Wednesday, February 2, 2011

Madaxwayne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Waddo Laami Ah Oo Ay Dawlada Hoose Ee Hargaysi Dhistey

Hargeysa(Burcotoday)- Madaxwaynaha somaliland mudane axmed maxamed maxamuud  siilaanyo aya maanta xadhiga ka jaray waddo laami ah oo dhererkedu dhan yahay laba killo mitir taasi oo dhismeheda ay hirgalisey dawlada hoose ee magaalada hargaysa .

Wadadaasi oo isku xidhi doonta xaruunta hayada u.n.d.p iyo taaliska guud ee ciidanka qaranka somaliland wax ugu horeyn halkaasi ka hadlay  duqa caasimada eng jiciir oo sheegey in ay hada diyaar u yihiin ila shan waddo oo la dhamays tirey  maalmaha so socdana xadhiga laga jaridoono  taasi oo u sheegey in ay wax wayn ka taari doonto bahida waddoyinka caasimada  , wax isna halkaasi ka hadlay m/waynaha oo dawlada hoose ugu mahad naqay sida ay isga xilsaray in ay wax ka qabato waddoyinka caasimada , wax  xafldaasi goobjoog ka aha taaliyaha ciidanka qaranka  kuxigeenka duqa caasimada badhasaabka gobolka maroodijeex  iyo marti sharaf kale

wax iyana dawlada hoose ee magalada hargaysa labatan foosto oo daamur ah ugu deeqday shirkada isgadhsinta nationlink oo ay kaga qayb qadanayso dib u dhiska waddoyinka caasimada  taasi oo u maayar jiciir ugu mahad naqay masuliyinta shirkadaasi sida wadaniyada leh e ay mar kasta ula garab tagan yihiin  hiil iyo hooba.

0 comments:

Post a Comment