Sunday, October 31, 2010

Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiilada S-land Oo Shacabka Somaliland ka Dalbay inay ka Cafiyaan Guuldarrooyinka Waxqabadkii Laga Filanayey Golaha + Xog-waran Ku Saabsan Wax-qabadka Wakiilada

Hargeysa (burcotoday)- Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa shacabka Somaliland ka dalbay inay ka cafiyaan guuldarrooyinka soo wajahay waxqabadyadii laga filayey golahooda muddadii shanta sanno ahayd ee ay codka dadweynaha kuraasta ku fadhiyeen oo maalmo koobani ka hadhsan yihiin.

Md. Samaale waxa uu sidaa ku sheegay waraysi khaas ah oo uu Jamhuuriya ku siiyey shalay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, kaasoo uu kaga hadlay dareenkiisa ku wajahan dhammaadka muddo-xileedkii shanta sannadood ahaa ee la soo doortay mudanayaasha Golaha Wakiillada oo ku eg Jimcaha maanta ee taariikhdu tahay 29 October 2010.

Waxa kaloo Guddoomiye-ku-xigeenku uu waraysigaas kaga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin damaciisa siyaasiga ah, guulaha iyo guuldarrooyinka soo wajahay Golaha Wakiillada muddadii shanta sannadood ahayd ee uu jiray iyo qodobo kale oo la xidhiidha xaaladda dalka.

Ugu horreyn, Guddoomiyaha oo la weydiiyey su’aal ku saabsan aragtidiisa la xidhiidha dhammaadka muddada xilka golihiisa iyo farriinta uu shacabka soo doortay u gudbinayo, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan:

“Waxaan bulshada ugu mahadnaqayaa kalsoonidii iyo codkii ay na siiyeen golahayaga Wakiillada, waxaan leeyahay Alle haydin ka abaal-mariyo in golahan gole ka wanaagsan idinku beddelo oo intaanu qabanay in ka badan qabta. Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu bulshada samir iyo iimaan ka siiyo turun-turooyinka iyo dhibaatooyinka maalin walba taagan ee laga yaabo dooroshooyinka badan ee dib u dhacay sal kau yihiin oo wax badan oo ay filaysay inay gaadho aanay gaadhin, waxaan leeyahay Illaahay cawil khayr qaba inuu ha idiinku beddelo.”

Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada oo ka hadlayey guulaha golahoodu gaadhay muddadii shanta sannadood ahayd ee ay codka dadweynaha ku fadhiyeen, waxa uu yidhi; ““Haddii aan ka warramo waxqabadkii Golaha Wakiillada. Golaha Wakiilladu intii ay joogeen waxay ansixiyeen 21 xeer oo mid walba marka goluhu ansixinaayo waxa uu qaataa muddo dheer, xeerarkaas oo xukuumadda amma goleyaashu soo ururiyaan.

Waxa kaloo ka mid ah waxqabadka golaha safarro badan ayuu dibadda ugu baxay oo guddiyadiisa iyo shirgudoonkiisuba ugu baxeen, kaasoo lagu casuumay shirar caalami ah – Yurub iyo Ameerikaba iyo meelo kale oo ah booqashooyin rasmi ah oo qiimo weyn ugu fadhiya Somaliland.

Sidoo kale waxa oo xusid mudan in goluhu galay heshiisyo caalami ah oo uu soo hirgeliyey, heshiisyadaas oo ay ka mid yihiin kii uu golaha shir-gudoonkiisu la soo galeen hay’adda AWEBA ee Baarlamanka Afrika oo runtii Nairobi lanagu casuumay shir ay lahaayeen barlamaannada Afrika iyo kuwa Yurub, shirkaas oo aanu gebegebadiisu aannu ku soo saxeexnay heshiiska dhismeyaasha cusub golaha ee waqtigan dhammaadka ah oo aan odhan karo runtii waa waxyaabaha golahan lagu xasuusan doono mustaqbalka.

Dhismahaasi waxa ku baxday lacag ilaa $300,000 (saddex boqol oo kun) oo dollar waxay ahayd deeq la siiyey golahan, goluhuna wuu ugu talogalay inay taariikhi ka hadho. Waxa raaca taas in qalabayn ay isla AWEBA hirgelin doonto lacag dhan $100,000 (boqol kun oo dollar) oo iyadu ku bixi doonto, waxayna ka mid yihiin waxyaabaha u hirgalay golaha oo aan odhan karo raggii golaha loo soo doortay in aanu jirin nin guri daba ka dhistay xildhibaana, balse ay ka tagayaan dhismahaa dhaxal-galka u ah golaha dambe.

Sidoo kale goluhu intaa uu jiray marxal badan buu Somaliland kala dabbaashay oo uu hirgeliyey in nidaamka wadatashiga iyo ismaqalku Somaliland ku soo noqdo oo aanay ka leexan waddadii ay socotay.”

Md. Samaale oo shacabka reer Somaliland uga cudurdaaranayey waxqabadyadii bulshadu ka sugayeen Golaha Wakiillada ee ku fashilmay, waxa uu markale yidhi; “Guud ahaan golahan iyo rag badan oo ka mid ah may doonayn in muddo loo kordhiyo, waxaynuse ognahay in golahan muddadiisu dhammaatay tii oo doorashooyin badan oo kale ay dib uga dhaceen, dabadeedna saamayn ku yeelatay doorashadii madaxtooyada ee dib u dhacday tii Golaha Wakiillada.

Waxaynu soo gaadhnay in muddadii Golaha Wakiilladu dhammaad tahay, doorashadii Golaha Wakiillada oo iminka dalka ka qabsoomi kartaana aanay jirin.

Waxaan leeyahay ummadda reer Somaliland wixii aannu qabanay ee wanaag ah Illaahay baannu abaal kaga doonaynaa, wixii dhaliilo ah ee golahaasi yeeshay muddadaas cafis baannu ummadda ka weydiinaynaa. Waan ogahay in golahaygu dhaliilo badan yeeshay amma duurufo badan oo adag ka horyimaadeen iyo wax badan oo bani’aadamnimadu keentayba way jiraan, taasna Illaahay iyo ummaddaba dembi-dhaaf baanu ka weydiisanaynaa, ummaddana waxaannu leenahay qof kastoo bani’aadam ah oo shaqo qabtaa dhaliil buu yeeshaa, dhaliilaasha uu yeeshana ummadda arkaysa, wax shakhsiyaddiisa noqda, wax duruuf ka horyimi sababto iyo wax duruuf dalka ahba sababto.

Waxaan aaminsanahay in Golaha Wakiilladu wax qabtay, wax badan oo laga sugaayeyna duruufo badan oo ku gedaamnaa uu u qaban kari waayey. Waxa xusid mudan heshiisyo badan oo xukuumaddii Rayaale gashay oo aan golaha la horkeenin, waxyaabihii muranku ka dhici jiray baanay ka mid ahaayeen. Xukuumad kastaa heshiis way geli kartaa, laakiin waxa laga rabaa uun in heshiis kasta oo ay xukuumaddu gasho inay golaha hor keento, goluhuna uu xaqiijo, wixii dalka dan u ahna laysla qaato, wixii aan dan u ahayna laga joojiyo, xukuumadda cusubna waxaan ka rajaynaynaa in heshiiska ay geli doonto in ay hor keento golaha, isagoo madaxweynuhuna ballanqaaday.”

Mar uu ka jawaabayey su’aal kale oo la xidhiidha hankiisa siyaasadeed iyo inuu markale isu soo sharraxayo xubinnimada Golaha Wakiillada doorashada soo socota, waxa uu ku jawaabay; ““Marar hore oo badan waan sheegay. Horta doorashadu wax sahlan maaha qofka markuu doorashada soo arkana Illahow meel dambe hay geyn buu odhanayaa.

Shacabka reer Somaliland run ahaantii si weyn baan ugu mahadnaqaa, intaa aan siyaasadda ku jiray ilaa bilowgii ururrada siyaasiga ah siday mar walba ii taageeraayeen, anigoo ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga KULMIYE, isagoo ka mid ahaa ururradii ugu dambeeyey ee la aasaaso markiibana kaalinta labaad ku guuleysto iyo sidoo kale doorashadii madaxtooyada codkii qiimaha lahaa ee ay nagu siiyeen ee kalmadda aannu kaga codsanay. Doorashadii taa ka dambaysay ee aan shakhsiyan isku soo sharraxana codkii aad I siseen Illaahay haydinka abaal-mariyaan leeyahay oo run ahaantii ahaaa mid aad u ballaadhan.

Maalin alla maalinta la yidhaa barlamaan kale doorashadiisu ha bilaabanto, waxaan caddaynayaa in aanan diyaar u ahayn doorasho barlamaan hadday guddoomiye tahay, iyo hadday ku-xigeen tahay iyo hadday xubinnimo tahayba, horene waan u sheegay dareenkayga haddii Illaahay ina gaadhsiiyo doorasho madaxweyne iyo wixii la mid ah dareenkeeda iyo hankeeda waan leeyahay, Illaahay baana tawafiiqda haya, ummadduna iyadaa codkeeda dhiibanaysa, markaa damacaasi wuu igu jiraa markasta, laakiin waqtigeeda ha la gaadho.

Waxaan shacabka u sheegaya inaan qof walba oo reer Somaliland oo ummadda isu soo taaga, aniga mansabka madaxweynaha uun buu damac iga hayaa, kaasna waxaan diyaar u ahay inaan cid kastoo igaga habboonaata ku taageeri doono oo aan dhisi doono, damaca iyo hanka igu jiraana maaha mid idho la’, mana aha mid khasab ah, hungurigayguna waa kursiga ugu sarreeya Somaliland ee madaxtooyada.

Shanta sanno ee hore waxaan dhisayaa xisbiga KULMIYE iyo ciddii talada haysa, shanta dambena ciddii Illaahay gaadhsiiyo, ha noqoto cid KULMIYE ka soo jeeda oo Cabdicasiis iyo qayrkiiba ha noqotee amma cid xisbi kale ka soo jeeda ayaan dhisayaa.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha oo la weydiiyey shirguddoon ahaan sida ay u arkaan dhibaatooyinka aadka culus ee shacabka Somaliland kala kulmeen qiimo-dhaca ku yimi sarrifka lacagta doollarka Maraykanka iyo qiimo-korodhka maceeshadaha la quuto ee daruuriga ah, arrintaas oo xukuumadda iyo ganacsatadu masuuliyadeeda isku riix-riixaan, waxa uu yidhi; “Ummadda aad iyo aadbaan ula dareemayaa, waayo ka midbaan ahay, waxa ummadda dhibaato haysataana waa dhib la dareemi karo, masuul kasta oo reer Somaliland way saaran tahay, waayo doonibaynu wada saaranahay.

Dollarku inuu jabaa inaga qiimo ayey inoo yeelan lahayd, laakiin waxay ahayd in maciishadu la jabto oo lacagteennu kacdo, balse marka maciishadiina kacday, dollarkiina jabay labadaasi wax isqaban waayey ayey noqotay aad baanan runtii uga xumahay dhibaatada ummaddayda haysata oo waan la damqanayaa, waayo ka mid baan ahay.

Wasaaradda Maaliyadda arrintaas aad baan ugala hadlnay, Guddoomiyaha Baankana si weyn baannu ugala hadalnay shirguddoon ahaan, waddadeediina way qaadeen, waxaanan rajaynaynaa marka hore sicirka dollarka iyo maciishada la sugo, ascaarka kacaysana aad iyo aad loola tacaalo oo laysku dayo runtii dadkeennu 90% waa dad dan yar ah, waananu la xannuunsanaynaa, waananu la dareemaynaa, ilaa madaxweynahana waannu kala hadalnay.

In neefka adhiga ah ee maanta jooga $50 dollar uu laba gadbadood iyo saddex gadbadoodba gooyo eyey hayd, laakiin hadduu gadbad goyn waayo wax alle wax uu qiimo neefka qaaliyoobay yeelanayaa ma jirto, wax alle wixii aannu ka qaban karno gole ahaan waannu ka qabanaynaa,” ayuu hadalkiisa ku soo khatimay Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale.

0 comments:

Post a Comment