TUESDAY, 23 AUGUST 2011 | |
Madaxweyne Axmed (Siilaanyo) oo Dhaqan geliyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada JAMHUURIYADDA Republic of SOMALILAND SOMALILAND Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL Date: 23/08/2011 Warsaxaafadeed Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Dhaqan geliyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda. Waxaanu Madaxweynuhu ku yidhi Dhaqan galka xeerkan sidan :- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Markuu Helay: Go’aanka Golaha Wakiilada JSL ee Go’aan Lr. GW/KF-15/534/2011, ee Ansixinta Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda, Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Wuxuu Soo Saaray, Dhaqan-galka Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Xeer Lr. 14/2011. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada JSL. |
0 comments:
Post a Comment