Tuesday, April 12, 2011

Afhayeenka UDUB Oo Sheegay In Xisbigoodu Doonayo In Raali Galin Laga Siiyo Erigii Talaabo, Shaacana Ka Qaaday Ka Maqnaanshaha Xubnahoodu In Aanu Waxba U Dhimayn Go’aanada Guddida

“Waxaan U Arkaa Gudidu Inay Dhinac Ka Raran Tahay, Ururo Yar Yar Oo Cusub Xisbiga Ka Baqanayana Waa Mid Aan Markii Hore-ba Wax Jira Ahayn” Afhayeenka UDUB Cali Guray
Hargeysa, April 11, 2011 (Burcotoday) – Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa shaaca ka qaaday in ay dhinac ka raran tahay gudida talo bixinta ururada siyaasada, waxaanu tilmaamay inaanay haboonayn markii horeba in gudida lagu daro xubno ka socda saddexda xisbi ee Kulmiye, UDUB iyo UCID, maadaama oo ay iyagu mawqifkooda markii hore-ba cadeeyeen, isla markaana ay sheegeen inaanay raali ka ahayn furista ururada siyaasada.
Mujaahid Cali Guray waxa kale oo uu sheegay in saddexda xisbi ay nusqaan ku tahay cabsida ay ka qabaan ururo cusub oo hadda la yagleelo, kaas oo tilmaamay in xisbigigooda UDUB xubnihii uu kala baxay ka talo bixinta ururada siyaasada aanay waxba u dhimayn xilka iyo waajibaadka loo xilsaaray guddidaasi.
Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay Haatuf khadka Telefoonka ugu waramayey isaga oo ku sugan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Ugu horayna Mujaahid Cali Guray isaga oo ka hadlaya gudida talo bixinta ee labadoodii xubnood midna la Eryey midka kalena ay iyagu kala soo baxeen ayaa waxa uu yidhi “Guddidu markii hore 13 ayey ahayd baa la yidhi, sadex iyo tobonka lixbaa noqonayey sadexda xisbi, markaa anigu waxa aan u arkayey arintaas inay dhinac ka raran tahay sababta oo ah waxaynu ognahay in xubnaha xisbiyada matalayaa inay odhanayaan yaan la furin ururada waayo waxay xajisanayaan xisbi nimada ah. Ururo yar yar oo imika la sameeyey oo aan wali hano qaadin xisbiga ka baqayaa waa xisbi aan marka horeba wax jira ahayn, waxa u furnaan lahayd inay xisbigooda dib u qaabayn ku sameeyaan oo ay xisbigoodu ku tartamo kalsoonida shacbiga, laakiin inay xuquuq distuuriya oo ay muwaadiniintu leedahay inay diidaan waxaan u arkaa khalad”.
Waxa uu intaa ku daray mar uu ka hadlayey aragtidiisa furista ururada “Horta aragtida furitaanka ururada dadku laba ayey ka dhigaan laakiin waa sadex,. In doonaysa in la furo iyo in ogol in la furo iyo in diidan in la furo, anigu shakhsi ahaan nin diidana ma ihi, inta diidana ma ihi ee inta ogol ayaan ahay, inta doonaysaa waa in u baahan inay ururo furtaan anigu shakhsi ahaan nin urur furanaya ma ihi, ninka urur cid kale furatay galayana ma ihi, laakiin waxaan daafacayaa xuquuq distuuri ah oo ay muwaadiniinta Somaliland leedahay, kaas oo odhanaya waxay muwaadiniinta Somaliland xaq u leeyihiin inay isku abaabulaan ururo siyaasadeed taasina waa xaq distuurku siiyey muwaadiniinta, markaa anigu qodobkaas ayuun baan taageersanahay”.
Mar wax  laga waydiiyey xisbiga uu afhayeenka u yahay ee Udub ee isagu ka baxay gudida ka soo talo bixinta furinta ururada, waxa uu yidhi “Waxa la yidhi Yuusuf Talaabo waxay wada shaqayn kari waayeen gudida, markaa waxaan qabaa in UDUB mid ku garleeyahay oo waxay ahayd in hadii laga soo cawdo warqad xisbiga loo soo qoro, taas oo nuxurkeedu ahaa waar ninkii soo badasha inta aan isaga laga saarin, dabadeedna badalka xisbigu sameeyo laakiin iyada oo aan la ogaysiin in laga saaro, khalad ayuu xisbi ahaan taagan yahay UDUB, markaa waxa weeyi in imika raali galin laga bixiyo oo la yidhaa khalad farsamo ayaa dhacay ayey UDUB doonaysaa ayaan u malaynayaa, ka maqnaashaha gudida ee UDUB waxaan filayaa in aanu go’aankii gudida waxba u dhimayn, hadii ay is raajiciyaan oo ay ku soo noqdaana fursada way leeyihiin hadii ay sidaa kaga maqnaadaana maaha waxa sharciya in hawsha gudida loo joojiyo xubnahaas, maadaama oo waxay soo jeedinayaan ay tahay Talo, cida talada loo soo jeedinayaana waa madaxwaynaha, markaa madaxwaynuhuna marka uu xisbigiisa la tashado ayuu waxa markaa la quman yeelayaa oo uu u gudbinayaa wakiiladda, markaa hadii ay noqoto in ururada la furo waxay noqonaysaa in xeerarkii la waafajiyo oo ka fursan mayso wakiiladda”.
Mujaahid Cali Guray mar uu ka hadlayey khilaafka la sheegay inuu ka dhaxeeyo madaxda xisbiga Kulmiye, kaas oo la sheegay inuu u dhaxeeyo gudoomiyaha xisbigaas Muuse Biixi iyo guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbigaas Jaamac Shabeel, waxa uu yidhi “Anigu waxba kalama socdo arintaas, laakiin sharciga UDUB iyo ka Kulmiye-ba waxa ay qorayaan in sanadkiiba hal mar ay isku yimaadaan golaha dhexe ee xisbigu, laakiin waxaad moodaa in aynaan inagu u baran maalinta doorasho soo dhawaato mooyaana in golaha dhexe ee xisbigu isku yimaaddo, laakiin hadii uu Kulmiye shirkiisaas qabsanayo iyo hadii kaleba iyaga ayey u taalaa ee anigu dhexgali maayo”.
Mujaahid Cali Guray mar uu ka hadlayey doorashada dalka Djibouti, waxa uu yidhi “Guud ahaan waxaan hambalyeynayaa shacbiga dalka Djibouti sida nabadgalyada ah ee sharafta leh ee gobanimadu ku jirto ee ay u codkooda u dhiibteen, doorashadaasi waa xor oo waa xalaal waxa inta badan la yidhaa marka ay doorashadu si nabad galyo ah u dhacdo, isla markaana la isla qaato natiijadeeda. Madaxwaynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle-na waxa aan ku hambalyeynayaa doorashada shabigiisu dib ugu soo doorteen markii sadexaad, waxaanan shacbiga Djibouti oo dhan u rajaynayaa inay barwaaqo iyo badhaadhe iyo nabad galyo ku noolaadaan”.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray “Waxa cad oo aynu wada ognahay in Djibouti iyo Somaliland xidhiidhkoodu uu marayo halkii ugu saraysay ee uu waligii gaadho, taasna waxaan u arkaa wanaag iyo horumar u soo kordhay labada shacbi iyo labada dawladdood-ba, waxa kale oo iyaduna xusid mudan in markii ugu horaysay ay Djibouti iyo Somaliland ay isku mawqif ka noqdaan arimo badan, kaas oo uu ugu horeeyo shirkan Somalida gobol gobolka loogu qayb qaybinayo ee reer walba la leeyahay halkaaga samayso dhibaatada badana ku haya amniga mandaqada, arintaas gobolaysiga ee ay qaramada midoobay wadana madaxwaynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo labaduba way cadeeyen sida ay uga soo horjeedaan arintaas”.
Si kastaba ha ahaatee Masuuliyiinta Xisbiga UDUB ayaa u muquuqda kuwo aan mawqifkooda siyaasadu Midaysnayn oo aanay wada socon, isla markaana ay ku kala aragti duwan yihiin mawduuca Furitaanka ururada siyaasada iyo guud ahaanba waaqaca siyaasadeed ee dalku marayo.
Xisbiga UDUB ayaa ah xisbi ay masuuliin badan ku dhawaaqeen inay u taagan yihiin Musharaxnimada jagada Madaxweynaha ee Mustaqbalka Dhaw, iyagoo inta badana ay hogaamiyeyaasha xisbigaasi ka soo wada jeedaan xukuumaddii hore ee talada dalka lagaga guulaystay iyo xubnihii golaha wasiirada.

0 comments:

Post a Comment