Abidjan, April 13, 2011 (W.Wararka) - Madaxweynihii loo taagwaayey ee Diidey inuu ka dego xukunka dalka Ivory Coast Laurent Gbagbo iyo xaaskiisa ayaa la qabtey shalay Isniintii , waxaana qabtey ciidamo ay hogaaminayeen militaryga Faransiisku waxana laga qabtey gurigiisa oo ku yaala magaalada Abidjan ee xarunta dalkaas, waxana loo qaadey hutelka Golf Hotel oo ay deganyihiin ninka la aamin sanyahay inuu yahay madaxweynaha xaqa ah ee dalka Galbeedka africa Ivory Coast mr Ouattara . Safiirka faransiiska u fadhiyey dalka Ivory Coast iyo afhayeenka Ouattara mr Affoussy Bamba ayaa cadeeyey qabashada ninkan 65 jirka ah ee awooda weyn lahaa.Laakiin...