Madashan ayaa caalamka iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga loogu baaqay inay laga bilaaboo manta la shaqeeyaan gudoomiyaha cusub mudane Aadan Maxamed Mire Waqaf iyo kuxigeenadiisa.
Waxa madasha ka hadlay gudoomiyaha Cusub ee UCID waqaf waxaanu sheegeay in ka dib marxalado badan oo sare iyo hoos u sheegba leh uu Faysal ka soo noqon waayay inuu xisbiga taladiisa maamulka kale la wadaago isla markaana waxa uu sheegay in sharciyan ay kaga egtahay mudo xileedkiisii oo aanu mardanbe musharaxna isu soo taagi Karin gudoomiyenma isu soo taagi Karin oo sharciga ayaan ogolayn ayuu yidhi gudoomiyaha cusubi.
Gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro ayaa isna ugu baaqay Faysal inuu iska daayo abaabulka caruurta iyo haweenka oo uu ka soo qayb galo shirarka xisbiga waayo waa aasaasayaashii xisbiga ayuu yidhi, waxa kale oo uu Cabdiraxmaan ciro kutil;maamay Faysal Giimbaartii Burco ee dhacday isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ saaxiibkay faysal waa giimbaartii Burco , maxaa lagu sameeyey waatii la bedley”
Waxa iyaguna madasha ka hadlay gudoomiyayaasha gobolada M/jeex, Togdheer, Sanaag, Awdal, iyo Sool waxaanay dhamaantood ku gacan saydheen shirweynaha uu faysal ku dhawaaqy inuu berio qabanyo oo ay iska daba mareen in sharcigu iyaga goboladooda siinayo inay ka soo xulaan ergada iyaguna ay hargeysa joogaan markaa aanay suuragal ahayn waxaas uu ka hadlayaa ee xisbigii uu go’aan gaadhay maamul cusubna samaystay.
0 comments:
Post a Comment