Monday, November 7, 2011

Niyadjabkii AHmed TURKI ,Riyadii OXygen ,MAaweeladii Waalidka,. Musuqii TFG

...

Thursday, September 8, 2011

Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Gudaha Oo Sheegay Inuu Ka Baxay UDUB, Tilmaamayna In Waxqabadkiisii Iyo Astaantii Xisbi Ee Uu Sitay Aanay Is Lahayn

“Waxa Jirtay Gal-daloolo Aan Muddo Badan Lahaa Oo Tacabkayga Iyo Taarikadaydu Ay Kala Duwanaayeen” Maxamed Nuur Caraale (Duur) Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Gudaha Oo Sheegay Inuu Ka Baxay UDUB, Tilmaamayna In Waxqabadkiisii Iyo Astaantii Xisbi Ee Uu Sitay Aanay Is LahaynHargeysa, September 5, 2011 (Haatuf) – Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa sheegay inuu ka baxay xisbigii uu hore uga tirsanaa ee UDUB, isla markaana uu ku biiray xisbul xaakimka Kulmiye kadib markii loo magacaabay Wasiirka Daakhiliga.Duur oo hore uga mid ahaa Xildhibaanada golaha Wakiiladda ee laga soo doortay Gobolka Saaxil, isla markaana iska soo sharaxay Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB ayaa dhawaan Madaxwayne Siilaanyo u Magacaabay jagada Wasiirka Arrimaha Gudaha, taas oo uu iska Casilay...

Wasiirka Arrimaha Dibada oo ka hadlay kulankii ay yeesheen Guddida la dagaalanka budcad badeeda

Hargaysa (Burcotoday):- Guddida ay xukuumada Somaliland u xilsaartay xakamaynta iyo la dagaalanka budhcad-baddeda ayaa kulankoodii ugu horeeyay maanta  ku yeeshay Hotelka Ambassador ee magaalada Hargaysa. Guddida la dagaalanka budhcad-baddeeda ee Somaliland ayaa waxaa xubno ka ah Wasaaradda Arrimaha dibada, Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Wasaaradda Cadaalada, xeer ilaalinta iyo ciidanka baddaha Somaliland.  kulankan oo ku lafaguray sidii dawladda Somaliland iyo shacbigeeduba ula dagaalami lahaayeen budhacad-badeeda ka qawlaysata baddaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday Wasaaraddaha iyo Hay’addaha xubnaha ka ah guddidaasi iyo sidoo kale saraakiil ka socday ciidamada baddaha Somalialnd. Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland...

Monday, September 5, 2011

Waxgaradka Galbeedka Burco Oo Soo Dhaweeyay Magacaabista Wasiirka Cusub Ee Daakhiliga

Burco (burcotoday)- Waxgaradka iyo Cuqaasha Beesha Galbeedka Burco ayaa maanta kulan ballaadhan oo ay shalay yeesheen magaaladaasi waxa ay ka soo saareen bayaan ay ku taageerayaan wasiirka Cusub ee wasaarada Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur). Kulanakan oo ka dhacay Hoteelka Ramad ee Magaalada Burco ayaa waxa ka soo qayb galay Cuqaal, Ganacsato, Maayirka magalaada Burco, aqoonyahano iyo siyaasiyiinta Beesha ee xisbiyada qaranka qaarkood, kulankaasi oo ahaa mid ay beeshu ku muujinayso taageerada ay u hayaan wasiirka cusub ee wasaarada arimaha gudaha iyagoo dhanka kalena ku hanbalyeeyay madaxweynaha Somaliland magacaabista wasiirkani. Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo ka mid ah xildhibanada Golaha Wakiilada Somaliland oo ugu horayn kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay...

Xukuumadda Somaliland Oo Amartay In Dadka Soo galeetiga ahi ay dalka kaga baxaan 30 cisho gudahood

Hargeysa (burcotoday)- Dawladda Somaliland ayaa soo saartay amar wax lagaga qabanayo dadka ajaanibka ee dalka ku jooga sifaha sharci darrada ah oo ay fartay inay muddo 30 maalmood ah dalka kaga baxaan.Kuwaasi oo dalka buux dhaafiyey tobankii sano ee u dambeeyey. Sidaasi waxa lagu sheegay shir jaraa’id oo ay ay si wada jir ah  maanta ugu qabteen xaruna wasaarada daakhiliga ku simha Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi Md. Cismaan Garaad Soofe, Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Axmed X. C/laahi Xamarji, ku simaha Maayirka Magaalada Hargeysa Maxamed C/laahi Uurcade, Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/laahi Xuseen Cige (C/laahi Balaki). Ku simaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaasi Cismaan Garaad Soofe oo shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay...

Friday, August 26, 2011

Mucaaridka Liibiya oo ku Dhawaaqay inay 1 Milyan oo Doollar Siin Doonaan Ciddii Soo Sheegta Qadaafi

Saaraakiil xagjir ah ka soo dagaallamay Afganistan oo ka mid ah xooggaga muacaridka Liibiya ee Galay Tripoli Tripoli (Burcotoday/Sky News)- Mucaaridka waddanka Liibiya, ayaa ku dhawaaqay in lacag ka badan hal milyan oo dollar ay siin doonaan cidda soo sheegta geeri iyo nolol halka uu ku dambeeyey Madaxweyne Qaddafi, iyadoo la caddeeyey inuu lacagtaas heli doono qofka maydkiisa ama nololoshiisa keena Gaddafi. Hoggaamiyaha Golaha Qaranka Ku-meelgaadhka ee Liibiya Mr. Maxamuud Jibriil, ayaa sheegay in madaxa Qaddafi lacag la duldhigay oo ciddii warkiisa soo sheegta ama nolol iyo dhimasho ku keenta loogu ballanqaadayo in la siin doono lacag...

Dr. Gabboose oo Xilkii Wasiirnimada Daakhiliga ku Wareejiyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha

“Haddii maamulku milgihiisa, jidkiisa, shuruucdiisa iyo hawlihiisa wax ka khaldamaan laga yaabo khalad yar inuu dhibaato weyn inoo keeno”  Dr. Maxamed Cabdi Gabboose Hargeysa (Jam)- Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa xilkii wasiirnimo si rasmi ah ugu wareejiyey shalay Wasiir-ku-xigeenkiisii Md. Maxamuud Garaad Soofe, kadib markii xilkaas iska casilay horraantii toddobaadkan. Xilwareejinta oo ka ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa waxa ka soo qaybgalay Taliyaha Ciidanka Bilayska, Taliyaha Ciidanka Xeebaha, Taliyaha Laanta Socdaalka, masuuliyiin ka socda dawladaha hoose ee Hargeysa...

Madaxweyne Axmed (Siilaanyo) oo Dhaqan geliyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada

Madaxweyne Axmed (Siilaanyo) oo Dhaqan geliyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta SiyaasadaJAMHUURIYADDA                 Republic    of                           SOMALILAND                                    SOMALILAND Xafiiska Af-hayeenka...

Ciidanka Qaranka Somaliland oo Dhoolatus Ballaadhan oo Hanjabaad xamabarsan ku Sameeyey Taleex

TUESDAY, 23 AUGUST 2011 “Waxa weeye in aynu la dagaallano wax alla wixii inagaga soo duula Puntland, jilibka u dhigno oo kula dagaallano si mintid ah, maadaama waxoodu tahay daandaasi” Abbaanduulaha Qaybta 81-aad oo ka tirsan Taliska 12-aad ee Ciidanka Qaranka Taleex (Togdhnews)- Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan degmada Taleex ee dhowaan Puntland ka qafaashay masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Sool, ayaa sameeyey dhool-tus ay ugu hanjabeen maamulka Majeerteeniya. Dhoola-tuska oo ay ka qaybgaleen ciidan badan oo degay qalcadda muhiimka ah ee ay deganaan jireen ciidammadii Daraawiishta, waxa ay soo bandhigeen siday diyaarka...

Cahdigii Hoggaamiyaha Libiya oo Dhammaaday, Qadaafi oo la la’yahay iyo Aragtida Beesha Caalamka

Tripoli (Burcotoday)- Cahdigii keligii-taliyihii dalka Libiya Mucamar al-Qaddaafi ayaa si dhab u soo gebogaboobay kadib markii jabhadaha   mucaaradka ee dagaalka kula jiray lixdii bilood ee u dambeeyey gacanta ku dhigeen caasimadda Tripoli oo noqotay meeshii u dambaysay ee laga qabsado taliska Qaddafi. Qiyaastii 80% magaalada Tripoli waxa la wareegay kooxaha mucaaradkaa, waxana goobaha ay gacanta ku dhigeen ka mid ah xaruntii telefishanka dawladda iyo fagaaraha loo yaqaan Green Square ee ay isugu soo bixi jireen taageerayaasha Qaddaafi. Haseyeeshee, waxa dagaal weli ka socdaa dhinaca galbeed ee magaalada oo ay weli ku sugan yihiin...

Thursday, August 25, 2011

Madaxweyne Axmed (Siilaanyo) oo Dhaqan geliyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada

TUESDAY, 23 AUGUST 2011 Madaxweyne Axmed (Siilaanyo) oo Dhaqan geliyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta SiyaasadaJAMHUURIYADDA                 Republic    of                           SOMALILAND                                    SOMALILAND Xafiiska...

Wednesday, July 27, 2011

Golihii fulinta ee Xisbiga UCID iyo maamulkii cusbaa oo maanta shirkale isugu yimi Faysalna ku tilmaamay Giimbaartii Burco ee la bedelay

Hargeys(Burcotoday) 25/07/2011waxa manta xaflad ay ku adkaynayaan go’aankii ay gudida fulinta ee Xisbiga UCID ku dooratay maamulka cusub eek u meel gaadhka ah Huteel Guled ku qabtay guud ahaan gudidii fulinta ee xisbigaas iyo dhamaan madaxdii gobol;ada ee Xisbiga UICD. Madashan ayaa caalamka iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga loogu baaqay inay laga bilaaboo manta la shaqeeyaan gudoomiyaha cusub mudane Aadan Maxamed Mire Waqaf iyo kuxigeenadiisa. Waxa madasha ka hadlay gudoomiyaha Cusub ee UCID waqaf waxaanu sheegeay in ka dib marxalado badan oo sare iyo hoos u sheegba leh uu Faysal ka soo noqon waayay inuu xisbiga taladiisa maamulka kale...

Faysal Cali waraabe oo Fagaare kala hadlay taageerayaal ganafkana ku dhuftay xilkaqaadistii gudida fulinta

July 26, 2011 - Written by editorHargeysa (Burcotoday) 25/07/2011 Isu soo bax ay manta taageerayaasha xisbiga UCID ku qabteen xarunta dhexe ee xisbiga UCID oo uu soo abaabulay gudoomiyaha Xisbiga UCID ee ay Gudida fulintu sheegtay inay ka qaaday xilkii uu xisbigaas ka hayay ayaa waxba kama jiraan kutilmaamay shirkii golaha fulinte ee xisbigaas. Faysal cali waraabe oo ay garab taagan yihiin laba xubnood oo ka tirsan gudida fulinta ayaa sheegay in xisbigii ay ka dhex dilaacday SSC isl markaana waxa uu ku eedeeyey madaxda wada fadqalalada xisbiga dhexdiisa inay yihiin qaar uu isagu meesha keensaday oo uu wax ka dhigay. “Ragii aan waday ee aan wax...

Somaliland: The former British colony that shows Africa doesn’t need our millions to flourish, By Ian Birrell

The Summer Time restaurant was buzzing. On the dusty road outside, new four-wheel drive cars fought for space with smart saloons. Inside, waiters in bow ties rushed about serving spicy chicken, camel milk and piles of spaghetti.Families and groups of friends queued for tables at the entrance.A father eating with his four sons stopped me for a chat about football. As we spoke, a group of women swathed in bright robes wafted by, talking with cutglass English accents. City of Hope: The capital Hargeisa was, two decades ago, in ruins and obliterated by bombers sent up from its airport by a vindictive dictator and littered with mines A health worker...

Ciidamada Bileyska Oo Gacanta Ku Dhigay Xafiiskii Baasaaboorada Sheekh Shariif Lagu Bixinayay, Saddex Xubnood Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Xukuumada Oo Hore U Beenisay jiritaanka Xafiiskaasi

Hargeysa, July 21, 2011 (BURCOTODAY) – Ciidamadda Bilayska Somaliland ayaa hawlgal ay shalay ka fuliyeen Caasimada Hargeysa gacanta ku soo dhigay xafiiskii Baasaaboorada dawlada Sheekh Shariif ee Somalia lagu bixinayey, isla markaana xabsiga u taxaabay saddex nin oo ka soo jeeda Somaliland iyo Ducment-yada aqoonsiga Baasaaboorkaasi oo loogu tagay xafiiskaasi.Xafiiskan Baasaaboorada dawlada Somalia lagu bixinayey ayay xukuumadu hore u beenisay inuu ka furan yahay caasimada Hargeysa, kaas oo muddooyinkii u dambeeyay-ba ka furnaa caasimada, balse aanay xukuumadu wax talaabo ah ka qaadin.Waxa sidaasi shaaca ka qaaday Taliye ku xigeenka Bilayska Somaliland...

Monday, July 25, 2011

Madaweyne Siilaanyo Oo Talaabo Horumar Leh Ku Tilmaamay Bariis Laga Beeray Dalka Oo Si Wanaagsan U Soo Go’ay.

Hargeysa (Burcotoday)-Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ayaa  talaabo dhiirigelin leh oo loo qaaday dhanka horumarka ku tilmaamay bariiska laga beeray  dalka oo markii ugu horeysay la isticmaalay. Md Siilaanyo waxa uu hadalkan ka sheegay munaasibad lagu soo bandhigay bariiska cusub ee laga beeray dalka oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada, taasoo ay ka soo qaybgaleen  kooxo wasiiro iyo agaasimayaal isugu jirtay, isaga oo sheegaya in uu aad  ugu faraxsan yahay in markii ugu horeysay noloshiisha in uu cuno bariis laga beeray Somaliland oo wakhtigan ka yahay Madaxweyne....

Sunday, July 24, 2011

Maleeshiyadda Nabad-diidka Ah Ee SSC Oo Xilkii Ka Xayuubiyey Saleebaan Xaglo-toosiye, Hogaamiye Cusub-na U Magacaabay Ku Xigeenkiisii

Laascaanood (BURCOTODAY)  July 24,2011 –Maleeshiyadda nabad-diidka ah ee SSC, ayaa ku dhawaaqday inay xilkii guddoomiyenimo ka qaadeen Saleebaan Axmed Ciise (Xaglo-toosiye), oo muddo soo hogaaminayay Maleeshiyadaas.Golaha khusuusiga ah ee Maleeshiyadda SSC ayaa sheegay in shir maalmihii u dambeeyay kooxda uga socday deegaanka Dharkeyn-geeyo ay ku go’aamiyeen in xilka laga qaado Saleebaan Axmed Axmed Ciise (Xaglo-toosiye).Madaxa warbaahinta ee golaha khusuusiga ah ee Maleeshiyadda SSC Mukhtaar Xirsi oo maanta shir-jaraa’id qabtay ayaa shaaciyay in golaha khusuusiga SSC go’aamiyay in xilka laga qaado hogaamiyihii hore ee Maleeshiyadda nabad-diidka ah.Ninkan u hadlay golaha xilka ka qaaday Xaglo-toosiye ayaa sheegay in xil ka qaadista Xaglo-toosiye ay sababtay hawl-gudasho la’aan ka...

Pages 381234 »