaad ee halkan aan ka sheego, intii uu siyaadda ku jiray dakhtar buu ahaa caan ah, aad iyo aad baanan mabsuud uga hawsh uu nala qabanayey, hawlahuu nala qabanayana waxa uu caan ku yahay aad buu u fudfudud yahay oo 24ka saacadood wuu ximayey, taasina waa mid guul ka soo hoynaysa oo kor u qaadaysaa inuu shaqada diyaar u yahay, waqti kasta oo aad la hadashana waa xaadir. Waxyaabaha ugu waaweyn ee noo fuliyey waxa ka mid hirgelinta talis cusub, kaas oo noqon doona ilaa saddex dabaq,” ayuu yidhi Taliye Saqadhi Dubbad.

Waxa iyaguna halkaa ka hadlay, Taliyaha Ciidanka Xeebaha, Taliyaha Laanta Socdaalka iyo masuuliyiin kaloo dhammaantood ku ammaanay Dr.Gabboose in uu muddadii la joogay wax weyn u qabtay, waxaanay ugu duceeyeen inuu himiladiisa guul weyn ka gaadho.

Madaxweyne Axmed (Siilaanyo) oo Dhaqan geliyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada






Madaxweyne Axmed (Siilaanyo) oo Dhaqan geliyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada
JAMHUURIYADDA                 Republic    of                           SOMALILAND                                    SOMALILAND

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada  JSL

 

Date: 23/08/2011

Warsaxaafadeed



Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  waxa uu Maanta Dhaqan geliyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda.





Waxaanu Madaxweynuhu ku yidhi Dhaqan galka xeerkan sidan :-





Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,



Markuu Helay:                          Go’aanka Golaha Wakiilada JSL ee Go’aan Lr. GW/KF-15/534/2011, ee Ansixinta Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda,



Markuu Arkay:                          Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.





Wuxuu Soo Saaray,



Dhaqan-galka Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Xeer Lr. 14/2011.











ALLAA      MAHAD        LEH





Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada JSL.

Ciidanka Qaranka Somaliland oo Dhoolatus Ballaadhan oo Hanjabaad xamabarsan ku Sameeyey Taleex



PrintE-mail
TUESDAY, 23 AUGUST 2011
“Waxa weeye in aynu la dagaallano wax alla wixii inagaga soo duula Puntland, jilibka u dhigno oo kula dagaallano si mintid ah, maadaama waxoodu tahay daandaasi”



Abbaanduulaha Qaybta 81-aad oo ka tirsan Taliska 12-aad ee Ciidanka Qaranka

Taleex (Togdhnews)- Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan degmada Taleex ee dhowaan Puntland ka qafaashay masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Sool, ayaa sameeyey dhool-tus ay ugu hanjabeen maamulka Majeerteeniya.

Dhoola-tuska oo ay ka qaybgaleen ciidan badan oo degay qalcadda muhiimka ah ee ay deganaan jireen ciidammadii Daraawiishta, waxa ay soo bandhigeen siday diyaarka ugu yihiin inay difaacaan dalkooda, gaar ahaan farogelinta maamulka Puntland ku hayo degaankaasi.

Abbaanduulaha Qaybta 81-aad ee Taliska 12-aad Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Axmed Muuse oo hadal u jeediyey ciidankaas, ayaa siiyey awaamiir iyo talooyin la xidhiidha sugidda ammaanka iyo qorshayaasha u diyaargarowgooda cadowga.

“Waxa la innagu weeraray baabuur tikniko ah innaga oo aanay jirin wax allaale iyo wax aynu cid ka hayno oo xaq ah ayaa si gardarro iyo daandaansi ah la inoo weeraray oo taliyaheenii loo qabsaday masuuliyiintii iyo shaqaalihii Gobolka Sool-na loo haystaa. Sidaa daraadeed, waxa weeye in aynu la dagaallano wax alla wixii inagaga soo duula Puntland, jilibka u dhigno oo kula dagaallano si mintid ah, maadaama waxoodu tahay daandaasi.

“Degaankeennu waa halkan Somaliland inteeda kale iyo degmada Taleex way kala fog yihiin oo waxay isku jiraan 280km, gurmadka halkaa ka soo baxaa waxa uu ina soo gaadhi karaa 4 saacadood kadib, markaa inta gurmadku ina soo gaadhayo waa in aynu iska celino cadowga,” ayuu yidhi Abbaanduuluhu.

Madaxa maamulka Lacagta ciidankaasi Caydaruus Cali Ciise, ayaa isaguna ka hadlay qorshihii lagu afduubay masuuliyiintii Gobolka Sool ee iyagoo ku sii jeeda Taleex la afduubay oo uu ku tilmaamay mid xidhiidhsan oo laga shaqeeyey.

“Sababta afduubka noogu gaysteen maamulka Majeerteeniya iyo kuwa ay adeegsanayeen waxa keenay oo qayb ka qaatay goyntii adeegga isgaadhsiinta ee shirkadda Golis oo markii aannu soo baxnay ka baxday khadka, waxaanay ka maqnayd intii aannu sii soconay, waxay shirkaddaasi hawada ku soo noqotay markii dagaalku dhammaaday oo aan u malaynayo in telefoon lagu hagayey, waa arrin lala yaabo oo dabagalkeeda leh, kiisna ka furan yahay,” ayuu yidhi Mr. Caydaruus Cali Ciise.

Cahdigii Hoggaamiyaha Libiya oo Dhammaaday, Qadaafi oo la la’yahay iyo Aragtida Beesha Caalamka



Tripoli (Burcotoday)- Cahdigii keligii-taliyihii dalka Libiya Mucamar al-Qaddaafi ayaa si dhab u soo gebogaboobay kadib markii jabhadaha 
 mucaaradka ee dagaalka kula jiray lixdii bilood ee u dambeeyey gacanta ku dhigeen caasimadda Tripoli oo noqotay meeshii u dambaysay ee laga qabsado taliska Qaddafi.

Qiyaastii 80% magaalada Tripoli waxa la wareegay kooxaha mucaaradkaa, waxana goobaha ay gacanta ku dhigeen ka mid ah xaruntii telefishanka dawladda iyo fagaaraha loo yaqaan Green Square ee ay isugu soo bixi jireen taageerayaasha Qaddaafi.

Haseyeeshee, waxa dagaal weli ka socdaa dhinaca galbeed ee magaalada oo ay weli ku sugan yihiin ciidammada daacadda u ah Qaddaafi, kuwaas oo ku jira dhismaha Qaddaafi ee Bab Al-Casisyah iyo dhismayaasha u dhow.

Dagaal ayaa qarxay kadib markii ciidamo kuwa Qaddaafi ah oo wata taangiyada dagaalka ay ka soo baxeen dhismaha Bab al-Cazizyah ee uu ka talin jiray, kuwaas oo markii ay soo baxeen rasaas culus furay.

Madaxa Golaha Mucaaradka ee dagaalka ka waday Libiya Mustafa Abdel Jalil, ayaa ku dhawaaqay inuu dhammaaday cahdigii Qaddaafi ee kaligii-teliga ahaa, isla markaana ku raad-joogaan sidii ay isaga gacanta ugu dhigi lahaayeen.

Geesta kale, iyadoo ilaa hadda aan la garanayn meesha uu ku sugan yahay Mucammar al-Qaddaafi, ayaa la sheegay in kooxaha dagaallamayaa gacanta ku dhigeen saddex ka mid ah wiilasha uu Qaddaafi dhalay oo ay ka mid yihiin Sayf Al-islam oo laga qabtay xaafad ku taal galbeedka Tripoli, Maxammed Qaddaafi.

Shacabka magaalada Tripoli oo u dabbaaldeggaya guusha mucaaradku gaadheen ayaa isugu soo baxay fagaaraha Cagaaran ee Qaddaafi oo taageerayaashiisu caanka ku ahayeen, waxaanay farxad ku sagootiyeen dhicitaanka rajiimka muddada 41-ka sanno iyo 11 bilood ah xukunka keligiitaliska ah ku haystay waddanka Libiya.

Hoggaamiyeyaasha adduunka ayaa Madaxweyne Qadaafiga la la’yahay ugu baaqay inuu awoodda wareejiyo oo qirto in laga adkaaday, iyada oo dawlado badan oo ay ugu dambeeyeen Masar iyo Tuunisiya dawlad ahaan u aqoonsadeen golaha mucaaridka Liibiya, iyadoo beesha caalamku aragti ahaan soo dhaweeyeen guulaha xoogga mucaaridka, balse hoggaamiyaha waddanka Vensualle Mr. Hugo Chaves ayaa Isbahaysiga NATO ku eedeeyey inay burburinayaan caasimadda Liibiya ee Tripoli.


Thursday, August 25, 2011

Madaxweyne Axmed (Siilaanyo) oo Dhaqan geliyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada



PDFPrintE-mail
TUESDAY, 23 AUGUST 2011
Madaxweyne Axmed (Siilaanyo) oo Dhaqan geliyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada
JAMHUURIYADDA                 Republic    of                           SOMALILAND                                    SOMALILAND

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada  JSL

 

Date: 23/08/2011

Warsaxaafadeed



Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  waxa uu Maanta Dhaqan geliyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda.





Waxaanu Madaxweynuhu ku yidhi Dhaqan galka xeerkan sidan :-





Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,



Markuu Helay:                          Go’aanka Golaha Wakiilada JSL ee Go’aan Lr. GW/KF-15/534/2011, ee Ansixinta Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda,



Markuu Arkay:                          Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.





Wuxuu Soo Saaray,



Dhaqan-galka Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Xeer Lr. 14/2011.











ALLAA      MAHAD        LEH





Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada JSL.

Wednesday, July 27, 2011

Golihii fulinta ee Xisbiga UCID iyo maamulkii cusbaa oo maanta shirkale isugu yimi Faysalna ku tilmaamay Giimbaartii Burco ee la bedelay


Hargeys(Burcotoday) 25/07/2011waxa manta xaflad ay ku adkaynayaan go’aankii ay gudida fulinta ee Xisbiga UCID ku dooratay maamulka cusub eek u meel gaadhka ah Huteel Guled ku qabtay guud ahaan gudidii fulinta ee xisbigaas iyo dhamaan madaxdii gobol;ada ee Xisbiga UICD.
Madashan ayaa caalamka iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga loogu baaqay inay laga bilaaboo manta la shaqeeyaan gudoomiyaha cusub mudane Aadan Maxamed Mire Waqaf iyo kuxigeenadiisa.
Waxa madasha ka hadlay gudoomiyaha Cusub ee UCID waqaf waxaanu sheegeay in ka dib marxalado badan oo sare iyo hoos u sheegba leh uu Faysal ka soo noqon waayay inuu xisbiga taladiisa maamulka kale la wadaago isla markaana waxa uu sheegay in sharciyan ay kaga egtahay mudo xileedkiisii oo aanu mardanbe musharaxna isu soo taagi Karin gudoomiyenma isu soo taagi Karin oo sharciga ayaan ogolayn ayuu yidhi gudoomiyaha cusubi.
Gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro ayaa isna ugu baaqay Faysal inuu iska daayo abaabulka caruurta iyo haweenka oo uu ka soo qayb galo shirarka xisbiga waayo waa aasaasayaashii xisbiga ayuu yidhi, waxa kale oo uu Cabdiraxmaan ciro kutil;maamay Faysal Giimbaartii Burco ee dhacday isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ saaxiibkay faysal waa giimbaartii Burco , maxaa lagu sameeyey waatii la bedley”
Waxa iyaguna madasha ka hadlay gudoomiyayaasha gobolada M/jeex, Togdheer, Sanaag, Awdal, iyo Sool waxaanay dhamaantood ku gacan saydheen shirweynaha uu faysal ku dhawaaqy inuu berio qabanyo oo ay iska daba mareen in sharcigu iyaga goboladooda siinayo inay ka soo xulaan ergada iyaguna ay hargeysa joogaan markaa aanay suuragal ahayn waxaas uu ka hadlayaa ee xisbigii uu go’aan gaadhay maamul cusubna samaystay.

Faysal Cali waraabe oo Fagaare kala hadlay taageerayaal ganafkana ku dhuftay xilkaqaadistii gudida fulinta

July 26, 2011 - Written by editor

Hargeysa (Burcotoday) 25/07/2011 Isu soo bax ay manta taageerayaasha xisbiga UCID ku qabteen xarunta dhexe ee xisbiga UCID oo uu soo abaabulay gudoomiyaha Xisbiga UCID ee ay Gudida fulintu sheegtay inay ka qaaday xilkii uu xisbigaas ka hayay ayaa waxba kama jiraan kutilmaamay shirkii golaha fulinte ee xisbigaas.
Faysal cali waraabe oo ay garab taagan yihiin laba xubnood oo ka tirsan gudida fulinta ayaa sheegay in xisbigii ay ka dhex dilaacday SSC isl markaana waxa uu ku eedeeyey madaxda wada fadqalalada xisbiga dhexdiisa inay yihiin qaar uu isagu meesha keensaday oo uu wax ka dhigay.
“Ragii aan waday ee aan wax ka dhigay ayaa manta dagaalkii gondahayga ka bilaabay” ayuu faysal caliwaraabe madasha ka yidhi.
Waxa iyaguna madasha ka hadlay xoghayaha arimaha gudaha ee xisbigaas oo sheegay inay xisbiga kala jebinayaan ragas wax wadaa isla markaana waxa uu ku dhawaaqy in maalinta beri ah ay ku qaban doonaan Hargeysa shirweynihii xisbigaas ee loo baahan yahay buu yidhi inaad nagala soo qayb gashaan taageerayaashayadow.


Somaliland: The former British colony that shows Africa doesn’t need our millions to flourish, By Ian Birrell


The Summer Time restaurant was buzzing. On the dusty road outside, new four-wheel drive cars fought for space with smart saloons. Inside, waiters in bow ties rushed about serving spicy chicken, camel milk and piles of spaghetti.
Families and groups of friends queued for tables at the entrance.
A father eating with his four sons stopped me for a chat about football. As we spoke, a group of women swathed in bright robes wafted by, talking with cutglass English accents.
City of Hope: The capital Hargeisa was, two decades ago, in ruins and obliterated by bombers sent up from its airport by a vindictive dictator and littered with mines
A health worker toured the tables, pushing tickets for a $20-a-head charity fund-raiser.
Another man greeted me as I left. Five minutes later, he had invited me to a family wedding the following night and I accepted.
I could not have been made more welcome as I watched comedians, poets and traditional dancing. This, incredibly, was Somalia: the world’s most failed state, notorious for bloodshed, chaos, piracy, Islamic fundamentalists and hostility to Westerners.
More…Somali famine: Generous Brits give £24m to victims after worst drought in 60 years
Or that, at least, is where I was according to the UN. In reality I was in Somaliland, an unrecognised republic that has broken away in the north.
This tiny, impoverished, little known nation – a former British protectorate that still serves bananas in lumpy custard for pudding – is offering the rest of the world a salutary lesson.
Two decades ago, it was shattered as it emerged from Somalia’s civil war. The capital Hargeisa, which I visited last week, was in ruins, obliterated by bombers sent up from its airport by a vindictive dictator and littered with mines.
Hundreds of thousands were killed, millions driven from their homes. Today it is an astonishing success story for a country that officially does not exist and sits in one of the most chaotic corners of the world.
Denied international help, the people of Somaliland made their own peace, disarmed their militias and created a unique system of government, one that fuses Western-style democracy with African traditions.
The nation has its own president, parliament, passports and currency. It has fair elections – including one that left two presidential candidates just 80 votes apart but was resolved by courts, not conflict – plus free speech and a belief in free markets that is clearly paying off.
It is also a conservative Muslim country that is pro-Western, retaining a special affection for Britain, which ruled it for 80 years before granting independence in 1960.
Five days later, its leaders merged with Italian Somalia in the south, a union they rapidly regretted.
The people take great pride in their enforced self-sufficiency since separation. ‘The key to our success was the lack of foreign influence,’ said Abdirahman Abdillahi, Speaker of the parliament.
‘It was all done by Somalilanders alone.’
This story is all the more remarkable given Somaliland’s location: its neighbours include Somalia and also Ethiopia and Eritrea, two repressive regimes that have had endless border skirmishes and a full-blown war.
Yemen, also in meltdown, is just over the Gulf of Aden. Now, amid growing recognition of its success, this nation of four million is being hailed as the place that proves development aid does not work.
Last week, on his brief trip to Africa, David Cameron defended his controversial policy to raise spending on overseas aid while cutting spending at home, adding that the Coalition was bolstering support for troubled states.
‘By 2015 we’ll be putting nearly a third of all our aid into conflict states,’ he said. ‘The aid sceptics are wrong. Aid is essential.’ Critics, though, suggest aid encourages a dependency culture and undermines governance, since politicians are not obliged to respond to citizens’ needs.
Instead, they fritter away cash on weapons or stash it in personal bank accounts. Somaliland proves the point. Its fledgling government receives no direct aid since it is unrecognised.
Instead it has had to rely on tax revenues, ensuring it has developed an inclusive, transparent and accountable political system in contrast with so many other developing nations propped up by foreign donors.
Days gone by: The British colonial past of Somalia
It is highlighted in a new paper by Nicholas Eubank, a political economist at Stanford University in the US, who said Somaliland’s history offered unique insights into the downside of current levels of foreign aid.
His paper shows how politicians were forced into ‘revenue bargaining’, accepting checks on power that laid the basis of political stability.
He pointed to a dispute over the port of Berbera, a trade hub for landlocked Ethiopia, which the government tried to take by force from a small clan.
‘I’m not a huge believer in foreign aid. How many countries have moved ahead and developed with international aid? It is not the formula for development. There’s an aid lobby that feeds on this. For every dollar put in by taxpayers, so little gets to the intended destination. The aid groups feed off the photo ops. I hate to say it, but they love starvation.’
- Hussein Abdi Dualeh
Having failed, but needing the revenue, it entered discussions that led to the inclusion of all clans in representative government. With aid money, the sums involved would have been too small to bother with – or it would have spent more on armed forces, and crushed the smaller clan.
Eubank estimated that in the previous year, for example, the government would have had at least £44 million in foreign aid if getting the level given elsewhere in sub-Saharan Africa – more than twice its annual revenue.
His theory that Somaliland benefited from lack of international support was backed by all the key figures I met there last week. Among them was Hussein Abdi Dualeh, the energetic minister for mining, energy and water.
He took the post last year, leaving behind his family and a wellpaid job in Los Angeles to return to a country he last saw devastated two decades ago. ‘My coming here was part of the effort to come up with a new way of governing,’ he said.
‘It was a hard sell to my three kids, but what could be more rewarding than the chance to leave a real and tangible legacy? ‘Given our resources and the state of the country, it is remarkable what we have achieved, especially since we are in such a rough neighbourhood.
‘We were left to rely on our own resources. During that time we were given space to sort out our own issues. There could be no complacency or relying on other countries to give us aid or help.’
Would he like to see aid flood in now? ‘I’m not a huge believer in foreign aid. How many countries have moved ahead and developed with international aid? It is not the formula for development.
‘There’s an aid lobby that feeds on this. For every dollar put in by taxpayers, so little gets to the intended destination. The aid groups feed off the photo ops. I hate to say it, but they love starvation.’
Indomitable spirit: Ian Birrell meets Dr Edna Ismail
There are once again desperate appeals for emergency aid to feed people amid famine in the Horn of Africa, especially in Somalia.
But even the aid lobby admits the root causes include political chaos in one of the world’s most conflict riven regions, just as in the Ethiopian famine that sparked Live Aid.
Having survived the flight to Somaliland on a Russian jet more than 50 years old, sitting on a broken seat and sweltering without air-conditioning, I met up in Hargeisa with Khadar Ali Gaas.
Proud: A young Somaliland woman holds her national flag
He had spent three terrifying months trapped there during the civil war before walking to Ethiopia, then fleeing to Europe. He was back for the first time in 12 years, joining the exiles who flood back in the summer.
‘This city has grown so much,’ said Mr Gaas, who is a chauffeur in London. ‘Then there was war damage everywhere, while now there is almost none.’
As he showed me round Hargeisa, avoiding goats splayed out in the shade and a pair of swollenbottomed monkeys sauntering down the street, it was clear life remains a struggle.
Donkeys haul water tanks – the official supply system was built 40 years ago for 200,000 people, today there are nearly five times that number.
Traders try to sell stacks of shoes, ancient electronics and bushels of the stimulant qat. More than half the population is nomadic; two-thirds rely on livestock for their income – which explains why cows mooch nonchalantly down the main roads of Hargeisa and there is a daily camel market.
Even a printing executive flying to China for three months confessed to me he had dried camel meat in his bag to sustain him there.
One of the MiG jets that destroyed the city sits on top of a memorial to independence, with its gory murals of fighters with limbs chopped off.
The many youths hanging around underlines the high unemployment: some say four out of every five adults is jobless. Yet women feel safe enough to sit in front of stalls laden with gold jewellery until 10pm, and men peer over walls of bank notes at open-air currency exchanges.
Signs proclaim that weapons must be registered. Somalia’s capital Mogadishu, of course, is notorious for gun-toting militia.
In Hargeisa, private business, often funded by the flow of remittances from families that fled abroad, is thriving. The place hums with construction work – the buildings going up include a shopping mall – and everyone seems to clutch a mobile phone.
Billboards advertising rival networks vie with those warning against human trafficking. One young man stopped to talk with my companions, then drove off in his gleaming white Jeep.
Self-declared: Somaliland people protest in London as they try to get international recognition for their currently unrecognised state
He had been given £2,500 by his sister to escape the civil war, but could not get out. So he started a construction business and is now a millionaire. Khader Hussein did escape, but returned ten years ago from Britain.
‘There was absolutely nothing here. I asked myself what I could do to help and decided to open a hotel.’
He ploughed more than £1 million into creating the upmarket Ambassador Hotel by the airport.
‘Everyone thought I was a madman,’ said Mr Hussein, who is also an opposition MP.
‘Now my hotel supports 400 families.’ But no one epitomises the nation’s indomitable spirit more than Edna Adan Ismail, or Dr Edna, as everyone knows her.
Controversial: David Cameron, on last week’s brief trip to Africa, defended his controversial policy to raise spending on overseas aid while cutting spending at home
This inspirational woman, who trained as a nurse in London and was married to the country’s first president, decided to build a hospital when she retired from the World Health Organisation aged 60.
She sold her Mercedes and put all her savings and pension into a maternity hospital which opened nine years ago.
It has slashed maternal death rates in a land where being pregnant is a mortal risk, expanded into emergency care and been acclaimed Africa’s best hospital.
Now aged 74, she lives above the hospital and works all hours. She has set up satellite units around the country – one to prevent women dying in transit to her hospital from Ethiopia – and is focused on training new health workers and pharmacists.
She relies on just two full-time doctors and 17 trained nurses and midwives; there are only 369 nurses in the entire country.
She shows me a library used for lectures and pristine rooms, a stark contrast with dilapidated hospitals too often found in Africa. A passing trainee nurse receives a gentle clip on her veiled head and a rebuke.
‘She was wearing the wrong shoes, all click-click on the floor, but she’s a good girl really,’ Dr Edna tells me. Her hospital symbolises how Somaliland rose from the chaos and carnage.
‘Our choice was to lie down and die, or rely on what I call people power to rebuild our nation. ‘It’s been good for us. When the infrastructure was totally destroyed, if outsiders had said, “Here’s the money to rebuild yourselves and to set up institutions,” it would have built into us a dependency culture.
‘Instead, through trial and error we found what worked.’
Reconciliation involved conferences at which elders, intellectuals and ordinary people slowly sorted out differences to agree a system of government.
Malnourished: This picture of a child from southern Somalia on the floor of Banadir hospital, in the country’s capital Mogadishu, is in stark contrast to what Ian Birrell witnessed in Somaliland
There is a US-style president and an elected House of Representatives, plus an upper house of elders to ensure all clans have a voice.
There were outbreaks of fighting before a permanent constitution was agreed in 2001 by 97 per cent of voters.
The peace process is estimated to have cost less than £60,000, against the huge sums poured in for years in the attempt to impose peace on Somalia, much of it ending up in the pockets of warlords and Islamist groups.
Britain is increasing aid to Somalia, recently branded the world’s most failed state.
Somaliland’s nascent democracy is not perfect. There has been concern over judicial detentions, and disputes over voter registration delayed presidential elections that were finally held last July.
But in a region of failed states, communal violence, brutal repression and brazen electoral fraud, even Human Rights Watch said Somaliland’s accomplishments were ‘improbable and highly impressive’. Journalists have been jailed also, but the new government promised to stop such behaviour.
The chief editor of Jamhuuriya, the oldest paper, was arrested two weeks ago after criticising the attorney-general. ‘It was a setback,’ said Mustafe Sa’ad, the paper’s manager.
‘But at least when we rang the government to complain, they did not know about it and got him out straight away.’
There are also fears that increasing amounts of indirect aid – while still far lower than levels in most developing countries – are weakening the emphasis on tax collection.
But in a region of failed states, communal violence, brutal repression and brazen electoral fraud, even Human Rights Watch said Somaliland’s accomplishments were ‘improbable and highly impressive’.
Now the focus is on winning international recognition, which would allow access to capital markets and encourage foreign businesses to invest. Hopes have been boosted by the birth of South Sudan, which ended the African Union’s ban on breaking the old colonial borders, although what passes for a government in Somalia remains opposed.
‘Recognition has always been a priority,’ said Amina Weris Skeik Mohamed, the first lady, as we talked over fizzy apple juice in the presidential palace.
‘We are fighting the same enemies as you and share the same values of peace, democracy and humanity. Recognise us, and we could do so much more together.’
The palace was attacked three years ago, reportedly by Al-Shabaab, the Islamic militia in Somalia. Security is tight: I watched as her husband’s convoy prepared for a trip, with two identical cars supported by three trucks filled with troops and heavy artillery at the back.
I asked why she thought they had been attacked. ‘Because we are friends of the infidel,’ she said with a smile.
Surely it is time for us to reciprocate this friendship and recognise the astonishing achievements of this courageous country

Ciidamada Bileyska Oo Gacanta Ku Dhigay Xafiiskii Baasaaboorada Sheekh Shariif Lagu Bixinayay, Saddex Xubnood Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Xukuumada Oo Hore U Beenisay jiritaanka Xafiiskaasi

Hargeysa, July 21, 2011 (BURCOTODAY) – Ciidamadda Bilayska Somaliland ayaa hawlgal ay shalay ka fuliyeen Caasimada Hargeysa gacanta ku soo dhigay xafiiskii Baasaaboorada dawlada Sheekh Shariif ee Somalia lagu bixinayey, isla markaana xabsiga u taxaabay saddex nin oo ka soo jeeda Somaliland iyo Ducment-yada aqoonsiga Baasaaboorkaasi oo loogu tagay xafiiskaasi.
Xafiiskan Baasaaboorada dawlada Somalia lagu bixinayey ayay xukuumadu hore u beenisay inuu ka furan yahay caasimada Hargeysa, kaas oo muddooyinkii u dambeeyay-ba ka furnaa caasimada, balse aanay xukuumadu wax talaabo ah ka qaadin.
Waxa sidaasi shaaca ka qaaday Taliye ku xigeenka Bilayska Somaliland C/raxmaan Maxamed Fooxle oo xalay u waramay Idaacada dawlada ee Radio Hargeysa, kaas oo taliyuhu sheegay in hawlgalkaasi ciidanka Bilaysku fuliyeen uu in muddo ah ay dabagal ku hayeen kadib ay ku soo qabteen saddex xubnood oo Somaliland u dhashay iyo agabkii xafiiskaasi oo ay ka mid ahaayeen Baasaaboorada Somalia, waraaqo aqoonsiya iyo qalab ka mid ah Aaladaha loo adeegsado samaynta iyo bixinta Baasaaboorada sharci darada ah.
Taliye ku xigeenka Bilayska C/raxmaan Fooxle, waxa kale oo uu sheegay in ciidanka Bilaysku ay muddo-ba ku daba jireen xafiiskaasi lagu bixinayay baasaaboorka dawlada Somalia, balse ay ku guulaysteen in xafiiskaasi sharci darada ah hawlgalkii ay ku hayeen, isagoo intaa ku daray in sharciga la hor gayn doono saddexda nine e Bilaysku u qabteen dhacdadan, oo aanu magacooda xusin taliyuhu, balse uu cadeeyay inay ka soo jeedaan Somaliland.
Dhinaaca kale xukuumada Somaliland ayaa iyadu hore u beenisay jiritaanka xafiiska baasaaboorada dawlada Somalia uga furnaa Hargeysa, taas oo agaasimaha guud ee arrimaha dibada Mr Maxamuud Raage oo dhawaan soo saaray warsaxaafadeed ayaa beeniyay, isla markaana ku tilmaamay war aan sal iyo raad toona lahayn, isagoo dhinaca kalena madaxa laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cismaan Caalin oo Haatuf wax ka weydiiyay muddo toban maalmood ka hor waxa ka jira xafiiskaasi uu isaguna beeniyay, isaga oo sheegay in aanay suurtagal ahayn in xafiis Baasaaboorka Somalia lagu bixiyaa Hargeysa ka furan yahay.

Monday, July 25, 2011

Madaweyne Siilaanyo Oo Talaabo Horumar Leh Ku Tilmaamay Bariis Laga Beeray Dalka Oo Si Wanaagsan U Soo Go’ay.

Hargeysa (Burcotoday)-Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ayaa  talaabo dhiirigelin leh oo loo qaaday dhanka horumarka ku tilmaamay bariiska laga beeray  dalka oo markii ugu horeysay la isticmaalay.
 Md Siilaanyo waxa uu hadalkan ka sheegay munaasibad lagu soo bandhigay bariiska cusub ee laga beeray dalka oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada, taasoo ay ka soo qaybgaleen  kooxo wasiiro iyo agaasimayaal isugu jirtay, isaga oo sheegaya in uu aad  ugu faraxsan yahay in markii ugu horeysay noloshiisha in uu cuno bariis laga beeray Somaliland oo wakhtigan ka yahay Madaxweyne. maanta ka qayb galay munaasibad qado ah oo lagu soo bandhigayay.

 “Waxaa farxad wayn inoo ah oo weliba aniga mid gaara ii sii ah,in aan halkan ku marti qaado Wasiirada oo ah madaxdii qaranka,iyada oo aynu maanta halkan ku cunayno bariiskii dalkeena ka baxay,taasi waxay muujinaysaa in aan dalkeena ka beeri karno kana soo saari karno bariis,hadhuudh iyo nooc kasta oo ah wax soo saar,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
 Waxa kale oo uu Madaxweyne ugu baaqay shacabka reer Somaliland in ay dadaal u galaan sidii ay dalkooda ugu beeri lahayeen dalagyo kala duwan si looga maarmo raashin laga keeno dibedaha oo ay ku baxdo lacag tiro badan.
“Waa in aynu ku dadaalno kuna dhiirano lagana hawl galo sidii aynu uga shaqayn lahayn in midhaha aynu u baahanahay aynu dalkeena kala soo baxno gaar ahaana bariiska oo aynu ula soo baxno sida aynu waxyaabaha kaleba ula soo baxno,haddii aynu ku dadaalno wax soo saarka dalkeena waxaynu kaga maarmaynaa cuntooyinka dibada inooga yimaada,” ayuu raaciyay Madaxweynuhu. 
 Wasaarada beeraha  Somaliland ayaa muddooyinkan dambe ku  hawalanayd sidii ay dalka ugu beeri lahayd bariis    ay Somaliland leedahay, waxaana ay  arrintan muujinaysaa in sida ay wasaarada ugu dadaalayso in  hoos loo dhigo badeecadaha raashinka ah  ee laga soo dhoofiyo wadamada kale.

Sunday, July 24, 2011

Maleeshiyadda Nabad-diidka Ah Ee SSC Oo Xilkii Ka Xayuubiyey Saleebaan Xaglo-toosiye, Hogaamiye Cusub-na U Magacaabay Ku Xigeenkiisii

Laascaanood (BURCOTODAY)  July 24,2011 –Maleeshiyadda nabad-diidka ah ee SSC, ayaa ku dhawaaqday inay xilkii guddoomiyenimo ka qaadeen Saleebaan Axmed Ciise (Xaglo-toosiye), oo muddo soo hogaaminayay Maleeshiyadaas.
Golaha khusuusiga ah ee Maleeshiyadda SSC ayaa sheegay in shir maalmihii u dambeeyay kooxda uga socday deegaanka Dharkeyn-geeyo ay ku go’aamiyeen in xilka laga qaado Saleebaan Axmed Axmed Ciise (Xaglo-toosiye).
Madaxa warbaahinta ee golaha khusuusiga ah ee Maleeshiyadda SSC Mukhtaar Xirsi oo maanta shir-jaraa’id qabtay ayaa shaaciyay in golaha khusuusiga SSC go’aamiyay in xilka laga qaado hogaamiyihii hore ee Maleeshiyadda nabad-diidka ah.
Ninkan u hadlay golaha xilka ka qaaday Xaglo-toosiye ayaa sheegay in xil ka qaadista Xaglo-toosiye ay sababtay hawl-gudasho la’aan ka timid Saleebaan Axmed Ciise (Xaglo-toosiye) sidaa daraadeedna xilka laga xayuubiyo isaga oo maqan.
Sidoo kale Mr Mukhtaar Xirsi, waxa uu tilmaamay in golaha khusuusiga ah ee SSC shirkooda ku go’aamiyeen in guddoomiyaha cusub ee kooxda SSC uu noqdo ku xigeenkii Xaglo-toosiye oo ah Mr Cali Sabarey.
Hogaamiyaha cusub ee Maleeshiyadda SSC Cali Sabarey oo isna markii guddoomiyenimadiisa lagu dhawaaqay warbaahinta la hadlay ayaa balan-qaaday inuu qaadi doono talaabooyin muhiim u ah maleeshiyadda hogaaminteeda loo dhiibay.

Tuesday, July 19, 2011

Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Oo Socdaal Shaqo Ugu Ambabaxay Djibouti

Hargeysa, July 19, 2011 (Burcotoday) - Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa shalay socdaal shaqo oo ku tagay wadanka Jabuuti ka dib markii ay marti qaad ka heleen wasaarada maaliyada ee dalka Jabuuti.
Weftigan Wasiirka Maaliyada waxa xubno ka ah Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo dalxiiska Md. C/Risaaq Khaliif Axmed iyo sarkaal ka socday Rugta Ganacsiga Somaliland.
Weftigan waxa madaarka Jabuuti shalay galab ku qaabilay Wasiirul dawlaha wasaarada maaliyada Jabuuti u qaabilsan Miisaaniyadda Cali Siciid iyo Cabdi Ashkir oo ka mid ah saraakiisha wasaarada maaliyada.
Wasiirka Maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo markii uu gaadhay Jabuuti madaarka ugu waramayay Saxaafadda ayaa sheegay in socdaalkoodu qaadan doono muddo sadex maalmood ah isla markaana ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan Wasaaradaha dalka Djibouti.
Maxamed Xaashi waxa uu tilmaamay in socdaalkoodani uu ka dhashay marti qaad rasmi ah oo ay ka heleen dawlada Jabuuti.
Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Md. C/Risaaq Khaliif Axmed, ayaa isaguna uga mahad celiyay masuuliyiinta wasaarada maaliyada ee soo dhaweeyay waxaanu sheegay in socdaalkoodani uu qeyb ka yahay iskaashiga labada dal dhinacyadda dhaqaalaha.

Gudomiyaha Arrimaha Gudaha Wakiilada Oo Sheegay Inay Maanta Golaha Hor Keeni Doonaan Xeerka Axsaabta Iyo Dooda Furitaanka Ururada Oo Xaasaasi ah


Hargeysa, July 19, 2011 (Haatuf)-Gudoomiyaha arrimaha gudaha iyo nabad galyada ee golaha wakiilada Somaliland mudane Siciid Cilmi Rooble, oo guddigiisu gacanta ku hayaan xeerka axsaabta siyaasada xeer lr 14/2000 iyo digreetadii madaxweynuhu ku soo ogolaaday furista ururada siyaasada ayaa sheegay, in fadhiga maanta ee golaha ay soo hordhigi doonaan xeerkaasi iyo tala bixintii uga soo baxday kulanadii ay la yeesheen saddexda xisbi iyo qaybaha bulshada.
Gudoomiyaha guddida arrimaha gudaha Md Siciid Cilmi Rooble, oo aanu xalay khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay, islamarkaana wax kaga waydiinay xeerka axsaabta siyaasada xeer lr 14/2000 ee guddigoodu ay naaqishaada ku samaynayeen xilliga ay golaha hor keenayaan, waxa uu yidhi “Xeerkaasi axsaabta siyaasada xeer lr 14/2000, oo aanu guddi ahaan gacanta ku  haynay waanu soo dhamaystirnay waajibaadkii goluhu naga sugayay, insha Allaahuna fadhiga maanta ee golaha ayaanu xeerka iyo warbixintayadaba hor keeni doonaa.
Xeerka axsaabta siyaasada xeer lr 14/2000, oo ahaa xeerkii saddexda xisbi ee hada jira lagu soo dhisay oo madaxweyne Axmed Siilaanyo wax ka badal iyo kaabis markii uu ku soo samayeeyay uu golaha wakiilada u soo gudbiyay digreetada uu ku fasaxay, in ururada siyaasada la furo ayaa la filayaa in golaha wakiiladu ay fadhiga maanta ku gudo galaan dooda xeerka axsaabta siyaasada, oo isaga ay ka muuqdaan qabyo badan oo la xidhiidha tafsiirka qodobadiisa oo u baahan in la dhamaystiro, islamarkaana lagu cadeeyo muddada jiritaanka axsaabta siyaasada oo aan hore ugu cadayn

Sunday, July 17, 2011

Mucaaradka ka soo Horjeeda Madxweyne Qadafi oo dagaal ay waxyeelo badani ay ka soo gaartay oo ka dhacay deegaanka Bareega

Mucaaradka ka soo Horjeeda Madxweyne Qadafi oo dagaal ay waxyeelo badani ay ka soo gaartay oo ka dhacay deegaanka Bareega

Libiya(BCT) Mucaaradka dalka Libiya oo Wado dadaali iyo dagaalo badan oo ay Ku ridayaan Dowlada uu waqtiga bdan hogaaminayay ee Col.mucamar Qadafi ayaa waxaa deegaanka Bareega ku dhex maray 
money transfer

Libiya(HWN) Mucaaradka dalka Libiya oo Wado dadaali iyo dagaalo badan oo ay Ku ridayaan Dowlada uu waqtiga bdan hogaaminayay ee Col.mucamar Qadafi ayaa waxaa deegaanka Bareega ku dhex maray dagaal xoogan ayaga iyo Ciidamada Daacada u ah Madxweyne qadafi halkaasi oo ay ka dhalatay qasaaro fara badan

Deegaanka bareega oo ah dekkada ay gacanta ku hayaan Mucaradka ka soo Horjeeda qadafi ayadoona ay Weerar Culus ay soo Qaadeen ciidamada daacada u ah madaxweyne Qadafi halkasi oo qasaaro aad Ubadan la soo gaarsiiyay Mucaradkii Libiya

Dadka kusugan deegaanka bareega ee laga Dhoofiyo  naftada ayaa cadeeyay in ciidamada qadafi ay weerar culus soo Qaadeeen ayagoona halkaasi jab xoogan ka soo gaartay Mucaaradklii dowlada libiya oo wada dagaalo ay kaga so Horjedeen Col.mucamar qadafi
Inta laxaqiijiyay 15 Qof ayaa ku Geeriyootay halka 175 kalana ay ku dhaawacmeen Kuwaasi oo dhamaantood ah Mucaaradka ladagaalama maadaxweyne qadafi  Taasi oo Mucaaradka kunoqoneysa jab Xoogana
Dhawaan ayay aheyd Markii qadafi uu ciidamadiisa uu amara Buuxda Ku siiyay in aya Weerar Xoogan Ku soo Qaadaan Mucaaradka Libiya Meel walbo oo ay Kusugan yihiin Waxaana ay tani bilow unoqoneysa hadalka Col. Qadaafi

Monday, July 11, 2011

Madaxweyne Silaanyo Oo Ka Soo Laabtay Koonfurta Sudan+Sawirro