Sunday, October 31, 2010

Halkan Ka Daawo Siday Ciidamada Badda Somaliland Ula Dagaalamaan Budhcad-Badeeda

...

Guri Maanta Ku Shufbeelay Magaalada Hargeysa + SAWIRO

Hargeysa (OWN)- Guri ay ku noolaayeen sideed caruura iyo labadoodii waalid, ayaa maanta ku shufbeelay dagmada 26-ka juun ee magaalada Hargeysa.Guriga oo uu lahaa Ganacahadaha reer somliland ee Xaaji Baxsane, ayaa gubashadiisa waxa sabab u ahaa shoodhka ka dhashay laydh ku jiray guriga, kaas oo sababay in uu gabi ahaanba uu shufbeelo gurigu marka laga reebo alaabooyin fud-fu-dud oo laga samata bixiyey iyo dhismihii gidaarada ee guriga.Markii uu dabku qabsaday guriga ayaa waxa bakhtiintiisa si weyn uga hawl galay sadex Dabdsaamis oo ka soo kala gurmaday xarunta Dawlada Hoose ee Magaalada Hargeysa, shirkada Dahabshiil, iyo madaarka Caasimada...

Gudoomiyihii Jaamacada Hargeysa Oo Si Rasmiya Ugu Dhawaaqay In Uu Iska Casilay Xilkii Gudoomiyenimada Iyo Sababaha Ku Kallifay

Hargeysa (OWN)- Gudoomiyihii Jaamacada Hargeysa Dr.Xuseen Cabdilaahi Bulxan, ayaa maanta si rasmiya ugu dhawaaqay in uu iska casilay xilkii gudoomiyenimo ee Jaamcada Hargeysa. Waxaana uu sheegay in is casilaadiisu ay salka ku hayso go’aan uu hore u qaatay oo ahaa in uu jaamcada Hargeysa Gudoomiye ka ahaanayo mudo laba sanadaood ah iyo arrimo isaga u gaar ah.Dr.Xuseen Cabdilaahi Bulxan ayaa waxa uu iscasilaadiisa kaga dhawaaqay shir’jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Hotel Maansoor ee magaalda Hargeysa, kaas oo uu kaga hadalay arimo la xidhiidha sicaislaadiisa, iyo waxyaabihii u qabsooamya mudadii uu ahaa Gudoomiyaha Jaamcada Hargeysa.Ugu horay waxa...

Burco: Warbixin Ku Saabsan Sayladda Xoolaha Ee Magaalada Burco iyo siday isugu duba dhacdye

...

Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiilada S-land Oo Shacabka Somaliland ka Dalbay inay ka Cafiyaan Guuldarrooyinka Waxqabadkii Laga Filanayey Golaha + Xog-waran Ku Saabsan Wax-qabadka Wakiilada

Hargeysa (burcotoday)- Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa shacabka Somaliland ka dalbay inay ka cafiyaan guuldarrooyinka soo wajahay waxqabadyadii laga filayey golahooda muddadii shanta sanno ahayd ee ay codka dadweynaha kuraasta ku fadhiyeen oo maalmo koobani ka hadhsan yihiin.Md. Samaale waxa uu sidaa ku sheegay waraysi khaas ah oo uu Jamhuuriya ku siiyey shalay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, kaasoo uu kaga hadlay dareenkiisa ku wajahan dhammaadka muddo-xileedkii shanta sannadood ahaa ee la soo doortay mudanayaasha Golaha Wakiillada oo ku eg Jimcaha maanta ee taariikhdu tahay 29 October 2010.Waxa...

Saturday, October 30, 2010

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayd!

Hargeysa (burcotoday)- Laba sano ayaa ka soo wareegay maalintii sadan oo kale wax u dhaceen,Waxay ahay maalin arbaca ah taakhiikhduna tahay 29-october-2008 Goorsheegtuna ay cagacagaynayso  abaaro 10kii subaxnimo, markii ay sadex gaadhi oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, sila markaan ay wadaan dad naftooda hurayaal ahi ay falal argagixisonimo ka fuliyeen sadaex goobood oo kamida caasimada somliland ee Hargeysa.Falalskaas ay geysteen dadkaas naftooda huray ayaa waxa ku nafwaayey in ka badan 25 qof, ismalarkaana waxa ku dhaawacmay in ku dhaw 40 qof, sidoo kalena waxa ku bur-buray hanti aad u badan oo aan cadadkeeda la aqoon ilaayo hada.Hawlgalkii...

Dhacdo Xusuus Muddan!!

  google_protectAndRun("render_ads.js::google_render_ad", google_handleError, google_render_ad); Hargeysa (OWN)- Sannadguuradii 2-aad Ee Ka Soo Wareegtay Qaraxyadii Naxdinta Iyo Amakaagga Lahaa Ee 29-kii October 2008 Qoomay Hargeysa. Oodweynenews.com/Hargeysa Off...

Daariq Casiis & Laba Mas,uul oo Kalle oo Cunto Joojin Sameeyey Kadib Markii Maxkamada Sare Ee Dalka Iraq Ay Ku Xukuntay Dil Talaadadii

IRAQ(burcotoday)- Qareenka lagu magacaabo Badiic Cizat Caarif oo u doodayey ku xigeenkii hore ee Madaxweynihii dalka Ciraaq DAARIQ CASIIS ayaa sheegay in isaga iyo laba mas,uul oo kalle ay ka soomeen ama joojiyeen cuntada kadib markii maxkamada dalka Ciraaq ay ku xukuntay Mas,uuliyiintaaa dil,Qareenka Caarif oo ku sugan dalka Urdun ayaa sheegay in Daariq Casiis iyo Laba mas,uul oo kalle oo kalla ah Sacduun Xamdaan & Cabdi Xamuud inay joojiyeen Cuntada iyagoo ka cabanaya go,aanka ay maxkamada sarre ee dalka Ciraaq ay ku xukuntay dillka Nimankaa mas,uulyiinta ka ahaa daalkaa Ciraaq, Qareenka ayaa sheegay inuu Telefoon ka helay Qoyska Sacduun...

SAWIRKA MAANTA. Warshadda kalluunka Ee Laasqorey Daawada Sida Ay u Shaqeyso

Sawirka Maanta Ay Idiin Soo Gudbinayso Shabakada Caaalamiga Ah Ee burcotoday Waa Warshada Kaluunka Ee LAASQOREY oo Kalluunkeeda Loo iib Geeyo Xitaa wadamada carabta, Warshadaa oo Bur Bur Xoog Leh Kasoo Gaadhay Dagaaladii Soomaaliya Ayaa Waxaa Dib u Habeyn Ku Sameeyey Dad Qurba Joog Ah oo Kasoo Jeeda Deegaankaa Iyagoo Markii Ay Ku Da,daaleen Ka Shaqeysiiyey, SAWIRKA MAANTA EE SHABAKADA CAALAMIGA AH EE OODWEYNEN...

Bandhig Faneedkii Somali- Week Ee Xalay Ka Dhacay Magaalada London Oo Lagaga Hadlaayey arimaha mustaqbalka dhaw ee Soomaaliland.

London(burcotoday)-Bandhig faneedka Soomaalida ee maalmahanba ka socdey bariga magaalada London ayaa xalayto waxa uu ku saabsanaa dhinaca siyaasada Soomaaliland iyo mustaqbalka dhow Somaliland: What next?,waxaana kasoo qayb galay dadweyne aad u farabadan oo siyaasada Somaliland aad u xiiseeya.Madaxda Ingiriiska ah ee madasha joogtay oo ahaa kuwa had iyo jeer u ololeeya qadiyada Soomaaliland ayaa waxa ka mid ah DR Anna Lindsey oo ah macalimad wax ka dhigta jaamacad ku taala dalkan Ingiriiska ,ayaa madasha kasoo jeedisay hadalo  aad u muhiima oo dhinacyo badan taabanaya,sida ganacsiga iyo horumarka dalkan,Waxa kale oo ay...

SAWIRKA MAANTA. Awr Baarqab Ah oo Ku Dhex Xaragoonaya Kalligii Magaalada Burco

Sawirka Maanta Ay Idiin soo Gudbinayso Shabakada Caalamiga Ah Ee Oodweynenews Waa Awr Baarqab Ah oo Kalligii  Si Fiican u Dhex Taxaashaya Magaalada Burco, Bal Nalla Daawada Baarqabkaa Ay Isu Gaadhay & Xaragadiisa...

Wednesday, October 27, 2010

Sheekh Saqar Bin Maxamed oo Ahaa Xaakimkii Ras Al- Khiima oo Maanta Geeriyooday & Wiilashiisa oo Xukunka Midba Gooni u Sheegtay

RAS AL-KHIIMA(OODWEYNENEWS)- Dalka Imaaraadka waxaa maanta ku geeriyooday Xaakimkii magaalada ama gobolka Ras Al-Khiima Sheekh Saqar Bin Maxamed Al – Qaasimi oo xukumayey magaalaadaa ilaa sanadkii 1948, Sheekh Saqar oo maata subaxnimadii geeriyooday ayaa ku dhintay 92 jir, Madax weynaha dalka Imarateka Sheekh Khaliifa Bin Saayid Al – Nahyaan ayaa tacsi u diray shacabka Imaaraadka iyop qoyska uu ka geeriyooday marxuumku, Madax weynaha Imaratka ayaa sheegay in dalkaa la fasixi doono mudo Todobaad ah calanak dalkaana hoos loo dhigi doono mudadaa, Sheekh Saqar Bin Maxamed Al -Qaasimi ayaa ahaa Raggii Asaasay Dalka Imarate-ka carabta ee midoobay isagoo...

SAWIRKA MAANTA. Laba Riyaad oo Dusha Ka Saaran Gaadhi Syraf Ah Si Ay Geedka u Daaqaan

Sawirka Maanta Ay Idiin Soo Gudbinayso Shabakada Caalamiga Ah Ee Oodweynenews Waa Laba Riyood oo dhakada uga baxay gaadhayi Syraf ah si u daaqaan laaca caleenta geed miremire ah  maxaad u malaynaysaa inuu samayn doono ninkii gaadhigani lahaa marka uu soo baxo gaadhigii uu maydhay oo riyo dusha uga baxeen...

Wafti Meqaamkiisu Sareeyo Oo Ka Socda Dalka Denmark Oo Maanta Booqosho Ku Yimi Somaliland + Kulan Ay La Yeesheen Madaxweynaha Somaliland Iyo Wasiiro

Hargeysa (burcotoday)- Wefti culus oo uu hogaaminayo Wasiirka Horumarinta Iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Dawlada Denmark Mr. Sorn Pind, ayaa maanta booqasho ku yimi Somaliland.Weftigan oo ka soo degay gegadda dayuuradaha ee Cigaal International Airport ee Magaalada Hargaysa, ayaa waxa halkaas ku soo dhaweeyey wasiirro ka tirsan xukuumada Somaliland, Madax sar sare oo dawlada ka mid ah iyo Taliyaasha ciidank booliska Somaliland.Weftigan oo la dejiyey Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay halkaas kula kuleen Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo iyo wasiiro ka tirisan Xuluumadadiisa oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha...

Burco: Suldaan Daakir oo Ka Tirsan Beelaha La Hayb Sooco ee Gabooyaha oo Maanta Shir jaraaid ku Qabtay Magaalada Burco

...

Denmark Oo Qadiyada Somaliland Soo Hordhigtay Ururka Midawga Europe Una Ololaynaysay Aqoonsi 2003-gii Ayaa Talyaanigu Toos Uga Horyimi

DENMARK(burcotoday)- Maqaal Taariikhi iyo Siyaasi-ba ah oo aad u dheer oo waliba dhinacyo badan kaga waramay Taariikhda, Siyaasada, Dhaqaalaha, Nabadgelyada, Gooni isu taaga iyo Aqoonsi la’aanta Somaliland ayaa ku soo baxay Wargays Caan ka ah Denmark oo layidhaahdo POLITIKEN.Wargayska ayaa bishii June 15-keedii 2003-gii Dabacay Maqaal Siyaasi ah oo uu Ciwaan uga dhigay ILAYSKA YAR EE GEESKA AFRIKA KA BIDHAAMAY. Maqaalka waxa Qoray Suxufi u Dhashay Denmark oo layidhaahdo Jesper Strudsholm, Suxufigaas oo Socdaal ku tegay Somaliland iyo Somaliya-ba markii uu Uruurinaya Faaladan iyo mid kale oo iyana aad u dheer oo uu ka Qoray Somaliya. Mudane Jesper wuxuu Qoraalkiisii ku Bilaabay, Xilligu waa Arooryo hore ama Saalad hore Meeshuna waa Tuulo yar oo layidhaahdo Boon, kuna taala Waqooyigii Somalia...

Markiib-dagaal Oo Ingiriisku Leeyahay Oo Maanta Ku Soo Xidhey Dekeda Berbera.

Berbera (burcotoday)- Maraakiib-dagaal oo ah nooca  waa-weyn ee diyaaraduhu ka duulayaan oo uu leeyahay Dalka Ingiriisku, ayaa maanta si lama filaan ah ugu soo xidhee meel u dhaw  Dekeda magaalada Berbera.Sida ay dad goob joog ahi xaqiijiyeen waxa ay maraakiibtaasi joogaan meel u dhaw marsadaay ku xidhaan maraakiibtu, waxaana ka dul haadaya diyaarado Helicapter ah oo fadhiistay Madaarka Berbera iyo gudaha Dekedda, sidoo kale waxa iyana ka soo degay maraakiibtaasi laashash kale oo iyana ku soo xidhay dekedda.Ilaa hada ciddamadaasi kama ay hadal xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Ingiriisku toona, lamina garanayo ujeedada dhabta ah ee...

SAWIRKA MAANTA: Dameer Weyn oo Dameer Yar U Awood Sheeganaya

Sawirka Maanta Ay Idiin Soo Gudbinayso Shabakada Caalamiga Ah Ee Oodweynenews Waa  Dameer weyn oo Dameer yar u awood  sheeganaya badhtamaha suuqa magaalada Burco ee Gobolka Togdheer. SAWIRKA MAANTA EE SHABAKAADA CAALAAMIGA AH EE OODWEYNEN...

Laanta Afka Soomaaliga Ee B.B.C-da Oo Beenisay In Yuusuf Garaad Cumar Uu Xilkiisii Waayay “Yuusuf Garaad Waa Ku Xigeenka Madaxa Laamaha Afrika Iyo Madaxa Laanta Afka Soomaaliga” Kaati Ciise‏

London (burcotoday)– Shabakadda wararka ee Oodweynenews ayaa maanta waxay khadka telefoonka kula xidhiidhay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda B.B.C-da iyadoo wakhtigaasi weriyayaasha idaacaddu ay ku guda jireen diyaarinta barnaamijka Duhurnimo ee Idaacadda laanta afka Soomaaliga oo baxa abaaro 12:00 wakhtiga dalka UK kuna beegan 14:00 duhurnimo ee wakhtiga Geeska Afrika.Shabakadda Oodweynenews oo khadka telefoonka ku heshay wakhtigaasi Kaati Ciise oo ka tirsan laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda B.B.C-da iyadoo wakhtigaasi ku guda jirtay diyaarinta barnaamijka Duhurnimo ayaan ugu horayn waxaan weydiiyey bal inay ii xaqiijiso inuu shaqadiisii waayey (redudancy) Madaxii laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda B.B.C-du Yuusuf Garaad Cumar Axmed waxaanay iigu jawaabtay “Yuusuf Garaad waa ku xigeenka...

Volcano ka qaraxdey dalka Indonesia oo ku dishey 17 qof .

Jakarta(burcotoday) Qarax Volcano oo ka qarxay badhtamaha gobolka java ee dalka Indonesia ayaa ku diley 17 qof,waxaa kaloo ku dhaawacmey 39 qof oo kale kadib markii qiiqa kulal ee foolkaanuhu u soo gaadhsiiyey waxweelo dhanka neefsashada ah ,qaraxan foolkaanaha yaaa dhacay galanimadii salaasada(shaley) ,waxa kaloo la sheegaya in ku dhawaad 15,000 oo qofi ay ka qaxeen guryahoodii. “lix iyo toban qof ayaa meydkoodi laga heley isla goob keli ah iyadoo ay dabooshey hanbas ,ilmo yar oo kalena wuxu ku sii dhintey jidka intii lagu sii wadey cusbitaalka” sida waxa sheegey mr Yogyarkata oo ka tirsan xafiiska ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah. inta...

Pages 381234 »