Saturday, June 2, 2012

Degmada Afmadow oo si buuxda u gashay gacanta ciidamada DKMG ah, Raaskambooni iyo kuwa Kenya


Degmada Afmadow oo si buuxda u gashay gacanta ciidamada DKMG ah, Raaskambooni iyo kuwa Kenya

Af-madow(BCT) Ciidamada dowlada KMG Somalia, Xarakada Raaskambooni iyo kuwa Kenya oo ilaa saaka hareeraha ka joogay degmada Afmadow ee gobolka Jubada ayaa wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in galabnimadii maanta ah ay gudaha u galeen degmadaas si buuxdana ula wareegeen.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada huwanta ay dhowr jiho ka soo galeen degmada Afmadow aysana jirin wax rasaas ah oo halkaas ka dhacday ka dib markii xoogagii Al-Shabaab ee la dagaalamayey ay isaga baxeen degmada saaka.
Ciidamada galay degmada Afmadow ayaa dad goob joogayaal ah ku sugan degmadaas waxay sheegayaan iney ka muuqatay feejignaan dheeri ah, waxayna ku faafeen gudaha degmada, iyagoo lugeynaya, waxaana la sheegay in mid ka mid ah koontroolada magaaladaas laga maqlay rasaas kooban oo aan la ogeyn waxa ay tahay.
“Ciidamada soo galay waxaa hogaaminaya taliyaha ciidamada dowlada KMG Somalia ee gobolada Jubooyinka, Jen. Ismaaciil Saxardiid, gudoomiyaha Xarakada Raaskambooni Shiikh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) afhayeenka kooxdaas C/naasir Seeraar iyo saraakiil kale oo badan” sidaa waxaa yiri goob jooge ku sugan degmadaas oo magaciisa diiday.
Ciidamada ayaa hadda wada howlgalo miino baaris ah oo ay ka sameynayaan saldhiga Booliska, xarunta degmada iyo kontrolada ku yaala wadooyinka laga soo galo lagana baxo degmadaas si ay uga hor tagaan miinooyin loo maleynayo in ay goobahaas ku aaseen xoogagii Al-shabaab ee saaka magaaladaas ka baxay.
Ciidamada huwanta oo wata taangiyo iyo hub kale oo oculus oo ayaa la sheegay in xoogooda ay dhinaca kale u dhaafeen degmada Afmadow iyagoo u kala jiheystay wadooyin u kala baxa magaalada Kismaayo iyo degmada Jamaame oo sida la sheegay saaka ay ku baxsadeen xooqagii Al-shabaab ee degmadaas gacanta ku hayey, waxaana dadka degaanku ay sheegayaan in xaalada degmada ay hadda tahay mid degan saraakiisha ciidamada huwantana ay ku war geliyeen dadka degmadaas ku haray iney is dejiyaan.
Degmada Afmadow ayaa ah degmo istaraatiiji ah oo magaalada kismaayo u jirta 140-km, waana caasimada labaad ee gobolka Jubada hoose, waxayna noqoneysaa degmadii ugu weyneyd gobolka Jubada hoose ee ay gacanta ku dhigaan Ciidamada huwanta ee Kenya ay horkaceyso, waxaana ay qeyb ka noqoneysaa magaalooyin badan oo bilihii u dambeeyey ka baxay gacanta Al-shabaab.

Sunday, April 15, 2012

Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Oo La Soo Gabo-Gabeeyey Laguna Doortay Qaar Ka Mida Hogaanka Xisbigaas.

Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Oo La Soo Gabo-Gabeeyey Laguna Doortay Qaar Ka Mida Hogaanka Xisbigaas.


(Hadhwanaagnews) Sunday, April 15, 2012
Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Oo La Soo Gabo-Gabeeyey Laguna Doortay Qaar Ka Mida Hogaanka Xisbigaas iyada oo xil ka qaadis buuq badan dhalisay xilkii lagaga qaaday gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye.


Hargeysa(HWN)shirkii golaha dhexe ee  xisbiga kulmiye oo maanta ku jiray maalintii labaad ee shirkaasi ayaa waxa lagu doortay  gudoomiye ku xigeenka koowaad,labaad,sadexaad iyo  xoghayaha guud halka dib loo dhigay xilka gudoomiyaha xisbiga kulmiye ilaa inta la gaadhayo shir weynaha xisbiga iyada oo uu xilkana sii hayn doono gudoomiyaha hada ee xisbigaasi  md:Muuse Biixi Cabdi.
Shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ayaa waxa shir  gudoominayey gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye md:Jaamac Shabeel.
Shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye oo si weyn loogu dhag taagayey natiijada ka soo bixi doonta ayaa waxa lagu doortay xubno noqon doonta hogaanka xisbigaas iyada oo xilkiina laga qaaday gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbigaas md:C/raxmaan C/qaadir.
Shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ayaa waxa kale oo lagu ansixiyey  39 xubnood oo ka mid noqon doona golaha dhexe ee xisbiga iyada oo ay xubnahaasi buuxiyeen  jagooyin ay hore u baneeyeen xubno ka tirsanaa xisbiga kulmiye.
Shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye oo socday mudo laba cisho ah ayaa waxa lagu doortay  qaar ka mida hogaanka xisbiga kulmiye waxaanay kala yihiin.
1.      Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye waxa loo doortay muj:Maxamed Kaahin Axmed
2.      Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulmiye  waxa loo doortay Xildhibaan  Waabeeye oo ka tirsan mudanayasha golaha wakiilada Somaliland
3.      Xoghaya guud ee xisbigana  kulmiye waxa loo doortay  md: Xasan Siciid Yuusuf
waxa dib loo dhigay doorashada gudoomiyaha xisbiga kulmiye iyada oo mudo hal sano ah dib loo riixay shirweynaha xisbiga kulmiye.
Waxa kale oo lagu ansixiyey qodobo  u ogolaanaya masuuliyiinta xisbiga kulmiye inay ka wada tirsanaan karaan golaha dhexe ee xisbiga kulmiye iyo golaha wasiirada ee xukuumada.
Shirka golaha dhexe ee xibiga kulmiye oo ay hadhaysay jaah wareer iyo buuq ka dhashay xil ka qaadista gudoomiyaha ku xigeenka koowaad e xisbiga kulmiye md: C/raxmaan C/qaadir ayaa waxa uu ku soo dhamaaday jawi aad u kacsan iyada oo inta badan marti sharaftii ka soo qayb gashay shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ay sheegayeen inaan sifo sharciga waafaqsan loo marin xil ka qaadista gudoomiyaha ku xigeenka kowaad ee xisbigaas iyada oo loo adeegsaday in ciidamo police ahi debada uga saaraan hoolka uu ka socday shirka golaha dhexe ee xisbigaas.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xilka laga qaaday md:C/raxmaan C/qaadir ayaa isagu warbaahinta u sheegay inaanu aqoonsanayn  go,aanka xilka lagaga qaaday isaga oo xusay in lagu soo doortay shirweynihii u danbeeyey ee xisbiga kulmiye.
Isku soo wada duuboo waxaan ilaa hada la garanayn saamaynta togan ee ay xisbiga kulmiye ku yeelan doono xilka qaadista gudoomiye ku xigeenka koowaad ee loo adeegsaday ciidamada plice-ka ee xooga kaga saaray hoolka uu shirku ka socday iyada oo sababta dibada loogu saarayna ay keentay ka dib markii uu C/raxmaan C/qaadir isku dayey inuu ka jawaabo warqad  eedayn ah oo uu soo qoray gudoomiyaha xisbiga kulmiye taas oo loo adeegsaday xil ka qaadista C/raxmaan C/qaadir.
Xisbiga kulmiye ayaa inta badan ku  faana inuu yahay xisbi dimuqraadiya balse waxa la dhawri doontaa saamaynta ay ku yeelato qaabka loo maray xil ka qaadista gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga
Si kastaba ha ahaatee shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye  ayaa lagu doortay qaar ka mida hogaanka xisbiga, isaga oo ku soo dhamaaday  jawi aad u kacsan.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Oo Cusbitaal Loo Dhigay Jugo Ka Soo Gaadhay Garba Duubkii Looga Saaray Hoolkii Shirka Golaha Dhexe Ee Kulmiye Iyo Cali Guray Oo Madaxweyne Siilaanyo Dusha U Saaray Dhibka Dhacay Oo Dhan

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Oo Cusbitaal Loo Dhigay Jugo Ka Soo Gaadhay Garba Duubkii Looga Saaray Hoolkii Shirka Golaha Dhexe Ee Kulmiye Iyo Cali Guray Oo Madaxweyne Siilaanyo Dusha U Saaray Dhibka Dhacay Oo Dhan


(Hadhwanaagnews) Sunday, April 15, 2012
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Oo Cusbitaal Loo Dhigay Jugo Ka Soo Gaadhay Garba Duubkii Looga Saaray Hoolkii Shirka Golaha Dhexe Ee Kulmiye Iyo Cali Guray Oo Madaxweyne Siilaanyo Dusha U Saaray Dhibka Dhacay Oo Dhan

Hargeysa (HWN) Guddoomiye ku xigeenkii xisbiga Kulmiye Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa ka dib markii ay maanta Ilaaladda gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ay banaanka uga saareen hoolkii shirka golaha dhexe ee kulmiye uu ka socday, jug ay ka soo gaadhay dhabarka.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo u waramayay Horn Cable isaga oo ku jira Cusbitaalka Alxayaat ee Magaaladda Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in nabar hore ka gaadhay dhabarku uu ku soo kacdoomay isla markaana xaaladdiisa caafimaad ay marayso meel xun.
Waxa kale oo uu intaasi ku daray in wixii maanta ka qabsaday shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye uu ahaa mid aanu u dul qaadan doonin isla markaana aanu ka filaynayn.
Sidoo kale afhayeenka xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa nasiib darro iyo wax laga xumaado ku tilmaamay sida loola dhaqmay guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee xisbiga Kulmiye Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax.
Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta warbaahinta ugu waramayay magaaladda Hargeysa, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Inta Xukuumaddani talada dalka qabatay dhacdooyinka dhacayaa waxay inoo sheegayaan wax badan, waxaana xabaal lagu riday midii Kulmiye ku faanay jiray ee ahayd inuu yahay xisbi dimuqraadi ah, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye, markii Axmed Guddoomiyihii Kulmiye baneeyay ee Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ka koowaad noqday waxa loo diiday inuu Guddoomiye ku xigeenka labaad noqdo oo uu durko, waxay ahayd in loo ogolaado inuu tartamo oo cod lagaga qaado kaalintaa oo uu ka saddexaad ku dhaco, midna laba yeelin ee meesha shirqool-baa ka dhacay, Siilaanyo-na anigu Madaxwayne odhan maayee waxa uu shalay shirka dib uga dhacay oo uu yidhi ilaa shirka Cabdiraxmaan Cabdiqaadir laga saarayo iman mayo shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo aniga iyo Cabdiraxmaan wada joogi mayno.”ayuu yidhi.
Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray oo uu cadeeyay in guddoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir uu ahaa nin naafo ah “Cabdiraxmaan waa Naafo, Axmed Siilaanyo oo Berbera ka soo degaya ayuu isaga, Maxamed Xaashi iyo Marxuum Cali Maarshaal gaadhi la qalibmay, saddexdaa nin waxa nasiib badnaa Cali Maarshaal oo aan arag Axmed Siilaanyo oo Madaxwayne ah.” Ayuu yidhi.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Oo Cusbitaal Loo Dhigay Jugo Ka Soo Gaadhay Garba Duubkii Looga Saaray Hoolkii Shirka Golaha Dhexe Ee Kulmiye Iyo Cali Guray Oo Madaxweyne Siilaanyo Dusha U Saaray Dhibka Dhacay Oo Dhan

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Oo Cusbitaal Loo Dhigay Jugo Ka Soo Gaadhay Garba Duubkii Looga Saaray Hoolkii Shirka Golaha Dhexe Ee Kulmiye Iyo Cali Guray Oo Madaxweyne Siilaanyo Dusha U Saaray Dhibka Dhacay Oo Dhan


(Hadhwanaagnews) Sunday, April 15, 2012
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Oo Cusbitaal Loo Dhigay Jugo Ka Soo Gaadhay Garba Duubkii Looga Saaray Hoolkii Shirka Golaha Dhexe Ee Kulmiye Iyo Cali Guray Oo Madaxweyne Siilaanyo Dusha U Saaray Dhibka Dhacay Oo Dhan

Hargeysa (HWN) Guddoomiye ku xigeenkii xisbiga Kulmiye Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa ka dib markii ay maanta Ilaaladda gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ay banaanka uga saareen hoolkii shirka golaha dhexe ee kulmiye uu ka socday, jug ay ka soo gaadhay dhabarka.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo u waramayay Horn Cable isaga oo ku jira Cusbitaalka Alxayaat ee Magaaladda Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in nabar hore ka gaadhay dhabarku uu ku soo kacdoomay isla markaana xaaladdiisa caafimaad ay marayso meel xun.
Waxa kale oo uu intaasi ku daray in wixii maanta ka qabsaday shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye uu ahaa mid aanu u dul qaadan doonin isla markaana aanu ka filaynayn.
Sidoo kale afhayeenka xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa nasiib darro iyo wax laga xumaado ku tilmaamay sida loola dhaqmay guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee xisbiga Kulmiye Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax.
Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta warbaahinta ugu waramayay magaaladda Hargeysa, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Inta Xukuumaddani talada dalka qabatay dhacdooyinka dhacayaa waxay inoo sheegayaan wax badan, waxaana xabaal lagu riday midii Kulmiye ku faanay jiray ee ahayd inuu yahay xisbi dimuqraadi ah, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye, markii Axmed Guddoomiyihii Kulmiye baneeyay ee Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ka koowaad noqday waxa loo diiday inuu Guddoomiye ku xigeenka labaad noqdo oo uu durko, waxay ahayd in loo ogolaado inuu tartamo oo cod lagaga qaado kaalintaa oo uu ka saddexaad ku dhaco, midna laba yeelin ee meesha shirqool-baa ka dhacay, Siilaanyo-na anigu Madaxwayne odhan maayee waxa uu shalay shirka dib uga dhacay oo uu yidhi ilaa shirka Cabdiraxmaan Cabdiqaadir laga saarayo iman mayo shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo aniga iyo Cabdiraxmaan wada joogi mayno.”ayuu yidhi.
Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray oo uu cadeeyay in guddoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir uu ahaa nin naafo ah “Cabdiraxmaan waa Naafo, Axmed Siilaanyo oo Berbera ka soo degaya ayuu isaga, Maxamed Xaashi iyo Marxuum Cali Maarshaal gaadhi la qalibmay, saddexdaa nin waxa nasiib badnaa Cali Maarshaal oo aan arag Axmed Siilaanyo oo Madaxwayne ah.” Ayuu yidhi.

Wardegdeg ah:- Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Rabshado Ka Dhacay Sariibadda Inji ee Magaaladda Hargeysa

Wardegdeg ah:- Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Rabshado Ka Dhacay Sariibadda Inji ee Magaaladda Hargeysa


() Sunday, April 15, 2012
Wardegdeg ah:- Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Rabshado Ka Dhacay Sariibadda Inji ee Magaaladda Hargeysa

Hargeysa (BCT) Hal qof ayaa ku dhintay saddex kala kalena wey ku dhaawacmeen ka dib markii uu muran ka dhashay Sariibadda Inji geesteeda Bari oo iyada ka soo horjeeda dugsiga Sare ee Quule Aadan Dool ee  Degmadda Axmed Dhagax, taas oo sida la sheegay dadka lagu wareejiyay si ay u dhistaan.

Dadkan gadooday oo ah kuwa ku ganacsadda suuqaas ayaa waxa ay burburiyeen isla markaana dhulka la simeen dhismeyaal cusub oo ay dhisteen dadka la sheegayo in uu mayorku u fasaxay in ay dhistaan
Dhinaca kale ku dhawaad 40 qof ayaa la sheegayaa in xabsiga loo taxaabay, waxaana hadda goobta soo gaadhay ciidamada Booliska oo uu hor kacayo Jananka guud ee ciidamadda Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan.
Wixii war ah ee ka soo kordha kala soco shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.com

Monday, April 2, 2012

Wasaarada Duulista Somaliland Oo Adeegii Ugu Balaadhnaa Ee Dhinaca Amaanka Ka Hir Gelisay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Hargeysa +Daawo Sawirada Qalabka Amaanka


Wasaarada Duulista Somaliland Oo Adeegii Ugu Balaadhnaa Ee Dhinaca Amaanka Ka Hir Gelisay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Hargeysa +Daawo Sawirada Qalabka Amaanka


(Hadhwanaagnews) Monday, April 02, 2012
Hargeysa(BCT)Xukuumada Somaliland ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada hargeysa ka hir gelisay adeegii ugu balaadhnaa ee dhinaca amaanka.

Hargeysa(BCT)Xukuumada Somaliland ayaa garoonka diyaaradaha ee  magaalada hargeysa  ka hir gelisay adeegii ugu balaadhnaa ee dhinaca amaanka.
Xukuumada Somaliland ayaa ku guulaysatay in markii ugu horaysay garoonka diyaaradaha ee magaalada hargeysa la keeno qalab casriya oo ka hawl gali doono amaanka garoonka, qalabkan ayaa ka kooban mishiino casriya oo baadhi doono dhamaan alaabta kala duwan ee ay sitaan dadka ka soo degaya ama ka dhoofaya  garoonka iyo sidoo kale qalab computer-ro ah kuwaas oo iyaguna qayb ka ah mishiinada baadhaya alaabta kala duwan ee ka soo degaysa ama ka dhoofaysa garoonka diyaraadaha ee magaalada hargeysa.

Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada  Somaliland md:Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka war bixiyey qalabkan ayaa sheegay  in qalabkan lagu dhamaystiray garoonka diyaaradaha ee magaalada hargeysa,isaga oo tilmaamay inuu wax ka tari doono amaanka dadka soo degaya,kuwa  dhoofaya iyo guud ahaan amaanka dalka, waxa kale oo uu sheegay in qalabkan ay ka caawisay dawlada ingiriiska, waxaaana hadaladii wasiirka ka mid ahaa “ waxa maanta madaarka caasimada  ee Egal International Airport lagu dhamaystiray qalabkii casriga ahaa ee baadhayey shandadaha iyo dadka, kaas oo xoojin doona amaanka dadka dhoofaya, kuwa soo dagaya iyo guud ahaan amaanka qarankaba.
Hawshan mudo dheer ayaanu soo wadnay waxaana aad nooga caawisay dawlada dalka ingiriiska oo aanu aad ugu mahad naqayno, qalabkana waxa loo tababaray dhalinyaro jaamiciyiin ah kuwaas oo iyagu ku shaqayn doona.”
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in hawlaha dhinaca dhismaha iyo amaanka ee ka socda garoonka diyaaradaha ee magaalada hargeysa ay qayb ka qaadatay xukuumada Somaliland waxaanu yidhi “  hawlahan dhinaca amaanka iyo dhismayaasha ee ka socda garoonka diyaaradaha ee magalada hargeysa xukuumada Somaliland way ka qayb qaadatay maal gelintooda taas oo ilaa iyo intii ay xukuumada madaxweyne siilaany xilka la wareegtay  aan mar kaliya la joojin dhismaha madaarka, haatana maraya meel fiican  iyada oo dhismayaal badan lagusoo kordhiyey qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay madaarku.
Hawlaha ka socda dhamaan garoonka diyaaradaha ee magaalada hargeysa waxay salka ku hayaan inay xukuumada Somaliland horu mar balaadhan iyo isbadal laxaad leh ku samayso kaabayaasha dhaqaale iyo adeegyada bulshada gaar ahaan madaarada  dalka Somaliland leeyahay, si ay ula jaan qaadaan kuwa caalamka ayna la tartamaan kuwa dhigooda ah.
Waxa naga go,an inay madaarada Somaliland u ekaadaan kuwa dunida sida halka laga soo galayo,halka laga baxayo,qalabka wax lagu baadhayo iyo sida loo baadhayaba.”
Wasiirka oo ka hadlaya waxyaalaha u qorshaysan ee ay ka qaban doonaan garoonka diyaaradaha ee magaalada hargeysa ayaa waxa uu yidhi “ waxaanu qaban doono waxa ka mida in baanka sarifa lacagaha laga saaro madaarka oo aanay jiri doonin lacag qofka lagu khasbo inuu sarifo, waxa kale oo aanu wadnaa in meelaha lacagta lagu qabto ee wasaarada maaliyada u jooga madaarka lagu dhajin doono istikaro.”
Wasiirka duulista iyo hawada md:Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlaya wareegto ay soo saari doonto wasaarada arimaha gudaha iyo nuxurka ay wareegtadaasi xanbaarsan tahay ayaa waxa uu yidhi “ dhawaan wasaarada arimaha guduhu waxay soo saari doontaa wareegto taas oo wasiirka arimaha guduhu umada ugu sheegayo in dadka u  imanaya dalkeena dhinaca dalxiiska aan lagu khasbi doonin inay fiiso ka dalbadaan dalka balse laga siin doono laanta socdaalka ee wasaarada arimaha gudaha Somaliland, adeegyadaas oo dhamina waxay la xidhidhaaan inay madaaradeena ka dhigaan kuwo casri ah oo la jaan qaadi kara kuwa dunida”
Dhinaca kale  wasiirku waxa uu sheegay in marka ay  dhamaadaan hawlaha dhinaca horu marka ee ka socda madaarka caasimada in wasaarada duulista laga dhigo doono hay’ad madax banaan oo ah duulista iyo hawada isla markaana aan la hoos geyn doonin wax wasaarad ah.
Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay  in madaarka caasimada laga bilaabo doono mashaaariic lagu horu marinayo RUN-WAY-GA garoonka iyo in silig lagu soo wareejin doono madaarka caasimada.
Si kastaba ha ahaatee qalabkan casriga ah ee dhinaca amaanka ee  lagu soo kordhiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada hargeysa ayaa sii xoojin doona  kamarado dhinaca amaanka ah oo hore looga hawl galiyey garoonka diyaaradaha ee caasimada.
 

Qasaarihii Ka Dhashay Dagaaladii Ka Dhacay Dalka Yeman oo Sii Laba Jibaarmay.


Qasaarihii Ka Dhashay Dagaaladii Ka Dhacay Dalka Yeman oo Sii Laba Jibaarmay.


(Hadhwanaagnews) Monday, April 02, 2012
Cadan)Burcotoday) Dagaaladii ka socday Koonfurta Dalka yeman ayaa la soo sheegaya in uu sii kordhayo Tirada dhimashada ka dhalanaysa dagaal culus


Cadan)HWN)   Dagaaladii ka socday Koonfurta Dalka yeman ayaa la soo sheegaya in uu sii kordhayo Tirada dhimashada ka dhalanaysa dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada amaanka Yemen iyo xoogaga hubaysan oo la sheegay inay yihiin al qaacidada Yemen .
Wararka ka imaanaya koonfurta dalka Yeman ayaa sheegaya in ugu yaraan 40- qof oo isugu jira labada dhinac ay dagaalkaasi ku nafwaayeen tan iyo maalinkii uu bilowday oo sabtida ku beegneed inkastoo iminka la sheegayo in ay xaaladu tahay mid dagan.
.Dad goob jogaayaal ah oo la hadlay warbaahinta aya sheegay in ay arkeen 17 ka tirsan askarta Yemen oo ku geeriyootay dagaalka ay lagaleen ciidamada Al Qaacida waxaana goobaha ay daagalada ka socdaan meelaha u dhaw dhaw lagu arkayaa dadka shacabka ah oo qaxaya aoo gawaari ku qaxaya iyo ku lugeynaya..
Dagaaladaan udhaxeeya ciidamada Amaanka dalka yeman iyo kooxda argagixisada ah ee Al Qaacida ayaa noqday kii ugu qasaaraha badnaa ee waayahan dhac iyadoona diyaaradaha dagalka Yeman ay duqeyn la dhacaayn goobaha ay ku sugan yihiin ururka al Qaacida

Muwaadin Reer Somaliland Ah Oo Ku nool Magaaladda Qahira Ee Dalka Masar Oo Buufis Dibadeed Darteed iskaaga Soo Tuuray Dabaq 5 Biyaano ah


Muwaadin Reer Somaliland Ah Oo Ku nool Magaaladda Qahira Ee Dalka Masar Oo Buufis Dibadeed Darteed iskaaga Soo Tuuray Dabaq 5 Biyaano ah


(Hadhwanaagnews) Monday, April 02, 2012
Qahira-(HWN)-Muwaadin reer Somaliland ah oo lagu magacaabo Mustafe Yuusuf isla-markaasna kunool magaaladdan Qahira ee xarunta dalkan


Qahira-(HWN)-Muwaadin reer Somaliland ah oo lagu magacaabo Mustafe Yuusuf isla-markaasna kunool magaaladdan Qahira ee xarunta dalkan Masar,ayaa waxa uu iska soo tuuray fooq shan dabaqa oo uu qoyskiisa kula noolaa hase yeeshee waxa uu kabad baaday geeri kaddib markii uu dusha kaga dhacay geedo kahooseeya fooqa uu iska soo tuuray.
Sababta keentay inuu Mustafe fooqa iska soo tuuray ayaa ahayd kaddib markii hooyada dhashay wiilkan ay dhexmaray hadal kaas oo kudoonayey in hoyaddii Udhoofiso dalalka reer galbeedka hase yeeshee hooyaddii ayaa Mustafe kacodsatay inay dhoofin doonto uuna isdajiyo laakiin nasiib darro waxa uu iska tuuray fooqii shanta dabaq ahaa.
Musfate Yuusuf oo ah muwaadin udhashay Jamhuuriyadda Somaliland ayaa meeshuu uu ku soo dhacay ee fooqa hoostiisa ahayd waxay noqotay meel diisantay oo uu dhulku hoos Udagay.
Akhriste maan rumaysan dhacdadan illlaa aan arkay qaar kamida qoyska ninkan fooqa iska soo riday iyo isagii oo soconaya waxaana kayaabay arrintan dhakhaatiirta dawaysay oo badhitaan kaddib usheegtay Mustafe Yuusuf Qoyskiisa inay wiilkooda kaxaysan karaan oo aanu habayaraartee waxba qabin.

Daawo Video isbitaalka Berbera oo Qalab Caafimaad La soo Gaadhsiiyay

Laascaanood:- Wariyaha Hadhwanaagnews ee Laascanood oo Warbixin kasoo diyaariyay Dagaladii Maanta iyo Malayshiyaadka Khaatuma. Daawo Video

Saturday, March 24, 2012

heeso qoraala & fanaankii waynaa ee MAXAMED MOOGE

Mudantii haweenkaay
marwadii la sheegee
dadku wada majiirtaay
dumar lama mid dhigayee
muxubada kal gacalkaa
laanyahay magooshee
midhihiyo caleentiyo
manka lagu talaalee
ubax lagu mariimee
qurux lagu manaystaay
mudo aan yarayn baan
kugu soo maqnaayoo
ma ogtahay habeenadan
sida mayayga roobkoo
hadba maayad keenaa
ii muuqa taayee
muxibada kalgacalka
hadba soo mir kacayaa
Midhaha hadalku leeyey
ereygiisa ma huraan
waana loo mashxaradaa
midaa taaladeedaa
igu mayracaysaa
marti waa la sooraa
magan waa la bixiyaa
haw udhuran masuuge
maahmaahda sheegtayoo
dhibtan ha igu madinine
mudo aan yarayn baan
kugu soo maqnaayoo
ma ogtahay habeenadan
sida mayayga roobkoo
hadba maayad keenaa
ii muuqa taayo
muxibada jacaylka
hadba soo mir kacayaa
Masalooyin dhawroo
mahadhooyideedaan
kuu marinayaaye
maqal waanadaydanoo
miisaan warkeygoo
caynkii xalaytoon
waaba midhiq ii odhan
madaxaanba duubtee
naftu way ku maagtayoo
kaa maar mi waydayee
mudo aan yaraynbaan
kugu soo maqnaayoo
ma ogtahay habeenada
sida mayayga roobkoo
hadba maayad keenaa
ii muuqa taayo
muxibada jacaylkaa

heeso qoraala & sahra Ahmed

Mar adoo iga dheer baa
qalbigu kuu dhaawaqayaa
mar adoo ii dhow baa
qalbigu kaa dhargayaa
Mar anoo dhanki hurdada galay
haasaawahaa kula dhig dhigaa
sidaad iigu dheertahey
ma ruuxaan kula dhigaa jira
sow dhuuxa iyo maad
qancin iyo dhiigaba
Bal dhankaada qabo
caashaqu yaanu dheeliyinee
anigana i dhowr sida curad dhalaan
aan dhool dhoolinee
Marbaan dhabta iyo dhaya
kala ogeyn aan dhoohanee
marbaan qeylo dhaan
dhaxan looga dhaliyaa
aan dhididayaa
Marbaan dhanka iyo aqalkoo dhargiyo
dhagahey faraxad kusoo dhacda
dhinacyey kalgalcalkuyee
ma ruuxaan kula dhigaa jira
sow dhuuxa iyo maad
qancin iyo dhiigaba
Bal dhankaada qabo
caashaqu yaanu dheeliyinee
anigana i dhowr sida curad dhalaan
aan dhool dhoolinee

Golaha wakiiladda oo iska dhex doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad iyo magacyadda masuuliyiintan cusub



Golaha wakiiladda oo iska dhex doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad iyo magacyadda masuuliyiintan cusub


(Hadhwanaagnews) Saturday, March 24, 2012
Golaha wakiiladda oo iska dhex doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad iyo magacyadda masuuliyiintan cusub

Hargeysa (HWN) Mudaneyaasha golaha wakiiladda ayaa maanta fadhigoodii ku doortay guddoomiyaha koowaad iyo labaad ee aqalkaasi.
Fadhigan saaka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayay mudaneyaashu aqlabiyad ugu doorteen guddoomiye ku xigeenka 1-aad in uu noqdo Mud. Baashe Maxamed Faarax, halka guddoomiye ku xigeenka koowaadna loo doortay Md. Cali Yuusuf Axmed.
Fadhigan oo ay ka soo xaadireen 64 mudane ayaa waxa 39 mudane ay ku doorteen in uu noqdo guddoomiye ku xigeenka 1-aad baashe maxamed Faarax, halka ibraahim axmed oo u taagnaa isna jagadda guddoomiyeay u codeeyeen 22 mudane, waxaan ka amusay 3 mudane.
Dhinaca kale mudaneyaasha ayaa guddoomiye ku xigeenka 2-aad u dooartay xildhibaan Cali Yuusuf axmed oo helay 43 mudane, halka axmed yaasiin sheikh cali ayaanle  uu isna helay20 mudane.
Sidaas ayaanay saaka mudaneyaasha golaha wakiiladdu ku doorteen in labadaas mudane ay noqdaan guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee golahaasi.

Wednesday, March 21, 2012

Somali pirates 'have released' kidnapped Brit Judith Tebbutt

Somali pirates 'have released' kidnapped Brit Judith Tebbutt

Judith Tebbutt
Freed ... Judith Tebbutt
Published: Today at 09:53

KIDNAPPED Brit Judith Tebbutt says she is "really happy" to have finally been freed after six months in captivity at the hands of Somali pirates.

She was dramatically released today after being taken hostage in September and is on her way back to Kenya.
She told ITV News: "I'm really happy. It's just nice to be around other people, it's been quietly lonely for seven months."
She was freed after a ransom was paid by her relatives, according to reports.
Judith, from Bishop's Stortford, Herts, was snatched from the country by an armed gang who shot her husband dead.

Shot ... David Tebbutt
Shot ... David Tebbutt
The social worker, 56, was taken from the remote Kiwayu Safari Village beach resort "kicking and screaming" after husband David, 58, was shot in the chest with an AK47.

A speedboat took her into lawless Somalia where pirates held British yacht couple Paul and Rachel Chandler for 13 months.
Mrs Tebbutt told ITV News the pirates had made her "feel as comfortable as possible".

She said: "I am very relieved to have been released. Seven months is a long time and under the circumstances with my husband passing away made it harder.
"I am just happy to be released and I'm looking forward to seeing my son who successfully secured my release. I don't know how he did it, but he did. Which is great."
She had also spoken to the broadcaster before she was freed and at that time was claiming to have been well treated.
She said: "My condition is good as far as I know. My health is good. I sleep very well here. I have been ill three times in the seven months. On each occasion I have had medication almost immediately and it's cleared up.
"I am really happy that I am being released and I am looking forward to seeing my son and my family and I am going home. I feel fine. I have had absolutely no torture whatsoever. In fact I have been made to feel as comfortable as possible by the pirates that are holding me."
The couple's son, Oliver, declined to comment today but a friend of Mr Tebbutt said it sounded like "wonderful news".

Video: Brit hostage freed by pirates

JUDITH Tebbutt, abducted from Kenyan resort last September is let go
Somali pirate Bile Hussein and Mohammed Hussein, an official with the militia Ahlu Sunnah Wal Jama, said Judith, was released by pirates holding her today and was expected to be flown to the Kenyan capital Nairobi.

David was a publishing exec with Faber & Faber and was a member of the Book Trade Charity.
Its chief executive David Hicks knew him for 15 years and said today: "This sounds wonderful, though I'll only really be happy when it's definite that she's safe."
Local MP Richard Harrington, from Watford, told Sky News: "Our thoughts are with Oliver, who must have such feelings today. Under the circumstances, he's done absolutely fantastically.
"To see his parents go on holiday, and saying he'll see them in a couple of weeks' time, in the most routine way that happens to all of us, then to find what happened to his father, and his mother, for so long whereabouts unknown, I'm sure he's got the deepest emotional feelings today, that none of us will ever experience in our lives, but I think he's conducted himself for one so young so extremely well, and I do nothing other than just commend him."
A team of Metropolitan Police officers travelled to Kenya to help authorities investigating the case.

Wednesday, March 14, 2012

GUdoomiye Ku Xigeenkii 1-aad ee Golaha Wakiiladda Cabdicasis Samaale Oo Iscasilaadiisii xubinimo iyo xigeenkii Wakiiladda U gudbiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda


Guddoomiye Ku Xigeenkii 1-aad ee Golaha Wakiiladda Cabdicasis Samaale Oo Iscasilaadiisii xubinimo iyo xigeenkii Wakiiladda U gudbiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda

Posted by  on Mar 14th, 2012 and filed under featuredtoday's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry
Hargeysa (Halbeegnews)– Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Wakiiladda imikana loo magacaabay xilka Wasaaradda maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa isla maantaba wuxuu u gudbiyey golaha Wakiiladda istaqlaaladda shaqo ka tagistiisa si uu ugu madax banaanado qabashada xilka wasaaradda Maaliyadda.
Mudane Samaale ayaa qoraalka istiqlaaladda uu u gudbiyey golaha Wakiiladda Somaliland wuxuu ku yidhi sidani:
“Anigoo ah Md Cabdicasiis Maxamed Samaale waxaan halkani ku caddaynaya in maanta oo arbaca ah taariikhduna tahay 14.03.2012 iska casilay xilkii Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubinimadii golahaba.
Waxaan si weyn uga mahad-naqaya shir-guddoonka iyo dhammaan mudanayaasha golaha Wakiiladda JSL oo aan muddo dheer soo wada shaqaynay.
Waxaan Golaha ka rajaynayaa inay aqbali doonaan iscasilaadayda
Alla Mahad Leh
Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale”
qoraalka istiqlaaladda Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Wakiiladda Samaale ayaa ka danbeeyey ka dib markii uu maanta loo magacaabay xilka wasiirka maaliyadda, xilkaasi oo laga qaaday Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo dadweynaha reer Somaliland ay afka iyo gacanta saareen markay maqleen xilka Xaashi laga qaaday.
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com

This post has been viewed 64 times.

Madaxweyne SiilaanyoIsku shaandayn ku sameeyay Golihiisa wasiirada Magacaabayna Wasiir Kale, Isku Shaandhayna Sameeyey


Madaxweyne Siilaanyo Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiirka Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Magacaabayna Wasiir Kale, Isku Shaandhayna Sameeyey Cabdicasiis Samaale Oo Golaha Wasiiradda Ku Jira

Posted by  on Mar 14th, 2012 and filed under featuredtoday's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry
Hargeysa (Halbeegnews)– Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa goor dhawayd wareegto uu ka soo saaray xafiiskiisa wuxuu xilkii kaga qaaday Wasiirkii maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, wuxuu sidoo kale xilalkoodii ka qaaday wasiiro door ah oo ka tirsan golaha wasaaradda, Madaxweynahu wuxuu xilka wasaaradda maaliyadda u magacaabay Guddoomiye ku xigeenkii 1-aad ee golaha Wakiiladda Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Haddaba magacaabista iyo isku shaandhaynta golaha Wasiiradda akhris wacan:
War-saxaafadeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu isku bedel shaqo, Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida Golaha Wasiiradda, Wasiir ku-xigeenada iyo Hay’adaha Dawladda qaar kamida.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,
Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.
Waxa uu Xilalkii ay qaranka u hayeen ka qaaday Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno iyo Madaxda Hay’adaha Madaxa banaan qaarkood, isal markaana Madaxweynuhu waxa uu Xilalkaa ay baneeyeena u magacaabay Masuuliyiin Cusub oo kala ah:-
Magac-yada Masuuliyiinta Cusub 

Magacaabidda
Wasaaradda loo magacaabay
1 Cabdicasiis Maxamed Samaale Waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada
2 Axmed Cabdi Xaabsade
(Hore u ahaa Wasiirka War-faafinta) Waxa loo magacaabayWasiirka W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka
3Cabdi yuusuf Ducaale (Boobe)Waxa loo magacaabayWasiirka W/Warfaafinta
4Cali Siciid Raygal
(Hore u ahaa Maareeyaha Madbacada Qaranka)Waxa loo magacaabayWasiirka W/Cayaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka
5Maxamuud Axmed Barre (Garaad)Waxa loo magacaabayWasiirka W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada
6Cabdilaahi Abokor Cismaan (Xil Cusub)
Waxa loo magacaabayWasiir ku-xigeenka Daakhiliga ee dhinaca Amniga, halka Wasiir ku-xigeenkii hore uu ahaan doono Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Maamulka ee W. Arrimaha Gudaha
7Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani)Waxa loo magacaabayWasiiru-Dawle Cusub W-Maaliyada ah
8Mawliid Maxamuud IbraahimWaxa loo magacaabayWasiir ku- Xigeenka W/Arrimaha Dibadda
9Nuux Sheekh Muuse Ducaale Waxa loo magacaabay Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha
10Maxamed Cumar CabdilaahiWaxa loo magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha
11Mudane Axmed Xuseen Oomane Waxa loo magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka South Sudan
Madaxweynuhu isagoo ixtiraam u haya ugana mahad-naqaya mudadii ay xilkaa soo hayeen balse sunaha dawladnimo ay ku jirto xilka qaadista iyo Magacaabistuba isla markaana xilku yahay Meerto waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday Masuuliyiintan:-
Magaca Mudanaha Xilka laga qaaday Xilka uu hayey
1 Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Wasiirkii W/ Maaliyadda
2 Prof. Ismaacil Muumin Aar Wasiirkii W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka
3 Ilhaan Maxamed Jaamac Wasiirkii W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada
4 Dr. Axmed Xaashi Oday
Madaxweynuhu waxa uu faray Masuulkan in uu xilka wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ku wareejiyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta oo si ku meel gaadha u sii hayn-doona inta Masuul Cusub loo soo magacaabayo xilka WasaaraddaWasiirkii W/Boosaha iyo Isgaadhsiinta
5 Cabdi Siciid FaahiyeWasiirkii W/Cayaaraha ,Dhalinyarada iyo Dhaqanka
6 Warsame Siciid CabdiWasiir ku-Xigeenkii W/ Maaliyadda
7 Maxamed Yoonis CawaaleWasiir ku-Xigeenkii W/Arrimaha Dibadda
8 Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil Gudoomiyihii Hay’ada Shaqaalaha (Civil Service commission)
9 Axmed Cali Xirsi (Sulub)Deputy: ku-xigeenka Gudoomiyaha Hay’adda shaqalaha