burco waxay ku taala
meel aan bacaadiyo
baraf aan lahaynoo
...alle uu barwaaqiyo
...bilic ku manaystoo
ruuxii basaasee
qurbuhu uu bahdilayooow
buqcad weeye khayr qabtee
allaw yaa baarbaartiyo
waxii bilanta dhoobnayd
burco wayn ku noolayd ii wada
ii wada bidhaanshoo
bulsho waynta qaaliga ah
indhahayga wada bara
4 ever burco and all my motherland
America (Burcotoday) Shaqaalaha Xerada Xayawaanaadka Bronx Zoo ee Magaalada New York ayaa baadi goobayo halka uu jaan iyo cirib dhigay mas nuuca ugu sunta badan Cobra kaasoo ka baxsaday halki uu ku jiray
America (Burcotoday) Shaqaalaha Xerada Xayawaanaadka Bronx Zoo ee Magaalada New York ayaa baadi goobayo halka uu jaan iyo cirib dhigay mas nuuca ugu sunta badan Cobra kaasoo ka baxsaday halki uu ku jiray
Maskan ayaa ah Cobra nuuca laga helo Masar waxaana qofka uu qaniino uu ku dhiman karaa ilbirqsiyo ama sikino sida ay sheegeen saraakiisha ku xeel dheer dhinaca masaska.
Jimcihi ayuu kasoo baxsaday Xarunta lagu xanaaneeyo xayawaanka ee Bronx Zoo Magaalada New York, waxa lagu sheegay dhererkiisa inuu dhanyahay 50cm waxaana la rumeysanyahay inuu ku dhuumaaleysanayo meelaha ay ku yaryihiin dadka ee magaalada.
Saraakiisha ayaa sheegay in masaska ay jecelyihiin in ay had iyo gooraale raadsadaan meelaha xiran iyo deegaanada aaney dadka jecleyn, sidaasi daraadeed dadka ay uga digeen in meelaha sifooyinkaasi leh ay iska jiraan.
Afhayeenad u hadashay xarunta ayaa sheegtay in wali uu socdo baadigoobka laakin waxa ay ka gaabsatay halka ay wax u maryaan.
"Waxaan ku wargelineynaa dadka in ay ka tagaan meelaha laga guuray si aysan ugala kulmin qatarta maskan, anaga waxaan wadnaa wax walbo oo taagneena ah oo dadaal ah si aan u xaqiijino amaanka dadka" ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xarunta Bronx Zoo.
Wariyaha ooga soo warama New York: Maxamed Axmed Ismacil
China-(BCT)- Wiil aad u da yar oo Seddex jir ah oo u dhashay dalka China ayaa lagu soo waramayaa in uu ka yaabiyay waalidkiisii dhalay iyo guud ahaan dadka dunida ku noolba.
China-(Burcotoday)- Wiil aad u da yar oo Seddex jir ah oo u dhashay dalka China ayaa lagu soo waramayaa in uu ka yaabiyay waalidkiisii dhalay iyo guud ahaan dadka dunida ku noolba.
Wiilkan yaroo cuna maalin walba xilliga qadada Seddex sixni oo waaweyn oo bariis ah ayaa culayska miisanka jidhkiisu uu shan jeer ka weyn yahay kii caadiga ahaa ee looga bartay dadiisa, waxaanu gaadhay in ka badan Lixda kiilo oo xoogga ka maso ah.
Ilmahan yar oo lagu magacaabo Lu Hao, ayaa lagu soo waramayaa in niisaankiisa culayska jidhkiisu uu ahaa 2.6kg (5lb 8oz), balse, markii laga soo bilaabo markii ay dadiisu gaadhay Seddex bilood ayuu bilaabay in miisaankiisu uu si xawli ah oo qayral caadi ah uu u kordho, iyada oo sanadkii u danbeeyay uu missaankiisa ku kordhay culays gaadhaya 10 kg.
Hooyada dhashay wiilkan yar ayaa ka dhawaajisay in ay dhib xoog leh kala kulanto kor u qaadista cunugeeda, oo aanay kor u hinjin karin culays xad dhaaf ah awgii, waxaanay xustay in ay dugsiga carruurta ku geyso Dhugdhugley, halkii ay ka lugaysiin lahayd.
Waalidka ilmahan yar dhalay ayaa xoogga saaray sidii ay ilmahan yar ugu samayn lahaayeen jimicsi culays dhimis ah, laakiin waxay tibaaxeen in arrintani ay sii kordhisay uun culayskiisa jidhkiisa, sabatoo ah bay yidhaahdeen waxa uu jimicsigani ku keenay gaajo saaid ah oo keentay in uu cuno raashin badan. Aabaha dhalay wiilkan ayaa warfidiyeenada u sheegay in uu aad uga werwersan yahay xaalada caafimaad ee wiilkasan yar.
Burma -(BCT)-Mas´uuliyiin u dhalatay dalka Burma ayaa sheegay in dhulgariir shalay galab uu ka dhacay laba magaalo oo katirsan bariga dalkaas,iyadoo ay ku dhinteen 5o qof gurya badana ay ku burbureen.
Burma -(HWN)-Mas´uuliyiin u dhalatay dalka Burma ayaa sheegay in dhulgariir shalay galab uu ka dhacay laba magaalo oo katirsan bariga dalkaas,iyadoo ay ku dhinteen 5o qof gurya badana ay ku burbureen.
Machad laga leeyahay Mareykanka oo daraaseeya arrimaha dhul gariirka ayaa tilmaamay in labada dhulgariirka ee isu dhowaa oo shalay galab ka dhacay waqooyi bari dalka Borma oo xuduud la ah dalka Thailand ay awoodiisu dhameyd 7-doba darajo oo Rictor.
labada dhulgariir ayaa la sheegay in uu u dhexeeyay Secon-o, dadka ku dhaqan goobaha uu ka dhacay dhulgariirkaas ayaa la sheegayaa in ay lasoo gudbaanaty cabsi ku aadan in ay sii badato khasaaraha.
Waxaa cabsi soo wajahday dalalka u dhow dalkaas sida Thailand iyo Vitnam waxaa lagu soo waramayaa dadka ku nool xarunta dalka Vitnam in ay u carareen goobaha ay ku yaaliin buuraha dhaadheer iyagoo ka cabsi qaba in uu ku dhufto dhulgariir.
ilaa iyo imika majirto diginiino ku sabsan in dhulgariirku uu isu bedelo Sunami, Khubarada ku taqasusay arimaha dhulgariirka ayaa sheegaya in dhulgariirku uu ka dhacay gudaha dalka oo uu ka fog yahay xeebah
New York-(BCT)-Ciidamada Isra´el ayaa weli wada duqeynta ay u geysanayaan Marinka Qaza iyagoo shalay galab saddex qantaal ku dhuftay Maringa Qaza, gantaalada ayaa lala beegsanayay kooxda Cizaddiinal Qassaam
BCTHWN)-Ciidamada Isra´el ayaa weli wada duqeynta ay u geysanayaan Marinka Qaza iyagoo shalay galab saddex qantaal ku dhuftay Maringa Qaza, gantaalada ayaa lala beegsanayay kooxda Cizaddiinal Qassaam ee ka dagaalama Waqooyiga Qaza iyo goob kale oo lagu magacaabo Asafiinah oo ay ku sugnaayeen ciidanka Xamaas.
Duqeynta ay isra´iliyiinta fuliyeen ayaa waxaa ku dhintay 3 qof afar kalana wey ku dhawaacmeen, kooxaha muqaawada ee ka dagaalama Falastiina waxey sheegtay dhowr gantaal oo lagu tuuray koonfurta Isra´el gaar ahaan magaalada Ashduud iyo koonfurta Tal-abib.
dhanka kale Waziirka gaashan dhigga Mareekanka Robert Gate oo booqasho ku tagay Isra´el ayaa sheegay in Isra´el ay xaq u leedahay in ay duqeyso marinka Qaza iyadoo ka jawaabeysa gantaallada ay tuurayaan kooxaha muqaawamada ee ka dagaalama Qaza.
Gate ayaa intaaasi ku daray in Iasra´el ay tahay sida dowladaha kale oo ay xaq u leedahay in ay difaacdo nafteeda iyo dalkeeda, wuxuuna carabka ku dhuftay in cadaaladda lahorgeynayo kuwa gantaallada ku tuuraya Isra´el ee diidan nabadda bariga dhexe.
Robert Gate ayaa dhanka kale ugu baaqay dowladda falastiin iyo Isra´el in ay qaadaan tallabooyin lagu xaqiijinayona nabadeynta dhibaatada ka oogan Bariga dhexe iyadoo si wada jir ahna loola dagaalamayo kooxaha nabadda kasoo horjeeda ee ka dagaalamaya Marinka Qaza.
Hargaysa (BCT):-Iyadoo wakhtiyadii u dambeeyey ay deegaanada Somaliland iyo Dhulka kale ee Soomaaliduba ay jiraan Abaaro aad u ba´an oo daba dheeraaday ayaa waxay Saamayn xoog
Aamiin Hassan Daacad
Maamulha shabakadan
Hargaysa (BCT):-Iyadoo wakhtiyadii u dambeeyey ay deegaanada Somaliland iyo Dhulka kale ee Soomaaliduba ay jiraan Abaaro aad u ba´an oo daba dheeraaday ayaa waxay Saamayn xoog leh ku yeelatay Dadka iyo Duunyadaba, isla markaana waxaa adkaata oo cidhiidhi gasha Waxkasta oo qawtal daruuri ah, kuwaasoo inta badan la jaan-qaada hadba xilliga lagu jiro, hase ahaatee marka ay yimaadaan duruufaha noocan oo kale ahi waxa lagu baxsan jiray oo Dad iyo Duunyaba ciirsi la bidi jirey Magaallooyinka waa weyn, kuwaasoo Gurmad iyo taakulayn looga samayn jirey Dadyowga abaaruhu saameeyaan.
Magaalada Hargaysa ee caasimadda Somaliland waxa ka jirta Biyo la´aan baahsan, taasoo dhawrkii sanno ee u dambeeyey marba marka ka dambaysa isa soo taraysay, isla markaana ay soo badanayeen Xaafadaha aan Biyuhu gaadhin ee iyagu Maalinkasta isticmaalla Foosto Biyo ah oo Qiimaheedu heerar kala duwan soo maraayey, iyadoo Wakhti xaadirkan ay Qiimaha foostada biyaha ahi Hargaysa marayso 15 oo Somaliland Shillin ah, waxaana duruuftaasi haysataa Boqolaal qof oo ku Nool daafaha magaalada Hargaysa oo aan awoodi karin Maalintii inay cabbaan Foosto qiimaheedu 15-kun oo Lacagta Somaliland shillinka ah.
Xukuumadda tallada haysa oo iyadu Muddo Sideed bilood ka hor Xilka la wareegtay ayaa sheegtay inay wax ka qabban doonto aya aan ilaa hadda aanay muuqan wax dedaal ah oo ay ugu jirto sidii ay u yarayn lahayn Biyo la´aanta ku sii fidaysa dhammaanba Caasimadda Hargaysa, taasoo ay balan ku qaadeen inay wax ka qaban doonaan Biyo la´aanta ragaadisay magaalada Hargaysa.
Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo dhawaan ay Su´aallo weydiiyeen Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay in Biyo la´aanta Hargaysa ay tahay mid aan wakhtiyadan si fudud wax looga qaban karayn, waxaanu shaaca ka qaaday inaanay jirin qorshe hadda u diyaara oo wax ay kaga qabanayaan, hase yeeshee waxa uu tilmaamay inay Mustaqbalka dhaw rajaynayaan in Biyo loo hello magaalada Hargaysa.;
Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale waxa kale oo uu sheegay inaanay Miisaaniyada sanadkan loo qoon-deeyey Wasaaraddiisu aanu ku filnayn qorshayaashooda ay rajaynayaan sanadkan inay fulliyaan, taasoo uu walaac ka muuiyey, waxaanu daboolka ka qaaday inuu isaga laftiisu (Wasiirka Macdanta iyo Biyaha), ay Gurigiisa u dhaamiso Booyadi, isla markaana uu isticmaallo Biyaha ay booyaduhu iibiyaan, hase yeeshee waxa aanu ka fekerin in Bulshada ku dhaqan Caasimadda Hargaysa ay iska wada bixin karayaan Qiimaha booyada iyo in kale, balse waxa jira Duruufo adag oo haysta dadka ku nool daafaha magaalada, kuwaasoo sixir bararkii qawtal daruuriga ku darsaday sixirka biyaha ee Kor u kaca weyni ku yimid.
Si kastaba ahaatee Xukuumadda cusub ee dhawaan talada dalka la wareegtay waxa looga fadhiyaa inay la timaado Qorshayaal deg deg ah oo wax lagaga qabanaayo Biyo la´aanta baahsan ee ku habsatay magaalada Hargaysa.
Wakaaladaha Wararka-(Burcotoday)- Wararka ka imanaya dalka Japan ayaa sheegaya in qarax kale uu ka kacay
Wakaaladaha Wararka-(burcotoday)- Wararka ka imanaya dalka Japan ayaa sheegaya in qarax kale uu ka kacay dab dhaliyaha saddexaad ee ku yaala xarun Warshad Nukliyeer ah oo waxyeelo ka soo gaadhay dhulgariirkii ka dhacay dalka Japan.
Qaraxan ayaa sababay in uu dab ka kaco iyada oo uuro iyo qiiq aad u badani ay cirka isku shareereen, waxaana goobtaa ku xidhmay dayaan iyo daruuro ceeryaan ah.
Xoghayaha golaha Wasiirada ee dalka Japan ayaa ka dhawaajiyay in aanay khatar badan lahayn halista ka iman karta qaraxa shucaaca ka soo burqanaya walxaha hydrogen-ta ah ee ku yaala
War ay maanta faafisay Wakaalada wararka ee dalka Japan ayaa daboolka ka qaaday in ciidamadda samata bixintu ay maanta ka heleen goobo ku yaala dhinaca Waqooyi bari ee dalkaas, waxaanu warku intaa ku daray in Kun qof oo maydadkaa ka mid ah laga helay deegaanka lagu magacaabo Ojika peninsula, halka Kun qof oo kalena mayadadkooda laga helay deegaano ku yaala oo ay waxyeelo badani ka soo gaadhay mawjadihii sunaamida ahaa ee ka dhacay dalka Japan.
Waxa lagu soo waramayaa in ay weli godoonsan yihiin magaalooyin aad u tiro badani, taas oo meesha ka saartay gebi ahaanba gargaarkii degdeg ahaa ee samato bixinta ahaa ahaa ee goobahaa la gaadhsiin lahaa.
Geesta kale, Shirkada gacanta ku haysa maamulka sare ee Warshadan Nukliyeerka ah ee Tokyo Electric Power ayaa ku dooday in qaraxu aanu wax khasaare ah soo gaadhsiin konteenarka dab-dhaliyaha, waxay ka dhawaajiyeen waa sida ay hadalka u dhigeene in Seddex ay ku dhaawcmeen, Todoba qof oo kelana weli la layahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.
balsewaxaase goor dhow ay sheegeen in sadex qof ay dhaawacmeen iyadoo ilaa 7 qofna ay maqan yihiin, sidoo kale dadkii deganaa agagaarka warshadan ayaa lagu amray in ay aad u taxadiraan oo aanay guryahooda ka soo bixin.
Si kastaba aha ahatee, tirada dadka ku dhintay masiibadan ayaa kor u dhaaftay dad gaadhaya ilaa Laba iyo Toban Kun oo qof, welina waxa socda dadaalada hawlaha gurmadka degdeg ah ee samoto bixinta.
Kampala- (Burcotoday) Dawlada dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay ka baqdin qabto weeraro is miidaamin ah oo Kampala- (HWN) Dawlada dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay ka baqdin qabto weeraro is miidaamin ah oo qaraxyo ah in Xarakada Al- Shabaab ay ka fuliso meelo ka midb ah gudaha dalka Kenya, gaar ahaan caasimada dalkaa ee Nairobi, sidaana waxa daboolka ka qaaday afhayeen maanta u hadlay xukuumada Kenya oo lagu magacaabo Bogita Ongeri.
Af hayeenku waxa uu si weyn uga dayriyay cabsida dalkiisa kala soo kala gudboonaatay dagaalada ka socda xadka uu dalka Kenya la wadaago dalka Soomaliya, waxaanu tibaaxay in ay halkaa geeyeen ciidamo tiro badan oo aad u hubaysan si ay u baajiyaan halisaha jira, isagoo xusay in ay ka warqabaan hanjabaadihii is daba jooga ahaa ee dalkiisa uga imanayay dhinaca Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku sheegayeen in ay weeraro la beegsanayaan gudaha dalka Kenya.
Masuulkan u hadlay Dawladda Kenya waxa uu ku dooday in uu dalkiisu ka foojigan yahay qaraxyada noocan ah, isaga oo ka dhawaajiyay in heegan culus la galiyay ciidamada amaanka ee dalka Kenya.
Hadalkan ka soo baxay xukuumada dalka Kenya ayaa daba socda digniino hanjabaado ahaa oo uu Urrurka Al Shabaab wacad ku maray in ay weeraro la beegsan doonaan dalal dhawr ah oo ku yaala Mandaqada oo ay Kenya ay ka mid tahay.
Jaban (Burcotoday) Waxaa sii kordhaya dhibaatooyinka kusoo aadan xarunta fokoshiima ee nuc-lairka ee ku taala waqooyi bari ee dalka jaban kadib markii uu dhacay dhulariirkii baaxada weynaa ee sonami oo geystay
Jaban (Burcotoday) Waxaa sii kordhaya dhibaatooyinka kusoo aadan xarunta fokoshiima ee nuc-lairka ee ku taala waqooyi bari ee dalka jaban kadib markii uu dhacay dhulariirkii baaxada weynaa ee sonami oo geystay dhibatooyin ad u baahsan iyadoo dadka dhintay iyo kuwa la weysanyahay ay gaarayaan 1800 oo qof.
Shirkadda ku howlan xarunta saddexad ee sameynta Nuclierka ayaa sheegtay in uu kordhay heer kulka gudaha xarunta kadib markii uu halaaway qaboojiyihii deg dega ahaa, taasoo lamid ah midii horey ugu dhacday xaruntii 1aad ee qaraxday oo 270 Km waqooyi ka xigta caasimadda dalka Japan ee Tokyo.
Police-ka dalkaas ayaa sheegay in hal xaafad oo kaliya ay ka heleen meydad gaaraya ilaa 300 oo qof.
Sunami-yada ku dhufatay dalka Japan ayaa waxey gaartay dalal badan oo kamid ah Mareekanka iyo Asia iyadoo ay sii badaneyso dalalka looga cabsi qabo in ay ku dhufato Sunami
Chanel-ka Aljazeera ayaa waxey shaacisay in lagu dilay meel u dhow magaalada Banqazi mid kamid ah shaqaalaheeda oo lagu magacaabayay Cali Xasan Al-Jabir oo ahaa filim qaade aad looga qadariyo Saxaafada isagoo dhashay 1955-tii
Chanel-ka Aljazeera ayaa waxey shaacisay in lagu dilay meel u dhow magaalada Banqazi mid kamid ah shaqaalaheeda oo lagu magacaabayay Cali Xasan Al-Jabir oo ahaa filim qaade aad looga qadariyo Saxaafada isagoo dhashay 1955-tii.
Al-jabir oo ahaa sawir qaade ayaa u dhashay dalka Qadar waana qofkii ugu horeeyay oo katirsan chanelka Aljazeera oo ku geeriyooda dibad baxyada kasocda liibiya ee bilowday bartimihii bishii February.
Wariyaha Chanelka Al-Jazeera ugu soo warama Banqazi ayaa sheegay in Aljabir ay ku dhacday 3 xabaddhaawaca dardiina uu u geeriyooday, Naasir Alhadar oo kamid ah wariyayaasha Aljazeera ayaa sidoo kale ku dhaawacmay rasaastaas.
Madaxa guud ee Chanel-ka Aljazeera Wadaax Khanfar ayaa cadeeyay in aysan ka aamus doonin dhacdadan islamarkaana ay maxkamad la tagi doonaan cid kasta oo ka dambeesay arinkaasi.
Weli dalka liibiya waxaa ka socda dagaalada iyo duqeynta ay isaga soo horjeedaan fallaagada iyo xukuumadda liibiya, Ciidamada daacadda u ah hoggaamiyaha dalka Liibiya ayaa qabsaday magaalooyin badan oo ay kamid tahay Ra´s Lanof, Zaawiyah iyo Binjad sidoo kale waxey weli wadaan dagaalo ay doonayaan in ay gacantooda markale kusoo celiyaangebi ahaanbadalka liibiya
Hoggaamiyaha dalka liibiya ayaa u muuqda mid ka dhabeeyay hadal uu horey ugu jeediyay Tv-ga qaranka ee dalkiisa isagoo carabaabay in uu dagaalami doono inta ay meesha kabaxayaan waxa uu ugu yeeray argagixiso dooneysa in ay carqaladeeyaan degenaashaha iyo amniga dalka liibiya, ciidamada qadafi ayaana u muuqda kuwa ka awood roon fallaagada oo aan awood u laheyn sida bilowgii dibadbaxa inkatoo ay weli ka taliyaan qeybo kamid ah bariga libiya gaar ahaan magaalada Banqazi.
Waxaa kadhici doona garoonka Old Trafford caawa kulan adag oo dhex mari doona kooxda iska leh garoonkaas ee Man United iyo kooxda reer London Arsenal
Waxaa kadhici doona garoonka Old Trafford caawa kulan adag oo dhex mari doona kooxda iska leh garoonkaas ee Man Unitediyo kooxda reer London Arsenal
Kulaan oo katirsan koobka ugu da,da weyn wadanka ingriiska ee FA Cup-ka ayaa waxaa laga daawan doona Geeska Afrika saacadu Markey tahay 8:15.
Xusuusta labadaan kooxood
Kulankaan waxaa uu dhex marayaa indhaha koobka FA up-ka maxaa yeelay waa labada naadi ee ugu badan hanashada koobkan
Kooxahan Man United waxaa ay isku cel celkis ahaan qaadeen koobkan 21 jeer United ayaa hanatay koobkan 11 mar halka Arsenal ay qaaday 10 jeer
Labadan koox waxaa kadhaxeysa cadow tooy weyn waaana labada koox ee ugu xafiiltanka badan wadanka ingriiska
Waxaa xusid mudan in Gunners-ka dhowaan lagu hor qaatay koobka Carling Cup-ka waxaana sidoo kale laga soo cirib tiray koobka horyaalada yurub waxaana lafilayaa in ay caawa ciyaarto banooni adag si ay ugu yaraan sanadkaan 1 koob uqaaado.
Labadan nadi waxaa ugu danbeysay koobkan oo ay qaadaan 2004 iyo 2005 waxaana xusid mudan in Arsenal ay koobkan 2005-tii rigoorayaal kaga qaaday Man United
Labadaan koox waxey kukulmeenkoobka FA Cup13 jeer waxaa6 kamida adkaatay United halka5 kulana ay badisay Arsenal2 kulana bar bar dhac ayey galeen
Guud ahaan waxey kooxahani kulmeendhamaan tartamada211 kulan87 kamida waxaa adkaatay kooxda caawa martida loo yahay ee Man United 78 jeerna waxaa badisay Arsenal halka 46kulana ay bar bar dhac galeen
Warbixinta kulanka Caawa
Naadiga Man United ayaa caawa wayn doonta xidigeeda Reer Portugal Nani kas oo dhaawac uu kazoo gaaray kulankii Liverpool iyo Man United laakin waxaa kooxda dib ugu soo laabtay kabtanNemanja Vidic oo ganaax kumaqnaa
Xidigaha Rio Ferdinand iyo Park Ji-sung ayaa iyana seegi doona kulankaan waxaana sidoo kale wli rajadiisu yartahay in uu ciyaaro ninka garabka ah ee Antonio Valencia
Kabtanka da,dayar ee kooxda Arsenal Cesc Fabregas ayaa markale waxaa uu kamaqnaan doonaa kooxdiisakadib markii uu dhaawac kazoo gaaray kulankii ay kooxdiisu laciyaartay kooxda Barcelona .
Robin van Persieayaa markale hogaamin doona kooxda Arsenal waxaana sidoo kale kooxda kamaqan oo aan ciyari doonin kulan xidigo ay kamid yihin Wojciech Szczesny, Theo Walcott, Alex Song iyo Thomas Vermaelen oo dhamaantood dhaawac qaba
Kooxda Arsenal oo kulankii ugu danbeysay oo ay kooxda United wada ciyaareen lagu maray 1-0 13-kii December ee sanbadkii tagay ayaa doonaysa in ay boorka iska jafto caawa
Waxaa sidoo kale xusid mudan in kulankii ugu danbeeyay oo ay labadaan koox kukulmaan koobkan FA Cup-ka lagu raaxeeystay Arsenal markaasoo looga badiyay 4-0
Kulanka caawa waxaa dhex dhexaadin doona garsooeraha caanka ah ee Chris Foy oo laga soo doorto gobolka Merseyside-ka waxaana caawin doona ama calan wadayaal unoqon doona Adam Watts iyo John Flynn garsooraha keydkuna waa Mark Halsey
Zlatan Ibrahimovic oo Murugo iyo foolxumo kutilmaamay in ay Tottenham Reebto Milan
Weerarahanka kooxda AC Milan iyo xulka Sweden Zlatan Ibrahimovic ayaa wax murugo leh kutilmaamay guul daradii kooxiisa kazoo gaartay koobka horyaalada yurub habeenkii arbacada.
Isagoo lahadlaya warbaahinta wadanka Talyaaniga Ibra waxaa uu sheegay inaaney Tottenham uqalmin in ay soo reebto kooxda facaweyn ee AC Milan waxaana uu taageerayaasha kooxda Milan karaali galiyay kazoo haritaankii koobka horyaalada yurub.
Zlatan Ibrahimovic oo warbaahiunta talyaanigu ay ugu yeereen Flop-kii kulankii Tottenmham iyo Milan ayaa sheegay in uusan isagu masuul ka aheyn guuldaradii soo gaartay kooxiisa
Waan dadaalay waxaan sameeyay waxii aan awooday waaan ogahay in uu Pato siwanaagsan uciyaaray laakin xaqiiqdii isma dhahayo adiga ayey ku eersatay Milan ayuu yiri Ibra.
Leonardooo sheegay in Inter ay leedahay Awood ay kuqaado Horyaalka Talyaaniga
Macalinka kooxda Inter Milan Leonardoayaa kadhawaajiyay in kooxdiisu ay soo kabsatay waxaana uu qiray in lagaaray waqtgiii guusha ee kooxdiisa Inter Milan
Isagoo hadlayay kahor inta aaney kooxdiisu wajihin Brescia ayuu macalinka Inter sheegay in ay muuqato fursad ay kooxdiisu kuqaadi karto horyaalka wadnka Talyaaniga
Waxaa uu hoosta kaaxariiqay in loolanka horyaalka uu udhaxeeyo mataanaha Milan waxaana uu sheegay in marka ay labadaan koox kulmaan la ogaan doono cida kuguuleysan karta horyaalka Talyaaniga.
Mar uu kahadlay guusha iyo rajada ay kaqabto koobka horyaalada yurub kooxda Inter waxaa uu sheegtay in ay hami fiican kaqabaan in ay soo dhaafaan kooxda Reer Jarmal ee Bayer Munich.
Garsooraha labaad ee ugu wanaagsan wadanka Ingriiska Graham oo sheegay in ay sharci daro aheyd wixii lagu sameeyay Van Persie.
Garsooraha labaad ee ugu fiican wadanka ingriiska ee Graham Poll ayaa sheegay in wax lalayaab ay aheyd wixii uu Camp Nou kasameeyay garsooraha reer Switzerland
Garsoorahaan caalamiga ah ayaa sheegay in garsoore Massimo Busacca looga baahnaa in uu kafakaro waxa uu sameeynayo intii aanu kasaarin ciyaarta weeraryahanka kooxda Arsenal Van Persie.
Waxii dhacay habeenkii talaadada waxaa ay kutusineysa in mar marka qaar ay garsooerayaashu kuciyaaraan ciyaaraha runtii ma,ahan wax xitaa saxda udhow wixii uuu sameeyay Busacca waxaana aheyd wax kayaabiyay dhamaan garsoorayaasha aduunka ayuu yiri garsoore Graham Poll
Garssoraha kudhashay magaalada Bellinzona, ee wadanka Switzerland Massimo Busacca oo 42 jir ah ayaa lagu dhaleecceeyay in uu si aan wanaasaneyn ula dhaqmay kooxda Arsenal habeenkii Talaadada.
Xirrirka kubada cagta ee France ayaa ganaaxay mid kamida madaxweynayaasha kooxaha ciyaara horyaalka heerka labaad ee France kadib markii uu dalab udirsaday weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi.
Cedric Enjolras oo ah madxweynaha kooxda FC Borne,oo ciyaarta horyaalka heerka labad ee France ayaa laganaaxay 6 bilood kadib markii uu dalbaday laacibka aduunka iyo kooxda Barcelona Lionel Messi.
Madxweynaha kooxdaan ayaa sida uu qabo sharciga heerka labad ee france waxaa uu ugud biyay xiriirka wadanka France qoraal dhameystiran oo ay kooxdiisu kaua soo saxiixneyso Messi si ay ugu gudbiyaan kooxda Barcelona laakin waxaa lagu abaal mariyay ganaax
Sargaal uhadlay xiriirka Frace ee loo soo gaabiyo FFF ayaa sheegay inay aad uga caroodeen in kooxdaasi kadhisan tuuladaHaute-Loire oo leh garoon qada 400 oo qof ay dalab udirto laacibka aduunka oo asbuucii garoonka Camp Nou kaqaata £180,000 oo bound
Laas-caanod-(burcotoday)- Masuuliyiinta Booliska ee gobolka Sool ayaa Cadeeyey in Caawa Taliyihii Ciidanka S
irdoonka gobolkaasi Mr: Muxamuud maxmed Xirsi(Asad) Toogasho lagu Dilay Gudaha magaaladda Laas-caanood, isla markaana Dhaawacna loo gaystay ku Xigeenkiisi Carab Qawdhan Warsame.
Falkan ayaa la sheegay in koox dablay ahi Fuliyeen, kuwaasoo oo aan ilaa hadda la Aqoonsanayn.
Sida Masuuliyiinta booliska gobolkaasi sheegeen waxa kale falkaasi ku dhaawamay qof Haweenay ah oo maraysay gobotaasi Falku ka dhacay.
Arrimaha ayaa ku soo beegmaaya Wakhti ay magaaladda Laas-caanood ay ku sugan yihiin Wafti balaadhan oo ka socda Xukuumadda Soomaaliland.
Sidoo kale dagaaladda manta ka dhacay degaanka Ganbadha, ayaa la sheegay inay in khasaare Weyn loo gaystay Kooxdi ka soo jeeday Maamulka Puntland, isla markaana dib loogu celiyey goobihi ay weerarka ka soo qaadeen, Xaaladda degaankaasina hadda degan tahay iyadoo Maxaabis iyo Gaadidba laga hayo Ciidamada Weerarka soo qaaday
Wararkii ugu Danbeeyey Magaaladda Laas-caanod iyo Dilal ka dhacay.
Falkan ayaa la sheegay in koox dablay ahi Fuliyeen, kuwaasoo oo aan ilaa hadda la Aqoonsanayn.
Sida Masuuliyiinta booliska gobolkaasi sheegeen waxa kale falkaasi ku dhaawamay qof Haweenay ah oo maraysay gobotaasi Falku ka dhacay.
Arrimaha ayaa ku soo beegmaaya Wakhti ay magaaladda Laas-caanood ay ku sugan yihiin Wafti balaadhan oo ka socda Xukuumadda Soomaaliland.
Sidoo kale dagaaladda manta ka dhacay degaanka Ganbadha, ayaa la sheegay inay in khasaare Weyn loo gaystay Kooxdi ka soo jeeday Maamulka Puntland, isla markaana dib loogu celiyey goobihi ay weerarka ka soo qaadeen, Xaaladda degaankaasina hadda degan tahay iyadoo Maxaabis iyo Gaadidba laga hayo Ciidamada Weerarka soo qaaday
London-BURCOTODAY) Dawladda Ingiriiska ayaa qarka u saraan inay u aqoonsaro koox argagixisada caalamka kamid ah, ururka nabadiidka ah ee SSC, xog ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha ee Home Office loyaqaan ayaa lagu sheegay in xubno kamid ah ururkani ay maganyihiin weraro
(London-Burcotoday) Dawladda Ingiriiska ayaa qarka u saraan inay u aqoonsato koox argagixisada caalamka kamid ah, ururka nabadiidka ah ee SSC, xog ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha ee Home Office loyaqaan ayaa lagu sheegay in xubno kamid ah ururkani ay maganyihiin weraro ismidaamin ah oo lagu soo qaado dawladda ingiriiska. Xogaha ku saabsan weerar ay kooxdani la damacsantahay waddanka Ingiriiska ayay ka warheshay dawladda Britain
Sidoo kale dawladda Ingiriisku waxay si taxadir leh ula socota arrimaha nabad gelyo darro ee kooxdani ka wado gobolka geeska Afrika, gaar ahaan degaanada hawdka oo xad laleh waddanka Itoobiya, Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay arrimaha kooxdan kala xidhiidhi doonto dawladda Itoobiya, sidoo kale ay tageero ballaadhan la garab istaagi doonto Somaliland oo ay kooxdani dhawr jeer soo werareen. Warxibintan ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Ingiriisku, waxaa lagu cadeeyay in ay dawladda Britain ka fiirsan doonto sidii liiska argagixisada caalamka loogu darilaha kooxdan SSC, tasoo mabnuuci doonta inuu ku noolado waddanka Uk qof si toosa u sheegta kooxdaas, isla markaana danbi uu mudan doono shakhsigii dhaqaale uga gura waddanka Britain koxdaas.
Xogtan iyo walaacan dawladda Ingiriisku ka bixisay kooxdan SSC, ayaa ku soo beegmay wakhti calanka Ingiriiska lagu gubay magaalada Buhoodle isla markaana hanjabaado loogu jeediyay waddanka Britain. Waxayna arrintani xoogaynaysaa dawladda Somaliland oo dhawr jeer ka dhawaajisay in kooxda SSC ay xidhiidh la leedahay kooxaha Argagixisa caalamka, ku waas oo taakulada iyo saanada ciidanba ka tageera kooxdan SSC, waddanka Ingiriiskuna wuxuu noqonayaa waddankii kobaad ee kamid ah waddamadda adduunka oo ilgaara ku haya kooxdan.
War-saxaafadeed uu ka saxiixanyahay Afhayeenka Madaxtooyada Mr Cukuse, oo Kulankaasi lagu faahfaahiyey ayaa goor dhawayd soo gaadhay xafiiska warqabadka Hadhawnaag Media, waxaanu u qornaa sidan:
War-Saxaafadeed
Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) ayaa Qasriga madaxtoooyada maanta ku qaabilay Wefti 7 xubnood ka kooban oo Maal-gashadayaal ah kana socda Dalka Maleysiya.
Madaxweynuhu waxa uu Xubnaha Weftiga uga Waramay Siyaasada Xukuumada Somaliland ee la Xidhiidha Maalgashiga Dalka, waxaanu Madaxweynuhu si faah-faahsan u cadeeyey inay Dawlada Somaliland Gacmo furan ku soo dhawaynayso Cidkasta oo maalgashi ku samaynaysa qaybaha kala duwan ee khayraadka Dalka. Sida:-
Beeraha, Kalluumaysiga, Bada, Ganacsiga, Macdanta, Shidaalka iyo IWM.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay Shuruucda Maalgashiga iyo Nabada taalaDalku u fududdaynayso una suurta gelinayso, cidii Danaynaysa in ay maalgashato Somaliland.
Xubnaha weftiga ayaa iyaguna sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin kulanka madaxweynaha iyo sida loogu soo dhaweeyey Dalka, waxaanay sheegeen in ay Nabadgelyada Somaliland iyo Khayraadka Dihin ee yaallaaba ku dhiiri gelinayaan maalgashiga dalka ee ay u yimaaeen.
Dhinaca Xukuumada waxa madaxweynaha ku wehelinaayey ,Madaxweyne ku xigeenka JSL &Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada JSL.
Dhinaca Weftiguna waxay kala ahaayeen Sidan :-
1.Dato Ir. Aziz bin Mustafa Director of JPZ & Advicer
2.Shamsul Anuar bin Shasudin Director, Cosign Sdn bhn
3.Nik Arshad bin Nik MohamedDirector, Kumpulan Senireka
4.Nik Azlan bin Nik Mohamed Director, Kumpulan Senireka
5.Idris bin Mohamed Noh Director, Arab Saudi
6.Rosli bin Abu BakarBroadcast
7.Hassan bin SamianRegional Manager, Propel Abu Dhabi, UEM
Burco-(Burcotoday)-Gudi uu madaxwyanaha somaliland u xilsaaray aasitaanka Barkadihii dhibta badan ka dhalatay ee Kalshaale ayaa saaka ka subaxii hore ka jarmaaday magaalada Burco iyagoo ku sii jeeda deegaankaasi oo la filayo in maanta si rasmiya ay u aasaan baraagahaasi.
Gudigani aya isugujira xildhibaano,Agaasimaha Wasaarada Maaliyada,Maamulka Gobolka Togdheer iyo wax garad ka soo jeeda deegaankaasi kuwaasi oo fulinya amarkii madaxweynha ee ahaa in la aaso baraakaha khilaakfa weyn ka dhexdhaliyay beelaha wada dega deegaanka klashaale.
Deegaanka kalshaale ayaa ahaa mid uu khilaaf weyni ku dhexmaray beelaha Buuhoodle iyo qorilugud kaaso oo ka dhashay ka dib markii beelsha Qorilugud ay halkaasi ka samaysay 3baraajood taasi oo ay diideen beesha Buuhoodle iaygoo ku tilmaamay in deegakani uu yahay mid ay iaygu leeyihiin.
Dagaal Dhexmaray labada Dhinac ka dib ayaa Deegaanka Myagaagle waxaa laysu soo horfadhiisiyay labadii belood taasi oo ay dhexgaleen ergooyin ka kala socday Somaliland ioy Buntland oo ku dhexdhexaadiyay inay wadadegaan balse beesha Buuhoodle ayaa iaygu ka biyadiiday goaankaasi ku salaysanaa shareecada ee la qaaday.
Ugu Danbaytii Khilaafka Deegaanka Kalshaale ayaa sababay dhimashada Dad ku dhaw 60qof labad dhinacba waxaana lafilayaa in aasitaanka baraagahani ay wax weyn ka taridoonaan khilaafkii dhuleed ee deegaankaasi dhexyiilay Beelaha walaalaha ee wada dega .
Sawirka Maanta Ee Shabakada Caalamiga Ah Ee Burcotoday idiin soo gudbinaysa waa Sawir ku saabsan Gabadh reer miyi ah oo Adhi la joogta, Sawirkan oo Laga Yaabo Inuu Wax Badan Kaa Xasuusiyo nolosha dhabta ah ee wadankeena, quruxda dalkaaga Daawo oo ku diirso,DAAWASHO WACAN.
Hargeysa (BCT) –Aqal Dhisme ah oo ku kala yaala xaafada New Hargeysa ayaa uu dab qabsaday maanta abaaro 10:30 hudurnimo, gurigaasi oo ka dhigaya tirada Guryaha gubtay mudo Bil Gudaheeda ah 36, aqal oo dhamaandood ku yaal Magaalada Hargeysa.
Wararkii ugu dabeeyey ee dabkaasi ayaa waxa ay sheegaan in goor dhaweyd uu dab qabsaday Aqal daar ah oo ku yaal xaafadaha New Hargeysa , dabka qabsaday guryahaasi gubatay maanta ma jiraa cid wax ku noqtay, marka laga yimaado Hintii uu dabkaasi Burburiyey.
waxana ay warku sheegayaan in uu Dabkaasi Gurigaa qayb ka mid ah iyo wixii hani hoos yaalay uu baabiyey halka intii kalena laga soo gaadhay oo lagu guulayatay bakhtiinta dabkaasi isaga oo aan wada guryahaas.
Gurigani ayaa waxa uu Xaafada New Hargeysa kaga sii yaalaa Goobta la yidhaa Baarliin, waxa Guriga maanta Gubatay oo ah Aqal shan maqsin ah leh Muwaadin reer Somaliland ah oo maga ciis ala yidhaa Cali Xasan.
waxa guriga wakhtigaas uu dabku kacay ku sugnaa laba qof, waxa ay sheegeen in ay ku baraarugeen ololka iyo qiiqa ka kacay jiingada guriga ah ku jireen.
waxa Markiiiba goobtaasi gaadhay gaadiidka Dabdamiska iyo Kooxo Saxafiyiin ah, dadaal dheer ka dib waxa lagu guulaystay in dabkaas la joojiyo.
Gubashada guryahan ayaa waxa ay noqtay dhibaato aad u weyn uu warwar ku noqtay Guud ahaan dadweynaha Magaalada Hargeysa gaar ahaan kuwa ku dhaqan xaafada New Hargeysa oo ah goobta ugu saamaynta badab ee dabkani uu dhibaatda u weyn u geysatay.
Ceerigaabo-(Burcotoday)-Dhalinyarada ka shaqeeya hayada CANDLELGHIT O si hagar la ana ugu deeqday sodon lawdh oo jayga wadooyinaka ah dhakhtarka weyn ee ceerigabo .iyadoo marwalba ay hayada ay ka shaqeyan u heelan hawlaha wax loogu qabanayo dadyowga tabaleysan iyo bulsho weynta inteeda kale .
Dhalinyarada aqoontooda ku gartay iyagoo wax tagero iyo amaan ku helayn inay dhibtaa ka qaybqaatan isagana u ruriyaan lacagta ku baxaday ayaa hadana malintii labaad sameeyey inay ku kala bixiyaan meelihii aad ka u liitay ee boodhka iyo saxo xumadu ka jirtey ,meelahaas oo ahayd meel aad looga caban jirey mudo badan ayaa maantana ah meel wanaagsan oo dadku caadi umari karan wax siigo ahina kaga kacayn dadka bukaanka ah ee jiifa dhakhtarka
.
Waxaa iyana taagero weyn oo kala bixinta iyo hagajinta ah siiyey ciidanka milateriga oo oo si hagarla an aula qabytay iyo shaqaalaha cisbitaalka weyn oo ku sugnaa goobtaas .
Hadaba waxaa halkaa ku sugnaa madaxda hayada oo magaciis la yidhahdo mohamoud abdulahi aden (KHAAN) isagoo warbixin kooban naga siiyey hawshan iyo doorka ay ka qaadteen ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay ‘anagu waxaanu nahay dhalinta wax usoo baratay dadkeeda iyo dalkeeda hawshan aanu manta wanaana ma aha mid aanu cid waxkaga soo qaadanay mana aha mid aanu wax ku doonayno lakin markanu aragnay dhibatada ka jirta dhakhtarka oo ah mid u baahan inyaroo samir iyo lacaga ayaanu isu xilqaanay inaanu shaqaalaha hayada CANDELIGHT ERIGAVO inaanu iska ururino lacagtas oo u soo iibino ilaa sodon lawdh oo jayga wadooyinka ah islamarkana waanu ku guulaysanay oo ilaah wuu nala garab galay siday ahaydna way noogu fushay hawshi ,mantana waad aragtayo dadkii bukay iyo dadkii kale eek u sugnaa way ka ladan yihiin dhibtii”
Wuxuu kaloo intaa raaciyey inay dhalin yarada ugu baqayaan war wixii dadka iyo dadlka wax tar u ah halaga qaybqaadto oo yaan wax laga sugin cid debeda inooga timaad .
Ugu danbayntii mar aanu wax ka weydiinay dadyowga bukaan jiifka ah eek u sugan dhakhtarka ayaa waxay noo sheegen inay u ducaynayaan dhalinta isu xilqaantay hawshan oo aah mid mudo dheer wax laga qaban waayey.
Haji Abdikarim Hussein Xafidahullaah oo ah Oday Dhaqmeed, Qaamuska Reer Somaliland ah oo Maalin iyo Taarikh kasta Kaalin weyn oo mug leh ka soo qaatay Dhismaha Somaliland tan iyo Isticmaarkii ayaa Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey Madal laga dhegaysanaayey Warbixin ay hawlihii Diiwaangelinta ee Gobolka Hargeysa ka soo diyaariyeen Golaha Guud ee Beelaha Cidagale oo lagu qabtay Star Hotel 12 Dec. 2008.
Mar Haji Abdikrim uu ka hadlayey Taariikhda Hargeysa, waxa uu sheegay in Magaalada Hargeysa loogu yimid Beelaha Ciidagale iyo Arab, Magaaladanna ay aasaaskeeda ay lahaayeen oo hareeraha Beelo kale ka soo dageen, muddo dheer ka dib. Waxse uu xusay in Beelaha Nuh Isamil ee Sacad Musa ay maal galiyeen oo ay ku xigeen beelaha Makaahil Isxaaq iyo Cabdulla Sacad. Hadal Murtiyeedkan Haji Abdi karim waxay xusaysaa Taariikhda intu u soo joogay iyo inta uu Raadkeeada u soo gaadhay, waxanan ka soo qaadan doonaa Qodobadan:
Caleema Saarkii Suldaan Diiriye 1838 kii ee Ceelka Hargeysa iyo Imaatinkii Isticmaarkii waxa u dhaxaysay 46 sanno, halka Sheekh Madar iyo Xertiisii ay Hargeysa soo gaadheen hal sanno ka dib 1884 kii, Xilligaas oo ay jireen Ceelasha:
Ceelasha Xakamane iyo Af Weyne ee ku yiil Dabada Cadaadda
Ceelka Beerta Suldaanka ku yiil
Ceelka Beerta Hadhwanaag ku yiil
Ceel ku yiil kobtaa Fooqa Jajabku ku yaalo
Ceelka Halaye
Ceelka Dhoqor ee Aw barkhadle
Labada Ceel ee Galbeedka Xaraf iyo Arabsiyo
Dhinaca Bari na Ceelka Dhubato iyo Ceelka Siig
Ceelashan siman ee Hargeysa intooda badan way qodnaayeen kolkii dadkii iyo Bulshadii deganeyd laga riixay, waana laga cabaayey tan iyo goortii la degay oo ku sinayd dabayaaqadii Qarnigii 17 aad, Biyaha Hargeysa weysada way ka horeeyeen!!!
Cudurka Duumadu kama jirin Ceelka Hargeysa iyo Nawaaxigeeda oo hodan ku ahaa Dhir iyo daaqba. Dhirtaa waxa ka mid ahaa labada geed ee kala ahaa Erginta iyo Dacarta, halka labadaa geed ay ka baxaan ee lagu arko kama jirto kumana noolaato Kaneecado!! Labadaa geed oo soo dhawaaday, waxa ay dabar go een kolkii la jaray ee dhulkii la balloodeeyey. Kaneecada Ceelka Hargeysa Yuus mooyee cid may soo ridi jirin mana dilin. Aagga harooyinka, Hara Gar Duur iyo Hara Digeed ayey wax ku dishay. Waa halka ninkii Ogaadeen uu ka yidhi markii laga riixay Harooyinkaa ,, Wallee Dhul Quruxdii iyo Dumo uga nimid,,. Dhulka wixii ka hooseeyey Harooyinkaas laguma arag Cudurka Duumada.
May 1891 kii ayaa la bixiyey Magaca British Somaliland Protectrate ka dib Heshiiskii Soohdimaha ee dhex maray Boqortooyadii Ingiriiska iyo Talyaaniga.
Imaatinkii Lord Delamere : Delamere wuxu markii ugu horeysay Somaliland uu soo cago dhigtay 1891 kii isaga oo sannad walba ku soo noqon jiray oo sahan iyo Ugaadhsi u iman jiray. Sannadadii hore waxa saldhig u ahaa Deegaanada Berbera iyo Burco. Hatafkiisa kowaadna ee socdaalkiisu ahaa sidu ugu gudbi lahaa Dalka Kenya, ayaa lagu talo siiyey in Saldanada Ciidangale ee saldhigeedu yahay Hargeysa uu ka heli karo Cudud iyo Gaadiid Jid Marinka dhulkaa gudban ee uu ku gaadhi karo Kenya. Gu gii 1894 kii ayuu soo gaadhay ceelka Hargeysa isaga oo wata saddex Rati oo midna fuushan yahay, labana u raran yihiin, nin Turjumaan ah oo H Jeclo ahaa iyo laba nin oo Body Guards ah oo Hindiya (Kujuraati). Haji Meygaag Cilmi Geedi ( Meygaag - Ilka dheere ) la Taliyaha Suldaan Diiriye iyo Lord Delamere: Sida in badan aynu ku maqalnayTaariikhda, suuganta iyo maansooyinka, Magaalada Hargeysa waxa la odhan jiray oo loo Yaqaanay Herer, taas waxa ka marag ah gabayada ay ka mid ahaayeen, ka uu tiriyey Ina Cabdulle Hassan: Gadh hunguriya habar Younis iyo Herer nin joogaa leh iyo kii Xasan - Tarabi uu lahaa: Daarood intan dilis lahaa ama la doodaayey Doqonkii Ogaadeen intaan dabin u qoolaayey Geeleena dayr dhalay intaan dal u sameynaayey Ayuun baaba dayr lagu xakabay dooxyadii Harar Goor ma iyo sidee ayaa Magacii Herer loo bedelay Hargeysa? Lord Delamere ayaa Suldaan Diiriye iyo Haji Meygaag weydiiyey Magaca Magaalada. Waxay u sheegeen in Herer la yidhaahdo. Delamere waxa uu ugu jawaabay ,, There are too many Herers in East Africa,, isaga oo ku lamaaneeyey Herer ta Ethiopia. Waxa markiiba magacii Herer bedelay Haji Meygaag oo yidhi,, Magaaladan lama yidhaahdo Herer ee waxa la yidhaahdaa Hargageys,,. Siiqadii danbe na waxa laysku dhuftay labadii erey Harga geys oo laga dhigay Hargeysa. Haji Meygaag wuxu ahaa Mustashaarka Suldaan Diiriye, sidaas ayaa Xukuumadda Ingiriisku ku diiwaangeliyey Magacii Hargeysa ee Haji Meygaag uu bixiyey. Lord Delamere waxa uu Suldaan Diiriye ka codsaday in uu Magaalada meel ka dejiyo, in uu Nabad gelyadiisa uu sugo inta uu magaalada degan yahay iyo in uu gacan ka siiyo sidii loo jid marin lahaa ilaa Kenya, haddii ay Ciidan iyo Gaadiid (Awr)tahay. Waxa la dejiyey oo saddex Teendho uu ka dhistay boqcadda Qudbiga ka taagan yahay. Saddex Teendho mid isagaa geli jiray, Midna waxa uu ku qaabil jiray Suldaan Diiriye iyo Haji Meygaag, ka saddexaadna waxa u hoyan jiray Turjumaanka iyo Gaadhka. 1894 kii ayaa Delamere ayaa dhaawac culus gaadhay mar uu libaax soo weeraray. Cabdilaahi Maxamuud Hiraab ,, Shuuriye,, oo ka mid Ciidanka Saldanadda ayaa ka badbaadiyey libaaxii una suurto geliyey in uu isticmaalo qorigiisi. Weerarkaas Delamere noloshiisa intii danbe oo dhan wuu gacan la aa. Sannadkii danbe jagadii ay Teendhooyinku ka taagnaayeen ayuu guri ka dhistay. 1896 kii ayaa Delamere iyo Ciidan Boqor oo 200 Rati u rarnaayeen ka baxeen Hargeysa oo uu watay Hussein Hassan Robleh. Sannadkii danbe ayey gaadheen badhtamaha Kenya. Maanta Hoyga Hidaha iyo Dhaqanka ee Nayroobi waxa yaal Xasuus Qorkii Delamere iyo Sawiradii raggii jid mariyey oo uu ka mid yahay Hussein Hassan sawirkiisii. Haji Abdikarim isaga oo hadalkii sii wata waxa uu yidhi ,, Waxa la yidhi Suldaan Diiriyaw aqalkaa gal. ,, Waar daartan wax igu qufuli maayaane, Sheekh Madar kutubta roobka ha kala galo ayuu yidhi. Dixda waxa ka sareeya xukun baa la yidhi. ,, Waar tuulahan aniga wax i dhigi maayaane, Sheekh Madar ha xukumo ayuu yidhi. Ilaa daantan iyaga ayaa xukumaayey, ammaan iyo sharaf bay ku lahaayeen, iyaga ayaa magaaleeyey, Reer Nuh Ismail iyo Illaahay baa magaaleeyey, ayuu Haji Abdi karim ku soo gunaanaday Waxa sidoo kale jirtay, Beelaha Isaaq ee Huwanta Ciidagale, Arab iyo Ayuub ayaa cudud iyo waran caaradiis ku soo guuray kuna degay dhulkaas, Beelaha kale Nabad iyo dhul loo baneeyey ayey ku soo dageen. Dhul riixa iyo colaadu marna ma damin, hawd iyo galbeedba. Waxan halkaa tilmaami doonaa daba yaaqadii qarnigii 19 aad, Ciidankii Huwanta ee Ciidangale waxay marayeen nawaaxiga Dhurwaale, Jigjiga Xaad iyo Fiyaanbiiro oo ilaa hadda ay ku dhaqan yihiin Beesha Muuse Celi Arab ( Bursuug ). Xoog iyo Cududna ilaa maanta ku degan oo dhulka meel iyo bannaan ka degay, waa beesha uu ka soo jeedo Suldaanka Guud ee Beelaha Isaaq ee Kililka 5aad ee Somalida Suldaan Abdi Ali Shagaxle. Magaalada Berbera oo si wacan loo degay, ahaydna Xarun Ganacsi oo waxna laga soo dejiyo, waxna ka dhoofaan, kuna xidhneyd Yeman, Bombay India iyo Dalalka Khaliijka sida Shaariqa. Waxa saldhig weyn oo Badda ah ka sameystay Berbera Isticmaarkii si u Badweynta Hindiya iyo Marinka Ganacsiga uga ilaashado iyada oo uu soo holcaayey Dagaalkii Kowaad ee Aduunku. Khilaaf Ganacsi oo ba an oo dhex maray Beelaha Nuh Ismail ayaa lagu kala qaxay Berbera. Younis Nuh iyo Makaahil Isxaaq ayaa u guuray Bulla Xaar Ganacsigoodiina halkaa ka bilaabay. Dekeddii Bulla Xaar wax badan may sii shaqeyn, sababa dhacay awgeed:
Ganacsigii Maxmiyaddii Cadan iyo Dekedda Berbera oo isku xidhmay. Shaqaalo badnaa oo Somalilanders ah oo ka shaqeyn jiray Bureeqa Refinery iyo Ciidamada Badda ee Isticmaarka ayaa iyana qayb weyn ka ahaa Kobcinta iyo dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee Berbera oo inta badan cidhiidhi iyo saameyn weyn ku yeeshay dekeddii Bullaxaar ee Tartanka la gashay Berbera
Duufaan ba an oo ku habsaday Bullaxaar oo Magaaladii ba aasantay oo Raadkeedii ilaa maanta uu ka muuqdo Magaalada.
1924 kii oo Marsuum Suldaan lagu soo dejiyey Beelaha Younis Nuh ee Sacad Muuse Ceelka Hargeysa: Sida Taariikhdu aynu ku hayno Reer Nuh Isamil mar ma soo wada degin Hargeysa, waxana soo horeeyey Younis Nuh oo ka soo hayaamay Bullaxaar. Waxa Beeluhu ay iska soo horeysiiyeen Odayaal Maal Qabeen ahaa si loogu ogolaado Degitaanka Ceelka, Taariikhdaas oo ahayd 1924 kii. Waxay ka soo dirteen fariin meesha la yidhaahdo Dhamal - Dhafaruur oo geed hoostiis uu maqaaxi ku haystay nin isla reerkaas ahaa oo la odhan jiray Cabdilaahi Ducaale ,, Gaboobe,,. Laba wiil ay soo dirteen, waxana ay ku yidhaadeen Jaambir Kahin Suldaan Hassan u taga ii u sheega in aanu halkan ku suganahay kuna sugeyno. Fariintaasi ka dib waxa loo diray laba nin oo la kala odhan jiray Ibrahim Shide Xareed (Naaleeye - Qarfaan) iyo Cali - Dayr Hussein Hassan. Odayaasha hormoodka ahaa waxa ka mid ahaa Haji Xawaadle Madar, Haji Ali Guhaad iyo Haji Ildab iyo odayaal kale oo badan. Sidii ayaa odayaashi ku yimaadeen oo Shir lagu qabtay Beerta Suldaanka lagu dejiyey Hargeysa Xaafadda laba Nuh. Maamulka Saldanadda ee Dib u Dejinta waxa hayey Sheekh Mohamoud Sh. Haruun sh. Ali, halka Ibrahim Ali Robleh ( Caga dhig dhig ) na uu ahaa Camp Boss qoys kasta uu qaydi jiray barta uu ka degaayo xaafadda.
Reer Ahmed Nuh way ka danbeeyee, waxana ay ka soo guureen Ciise Muuse oo Kacdoon Deegaan Doon ku muujiyey Berbera, Murankooduna waa uu soo dhawaaday. Waxana Daliil u ahaa Tixda Omer Uustareeli oo ahaa oday Reer Ahmed kuna haystay Meherad xilligaa Reer Ahmed uu gacanta ku hayey Ganacsiga Berbera, Gabaygiisa waxa ka mid ahaa:
Haddii Ciise Muuseba Berbera Caawa iga sheegtay
oo uu Cidagale ii diray iyo Ceelkii Harar Waalo
iyaba waa cibaarooyinka Aakhir saben oo caawa la arkaa
Tixdan gaaban ee Haji Omer waa Markhaati cad oo tilmaamaysa xaqaaiqa iyo siyaabaha wax u socdeen sidii ayeyiyana ku degeen
Waxa sannadkaa sidan hore Taariikhda ku xusay ku soo dhammaaday Degitaanka Hargeysa Beelaha Rasmiga ku ah ee Daaud Garxajis, Arab Sh. Isxaaq, Ayuub Sh. Isxaaq, Isxaaq Carre iyo Nuh Ismail oo ay weheliyaan Makaahiil Isxaaq iyo Cabdalla Sacad.
Waa inoo Qormada 4 aad oo aan ku eegi doono , Falanqeynta Buugga uu qoray Mud. Abdi Risaaq Caqli ee uu soo bandhigay Qoraaga Axmed Cabdi Dalmar Sep. 03,2009 Iyo Cahdigii Suldaan Abdillahi Suldaan Diiriye Suldaan Hassan 1942-1967 kii.
Waxan Illaahay ka baryayaa dhammaan inta aan magacyadooda ku xusay qoraalkan in uu naxariistii janno ka waraabiyo Aamiin.
Welcome to my web i hope you will find something interesting for you to read and to see here. Be free to tell me anything about my site or comment it as well. Thanks to visit this pages and come back soon it will grow up you'll see if You want to contact me my email addres is aamiin09@hotmail.com and my phone number is 4324123 Telesom Burco
And my facebook user is http://www.facebook.com/#!/aamiin.daacad