Wednesday, March 14, 2012

Maxamud Madaxwayne Siilaanyo Oo Baarlamaanka U Gudbiyey Tallo Soo Jeedin Haweenka Iyo Dadka Laga Tirada Badan Yahay Siinaysa Kuraas kooto Ah Oo Ay Ku Yeeshaan Golayaasha



Hargeysa (Halbeegnews)–Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa golaha wakiilada u gudbiyey tallo-bixinta guddida Gudida Daraasaynta Xoojinta Kaalinta haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay ee ka qayb-galka siyaasada, kaasi oo guddidu Madaxwaynaha u gudbiyeen.
Gudida Daraasaynta Xoojinta Kaalinta haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay ee ka qayb-galka siyaasada oo Madaxwayne Axmed Siilaanyo u xulay inay daraasad ku soo sameeyaan sida ugu haboon ee haweenka iyo dadka laga tiradda badan uag qayb-qaadan karaan siyaasada iyo hogaanka dalka ayaa soo jeediyay tallooyin la xidhiidha in haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay kuraas laga siiyo golayaasha Guurtida iyo wakiilada iyo waliba golayaasha deegaanka dalka, inkasta oo beesha Tumaaluhu ay guddida u sheegeen inay cod wax ku doonayaan.
Sidoo kale guddida oo tallo-bixinta ay Madaxwaynaha u gudbiyeen oo Waaheen nuqul ka mid ah helay ayaa tallooyinka ay soo jeediyeen waxa ka mid ah in golaha Wakiilada haweenka laga siiyo 8 kursi, halka rayiga guddidu ka qaaday haweenka ay ku sheegeen in aanay wakhtigan diyaar u ahayn inay galaan Golaha Guurtida, balse guddidu waxay ku taliyeen in haweenka 8 xubnood laga siiyo, haddii uu isku rogo gole siyaasadeed.
Tallo-bixinta guddida oo Madaxwaynuhu u gudbiyey golaha wakiilada ayaa Madaxwaynuhu waxa uu mudanayaasha wakiilada ka dalbaday inay meel-mariyaan “Mudanayaal waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa tallo-bixinta ay gaadheen Gudida Daraasaynta Xoojinta Kaalinta haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay ee ka qayb-galka siyaasada, sidaa daraadeed waxaan idinka rajanayaa inaad waafajisaan shuruucda dalka idinka oo ka gudanaya waajibaadkiina wakhtiga ugu haboon”
Ka sakow codsiga Madaxwaynaha, guddida Daraasaynta Xoojinta Kaalinta haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay ee ka qayb-galka siyaasada, waxay tafaasiil ka bixiyeen hanaankii ay u hawl-galeen “Tan iyo markii la unkay Somaliland, waxa jiray dedaalo isdaba jooga oo haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay ugu ololaynayeen sidii ay u heli lahaayeen xuquuqahooda kala duwan, gaar ahaan ka qayb-galkoda siyaasadeed ee talada dalka, hanaankii nidaam beeleedka waxa uu u suurtogaliyey in dadka laga tiradda badan yahay ay ka mid noqdaan golayaasha qaranka sida Wakiladda iyo Guurtida, inkasta oo haweenku ka maqnaayeen golayaashaasha sharci-dejineed, markii Somaliland u guurtay hanaanka dimuqraadiga ah, beelaha laga tiradda badan yahay kumay guulaysan inay kaalin ka helaan golihii loo tartamay, waxa kale oo muuqatay in haweenay kali ahi ku soo baxday tartankii doorashada, sidaas daraadeedna ay adag tahay in haweenku tartan doorasho wax ku helaan” ayaa lagu yidhi war-bixinta la socotay tallo-bixinta guddidaasi, oo intaasi ku daray “Waxa jirtay in 2008-dii, ay kooxaha u ololeeya haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay isku dayeen in kooto looga gooyo golayaasha sharci dejinta, golaha wakiiladu waxa uu diyaariyey sharci arintaasi ku saabsan, hase-yeeshee waxa diiday golaha Guurtida, waxa iyana jirtay, In xsbiga Kulmiye intii aanu tallada qaban uu barnaamijkiisa siyaasadeed ku qoray in haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay uu golayaasha qaranka uga qoondeynayo tiro kuraas ah, golaha Guurtida oo hore u diiday in dadkaasi kooto, ayaa markii xukuuumada uu hogaaminayo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku guulaysatay talada dalka, soo jeediyay in ka qayb galka haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay laga yeesho tallo-qaran”
Guddidu waxa kale oo ay qoraalkooda tallo-bixinaneed ku yidhaahdeen “Madaxwaynuhu isaga oo ka ambo-qaadaya, arimaha kor ku xusan, ayuu magacaabay guddi qaran oo ka soo talisa sida ugu haboon ee arimahaas wax looga qabanayo, sidaa daraadeed Guddidu waxay asi rasmi fikradahooda oo qoraal ah ka ururisay in ka badan 125 haween ah, in ka badan 100 xubnood oo dadka laga tiradda badan yahay ah iyo in ka badan 150 ka socda madax-dhaqameedka, culimada, aqoonyahanka iyo waxgaradka kale ee bulshada ee shanta gobol ee Awdal, Maroodi-jeex, Saaxil, Togdheer iyo Sanaag iyo waliba 15 xubnood oo ka kala socda saddexda xisbi Qaran, natiijada daraasadaasi ka soo baxday ee ay ka helaan dadkii ay la kulmeen intooda badan way taageereen in haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay ay ka qayb-galaan tallada dalka, gaar ahaana ay ka muuqdaan golaha wakiilada iyo kuwo deegaanada, marka arinta  Golaha Guurtida dad badan oo haweenku ka mid yihiin ayaa walaac ka muujiyey ka mid noqoshada haweenka ee Golahaas, haweenku waxay tibaaxeen in wax hunguri ahi ka hayn golaha Guurtida, haddii golahaasi sii ahaanayo golle dhaqan, haddiise golaha Guurtida u xuubsiibanayo gole siyaaasdeed sida golaha wakiilada, kolkaas haweenku waxay sheegeen inay doonayaan inay sadkooda ku yeeshaan, sidaas oo tahay dadku iyagga oo tixgainaya inay golaha Guurtida wakhtigan ku jirto haweenay, waxay ku taliyeen in haweenka lagu darro golahaas”
Gudida Daraasaynta Xoojinta Kaalinta haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay ee ka qayb-galka siyaasada oo muddo ku hawlanaa sidii ay tallo uga keeni lahaayeen hanaanka ugu macquulsan ee dadka laga tiradda badan yahay iyo haweenku siyaasada uga qayb-qaadan karaan ayaa ku taliyey “Inkasta oo aynu kor ku cadaynay codsiyadii haweenka, beelaha laga tiradda badan yahay iyo aragtiyihii bulshada inteeda kale, isla-markaana aanu soo bandhigtay celceliska aragtiyahaa, haddana waxay guddidu ku tallo- bixinaysaa in marxaladan la joogo laga siiyo haweenka iyo beelaha laga tiradda badan yahay golayaasha sharci dejinta tirooyinkan hoos ku qoran.
CidaGolaha DeegaankaGolaha WakiiladaGolaha Guurtida
Dadka Laga tirada badan yahayHal Kursi (Lixda Magaalo madax ee goboladii hore iyo GabileyHal KursiHal Kursi
Haweenka15%10% oo u dhigma 8 KursiHaddii uu sii ahaado golle dhaqan uu ku ekaado odayaasha, haddii’se dabeecadihiisa wax iska bedelaan in markaa haweenka laga siiyo 10% oo u dhigma 8 kursi.
Dhinaca kale, beesha Tumaalaha oo ka mid ah beelaha laga tiradda badan yahay isla-markaana ka mid ah dadka la doonayo in kooto loo xidho ayaa diiday isla-markaana cadaysay inay cod wax ku doonayso “Waxa xusid mudan in beesha Tumaalaha oo guddidu ay u arkeysay inay ka mid tahay beelaha ay ahayd in looga faa’ideeyo daraasadan ay ergooyinkii ka socotay beeshaas ee ay guddidu kula soo kulantay 5 ta gobol ee aynu kor ku soo sheegnay ay si aan khilaaf lahayn guddida ugu cadeeyeen “In aanay beeshaasi diyaar u ahayn in kooto wax lagu siiiyo balse ay sida beelaha kale ee Somaliland ay ka qayb-galayso tartanada loo gelayo doorashooyinka oo ay cod wax ku doonayso wixii ay cod ku waydana aanay si kale ku qaadaneynin”sidaa waxa lagu yidhi tallo-bixinta guddidaasi.

Wednesday, February 22, 2012

Jaaliyadda Somaliland Ee Ku Dhaqan Dalka Holand Oo Maanta Xarunta Dalkaa Ka Dhigay Mudaharaad Ay Ku Dalbanayeen In Somaliland Hesho Aqoonsi Caalami Ah (Daawo Video).


Jaaliyadda Somaliland Ee Ku Dhaqan Dalka Holand Oo Maanta Xarunta Dalkaa Ka Dhigay Mudaharaad Ay Ku Dalbanayeen In Somaliland Hesho Aqoonsi Caalami Ah (Daawo Video).

Hargeisa(burcotoday) Feb.22, 2012 – Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Holand, ayaa maanta isu soo bax balaadhan ka dhigay xarunta dalkaas, isu soo baxan oo ay ku dalbanayeen, in dalka Somaliland aqoonsi buuxa ka helo beesha caalamka. 
Jaaliyaddaha Holand iyo Ingiriiska, ayaa todobaadadii ugu dambeeyey ku hawlanaa isu soo bax mar ka wada dhaca labada wadan, kaas oo ku aadan shir dalka Ingiriisku maalinta berriya xarunta dalkiisa ugu qaban doona maamulada kala duwan ee ka jira dalka, kaas oo isna lagu martiqaaday dalka Somaliland. 
Haddaba, waxa aad halkan ka daawataan isubaxii maanta ee jaaliyadda Holand oo uu isku soo dubariday wakiilka Tv-ga Universal ee dalkaasi:





Jaaliyadaha Reer Somaliland Ee Dalka Ingiriiska Oo Dibad-bax Balaadhan Oo Ictiraaf Lagu Dalbanayo Ka Wada London Iyo Shacabka Gudaha Oo Kala Socda Idaacadda Hargeysa

Jaaliyadaha Reer Somaliland Ee Dalka Ingiriiska Oo Dibad-bax Balaadhan Oo Ictiraaf Lagu Dalbanayo Ka Wada London Iyo Shacabka Gudaha Oo Kala Socda Idaacadda Hargeysa

London (burcotoday) Feb 22,2012 – Caasimada dalka Ingiriiska ee London ayaa waxa dibad-bax balaadhan ka wada jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan Magaalooyinka kala duwan ee dalkaas.

Dibad-baxan ay dhigayaan muwaadiniiinta reer Somaliland ayaa waxa uu hadda ka socdaa badhtamaha London iyo waliba agagaarka xafiiska raysal-wasaaraha dalka Ingiriiska Mr David Cameron .

Dibad-baxayaasha ayaa sita calanka saddexda midab ah ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo waliba boodhadh ay ku qoran yihiin weedho ka turjumaya ujeedada dibad-baxa taasi oo ah in beesha caalamka iyo dawlada Ingiriiskuba ay ictiraaf buuxda siiyaan Jamhuuriyada curdinka ah ee Somaliland oo mudadii labaatanka sano ahayd ee ay jirtay qabsatay waxyaabo badan oo indhaha caalamka soo jiitay.

Muwaadiniinta reer Somaliland ayaa ku qaylinaya weedho ay ka mid yihiin “Somaliland ictiraaf ayaanu idiinka baahan nahay”

Dibad-baxan oo sidoo kale ay ka qayb-qaadanayaan jaaliyadaha reer Somaliland ee wadamada kale ee Yurub ayaa waxa hadda si toos shacabka gudaha Somaliland ugala socdaan idaacada Radio Hargeysa oo si toos ah u baahinaysa dibada-baxan.

Muwaadiniinta reer Somaliland ee dibad-baxa samaynaya oo sida muuqata ku beegmay maalin ka hor shirka dawlada Ingiriiska ugu qabanayso kooxaha Somalida iyo dawlada Somaliland, ayaa la filayaa inuu wax wayn ka badalo aragtida beesha caalamku ka aaminsantahay qadiyada madaxbanaanida Somaliland, maadaama oo shirka beri ay ka qayb-galayaan wufuud caalami ah oo kor u dhaafaya afartameeye .

Dhanka kale, shacabka gudaha ayaa si wayn ula socda dibad-baxa London iyadda oo dadka qaarkood qurbojoogta ku bogaadiyeen talaabada ay qaadeen.

Ciidamada Dawlada Ku Meel-gaadhka Ah Ee Soomaliya Iyo Kuwo Itoobiya Oo Al-shabaab Kala Wareegay Magaalooyinka Baydhabo Iyo Bardaale Oo Ka Tirsan Gobolka Bay

Baydhabo (burcotoday) Feb 22,2012 – Ciidamadda Itoobiya iyo kuwo Milatariga ah ee dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaliya ayaa maanta la wareegay gabi ahaanba gacan ku haynta Magaladda Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwo Soomaliya oo is-garabsanaya ayaa la sheegay inay saaka Magaaladda Galeen iyagga oo aan wax iscaabin ah kala kulmin kooxda Al-shabaab oo hore halkaasi u maamulaysay.

Dadka deegaanka Baydhabo ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalyahanada Al-shabaab ay subaxdii hore ee saaka ay ka baxeen Magaaladda Baydhaba ka dib markii ay ka war-heleen in ciidamo isgarabsanaya oo awood ku soo jeedaan “Degmada Baydhabo waxa soo galay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya, magaaladuna way xidh-xidhan tahay dadkuna waxay ku jiraan guryahooda.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka deegaanka Baydhaba.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaya ciidamada DKMG ah ee la socda kuwa Itoobiya ayaa sheegay inay la wareegeen Baydhabo iyadoo aanay wax dagaallo ah dhicin, isagoo xusay in ciidamadu ay fadhiisimo ka sameysteen gudaha degmada Baydhaba.

Dhanka kale, ciidamada dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaliya iyo kuwo Itoobiya oo isgarabsanaya ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta Magaaladda Bardaale oo 50-km u jirta degmada Baydhabo, iyagga oo markaa ka dib la wareegay Baydhaba.

Kooxda Al-shabaab ayaa Magaaladda Baydhaba la wareegtay markii uu Soomaliya Madaxwaynaha ka ahaa Cabdilaahi Yuusuf Axmed, iyagga oo ilaa wakhtigaasi gacanta ku hayey.

Monday, February 20, 2012

Garabka Dhalinyaradda Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Oo Xuska Maalinta Dhalinyaradda Awgeed Hambalyo U Diray Dhalinyaradda Iyo Daladda SONYO.

Garabka Dhalinyaradda Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Oo Xuska Maalinta Dhalinyaradda Awgeed Hambalyo U Diray Dhalinyaradda Iyo Daladda SONYO.

Hargeysa (Ramaas) Feb 20,2012 – Garabka dhalinyarada xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa xuska 30-guuradda maalinta dhalinyaradda Somaliland dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaan dhalinyaradda Somaliland.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xisbiga UCID ee Magaaladda Hargeysa ayaa lagu sheegay in garabka dhalinyarada UCID ku faraxsan yahay xuska maalinta dhalinyaradda Somaliland oo laga soo dheegay kacdoonkii dhalinyaradii UFO kala hor-tageen taliskii Siyaad barre muddo 30 sanadood ka hor ah.
War-saxaafadeedka oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan “Garabka dhalinyarada heer Qaran ee Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID,  waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 20/02/2012 Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan dhalinyarada Jamhuuriyada Somaliland meel kasta oo ay joogaan Munaasabada Xuska Maalinta loo asteeyay dhalinyarada Somaliland February 20,  Maalintan oo ku wayn shacbi waynaha Jamhuuriyada Somaliland iyadoo ay ahayd Maalintii Dhagax-tuurka ee dhalinyaro reer Somaliland ahi ay kala hor tageen taliskii macangaga ahaa ee Siyaad Barre, iyadoo taliskaasi uu xukun ku qaadayay dhalinyaradii xidhnayd ee UFO.
Garabka dhalinyarada ee Xisbiga UCID waxa uu dhalinyarada reer somliland urajaynayaa in Illaahay sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo bashbash iyo barwaaqo.
Sidoo kale Garabka dhalinyarada ee UCID wuxuu si gaar ah Hambalyo ugu dirayaa daladda dhalinyarada SONYO, isagoo Xisbigu ku bogaadinaya u doodista xuquuqda dhalinyarada ee ay waqti kasta ku hawlan yihiin.
ALLA    MAHAD  LEH
Ku-simaha Gudoomiyaha, ahna Xoghayaha G/ Dhalinyarada Heer Qaran ee Xisbiga UCID
Siciid Cabdilaahi Xuseen

Monday, November 7, 2011

Niyadjabkii AHmed TURKI ,Riyadii OXygen ,MAaweeladii Waalidka,. Musuqii TFG

Thursday, September 8, 2011

Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Gudaha Oo Sheegay Inuu Ka Baxay UDUB, Tilmaamayna In Waxqabadkiisii Iyo Astaantii Xisbi Ee Uu Sitay Aanay Is Lahayn

“Waxa Jirtay Gal-daloolo Aan Muddo Badan Lahaa Oo Tacabkayga Iyo Taarikadaydu Ay Kala Duwanaayeen” Maxamed Nuur Caraale (Duur)
Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Gudaha Oo Sheegay Inuu Ka Baxay UDUB, Tilmaamayna In Waxqabadkiisii Iyo Astaantii Xisbi Ee Uu Sitay Aanay Is Lahayn
Hargeysa, September 5, 2011 (Haatuf) – Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa sheegay inuu ka baxay xisbigii uu hore uga tirsanaa ee UDUB, isla markaana uu ku biiray xisbul xaakimka Kulmiye kadib markii loo magacaabay Wasiirka Daakhiliga.
Duur oo hore uga mid ahaa Xildhibaanada golaha Wakiiladda ee laga soo doortay Gobolka Saaxil, isla markaana iska soo sharaxay Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB ayaa dhawaan Madaxwayne Siilaanyo u Magacaabay jagada Wasiirka Arrimaha Gudaha, taas oo uu iska Casilay Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa waxa kale oo uu ka hadlay sababta uu uga baxay xisbiga UDUB ee laga soo doortay, ayaa tilmaamay in sharciga dalku u diiday inuu si rasmiya ugu biiro Kulmiye isagoo ah Mudane UDUB ka soo jeeda, balse hada uu sharcigu u ogolaanayo inuu xisbiga uu doono ku biiro oo uu xor noqdo.
Wasiirka cusub ee arrimaha guduhu Maxamed Nuur Caraale waxa uu sidaasi ka sheegay mar uu shalay ka hadlayey xaflad qado sharaf ah oo Hutelka Summer Time loogu sameeyey.
Ugu horayn Duur oo ka hadlaya madashaas, waxa uu yidhi “Waxaan qaatay taladii ay masuuliyiinta qaranku ii soo jeediyeen. saxaafadda ayuun baan mid u cadaynayaa oo eegata Gal-dalooda qofka, waxa jirtay Gal-daloolo aan muddo badan lahaa oo ahaa in tacabkayga, tamartayda iyo Taarikadaydu ay kala duwanaayeen. Aniga Taarikadayda UDUB-bay ahayd tacabkayga iyo tamartaydu-na Kulmiye ayey ahayd, markaa labadaa waan is waafajin kari waayey sharciga dalka u yaala awgii. Sharciga dalku waxa uu dhigayey in xildhibaanku xisbiga uu ka soo baxay aanu ka tagi Karin, laakiin sharuucda dalku qofka garaadkiisa iyo rabitaankiisa may Xadidin, sidaa awgeed lixdaa sano ee aan xildhibaanka UDUB ka soo baxay ahaa waxa aan ku shaqaynayey Qalbi iyo Taariko aan is lahayn. Waxaan shalay wareejiyey xilkii xildhibaan-nimo waana la iga aqbalay, sidoo kale waxa aan wareejiyey xubin-nimadii UDUB, laga bilaabo maanta waxa aan ahay xubin ka tirsan Kulmiye markaa saxaafadu halkii ay iga soo gali jirtay ee UDUB baad ahayde way dhamaatay ayaanu filayaa taasina imika”.

Wasiirka Arrimaha Dibada oo ka hadlay kulankii ay yeesheen Guddida la dagaalanka budcad badeeda

Hargaysa (Burcotoday):- Guddida ay xukuumada Somaliland u xilsaartay xakamaynta iyo la dagaalanka budhcad-baddeda ayaa kulankoodii ugu horeeyay maanta  ku yeeshay Hotelka Ambassador ee magaalada Hargaysa.
Guddida la dagaalanka budhcad-baddeeda ee Somaliland ayaa waxaa xubno ka ah Wasaaradda Arrimaha dibada, Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Wasaaradda Cadaalada, xeer ilaalinta iyo ciidanka baddaha Somaliland.
 kulankan oo ku lafaguray sidii dawladda Somaliland iyo shacbigeeduba ula dagaalami lahaayeen budhacad-badeeda ka qawlaysata baddaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday Wasaaraddaha iyo Hay’addaha xubnaha ka ah guddidaasi iyo sidoo kale saraakiil ka socday ciidamada baddaha Somalialnd.
Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar oo xubin ka ah guddida xakamaynta iyo la dagaalanka budhcad-badeeda oo kulankaasi markii uu soo dhamaaday ka dib saxaafada uga waramay waxyaabihii lagaga hadlay iyo waxay ay tahay hawsha guddidani waxa uu yidhi “Waajibka guddigani waxa weeye inay dib u eegaan iskaashiga ay Somaliland la yeelan karto beesha caalamka iyo sidii door weyn uga qaadan lahayd la dagaalanka Budhcadbadeeda. waxaan rajaynayaa in arrimahaasi ay waxtar u yeeshaan xagga Nabadgelyada iyo Xasiloonida Somaliland, maanta (shalay) shirka halkan guddidu u fadhiyaan waxaa weeyi in dib loo eego hawl galka Somaliland ee la xidhiidha arrimaha kaga waajan budhcad-badeeda iyo xidhiidhka iskaashi ee ay Somaliland kala yeelan karto beesha caalamka iyo sidii loo dardar gelin lahaa, loona kobcin lahaa waxqabadka arrintaasi ku saabsan”.
Dr Maxamed C/laahi Cumar waxaa kale oo uu sheegay in Somaliland ay ka mid tahay dalalka si aadka ah ula dagaalama in budhcad-badeedu faldanbiyeed ka gaysato Badahooda, isaga oo Wasiirku xusay in xabsiyada Somaliland ay ku xidhan yihiin maxaabiis ku eedaysan falal budhcad-badeednimo oo ay ka galeen baddaha Somaliland “Sida laga war qabo Somaliland waxay ka mid tahay dalalka sida aadka ah ula dagaalama budhcad-baddeeda in ay fal danbiyeed ka gasho biyaheeda, waxaa dalka Somaliland ku xidhan maxaabiis badan oo ku eedaysan faldanbiyeed budhcad-baddeednimo oo ay ku galeen xeebaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland kuna xidhan xabsiyada dalka.” Ayuu yidhi Dr Maxamed C/laahi.
 Mar uu wasiirku ka hadlayay dalalka iyo Hay’adaha caalamiga ah ee ay Somaliland kala shaqayso la dagaalanka budhcad-badeeda waxaa uu yidhi “Waxaa kale oo ay dawlada Somaliland arrimaha xakamaynta budhcad-badeeda kala shaqaysaa xafiiska Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan la dagaalanka danbiyada, waxaa kale oo Somaliland xubin ka tahay urur goboleedka geeskas afrika, oo ay ku jiraan wadamo dhawr ah, kana mid yihiin wadamada geeska afrika iyo bariga afrikaba kuwaas oo ku bahoobay iskana kaashanaya sidii loola dagaalami lahaa budhcad-badeeda.”

Monday, September 5, 2011

Waxgaradka Galbeedka Burco Oo Soo Dhaweeyay Magacaabista Wasiirka Cusub Ee Daakhiliga

Burco (burcotoday)- Waxgaradka iyo Cuqaasha Beesha Galbeedka Burco ayaa maanta kulan ballaadhan oo ay shalay yeesheen magaaladaasi waxa ay ka soo saareen bayaan ay ku taageerayaan wasiirka Cusub ee wasaarada Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur).
Kulanakan oo ka dhacay Hoteelka Ramad ee Magaalada Burco ayaa waxa ka soo qayb galay Cuqaal, Ganacsato, Maayirka magalaada Burco, aqoonyahano iyo siyaasiyiinta Beesha ee xisbiyada qaranka qaarkood, kulankaasi oo ahaa mid ay beeshu ku muujinayso taageerada ay u hayaan wasiirka cusub ee wasaarada arimaha gudaha iyagoo dhanka kalena ku hanbalyeeyay madaxweynaha Somaliland magacaabista wasiirkani.
Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo ka mid ah xildhibanada Golaha Wakiilada Somaliland oo ugu horayn kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in kulanakani yahay mid taageero loogu muujinayo wasiirka cusub ee wasaarada arimaha gudaha Somaliland, waxaanu Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ugu hanbalyeeyay soo xulista xubintani ka tirsan golaha wakiilada Somaliland uu noqdo wasiirka arimaha gudaha Somalilnd.
“Waxaan aad u hanbalyaynayanaa wasiirka cusub ee wasaarada arimaha gudaha Somaliland Xildhibaan Maxamed Nuur Caraale waxaanan beel ahaan ku garab istaagaynaa xilkani culus ee loo igmaday waxanuna ILLAAHAY uga barayaynaa inuu xilkani u fududeeyo.”
Mayiirka Mgaalaada Burco Mr: Maxamuud Axmed Xasan Dhegalaab ayaa isaguna kulankaasi hadal ka jeediyay, waxaanu sheegay in xilka loo magacabay wasiir Duur uu yahay xil aad u adag dhibaato badana leh balse uu filayo in wasiirkani cusub uu leeyahay kartidii iyo hufnaantii uu ku gudanlahaa waajibaadkiisa qaran, bulshadana looga baahanyahay in la garab istaago si hawlaha shaqo ee wasaaradiisu u meelmarto.
Xildhibaan Maxamed Diiriye Xayd (Dibjir) oo ka mid ah Golaha Deegaanaka ee magaalada Burco iyo Gudoomiye ku
xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar, kana tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB, ayaa kulankaasi iyaguna hadallo ka soo jeediyay, waxaanay sheegeen in xisbi ahaan ay madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ku hanbalyaynayaan magacaabista wasiirka Cusub ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale iyagoo tilmamaay in madaxweynuhu haatani qaaday talaabo uu ku xulanayo inuu dalka xilal uga dhiibo masuulyiin badan oo ka tirsan xisbiyada UCID iyo UDUB. talabadaasina ay tahay mid loo qaaday dhanka horumarka iyo hirgalinta dimuqraadiayada Somaliland ka jirta.
“Waxaan Madaxweyneheena sharafata leh ku hanbalyaynayaa talada iyo damiirka siiyay inuu u soo magacaabo jagadani wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale anigu aqoon baan u leeyahay Wasiir Duur waa nin u qalma jagadani lehna kartidii iyo hufnaantii shaqo ee wasaaradani. waxaanan beel ahaan ku garab isataagi-doona wasiirka xilkani culus ee loo magacaabay oo aan ILLAAHAY uga baryayno inuu u fududeeyo” sidaa waxa yidhi Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar.

Xukuumadda Somaliland Oo Amartay In Dadka Soo galeetiga ahi ay dalka kaga baxaan 30 cisho gudahood


Hargeysa (burcotoday)- Dawladda Somaliland ayaa soo saartay amar wax lagaga qabanayo dadka ajaanibka ee dalka ku jooga sifaha sharci darrada ah oo ay fartay inay muddo 30 maalmood ah dalka kaga baxaan.Kuwaasi oo dalka buux dhaafiyey tobankii sano ee u dambeeyey.
Sidaasi waxa lagu sheegay shir jaraa’id oo ay ay si wada jir ah  maanta ugu qabteen xaruna wasaarada daakhiliga ku simha Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi Md. Cismaan Garaad Soofe, Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Axmed X. C/laahi Xamarji, ku simaha Maayirka Magaalada Hargeysa Maxamed C/laahi Uurcade, Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/laahi Xuseen Cige (C/laahi Balaki).
Ku simaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaasi Cismaan Garaad Soofe oo shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ka Xukuumadd ahaan daraasado badan oo ay sameeyeen gaadheen Go’aankan, waxaanu yididhi “Shirkan Jaraa’id ee aanu qabanay waa arrin muddo laga soo shaqaynayay oo aanu u qabanay Shirar laga wada tashanayo anaga oo daraasad ku sameynayna dadka dalkan yimid ee sharci darrada ku jooga qaab kee ayaa looga saarayaa dalka sidee bay shuruucdoodu noqonaysaa, arrinkaa waxaanu uga yeedhnay Aqoon yahano ku xeel dheer Shuruucda Caalamiga ah iyo kuwa Qoxoontiga, Daraasado badan oo ka dambeeyey ayaanu sameynay, waxaanu eegnay dhibaato intee le’eg ayay ku hayaan dadka wadankan jooga, waanu weynay wax faa’iido ah oo ay ku hayaan haba yaraatee, waxaanu aragnay inay khasaaro waxaan ahayn aanay ku hayn, haddii ay noqoto dhinaca dhaqaalaha, Nabadgelyada iyo Arrimaha kaleba, waxaanu soo diiwaangelinay dad ku dhaw boqol kun oo dalka sidii kuwa u dhashay isaga jooga oo shaqadii uu doono qabanaya wixii uu doono seminary.”
“Waxay noqotay arin culeys leh, taana waxa ka daran in xadiga soo galayaa uu sidoo kale aad u tiro batay, marka loo eego maalinlaha ama bilaha, taasi waxay noqonaysaa haddii aan waxba laga qaban in dalku isku rogo in dadkii lahaa aanay lahayn, markaa waanu u adkaysan waynay arintaasi, markaa waxa ay Dawladda go’aansatay in dadkaa wax laga qabto, waxaanu go’aan ku gaadhnay in dadka iska dhex mushaaxaya dalka ee aan sifaha sharciga ku joogin in ay dalka ka baxaan muddo sodon cisho ah taas oo ku beegan 4 Octobar ee fooda inagu soo haysa waa inay mudadaas intaan la gaadhin ay dalka ka baxaan.”ayuu yidhi ku simaha \Wasiirka Arrimaha Guduhu.
?
?
Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Axmed X. C/laahi Xamarji oo halkaa ka hadlay ayaa xusay in dadkani dhibaato aad u weyn dalka ku hayaan, waxaana hadaladii Badhasaabka Gobolka Maroodi jeex ka mid ahaa “Dalka waxa ku soo qul qulaya dad Ajaaniba ah iyada oo maalintii lagu qiyaasay ugu badnaan inay dalka soo galaan 150 qof, iyaga oo inagaga soo galaya Dawladdaha aynu jaarka nahay ee aynu mandaqada ku wadda naalo , dhibaatada ay dadkaasina inagu hayaan waa mid haddii aynu mid mid u soo qaadano aan la soo koobi karayn, runtiina waxaynu nahay dal jira oo kuwiisii Caalka lagu la dhaqmayey iyo kuwii dalka gudihiisa lagula dhaqmayey u dhan yihiin, waxaanu in badan ka baaraan dagaynay anaga oo ixtriraamayna Shuruucda dalka iyo ta bani aadaminimada sidii aanu ugu mari lahayn ee dariiqa ugu haboon ah, runtiina dhibaatooyinka ay inagu hayaan waa mid aad ka wada war haysaan hadii ay noqoto laamida oo ay wada wadhan yihiin, haddii ay noqoto wadooyinka oo ay ku tafiirmeen, haddii ay noqoto baahidooda islaamnimadiina ka tagtay Bani aadaminimadiina ka tagtay, iyada oo aanu in badan u dul qaadanaynay oo aanu indhaha ka qarsanaynay, waxaanu u soo xadhko xidhanay sidii aanu iskaga nadiifin lahayn dadkaa, waxa aan dadweynaha ku guubaabinayaa haddii uu aqal waashmaan uga yahay iyo haddii uu hawl kale u qabanayo in si wada jir ah loo wada qabto, arinkaa waa la isla kaashanayaa, Dawladd ahaan waxa naga soo go’oday inaanu dib isaga wada celino dhamaan cidii ajanibi ah, dal kasta ha inaga soo galaan waxa naga go’aan ah in muddo bil gudaheed ah dhamaan lagu celinayo dadkii dalka dibeddiisa ka soo galay, waxaan dadweynaha ka codsanayaa inay naga gacan siiyaan oo nin walawba aad u aragto in aad jeebka uu qarsato oo aad tidhaahdo gaydhkuu iga furayaan gaar ahaan dadkayaga masuuliyiinta oo aanaydaan la shaqeyn Hay’adaha arintan ku shaqada leh.’
Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Axmed Xaaji C/laahi Cumar Xamarji oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Dadweynaha waxaan ku guubaabinayaa sharciga anaga gacanta ku hayna, looma baahna inamo yar yar oo intay nin meel ka soo qabtaan yidhaahdaan waa kan anaga ayaa u heegan ah anaga ayaa ka hawl galayna, dadweynaha waxa looga baahan yahay inay ku soo war geliyaan uun meesha ay ku sugan yihiin, muwaadin waxaad tahay gacantii Bileyska iyo Indhihii Bileyska, laakiin muwaadin ma tihid fulintii Bileyska, la idiin kama baahna inaad talaabo idinku qaadaan ee waxa la idiinka baahan yahay oo qudha inaad la soo socodsiisaan.”
Agaasimaha Wasaaradda dib u dejinta Axmed Cilmi Yare oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay qoysas aad u tiro yar uun dal ahaan u aqoonsan yihiin qoxoonti, balse qoysas aad u tiro badan aanay dalka ku joogin qoxoonti ahaan oo ay iska joogaan, waxaanu yidhi “Dadka ajanibaga ah ee wadanka jooga tiro koob sax ah oo aanu imika sheegi Karno ma hayno, laakiin ku dhawaad waxaanu haynaa sideetan kun ilaa sagaashan kun inta u dhaxeysa wadanka oo dhan ha ugu sii badnaadeen Caasimaduye.”
“Waxa wadanka loo aqoonsaday Qoxoonti oo qoxoontinimo ku jooga 470 qoys, intaas oo qoys oo marka shakhsiyaad loo sii bedelo noqonaya 1772 qof , intaasi waa inta qoxoontiga ah dadka la saarayo ee aanu ka hadlaynaa maaha dadkaasi, dadkaanu ka hadlaynaa waa dadka ka badan 80,000 (Sideetan kun) ee qof ee wadanka ku jooga sharci darrada, wadanku maaha meel iska qashin qub ah oo cid walba inta ay timaado si sharci darro ah ku joogi karto arrimo Nabadgelyaa jira oo Aduunku kubad ayuu iska noqday oo Nabadgelyadu halka ay marayso waad ogtihiin, arrimo Caafimaad baa jira, kuwa Dhaqaalaa jira iyo mushkalado kale oo tiro badan baa jira, kuwaas oo ay ku hayaan dadkan sharci darrada wadanka ku joogaa, waxaananu halkan u fadhinaa in arinkaa wax laga qabto oo aanu bulshada Warbaahinta u marinaynaa, dadkaasi waxay isugu jiraan dad dhawr nooc ah, maaha dad la odhan karo meel qudhey ka yimaadeen.”
“Waa dad cid walba ka kooban oo wadamada aynu jaarka nahay oo dhan ka kooban, tusaale ahaan dadkan aanu u aqoonsanay Qoxoontiga waxa ku jira Pakistan, Itoobiyaan, Yemeniyiin, iyo dad badan oo kale, markaa dadka aanu eeganaynaa maaha Itoobiyaan oo aanu leenahay meesha ka saara waa dadka ajaanibka ah oo dhan, iyaguna runtii way ku dayacan yihiin meesha, waayo Dhaqaale badan oo ay Somalilan ku kaabto uma hayso waxaad arkaysaa dad badan oo Wadooyinka ku umulaya, kuwo ku gaajoonayaad arkaysaa, inaga dadkeenu wadamada kale Qoxoonti bay ku joogaan oo cida aynu caaawin karno Awoodeenu waxay noqotay inaynu qaabilno 1772-kaa Qof, tirade kale ee badana ma qaabili karno, markaa si aanay ugu dayacmin dalka, baqdinta Nabadgelyadana looga baxsado, waxaanu ku talinaynaa inay si nabadgelyo leh dalkooda ugu noqdaan, waxaanan dadweynaha ka codsanaynaa inaanay budh dabada u qaban oo aanay odhan Dawladdiibaa tidhi ha baxeen,”ayuu yidhi Agaasimaha wasaarada dib u dejinta.
Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/laahi Xuseen Cige (C/laahi Balaaki) oo isna halkaasi ka hadlay wuxuu yidhi “Warsaxaafadeedkan aanu Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku dhex qabanay waxa uu daaran yahay, waa barnaamij ay Dawladdu muddo badan ka baaraan degtay oo ah dadka sharci darrada Dalka ku jooga cid kasta oo u yahayba maaha dal gaar ah maaha dad gaar ah, Sharciga Dalkan Somaliland waxa uu dhigayaa in cid kasta oo dalka soo galayaa uu maro sifo uu dalka ku joogi karo ha noqdo mid Qoxoontinimo, Dalxiis, ama mid shaqo u imanaya, waxaanu warsaxaafadeedkani daaran yahay dadka Dalka Sharci darrada ku jooga, gaar ahaan waxaanu ka hadlaynaa dadka dalka dhibaatada ku haya, waxaanay Wasaaradda Arrimaha Guduhu ogolaansho siisay oo dalka sharci ku jooga 470 qoys oo dalka degan, waxa kale oo ay Wasaaraddu og tahay dadka kale oo barakacayaal la yidhaahdo oo Dalka degen, waxaanu maanta ka hadlaynaa dadka maanta dalkan degen ee aan helin sifo Qoxoontinimo oo ay dalkan ku joogaan, qofka marka ugu horeysa ee uu dalka imanayo waxa looga baahan yahay dhawr waxyaabood oo ay ka mid yihiin inuu sharciyada dalka maro oo uu is diiwaangeliyo, ka dib marka uu intaa helo la eego waxa uu dalka ku yimid muxuu rabaa ma fiisuu dalka ku imanayaa ma qoxoontimuu codsaday, ka dib la eego arinkiisa oo loo gudbiyo cida ku shaqada leh, laakiin tobankii sano ee u dambeeyey badatay inaanay arimahaasi jirin oo ay joogsadeen, haddana marka ay Dawladdu aragtay Dhibaatooyinka ay dalka ku hayaan ee dhinacyada Caafimaadka, Dhaqaalaha iyo Nabadgelyada, waxa ay soo saartay go’aan odhanaya in dadka dalka sharci darrada ku jooga laga saaro”.
Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka hadlayey waxa uu mutaysan doono qofka qariya cid aan sharci u haysan Qoxoontimo oo dalka iska jooga waxa uu yidhi “Waxa aanu idiin sheegaynaa cid kasta oo gacan siiyaa ama siyaabo ka baxsan Sharciga qofka u qariya inuu la kulmi doono qofka muddada loo qabtay dalka kaga bixi waayey ciqaabta uu mudan mid la mid ah, markaa dadweynaha waxaanu u sheegaynaa oo aanu la socodsiinaynaa in qofka oo muwaadin ah Dawladda gacan ku siiyo, gaar ahaan dadkani waxay u badan yihiin dadka guryaha ka shaqeeya iyo kuwa suuqa ka shaqeeya.”

Friday, August 26, 2011

Mucaaridka Liibiya oo ku Dhawaaqay inay 1 Milyan oo Doollar Siin Doonaan Ciddii Soo Sheegta Qadaafi



Saaraakiil xagjir ah ka soo dagaallamay Afganistan oo ka mid ah xooggaga muacaridka Liibiya ee Galay Tripoli

Tripoli (Burcotoday/Sky News)- Mucaaridka waddanka Liibiya, ayaa ku dhawaaqay in lacag ka badan hal milyan oo dollar ay siin doonaan cidda soo sheegta geeri iyo nolol halka uu ku dambeeyey Madaxweyne Qaddafi, iyadoo la caddeeyey inuu lacagtaas heli doono qofka maydkiisa ama nololoshiisa keena Gaddafi.

Hoggaamiyaha Golaha Qaranka Ku-meelgaadhka ee Liibiya Mr. Maxamuud Jibriil, ayaa sheegay in madaxa Qaddafi lacag la duldhigay oo ciddii warkiisa soo sheegta ama nolol iyo dhimasho ku keenta loogu ballanqaadayo in la siin doono lacag gaadhaysa laba milyan oo diinnaar oo u dhiganta 1 milyan oo giniga Ingiriiska ah, taas oo noqonaysa hal miyan oo dollar iyo dheeraad, waxaanay mucaaridka Liibiya tibaaxeen inay lacagtaasi bixinayaan ganacsato ka soo horjeeda xukunka Qaddafi.

“Ganacsato taageerayaasha mucaaridka ah ayaa bixinaya laba milyan oo diinaar oo u dhiganta hal milyan oo giniga Ingiriiska ah, iyada oo lacagtaasina la siin doono ciddii nolol ama dhimasho ku soo sheegta Qaddafi.” Sidaa waxa yidhi Musfate Abdul Jalliil oo ka mid ah saraakiisha sare ee kooxaha mucaaridka ah.

Kooxaha mucaaridka ah oo gacanta ku dhigay inta badan waddanka Liibiya, ayaa ka cabsi qaba in Qaddafi iyo wiilashiisu dagaal kulul la geli doonaan ciidammadooda, waxana laga werwersan yahay in ilaa inta Qaddafi iyo innamadiisa la qabanayo aanay degi doonin xaaladda Liibiya, taasina waa arrinta keentay in lacag xad-dhaaf ah loogu ballanqaado ciddii soo sheegta ama warkiisa keenta hoggaamiyaha Liibiya ee la doonayo in laga tuuro talada dalkaas oo uu gacanta ku hayey in ka badan 40 sannadood, iyada oo dagaallo googoos ah ka socdaan badhtamaha magaalada caasimadda ah ee Tripoli.

Waxa kaloo xalay ilaa shalay dagaal kulul ka socday degaannada Bab Al-axziziyah oo ah xaruntii Qaddafi iyo degaanka Al-mansoura iyo meelo kaloo uu ka mid yahay hudheelka Rixos, halkaas oo laga sii daayey suxufiyiin badan oo muddo shan maalmood ah ku xannibnaa.

Hoggaamiyaha waddanka Liibiya Col. Muamar Al-gaddafi oo la rumaysan yahay inuu ka baxay caasimadda Tripoli, inkastoo aan war sugan laga hayn, ayaa sheegay in aannu dinacna uga bixi doonin waddanka Liibiya ilaa uu ku dhimanayo ama ka xoraynayo xulafada NATO iyo xooggaga mucaaridka ah ee iskaashanaya, iyadoo Qaddafi dadweynaha ku dhaqan magaaladaas ugu baaqay inay hubka qaataan oo caasimadooda ka sifeeyaan canaasiirta iyo dambilaayaasha soo weeray ee ku ciyaaraya xadaaraddii dalka Liibiya lahaa.

Dhinaca kale, iyadoo dunidu werwer xooggan ka qabto mabaadii’da hoose ee u qarsoon xooggaga mucaaradka Liibiya, ayaa haddana waxa soo baxaya xogo sheegaya in mucaaridku ay ka mid yihiin saraakiil millatari oo ka soo dagaallamay waddanka Afganistan, kuwaas oo aad ugu dheggan mabda’a islaamnimada iyo nacaybka reer galbeedka.

Sida lagu faafiyey shabakad dhinaca Internet-ka ah oo ay leeyihiin ururro islaamiyiin ah shalay, saraakiisha millatari ee ku jira kooxaha mucaaridka Liibiya ee ka soo dagaallamay waddanka Afganistan waxa ka mid ah Cabdulxakiim Balxaaj, kaasi oo ka mid ah saraakiisha horseedka u ahaa in mucaaridku gudaha u galaan caasimadda Tripoli, isagoo isla markaana sannadkii 1988 ka qaybgalay dagaalkii Afgaanistan lagaga xoreeyey ciidammadii Midowga Sofiyeeti.

Dr. Gabboose oo Xilkii Wasiirnimada Daakhiliga ku Wareejiyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha





“Haddii maamulku milgihiisa, jidkiisa, shuruucdiisa iyo hawlihiisa wax ka khaldamaan laga yaabo khalad yar inuu dhibaato weyn inoo keeno” 


Dr. Maxamed Cabdi Gabboose

Hargeysa (Jam)- Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa xilkii wasiirnimo si rasmi ah ugu wareejiyey shalay Wasiir-ku-xigeenkiisii Md. Maxamuud Garaad Soofe, kadib markii xilkaas iska casilay horraantii toddobaadkan.

Xilwareejinta oo ka ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa waxa ka soo qaybgalay Taliyaha Ciidanka Bilayska, Taliyaha Ciidanka Xeebaha, Taliyaha Laanta Socdaalka, masuuliyiin ka socda dawladaha hoose ee Hargeysa iyo Gabiley.

Wasiirkii hore ee Daakhiliga Dr. Gabboose, ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo xukuumaddiisa wixii ka khaldan uu u sheegi doono, wixii uu saxana ku garab istaagi doono, isagoo iftiimiyey inuu madaxweynaha lex-jeclo weyn ka qabo, waxaannu intaa ku daray inuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu madaxweynaha kursiga ugu fadhiisan lahaa.

“Markii aan xilka iska casilay kadib waxaan madaxweynaha u qoray waraaq aan kaga codsanayo inuu xilka cid u soo magacaabo, waayo anigu markii aan isweydiiyey waxaan ogaaday in aanan isku qaban karin anigoo mid kale wata oo himiladayda ah ee aan muddada dheer u soo halgamayey, taas oo aan leeyahay hadday khayr ii tahayna Alle ha iga dhigo, haddii aanay jirinna Ilaahayna ha iga xijaabo, waxaanan dorraad [Isniintii] madaxweynaha u qoray waraaq aan kaga codsanaayo inuu sida ugu dhakhsaha badan xilwareejintii cid u soo igmado, waxaan ka baqay in saacadda aan sii joogaba la yidhaa danihiisa ayuu sii wataa, waxaanan is idhi mar haddaad ka tagtay si dhakhso ah u wareeji xilka.

Madaxweynuhu wuu ku ammaanan yahay iscasilaadda uu iga aqbalay. Markaan qalbigayga hoose ka hadlo, waxaan runtii i diin sheegaya madaxweynaha lexjeclaan ka leeyahay, waayo halgan dheerbuu soo maray oo aan qayb ka ahaa oo aan isleeyahay wuu ku mudan yahay inuu umaddiisa hago, waxaan la jeclahay inuu guul ka gaadho dalka uu muddada dheer u soo halgamayey. Lex-jeclo labaad baan u leeyahay oo waxa weeye hadh iyo habeen maan hadhsan si aan kursiga u saaro. Qofkaan dadka hortiisa ku ammaanayey, qofkaan la jeclaa inuu kursiga yimaad igama suurtowdo inaan dadka hortooda ku caayo, waayo aniga iscaayaya, mid kalena lex-jeclaan uga leeyahay oo waxa weeye waxaynu nahay dal nugul oo mandaqad aad u kharriban ku dhexyaal, nabadna Ilaahay siiyey dadkiisuna ku jiraan halgan nololeed.

Haddii maamulku milgihiisa, jidkiisa, shuruucdiisa iyo hawlihiisa wax ka khaldamaan laga yaabo khalad yar inuu dhibaato weyn inoo keeno, waxaan ka wadaa oo labada jeerba ugu hiilanayaa markuu saxsan yahayna inaan sixitaanka ku garab galo, markuu khaldan yahayna inaan kala biqin een ku dhiirrado inaan khaladkiisa u sheego anigoo dariiqa ugu asluubta badan u maraya. Khalad u sheegistu ma aha burburin ee waxaan ka wadaa waxa weeye isaga kalgacal loo qabo in wax u hagaagan, waayo waxa loo sheegayaa hadday sax yihiinna ha qaato, haddaanay sax ahayna ha ka tego,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gabboose.

Dr. Gabboose waxa kaloo uu ka hadlay himiladiisa siyaasadeed oo uu sheegay in aanay sal u noqon doonin qabyaalad iyo reernimo, balse ku jihaysnaan doono aqoonyahayka, isaga oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Dariiqaa ii bilaabmaya waxaan jecelahay inaan ka fogaado inaan salka la galo reer gaar ah. Waxaan jeclahay inaan u durko oo aan waxoogaa noqdo aqoonyahanka, waayo maanta caalamka aqoonbaa hoggaaminaysa oo hagaysa, ma lihi ka aan aqoonta lahayn waa qof xun, dawladnimaduna aqoonbay u baahan tahay, waa loo soo dhintay, markaa dadkii ka saari lahaa ayey tahay inay hawshaas qabtaan.”

Sidoo kale, waxa uu farta ku fiiqay waxqabadkii wasaaraddiisa oo ay ugu weyn tahay nabadgelyada, isaga oo sheegay inay waxqabadyo la taaban karo ku tallaabsadeen muddadii uu xilka hayey.

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Md. Maxamuud Garaad Soofe oo xilka wasiirnimo kala wareegay Dr. Gabboose, ayaa Madaxweynaha Somaliland uga mahad-celiyey xilka uu u soo igmaday, isaga oo Dr. Maxamed Cabdi Gabboose-na ku ammaanay muddadii ay wada shaqaynaayeen inay si buuxda u soo wada shaqeeyeen, isla markaana aanay isku khilaafin shaqada, waxaannu ugu baaqay shaqaalaha iyo bulshada Somalilandba inay siday ula shaqaynaayeen wasiirkii hore ula shaqeeyaan isagana.

Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Gen. Maxamed Saqadhi Dubbad, ayaa ka xusay, kuna amaanay inuu soo nooleeyey Dr. Gabboose inuu waxqabadyo la taaban karo hirgeliyey sida kaabayaasha nabadgelyada, isagoo tilmaamay inuu doonayey inuu u dhiso talis cusub.

 “Wasiirka hore waannu isu naqiinay, waana markii labaad ee halkan aan ka sheego, intii uu siyaadda ku jiray dakhtar buu ahaa caan ah, aad iyo aad baanan mabsuud uga hawsh uu nala qabanayey, hawlahuu nala qabanayana waxa uu caan ku yahay aad buu u fudfudud yahay oo 24ka saacadood wuu ximayey, taasina waa mid guul ka soo hoynaysa oo kor u qaadaysaa inuu shaqada diyaar u yahay, waqti kasta oo aad la hadashana waa xaadir. Waxyaabaha ugu waaweyn ee noo fuliyey waxa ka mid hirgelinta talis cusub, kaas oo noqon doona ilaa saddex dabaq,” ayuu yidhi Taliye Saqadhi Dubbad.

Waxa iyaguna halkaa ka hadlay, Taliyaha Ciidanka Xeebaha, Taliyaha Laanta Socdaalka iyo masuuliyiin kaloo dhammaantood ku ammaanay Dr.Gabboose in uu muddadii la joogay wax weyn u qabtay, waxaanay ugu duceeyeen inuu himiladiisa guul weyn ka gaadho.

Madaxweyne Axmed (Siilaanyo) oo Dhaqan geliyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada






Madaxweyne Axmed (Siilaanyo) oo Dhaqan geliyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada
JAMHUURIYADDA                 Republic    of                           SOMALILAND                                    SOMALILAND

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada  JSL

 

Date: 23/08/2011

Warsaxaafadeed



Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  waxa uu Maanta Dhaqan geliyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda.





Waxaanu Madaxweynuhu ku yidhi Dhaqan galka xeerkan sidan :-





Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,



Markuu Helay:                          Go’aanka Golaha Wakiilada JSL ee Go’aan Lr. GW/KF-15/534/2011, ee Ansixinta Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda,



Markuu Arkay:                          Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.





Wuxuu Soo Saaray,



Dhaqan-galka Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Xeer Lr. 14/2011.











ALLAA      MAHAD        LEH





Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada JSL.

Ciidanka Qaranka Somaliland oo Dhoolatus Ballaadhan oo Hanjabaad xamabarsan ku Sameeyey Taleex



PrintE-mail
TUESDAY, 23 AUGUST 2011
“Waxa weeye in aynu la dagaallano wax alla wixii inagaga soo duula Puntland, jilibka u dhigno oo kula dagaallano si mintid ah, maadaama waxoodu tahay daandaasi”



Abbaanduulaha Qaybta 81-aad oo ka tirsan Taliska 12-aad ee Ciidanka Qaranka

Taleex (Togdhnews)- Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan degmada Taleex ee dhowaan Puntland ka qafaashay masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Sool, ayaa sameeyey dhool-tus ay ugu hanjabeen maamulka Majeerteeniya.

Dhoola-tuska oo ay ka qaybgaleen ciidan badan oo degay qalcadda muhiimka ah ee ay deganaan jireen ciidammadii Daraawiishta, waxa ay soo bandhigeen siday diyaarka ugu yihiin inay difaacaan dalkooda, gaar ahaan farogelinta maamulka Puntland ku hayo degaankaasi.

Abbaanduulaha Qaybta 81-aad ee Taliska 12-aad Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Axmed Muuse oo hadal u jeediyey ciidankaas, ayaa siiyey awaamiir iyo talooyin la xidhiidha sugidda ammaanka iyo qorshayaasha u diyaargarowgooda cadowga.

“Waxa la innagu weeraray baabuur tikniko ah innaga oo aanay jirin wax allaale iyo wax aynu cid ka hayno oo xaq ah ayaa si gardarro iyo daandaansi ah la inoo weeraray oo taliyaheenii loo qabsaday masuuliyiintii iyo shaqaalihii Gobolka Sool-na loo haystaa. Sidaa daraadeed, waxa weeye in aynu la dagaallano wax alla wixii inagaga soo duula Puntland, jilibka u dhigno oo kula dagaallano si mintid ah, maadaama waxoodu tahay daandaasi.

“Degaankeennu waa halkan Somaliland inteeda kale iyo degmada Taleex way kala fog yihiin oo waxay isku jiraan 280km, gurmadka halkaa ka soo baxaa waxa uu ina soo gaadhi karaa 4 saacadood kadib, markaa inta gurmadku ina soo gaadhayo waa in aynu iska celino cadowga,” ayuu yidhi Abbaanduuluhu.

Madaxa maamulka Lacagta ciidankaasi Caydaruus Cali Ciise, ayaa isaguna ka hadlay qorshihii lagu afduubay masuuliyiintii Gobolka Sool ee iyagoo ku sii jeeda Taleex la afduubay oo uu ku tilmaamay mid xidhiidhsan oo laga shaqeeyey.

“Sababta afduubka noogu gaysteen maamulka Majeerteeniya iyo kuwa ay adeegsanayeen waxa keenay oo qayb ka qaatay goyntii adeegga isgaadhsiinta ee shirkadda Golis oo markii aannu soo baxnay ka baxday khadka, waxaanay ka maqnayd intii aannu sii soconay, waxay shirkaddaasi hawada ku soo noqotay markii dagaalku dhammaaday oo aan u malaynayo in telefoon lagu hagayey, waa arrin lala yaabo oo dabagalkeeda leh, kiisna ka furan yahay,” ayuu yidhi Mr. Caydaruus Cali Ciise.

Cahdigii Hoggaamiyaha Libiya oo Dhammaaday, Qadaafi oo la la’yahay iyo Aragtida Beesha Caalamka



Tripoli (Burcotoday)- Cahdigii keligii-taliyihii dalka Libiya Mucamar al-Qaddaafi ayaa si dhab u soo gebogaboobay kadib markii jabhadaha 
 mucaaradka ee dagaalka kula jiray lixdii bilood ee u dambeeyey gacanta ku dhigeen caasimadda Tripoli oo noqotay meeshii u dambaysay ee laga qabsado taliska Qaddafi.

Qiyaastii 80% magaalada Tripoli waxa la wareegay kooxaha mucaaradkaa, waxana goobaha ay gacanta ku dhigeen ka mid ah xaruntii telefishanka dawladda iyo fagaaraha loo yaqaan Green Square ee ay isugu soo bixi jireen taageerayaasha Qaddaafi.

Haseyeeshee, waxa dagaal weli ka socdaa dhinaca galbeed ee magaalada oo ay weli ku sugan yihiin ciidammada daacadda u ah Qaddaafi, kuwaas oo ku jira dhismaha Qaddaafi ee Bab Al-Casisyah iyo dhismayaasha u dhow.

Dagaal ayaa qarxay kadib markii ciidamo kuwa Qaddaafi ah oo wata taangiyada dagaalka ay ka soo baxeen dhismaha Bab al-Cazizyah ee uu ka talin jiray, kuwaas oo markii ay soo baxeen rasaas culus furay.

Madaxa Golaha Mucaaradka ee dagaalka ka waday Libiya Mustafa Abdel Jalil, ayaa ku dhawaaqay inuu dhammaaday cahdigii Qaddaafi ee kaligii-teliga ahaa, isla markaana ku raad-joogaan sidii ay isaga gacanta ugu dhigi lahaayeen.

Geesta kale, iyadoo ilaa hadda aan la garanayn meesha uu ku sugan yahay Mucammar al-Qaddaafi, ayaa la sheegay in kooxaha dagaallamayaa gacanta ku dhigeen saddex ka mid ah wiilasha uu Qaddaafi dhalay oo ay ka mid yihiin Sayf Al-islam oo laga qabtay xaafad ku taal galbeedka Tripoli, Maxammed Qaddaafi.

Shacabka magaalada Tripoli oo u dabbaaldeggaya guusha mucaaradku gaadheen ayaa isugu soo baxay fagaaraha Cagaaran ee Qaddaafi oo taageerayaashiisu caanka ku ahayeen, waxaanay farxad ku sagootiyeen dhicitaanka rajiimka muddada 41-ka sanno iyo 11 bilood ah xukunka keligiitaliska ah ku haystay waddanka Libiya.

Hoggaamiyeyaasha adduunka ayaa Madaxweyne Qadaafiga la la’yahay ugu baaqay inuu awoodda wareejiyo oo qirto in laga adkaaday, iyada oo dawlado badan oo ay ugu dambeeyeen Masar iyo Tuunisiya dawlad ahaan u aqoonsadeen golaha mucaaridka Liibiya, iyadoo beesha caalamku aragti ahaan soo dhaweeyeen guulaha xoogga mucaaridka, balse hoggaamiyaha waddanka Vensualle Mr. Hugo Chaves ayaa Isbahaysiga NATO ku eedeeyey inay burburinayaan caasimadda Liibiya ee Tripoli.


Thursday, August 25, 2011

Madaxweyne Axmed (Siilaanyo) oo Dhaqan geliyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada



PDFPrintE-mail
TUESDAY, 23 AUGUST 2011
Madaxweyne Axmed (Siilaanyo) oo Dhaqan geliyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada
JAMHUURIYADDA                 Republic    of                           SOMALILAND                                    SOMALILAND

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada  JSL

 

Date: 23/08/2011

Warsaxaafadeed



Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  waxa uu Maanta Dhaqan geliyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda.





Waxaanu Madaxweynuhu ku yidhi Dhaqan galka xeerkan sidan :-





Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,



Markuu Helay:                          Go’aanka Golaha Wakiilada JSL ee Go’aan Lr. GW/KF-15/534/2011, ee Ansixinta Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda,



Markuu Arkay:                          Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.





Wuxuu Soo Saaray,



Dhaqan-galka Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Xeer Lr. 14/2011.











ALLAA      MAHAD        LEH





Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada JSL.