Saaraakiil xagjir ah ka soo dagaallamay Afganistan oo ka mid ah xooggaga muacaridka Liibiya ee Galay Tripoli
Tripoli (Burcotoday/Sky News)- Mucaaridka waddanka Liibiya, ayaa ku dhawaaqay in lacag ka badan hal milyan oo dollar ay siin doonaan cidda soo sheegta geeri iyo nolol halka uu ku dambeeyey Madaxweyne Qaddafi, iyadoo la caddeeyey inuu lacagtaas heli doono qofka maydkiisa ama nololoshiisa keena Gaddafi.
Hoggaamiyaha Golaha Qaranka Ku-meelgaadhka ee Liibiya Mr. Maxamuud Jibriil, ayaa sheegay in madaxa Qaddafi lacag la duldhigay oo ciddii warkiisa soo sheegta ama nolol iyo dhimasho ku keenta loogu ballanqaadayo in la siin doono lacag...