Saturday, January 22, 2011

SAWIRKA MAANTA: Bali Biyo Ka Buuxaan

Sawirka Maanta Ee Shabakada Caalamiga Ah Ee Burcotoday Waa Meel Ay Biyuhu Ka Buuxaan Oo Aad U Qurux Badan,  Dabeecada Iyo Quruxda Dhulkeena Ayaa Runtii Ah Mid Aan Indhuhu Ka Bogan Karin,   Bal Isku Day Inaad Garato Meeshan Quruxda Badan. 

Midowga Afrika oo Soo Dhawaynaya Dalal Cusub oo Ku Soo Biira Qaarada Ka Dib Go,idii Jamuuriyada Koofurta Sudan

ADDIS ABAB(BCT)- Guddoomiyaha Midowga Afrika Jean Ping oo shalay shir jaraa´id ku qabtay xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa oo ay shirkiisa ku wehliyeen kormeerayaashii caalamiga ahaa ee dhawaan ka qeybgalay aftida koonfurta Suudaan oo todobaadkii hore dhammaadkiisii la soo afjaray ayaa shaaca ka qaaday markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 1964-tii in Midowga Afrika uu dhawaan dib ugu noqon doono qaraar uu ururku soo saaray sannadkii 1964-tii oo ixtiramaayey Xuduudaha Afrikaanka in loo daayo sidii gumeystayaashii xukumaayey ay kaga tageen.

 

Mr. Jean Ping waxa uu ammaanay shacabka Koonfurta Sudan oo uu heegay inay u codeeyeen waxay xaq u leeyahiin, wuxuuna ku ammaanay qaabkii shacabka gobolkaasi ay ugu  soo baxeen aftidii ay aayahooda kaga tashanayeen wuxuuna sheegay in ay aftidaasi u dhacday si xor oo xalaal ah.

 

Mr. Ping waxa uu sheegay in tilmaantu bixinayso in shacabka koonfurta Sudan ay go´aansadeen in ay noqdaan dal madax banaan, wuxuuna intaasi ku daray in Ururka Midowga Afrika uu gacan ka geysan doono sidii Jamhuuriyadda cusub ee Koonfurta Sudan ay cagaheeda isugu taagi laheyd.

Mr. Ping wuxuu shirkaasi jaraa´id ku sheegay inay u diri doonaan Koonfurta Sudan koox soo kormeerta dhammanba baahiyaha aas-aasiga ah ee lagama maarmaanka ah ee hadda u baahan in lala qabto dowladda cusub ee Koonfurta Sudan, wuxuuna xusay in Midowga Afrika uu gacan ka geysan doono tababaridda ciidamadda iyo Booliiska Jamhuuriyadda Koonfurta Sudan, wuxuu sidoo kale sheegay in Ururka Midowga Afrika ay ka caawin doonaan dadka koonfurta Sudan sidii ay ugu gacmo furnaan lahaayeen kheyraadkooda.

 

Dhinaca kalena Madaxweynaha Midowga Afrika wuxuu ka dhawaajiyey in Muddo 45-sannadood ah ka dib uu ururku Midowga Afrika dib uga fiirsan doono qaraar uu ururku gaadhay sannadkii 1964-tii oo dhigaayey in Afrika lagu ixtiraamo xuduudahii uu gumaystayaashu kaga tageen wuxuuna si cad Madaxweyne Ping u sheegay inay soo dhawaynayaan dalal cusub oo afrika ku soo biira.

 

“Arrintani aftida Koonfurta Sudan dabcan waa mid aan dib uga fiirsan doono Midowga Afrika ahaan inaanu dib ugu noqono qaraarkii 1964-kii ee ahaa in xuduudaha afrika loo daayo qaabkii uu gumeystahu kaga tagay, taasi waa mid lagama maarmaan ah, waana hubaal in dib u eegista arrintani ay keeni doono in dalal cusub oo aan la aqoonsan oo Afrikaan ahi ay dhawaan iyaguna Afrika iyo caalamka ku soo biiraan” ayuu yiri Guddoomiyaha Midowga Afrika Jean Ping.

 

Hadaba waxaa miiska saaran soomaliland oo ka go,day somaliya  waxaana dhagaha loo taagayaa oo la sugayaa go,aanka midawga Afrika ka qaadan doono go,oni Isutaaga somaliland oo ku biiratay somaliya lixdankii iyagoo markaa xornimo ka qaatay Mustacmarkii biritain ee xukumi jiray somaliland 

Ururka Al-Shabaab oo Xilkii Ka Qaadey Qaar Ka Tirsan Mas,uuliyiinta Ururkaa Ee Magaalada Kismaayo

KISMAYO(Burcotoday)- Mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Al Shabaab ee gobolada Jubooyinka ayaa xil ka qaadis lagu sameeyey, iyadoo qaar ka mid ah Mas’uuliyiintii xilka laga qaaday ay arintaa ka biya diideen.
Sida ay sheegayaan wararka saaka laga helayo gobolada Juubooyinka, waxaa xil ka qadaasi lagu sameeyay qaar ka mid ah Mas’uuliyiintii gobolada Jubooyinka ee Xarakada Al Shabaab, iyadoo qaar ka mid ah saraakiishii xilka laga qaaday ay arintaasi kasoo horjeesteen.
Wararka ayaa  intaa ku daraya in shalay galinkii dambe magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada hoose ay gaadheen Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Al Shabaab, kuwaasi oo ku dhawaaqay xil ka qaadista lagu sameeyey Mas’uuliyiinytii ka tirsaneyd Shabaab.
Goob jooge yaal ku sugan magaalada Kismaayo  ayaa  sheegey in shalay galinkii dambe halkaasi ay gaadheen Mas’uuliyiin ka tirsan Al Shabaab islamarkaana gabi ahaamba ay xilkii ka qaadeen Mas’uuliyiin kale oo joogay magaaladaas kuwaas oo aan ilaa iyo iminka la’ogayn wax looga qaaday Xilkaasi.
Majiro Mas’uul ka tirsan Al Shabaab oo ka hadlay xilka qaadista lagu sameeyay qaar ka mid ah saraakiisha Shabaab ee magaaladaas, waxaana markii xilkaasi laga qaaday xooggaa xiisado kacsanaan ah laga dareemay shalay galinkii dambe degmada Saakoow ee Xarunta gobolka Jubada dhexe.

Tuesday, January 18, 2011

SAWIRKA MAANTA: Geel Joogga Dhul Aad u Qurux Badan

Sawirka Maanta Ee Shabakada Caalamiga Ah Ee Burcotoday Waa Geel Joogga Dhul Aad u Qurux Badan oo Barwaaqo Ah, Geella & Dhulkan oo Runtii Aad u Qurux Badan Ayaa  Dad Badan Soo Xusuusin Doonaa Miyigii & Quruxdii Geella, Daawasho wacan.

Magaalada Hargeysa Oo Ay Saaka Dhaxan-xeeryaan Ahi Ku Habsatay + SAWIRO

Hargeysa (Burcotoday)- Magaalo-madaxda Somaliland ee Hargeysa, ayaa saaka ku waabariisatay dhaxan xeeryaan ah oo ku geedaaman, taas oo wadatay dhibco yar yar oo roob ah.
Ceeryaan-dhaxameedan oo qayb ka ah dhaxanta iyo qabow fara badan oo muddooyinka dambe ka dhacayay deegaanada Somaliland, iyada oo lagu jiro wakhtiga loo yaqaan juube-qallaalka oo inta badan la arko xilliyada jiilaalka.
Ceeryaan-dhaxameedan oo magaalada ku hareeraysnayd muddoo saacado qaaday, ayaa waxa aad loo dareemayey dhaxan fara badan, “Runtii saaka waxa aanu la soo toosnay dhaxan aad u qabow, taas oo sababi gaadhay inaan soo shaqo tegi kari waayo.” Sidaa waxa yidhi Cabdiqaadir Cabdilaahi Nuur [Almis] oo ka mid ah dadweynah reer Somaliland ee ku nool magaalada Hargeysa.
Waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Inkasta oo dhaxantu maalmahanba dhacaysay, haddana tani waxa ay kaga duwanayd waxa ay wadatay dhacdo amma qabow da’aya.”

Taliyaha Ciidanka NATO ee La Dagaalama Budhcad Badeeda Oo Walaac Ka Muujiyaya Xeeladaha Cusub Ee Budhcad badeeda Soomaalidu Lasoo Bexeen.

Mombasa(OWN)- Gaashaanbuurta NATO oo sheegtay in kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay la soo baxeen xirfado cusub kuna baaqday in…   Dalalka ku bahoobay Gaashaanbuurta NATO ayaa walaac ka muujiyey wax ay ku tilmaameen habab cusub oo ay kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ah maraakiibta kaga afduubayaan biyaha ka fog xeebaha dalka Soomaalida, taas oo ay sheegeen inay carqaladayneyso la dagaalankooda, sida lagu shaaciyey Wargeyska People’s Daily Online.   Taliyaha ciidamada NATO ee howlgalka la dagaalanka Burcad badeeda Michiel Hijmans oo ka tirsan ciidamada badda ee Netherlands ayaa sheegay inay xilligan burcad-badeedu ka sii xarfad bateen sidii hore, isla markaasna ay la soo baxeen sida uu yidhi tabab cusub oo ay u afduubtaan maraakiibta.

Taliyahan oo shir jaraa’id ku dul qabtay markab dagaal oo lagu magacaabo Frigate HNLMS De Ruyter ayaa sheegay inaanu fududeyn dagaalka lagula jiro kooxaha burcad badeeda Soomaalida, isla markaasna ay u isticmaaleen meelaha ay weerarada ka soo qaadayaan hoygoodii hooyo, iyadoo la-heystayaashii ay soo qafaasheena saaran yihiin.   “Waxay weerarayaan Maraakiib badan oo ganacsi, iyadoo markaas ay adag tahay inaanu kala ogaano inay dhab ahaan yihiin burcad badeed, haddii ay xaaladdu sidaas tahayna, haddii ay la heystayaashu badbaadayaan iyo haddii kaleba” ayuu yidhi Mr. Hijmans, wuxuuna intaasi ku daray taliyuhu in xilligan ay burcad badeedu bilaabeen habab cusub oo ay kaga hortagayaan in la leexsado markab ay qafaasheen iyo iyaga oo xittaa qiiq ku furaya markabka si aanay cidiba u arkin.

Mr. Hijmans waxa uu u soo jeediyay xukuumadda Kenya inay wax badan ka qabato la-dagaalanka burcad badeeda, isagoo sheegay in dalka labaad ee ay arrintani aafaynaysaa dalkaas yahay, marka lagu daro saameyn ay ku yeelato laashashka dalxiisayaashu wataan, Maraakiibta Kalluumeysiga iyo ganacsiyadooda kaleba, wuxuuna intaas raaciyey inay adkaaneyso in la kala saari kari waayo doonyaha burcad badeedu wataan iyo kuwa kalluumeysiga, taas oo la mid ah buu yiri, in hore loo kala saari waayey doonyaha tahriibayaasha ku sii socda dalka Yamen iyo kuwa burcad badeeda ah.

Monday, January 17, 2011

Jabuuti: Shariif iyo Geelle oo khudbado ka jeediyey munaasabad tababar loogu furay ciidamo ka tirsan dowlada KM ee Somalia

Jabuuti (Burcotoday)- Madaxweynayaasha dowladaha Jabuuti iyo Somalia Ismaaciil Cumar Geelle iyo Shariif Shiikh Axmed ayaa munaasabad ka dhacday magaalada Jabuuti maanta si wadajir ah tababar ciidan ugu furay ciidamo ka tirsan Booliska dowlada Somalia oo tiraddooda lagu sheegay 500 askari kuwaasoo 100 ka mid ah ay haween yihiin.

Madaxweyne Shariif oo la hadlay ciidamadii tababarka loo furayey ayaa u sheegay in marka ay tababarka dhameystaan ay sugeyso iney gutaan waajibaad Qaran oo ah iney ka qeyb qaataan sugida amaanka dalkooda, isagoo u mahad celiyey dowladaha Jabuuti iyo Jaban oo gacan weyn oo dhinaca farsamada iyo maaliyada leh ka geystay tababarkan ay qaadanayaan ciidamada dowlada Somalia.


Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo isna ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay in dowlada iyo shacabka Jabuuti ay mar walba hiil iyo hoo la garab taagan yihiin intii karaankood ah ummada Soomaaliyeed, wuxuuna u sheegay ciidamada tababarka loo furay iney joogaan dalkooda 2-aad ee hooyo ayna si wanaagsan u qaataan tababarka loo furay umadoodana wax ugu qabtaan.

Munaasabadaasi oo sidoo kale ay ka soo qeyb galeen wakiilo ka kala socday Maraykanka iyo dowladaha kale ee deeq bixiyeyaasha ah, iyo waliba ururada caalamiga ah ayaa waxaa ka hadlay oo kale Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomalida Mahiga iyo masuulliyin kale oo ka tirsan wakiilada beesha caalamka.

Korodhso Aqoontaada:Human Circulatory System (habka Dhiigwareega)

Circulatory system
From Wikipedia, the free encyclopedia
Jump to: navigation, search
Circulatory system
Circulatory System en.svg
The human circulatory system. Red indicates oxygenated blood, blue indicates deoxygenated.
Latinsystema cardiovasculare
The circulatory system is an organ system that passes nutrients (such as amino acids, electrolytes and lymph), gases, hormones, blood cells, etc. to and from cells in the body to help fight diseases and help stabilize body temperature and pH to maintain homeostasis.
This system may be seen strictly as a blood distribution network, but some consider the circulatory system as composed of the cardiovascular system, which distributes blood,[1] and the lymphatic system,[2] which distributes lymph. While humans, as well as other vertebrates, have a closed cardiovascular system (meaning that the blood never leaves the network of arteries, veins and capillaries), some invertebrate groups have an open cardiovascular system. The most primitive animal phyla lack circulatory systems. The lymphatic system, on the other hand, is an open system.
Two types of fluids move through the circulatory system: blood and lymph. The blood, heart, and blood vessels form the cardiovascular system. The lymph, lymph nodes, and lymph vessels form the lymphatic system. The cardiovascular system and the lymphatic system collectively make up the circulatory system.

Contents

[hide]

[edit] Human cardiovascular system

The main components of the human cardiovascular system are the heart, the veins, and the blood vessels.[3] It includes: the pulmonary circulation, a "loop" through the lungs where blood is oxygenated; and the systemic circulation, a "loop" through the rest of the body to provide oxygenated blood. An average adult contains five to six quarts (roughly 4.7 to 5.7 liters) of blood, which consists of plasma, red blood cells, white blood cells, and platelets. Also, the digestive system works with the circulatory system to provide the nutrients the system needs to keep the heart pumping.

[edit] Pulmonary circulation

The Pulmonary circulation is the portion of the cardiovascular system which transports oxygen-depleted blood away from the heart, to the lungs, and returns oxygenated blood back to the heart.
Oxygen deprived blood from the vena cava enters the right atrium of the heart and flows through the tricuspid valve into the right ventricle, from which it is pumped through the pulmonary semilunar valve into the pulmonary arteries which go to the lungs. Pulmonary veins return the now oxygen-rich blood to the heart, where it enters the left atrium before flowing through the mitral valve into the left ventricle. Then, oxygen-rich blood from the left ventricle is pumped out via the aorta, and on to the rest of the body.

[edit] Systemic circulation

Systemic circulation is the portion of the cardiovascular system which transports oxygenated blood away from the heart, to the rest of the body, and returns oxygen-depleted blood back to the heart. Systemic circulation is, distance-wise, much longer than pulmonary circulation, transporting blood to every part of the body.

[edit] Coronary circulation

The coronary circulatory system provides a blood supply to the heart. As it provides oxygenated blood to the heart, it is by definition a part of the systemic circulatory system.

[edit] Heart

View from the front, which means the right side of the heart is on the left of the diagram (and vice-versa)
The heart pumps oxygenated blood to the body and deoxygenated blood to the lungs. In the human heart there is one atrium and one ventricle for each circulation, and with both a systemic and a pulmonary circulation there are four chambers in total: left atrium, left ventricle, right atrium and right ventricle. The right atrium is the upper chamber of the right side of the heart. The blood that is returned to the right atrium is deoxygenated (poor in oxygen) and passed into the right ventricle to be pumped through the pulmonary artery to the lungs for re-oxygenation and removal of carbon dioxide. The left atrium receives newly oxygenated blood from the lungs as well as the pulmonary vein which is passed into the strong left ventricle to be pumped through the aorta to the different organs of the body.

[edit] Closed cardiovascular system

The cardiovascular systems of humans are closed, meaning that the blood never leaves the network of blood vessels. In contrast, oxygen and nutrients diffuse across the blood vessel layers and enters interstitial fluid, which carries oxygen and nutrients to the target cells, and carbon dioxide and wastes in the opposite direction. The other component of the circulatory system, the lymphatic system, is not closed. The heart is located in the center of the body between the two lungs. The reason that the heart beat is felt on the left side is because the left ventricle is pumping harder.

[edit] Measurement techniques

  • Electrocardiogram—for cardiac electrophysiology
  • Sphygmomanometer and stethoscope—for blood pressure
  • Pulse meter—for cardiac function (heart rate, rhythm, dropped beats)
  • Pulse—commonly used to determine the heart rate in absence of certain cardiac pathologies
  • Heart rate variability -- used to measure variations of time intervals between heart beats
  • Nail bed blanching test—test for perfusion
  • Vessel cannula or catheter pressure measurement—pulmonary wedge pressure or in older animal experiments.

[edit] Health and disease

[edit] Oxygen transportation

About 98.5% of the oxygen in a sample of arterial blood in a healthy human breathing air at sea-level pressure is chemically combined with haemoglobin molecules. About 1.5% is physically dissolved in the other blood liquids and not connected to haemoglobin. The haemoglobin molecule is the primary transporter of oxygen in mammals and many other species.

[edit] Nonhuman

[edit] Other vertebrates

The circulatory systems of all vertebrates, as well as of annelids (for example, earthworms) and cephalopods (squid and octopus) are closed, just as in humans. Still, the systems of fish, amphibians, reptiles, and birds show various stages of the evolution of the circulatory system.
In fish, the system has only one circuit, with the blood being pumped through the capillaries of the gills and on to the capillaries of the body tissues. This is known as single cycle circulation. The heart of fish is therefore only a single pump (consisting of two chambers).
In amphibians and most reptiles, a double circulatory system is used, but the heart is not always completely separated into two pumps. Amphibians have a three-chambered heart.
In reptiles, the ventricular septum of the heart is incomplete and the pulmonary artery is equipped with a sphincter muscle. This allows a second possible route of blood flow. Instead of blood flowing through the pulmonary artery to the lungs, the sphincter may be contracted to divert this blood flow through the incomplete ventricular septum into the left ventricle and out through the aorta. This means the blood flows from the capillaries to the heart and back to the capillaries instead of to the lungs. This process is useful to ectothermic (cold-blooded) animals in the regulation of their body temperature.
Birds and mammals show complete separation of the heart into two pumps, for a total of four heart chambers; it is thought that the four-chambered heart of birds evolved independently from that of mammals.

[edit] Open circulatory system

The Open Circulatory System is a system in which fluid (called hemolymph) in a cavity called the hemocoel bathes the organs directly with oxygen and nutrients and there is no distinction between blood and interstitial fluid; this combined fluid is called hemolymph or haemolymph. Muscular movements by the animal during locomotion can facilitate hemolymph movement, but diverting flow from one area to another is limited. When the heart relaxes, blood is drawn back toward the heart through open-ended pores (ostia).
Hemolymph fills all of the interior hemocoel of the body and surrounds all cells. Hemolymph is composed of water, inorganic salts (mostly Na+, Cl-, K+, Mg2+, and Ca2+), and organic compounds (mostly carbohydrates, proteins, and lipids). The primary oxygen transporter molecule is hemocyanin.
There are free-floating cells, the hemocytes, within the hemolymph. They play a role in the arthropod immune system.

[edit] Absence of circulatory system

Circulatory systems are absent in some animals, including flatworms (phylum Platyhelminthes). Their body cavity has no lining or enclosed fluid. Instead a muscular pharynx leads to an extensively branched digestive system that facilitates direct diffusion of nutrients to all cells. The flatworm's dorso-ventrally flattened body shape also restricts the distance of any cell from the digestive system or the exterior of the organism. Oxygen can diffuse from the surrounding water into the cells, and carbon dioxide can diffuse out. Consequently every cell is able to obtain nutrients, water and oxygen without the need of a transport system.
Some animals, such as jellyfish, have more extensive branching from their gastrovascular cavity (which functions as both a place of digestion and a form of circulation), this branching allows for bodily fluids to reach the outer layers, since the digestion begins in the inner layers.

[edit] History of discovery

The earliest known writings on the circulatory system are found in the Ebers Papyrus (16th century BCE), an ancient Egyptian medical papyrus containing over 700 prescriptions and remedies, both physical and spiritual. In the papyrus, it acknowledges the connection of the heart to the arteries. The Egyptians thought air came in through the mouth and into the lungs and heart. From the heart, the air traveled to every member through the arteries. Although this concept of the circulatory system is greatly flawed, it represents one of the earliest accounts of scientific thought.
In the 6th century BCE, the knowledge of circulation of vital fluids through the body was known to the Ayurvedic physician Sushruta in ancient India.[4] He also seems to have possessed knowledge of the arteries, described as 'channels' by Dwivedi & Dwivedi (2007).[4] The valves of the heart were discovered by a physician of the Hippocratean school around the 4th century BCE. However their function was not properly understood then. Because blood pools in the veins after death, arteries look empty. Ancient anatomists assumed they were filled with air and that they were for transport of air.
The Greek physician, Herophilus, distinguished veins from arteries but thought that the pulse was a property of arteries themselves. Greek anatomist Erasistratus observed that arteries that were cut during life bleed. He ascribed the fact to the phenomenon that air escaping from an artery is replaced with blood that entered by very small vessels between veins and arteries. Thus he apparently postulated capillaries but with reversed flow of blood.[5]
In 2nd century AD Rome, the Greek physician Galen knew that blood vessels carried blood and identified venous (dark red) and arterial (brighter and thinner) blood, each with distinct and separate functions. Growth and energy were derived from venous blood created in the liver from chyle, while arterial blood gave vitality by containing pneuma (air) and originated in the heart. Blood flowed from both creating organs to all parts of the body where it was consumed and there was no return of blood to the heart or liver. The heart did not pump blood around, the heart's motion sucked blood in during diastole and the blood moved by the pulsation of the arteries themselves.
Galen believed that the arterial blood was created by venous blood passing from the left ventricle to the right by passing through 'pores' in the interventricular septum, air passed from the lungs via the pulmonary artery to the left side of the heart. As the arterial blood was created 'sooty' vapors were created and passed to the lungs also via the pulmonary artery to be exhaled.
In 1025, The Canon of Medicine by the Persian physician, Avicenna, "erroneously accepted the Greek notion regarding the existence of a hole in the ventricular septum by which the blood traveled between the ventricles." Despite this, Avicenna "correctly wrote on the cardiac cycles and valvular function", and "had a vision of blood circulation" in his Treatise on Pulse.[6][verification needed] While also refining Galen's erroneous theory of the pulse, Avicenna provided the first correct explanation of pulsation: "Every beat of the pulse comprises two movements and two pauses. Thus, expansion : pause : contraction : pause. [...] The pulse is a movement in the heart and arteries ... which takes the form of alternate expansion and contraction."[7][verification needed]
In 1242, the Arabian physician, Ibn al-Nafis, became the first person to accurately describe the process of pulmonary circulation, for which he is sometimes considered the father of circulatory physiology.[8][not in citation given] Ibn al-Nafis stated in his Commentary on Anatomy in Avicenna's Canon:
"...the blood from the right chamber of the heart must arrive at the left chamber but there is no direct pathway between them. The thick septum of the heart is not perforated and does not have visible pores as some people thought or invisible pores as Galen thought. The blood from the right chamber must flow through the vena arteriosa (pulmonary artery) to the lungs, spread through its substances, be mingled there with air, pass through the arteria venosa (pulmonary vein) to reach the left chamber of the heart and there form the vital spirit..."
In addition, Ibn al-Nafis had an insight into what would become a larger theory of the capillary circulation. He stated that "there must be small communications or pores (manafidh in Arabic) between the pulmonary artery and vein," a prediction that preceded the discovery of the capillary system by more than 400 years.[9] Ibn al-Nafis' theory, however, was confined to blood transit in the lungs and did not extend to the entire body.
Michael Servetus was the first European to describe the function of pulmonary circulation, although his achievement was not widely recognized at the time, for a few reasons. One was that the description appeared in a theological treatise, Christianismi Restitutio, not in a book on medicine. Most copies of the book were burned shortly after its publication in 1553 because of persecution of Servetus by religious authorities. Finally William Harvey, a pupil of Hieronymus Fabricius (who had earlier described the valves of the veins without recognizing their function), performed a sequence of experiments, and published Exercitatio Anatomica de Motu Cordis et Sanguinis in Animalibus in 1628, which "demonstrated that there had to be a direct connection between the venous and arterial systems throughout the body, and not just the lungs. Most importantly, he argued that the beat of the heart produced a continuous circulation of blood through minute connections at the extremities of the body. This is a conceptual leap that was quite different from Ibn al-Nafis' refinement of the anatomy and bloodflow in the heart and lungs."[10] This work, with its essentially correct exposition, slowly convinced the medical world. However, Harvey was not able to identify the capillary system connecting arteries and veins; these were later discovered by Marcello Malpighi in 1661.

[edit] Gallery

[edit] See also

[edit] References

  1. ^ cardiovascular system at Dorland's Medical Dictionary
  2. ^ circulatory system at Dorland's Medical Dictionary
  3. ^ MeSH Cardiovascular+System
  4. ^ a b Dwivedi, Girish & Dwivedi, Shridhar (2007). History of Medicine: Sushruta – the Clinician – Teacher par Excellence. National Informatics Centre (Government of India).
  5. ^ Anatomy - History of anatomy
  6. ^ Mohammadali M. Shojaa, R. Shane Tubbsb, Marios Loukasc, Majid Khalilid, Farid Alakbarlie, Aaron A. Cohen-Gadola; Tubbs, RS; Loukas, M; Khalili, M; Alakbarli, F; Cohen-Gadol, AA (29 May 2009), "Vasovagal syncope in the Canon of Avicenna: The first mention of carotid artery hypersensitivity", International Journal of Cardiology (Elsevier) 134 (3): 297–301, doi:10.1016/j.ijcard.2009.02.035, PMID 19332359 
  7. ^ Rachel Hajar (1999), "The Greco-Islamic Pulse", Heart Views 1 (4): 136-140 [138]
  8. ^ Chairman's Reflections (2004), "Traditional Medicine Among Gulf Arabs, Part II: Blood-letting", Heart Views 5 (2), p. 74-85 [80].
  9. ^ West, John B. (October 9, 2008), "Ibn al-Nafis, the pulmonary circulation, and the Islamic Golden Age", Journal of Applied Physiology 105 (6): 1877–80, doi:10.1152/japplphysiol.91171.2008, PMID 18845773 
  10. ^ Peter E. Pormann and E. Savage Smith, Medieval Islamic medicine Georgetown University, Washington DC, 2007, p. 48.

SAWIRKA MAANTA. Fardo Aad u Qurux Badan oo Daaqaya Goob Dalkeenii Ka Mid Ah

Sawirka Maanta Ee Shabakada Caalamiga Ah Ee Burcotoday Waa Fardo Aad u Qurux Badan oo KU Sugan Dalkeenii, Somaalida Ayaa Tidhaahda faras Qiimihiisii Qurux Buu Ku Doorsaday, Hadaba Nalla Daawada Fardahan Quruxda Badan Iskuna Dey Inaad Garatid Halka Ay Jooggaan,

Puntland Oo Ku Dhawaaqday In Ay Xadhiga U Jartay Xidhiidhkii Ay La Lahayd Dawlada Fadaraalka Ku Meel-gaadhka Ah Ee Somalila

Garowe (BCT)- Kulan ay maanta yeesheen golaha wasiiradda maamul goboleedka Puntland ayaa waxa lagu sheegay in lagu Go’aamiyey in gebi ahaanba ay dawladda Puntland joojisay xidhiidhkii  ay la lahayd dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

kulanka maanta ay yeesheen Golaha Wasiirada Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxa uu ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Garoowe, waxa ka qayb galay dhamaan xunbaha halahaasi, kulnka maanta ayaa waxa ay wararku tibaaxayaan in uu shir gudoominayey Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxmed (Faroole), waxa kulankaasi maanta ka soo baxay Go’aamo.


Wasiirka qorshaynta iyo xidhiidhka caalamiga ee Puntland Md. Daa’uud Maxamed Cumar oo warsaxaafadeed ka soo baxay kulanka golaha wasiiradda ka hor akhriyay saxaafadda ayaa sheegay in maamulka Puntland uu xidhiidhka u jaray dawladda Soomaaliya tan iyo inta laga helayo dawlad federal ah.

Wasiirka qorshaynta xiriirka caalamiga, waxa uu warsaxaafadeedka ku sheegay in Beesha Caalamka ay u soo jeedinayaan inaysan u aqoonsan TFG ah mid wakiil ka ah maamul goboleedka Puntland, isagoo ka codsaday xafiiska Qaramada Midoobay ee siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) inay dib uga fiirsato mowqifkeeda iyo taageerada ay siiso dawladda Kumeel gaadhka ah ee Soomaaliya.


Wasiirka ayaa sidoo kale warsaxaafadeedk  ku sheegay inay soo dhoweynayaan siyaasadda ay soo bandhigtay dawladda Maraykanka ee lagu taageerayo maamul goboleedyada ka dhisan Soomaaliya, isagoo sidoo kalana sheegay in Puntland ay diyaar u tahay fidinta gogol dib u heshiisiineed.


Ugu danbeyntii waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in Puntland ay ka soo horjeedo in dawladda Ku meel Gaadka ah  loo kordhiyo waqtiga, iyadoo dhanka kalana sheegtay inay doonayso inay si gaar ah ula macaamisho Beesha Caalamka iyo ururada sida IGAD, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub iyo dhamaan deeq-bixiyeyaasha.


Go’aankan ka soo baxay maamul goboleedka Puntland ee xidhiidhka ay uga jaratay dawladda Soomaaliya ayaa ka dambeeya safar uu maanta ka baaqday madaxweynaha Puntland oo uu ku aadi lahaa dalka Jabuuti si uu uga qeyb galo shir ballaaran oo ka dhici doona Jabuuti kaasoo lagu casumay madaxweynaha dawladda Ku meelgaadh ka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Guddi Heer Qaran Ah Loo Soo xulay Inay Soo Doortaan Guddida Xuquuqal Isaanka Oo Maanta Doortay Guddoomiye iyo ku Xigeen + SAWIRO

Hargeysa(BCT)- Guddi  loo soo xulay in ay soo doortaan guddida Xuquuqal  Isaanka Qaranka, ayaa maanta kulankoodi ugu horeeyey   ku qabsaday  Xarunta Golaha Wakiillada ,  kulankaas  ay  yesheen guddidasi ayaa waxa ay  ku doorteen  Guddomiye iyo Gudomiye ku Xigeen.

Guddidaas oo u sadeex ka mida soo magacabay Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed  Maxamuud (Siillanyo) oo kala ah Maxamed Cali Aadan, Suladaan Dakiir, Eng.Xasan Axmed Cilmi, labana uu soo magacaabay Gudomiyaha Golaha Guurtida  Md.  Saleebaan Maxamuud Aadan, xubnahaas oo kala ah Xil. Cabdiqadir Maxamed Xasan (Indho indho),  Xil. Cabdiraxmaan Sh.Yusuuf Sh.Madar, halka labana u so magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Maxamed Xirsi Oomane, oo kala aha, Yasiin Xasan Ismaaciil,Axmed Diriye Qaalib, ayaa loo igmaday inay soo xulaan Afar iyo tobaan xubnood oo noqon doona guddida Xuquuqal Isaanka Qaraanka.”

waxaanay sheegen guddidasi inay iyagu qaban doonan Araajida Dadka ladoonayo inay ka mid noqdan Guddida Xuquuqal Isaanka Qaranka, waxana ugu horayn halkas ka  hadlay Xilibaan Cabdiqadir Maxamed Xasan (indho indho) waaxana hadaladiisi ka mida ahaa “halkan waxaanu ku fadhinaa todoba  xubnood oo Saddex Madaxweynuhu soo magacaabay iyo laba uu Guddoomiyaha Guurtidu soo magacabay iyo laba uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare soo magacaabay,Sadexdaa qaybood ayaanu kakoobanahay,  waxaananu nahay Guddidii soo xuleysay Guddida Xuuquqal Isaanka Qaraanka.”

waxa kale oo uu intaas ku daray Md. Indhoindho ” waxanay ujeedada  aanu halkan u fadhinaa tahay inaanu doorano Guddoomiyihi iyo Guddoomiye ku Xigenkii, markaa waxaanu Guddoomiye u dooranay  Suldaan Daakir  halka  Guddoomiye ku Xigeena  aanu u dooranay Cabdiraxmaan sh.yusuuf sh.madar, waxaanu  sidoo kale  qabanayna Araajida Dadka doonaya inay ka mid noqdaan xubnaha Guddida  Xuuquqal Isaanka Qaraanka anaga oo muddo shan iyo toban Cisho ah ku bahin doona Warbahinta  Cidda loo bahanyahay inay ka mid noqoto  oo  tiro ahaan ah Afar iyo tobaan Qof  iyagaana  hadhow iska dhex dooranaya Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku Xigeenka Afar iyo tobankas xubnood.”

isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi Xil.Cabdiqaadir ” markii aanu la kulanay Madaxweynaha, Guddoomiyaha  Golaha Guurtida,Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee waliba naloo soo duceyey waxanu go’aansanay  inaanu  samaysano Guddoomiyhas iyo ku Xigeenkiisa mantana waa kal fadhigayagii kowaad ”sida waxa sheegay xiliban Cabdiqadir indhaindho.

Gabogabadii waxaa halkaa ka hadlay Suldaan Daakir “waxaa naloo soo xulay inaanu u adeegno Bulshada oo anu si dacad nimo ku dhehantahay ugu adeegno waxnaan rajaynaya inay si khayrleh noogu dhamaato hawsha nalo xil saaray ama nalo igmaday”

Madaxda Dunida Carabta Oo Dareen Cabsi Leh Ka Muujisay Kacdoonka Siyaasiga Ah Ee Ka Dhacay Tunisia.

TUNISIA(Bct)- Shacabka Tunisia ayaa maalintii Jimcihii ahayd afka ciidda u daray kali-taliyihii ku amar taaglaynayey talada dalkooda 23 sano ee la soo dhaafay. Zine el Abidine Ben Ali wuxuu si foolxumo iyo wajigabax ah kaga baxay magaalada Tunis, xili uu kacdoonka shacabka reer Tunisia mareyey meel sare. Ficilka shacabka reer Tunisia wuxuu fajac iyo naxdinba galiyey maamullada ku dhisan qaabka kaligii-talisnimada ah ee qarnigan 21-aad, kuwaasoo wali ka taliya dunida Carabta iyo dalal badan oo Afrika ah.
Kacdoonkan oo ay dadka qaar ugu magacdareen “Kacaankii Dhalinyarada,” Shacabka reer Tunisia waxa ay doonayaan in guud ahaan ay bedelaan xukumaddii dalka ka talinaysay, maaha in ay eryanayaan Ben Ali oo kaliya iyo intii ka ag dhaweyd. Inkasta oo Ben Ali baxsaday, haddana ragga maamulka uu uga tagay waa kuwii isaga ku harreereysnaa, taasoo ka dhigaysa kacdoonka shacabka reer Tunisia in aanu wali dhamaan. Dhowrka maalmood ee soo socda ayaa ah kuwo aad muhiim u ah, maadaama ay tilmaan u noqon doonaan jahada uu qabanayo dalka Tunisia. waxaana loo gogol-xaadhayaa doorasho guud oo dalkan ka dhacda muddo 60 maalmood gudahood.
Wakhtigan lagu jiro waxa muhiim ah in ay muuqato doorka dalalka reer Galbeedku, iyadoo uu horkacayo dalka Maraykanku. Waxaa lagama maarmaan ah hogaanka dalka Maraykanka ee arrintan si doorashooyinka la filayo ay u noqdaan kuwo u dhaca si xor ah oo loo siman yahay. Si aan loo afduubin rabitaanka shacabka reer Tunisia, waxa kale oo muhiim ah in hay’adaha aan dowliga ahayn (NGOs) ee dhiirigaliya dimoqradiyadda ay buuxiyaan doorka kaga aadan siyaasadda dalka Tunisia. Waxaa loo baahan yahay in aan la dhayalsan wixii ka dhacay Tunisia shalay. Haddii reer Galbeedku gacan-siiyaan kacdoonka shacabka Tunisia, islamarkaana uu guulaysto Isbedelkani, tani waxay noqon doontaa mid taariikhi ah, islamarkaana waa-cusub u furta shacabka dalalka wali ay ka taliyaan maamullada kaligood-taliska ah ee Afrika iyo Carabta.
Arrintan waxay wax ka badali-doontaa Saamayna ku yeelan doontaa maamulka dalalka Carabta iyo Afrika, kuwaas oo Madaxdoodu ay farta wadnaha ku hayaan, si aad ahna isha ugu hayaan isbadallada ka dhacaya dalka Tunisia, waxayna tani soo afjari doontaa siyaasaddi hore ee reer Galbeedka ee ku dhisneyd naas-nuujinta kaligii-taliyaha si loo dhowro amaanka guud. Majirto cid u baahan amaan iyo nabadgalyo lagu duudsiyaayo shacabka xaqiisa. Mana jirto cid doonaysa deganaasho ay ku naaxdo qolo yar oo inta kale caddaadisa, boobtana hantida shacabka. Waa in ay reer Galbeedku fahmaan in degenaashaha iyo amaanka dhabta ah uu gacanta ugu jiro shacabweynaha dalalkan.
Reer Galbeedka iyaga oo cashar ka baranaya wixii ka dhacay Tunisia, waa in ay soo afjaraan siyaasaadda ku dhisan “eeg oo sug,” islamarkaana ay garab istaagaan shacabka dulman ee dalalka ay wali ka taliyaa kaligood-taliyeyaasha ku naaxay gacantoodda, taas oo ah midda kaliya ee lagu heli karo degenaasho guud iyo amaan waara. Siyaasadda ah ”Eeg oo sug,” maaha mid sii shaqayn karta xiliga maanta lagu jiro. Run ahaantii, waxaa wax lagu farxo ah warbixinti uu warbaahinta siiyey madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama, (halkan ka aqriso), taasoo uu ku sheegay in uu u “sacabba-tumayo geesinimada iyo sharafta shacabka Tunisia.”
Shacabka dalalka wali ku hoos jira kaligood-taliyeyaasha uma baahna in la garab istaago marka ay guulaystaan oo ay kasoo gudbaan safarka dhibka badan ee ay ugu jiraan helitaanka sharaf buuxda, waxay u baahan yihiin in dhibka ay ku jiraan la yaqiinsado hadda, gacanna lagu siiyo siddi ay isbadal u sameyn lahaayeen.Labadii sano ee ugu danbeeyey, majirin hal dal oo reer Galbeed ah oo si buuxda u garab istaagay dadaalladi ay wadeen shacabka reer Tunisia, kuwaas oo ay ku doonayeen in ay isbadal dimoqradiyadeed kaga hirgaliyaan dalkooda. Xaqiiqiyan, waxaa wax laga naxa ah in dalalka reer Galbeedku aanay taariikh ku lahayn abaabulka iyo dhiirigalinta kacdoonno lagu hirgalinaayo dimoqradiyeynta dalalka Carabta iyo Afrika.

Nin Dhalinyaro Ah oo Isku Gubay Dalka Aljeeriya kadib markii Loo Diiday Shaqo & Dhacdadan oo Lamid Ah Wiilkii Tunisiya Isku Gubay Ee Ay Ka Bilaabmeen Rabshadihii Keenay Inuu Cararo madax Weyne Bin cali

AL-JERIA(BCT)- Jariirada Al-Khabr ayaa sheegtay in nin dhalinyaro ah uu naftiisa ku gubay dalka Aljeeriya kadib markii uu maamulaha dowlada hoose ee dalkaa uu u diiday ninkaa inuu shaqo siiyo, Ninkaa dhalinyarada ah oo isu gubay dariiqadii uu isu gubay wiilkii Reer Tunisiya ee ay ka bilaabmatay rabshadaha keenay in madax weyne Bin cali Xukunkii laga tuuro,



Ninkan dhalinyarada ah oo 22 jir ah laguna magacaabo Muxsin ayaa jariiradu sheegtay in isaga iyo Dhalinyaro kalle ay u tageen maamulaha Dowlada hoose isla markaana ay ka dalbadeen inuu shaqo siiyo, maamulaha dowlada ayaa dhalinyaradaa u sheegay in aanuu u haynin wax shaqo ah, Wiilka is gubay ayaa markii hore ugu hanjabay maamulaha inuu is gubi doono hadii uu shaqo siin waayo, Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in maamuluhu uu wiilkaa ugu jawaabay si aan fiicnayn isagoo ku yidhi hadii aad leedahay geesinimadii Wiilkii Reer Tunisiya Batrool isku shub oo is gub anigu wax shaqo ah ku siin maayee,


Wiilkaa ayaa sida Jariiradu sheegtay isku Rusheeyey Batrool isla markaana kabriid isku qabtay iyadoo Boqolaal qof ay goobtaa joogeen. Ninkaa ayaa waxaa u gurmaday dadkii halkaa ku sugnaa iyadoo la bakhtiiyey lagana bad baadiyey dhimasho, wiilkaa ayaa isbitaalka loola cararay iyadoo xaaladiisu aanay fiicnayn,



Jariiradan Al khabar ayaa sheegtay in mas,uuliyiinta gobolku ay shaqadii ka joojiyeen Maamulihii dowlada hoose isla markaana ay sheegeen inay maxkamad soo taagi doonaan sidoo kalena waxay dadka ka codsadeen inay is dejiyaan oo ay amaanka waddanka illaaliyaan,


Arinta Ninkan dhalinyarada ah ee is gubay ayaa keentay muran badan iyo in fiiro gaar ah ay u yeeshaan waddamada mandaqadaasi iyadoo la xusuusan yahay in Rabshadaha kasocda dalka Tunisiya ay ka billaabmeen Nin dhalinyaro ah oo 27 jir ah una dhashay dalkaa oo is gubay bishii Decembar kadib markii maamulaha dowlada hoose ee caasimada Tunisiya ee Tunis uu u diiday inuu siiyo warqad ogolaansho ah oo uu ku iibiyo khudrad uu suuqa la fadhiisan jiray ninkaa oo ahaa nin maskiin ah oo miis dushii ku iibiya xooggaa khudrad ah iyadoo rabshadii halkaa ka billaabmatay ay keentay afar todobaad kadib inuu dalkaa ka cararo madax weynahoodii Bin Cali,





Mudaharaadyo Ka Billaabmay Dalka Yaman oo lagu Dalbanayo Inuu Madax Weyne Cali Saalax Xukunka ka Deggo Kadib Markii Shacabku Riday Madax Weynihii Tunisia Bin Cali

SANCA(BCT)- Kadib markii shacabka Reer Tunisiya ay ku rideen madax weynahoodii mudaharaadyo ayaa sidoo kalle shacabka Dalka Yaman ay billaabeen Mudaharaadyo ay ku dalbanayaan in madax weyne Cali Cabdalla Saalax uu xukunka ka deggo, Mudahaeaadka maanta ka dhacay dalöka yaman ayaa waxaa sameynayey Ardeyda Jaamacadaha iyo Aqoonyahano dalkaa u dhashay iyo hay,adaha xuquuqda u dooda iyo walliba Ragb baarlamaanka dalka Yaman ka tirsan,



Dadka mudaharaadkan ka qeyb qaadanayey ayaa socodkooda ka billaabay jaamacada magaalada Sanca iyagoo ku tegey safaaradda Tunisiya ay ku leedahay dalka yaman, dadkan ayaa ku dhawaaqayey hadallo ay ku taageersan yihiin gadoodkii shacabka Tunisiya ay ku Rideen madax weynahoodii iyo iyagoo dalbanayey in madax weynaha dalka yaman uu isaguna xukunka ka deggo inta dalka yamana aanay ka billaabman kacdoonkii lagu ridey madax weynihii Tunisiya Zaen El Caabidiin Bin Cali,


Shacabka Yaman ee maanta mudaharaadyada sameynayey ayaa fariin u diray madaxda dalalka carabta oo ay ku tilmaameen inay yihiin Kalli-taliyayaal iyagoo ka dalbaday inay xukunka isaga degaan, dadka mudaharaadayey ayaa fariinta ay madaxda carabta u dirayeen ay ahayd inay iska tagaan inta aan la Eryin, Mudaharaadayaashaa ayaa oo buux dhaafiyey wadooyinka ayaa gudoonsiiyey warqad safaarada dalka Tunisiya ee Sanca Iyadoo booliska dalka yaman ay si xoog ah u illaalinayeen dadkaa iyo gfuud ahaan amaanka dalka,



Madax weynaha dalka yaman cali cabdalla Saalax oo xukumayey dalka yaman  Illaa 17/06/1978 oo ah muddo 30 sanadood ah ayaa dedaal weyn ugu jirra sidii uu u ahaan lahaa madax weynaha dalkaa inta uu nool yahayba iyadoo baarlamaanka dalaaksi ay soo hor dhigeen mooshin arintaa lagu hir galinayo laakiin ay mucaaradku gaashaanka ku dhufteen, mudooyinkii ugu danbeeyey ayaa dalkaa yaman waxaa kaga kacsanaayeen dowlada mucaarad badan oo qaarkood la galeen dagaallo xukuumada yaman,

  

Wasiirka Maaliyada Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Xukuumada Somaliland Lacag la’aan Ka Dhigtay Dhamaan Dugsiyada Hoose/Dhexe Ee Dawliga Ah Kana Hadlay Arimo Kale Oo Aad U Muhiim Ah

Hargeysa (Burcotoday)- Wasiirka wasaarada Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.  ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay Xukuumada Somliland joojisay Dhamaan lacagihii laga qaadi jiray ardayda dhigata dugsiyada Hoose/Dhexe ee dawliga ah .

Wasiirku wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay  Xarunta wasaarada maaliyada ee magaalada hargeysa, waxa kale oo uu ka hadlay odoroska  miisaaniyada 2011-ka, iyo amuura kale oo aad muhiim u ah.

Wasiirka oo ka hadlayay odoraska Miisaaniyad sanadeedka dawlada ee 2011-ka ee ay gacanta ku hayaan diyaarinteedii wuxuu yidhi “Xukuumadan maanta jirta ee uu Hoggaaminayo Axmed Maxamed Siilaanyo, xiligii olalihii doorashada madaxtooyada waxay balan qaaday inay mushaharka u kordhiso ciidamada iyo shaqaalaha dawlada 300%, balse sidaad ogtihiin waxaanu dhaxalay meel madhan oo dayn  faro badan ayaanu la wareegnay, dayntaasina inteeda badani may jirin oo waa tii gudidu baadhay ee caddaysay inaanay wax jira ahayn oo wax lagu qabtay ahayn.odoroskii miisaaniyad saneedka 2011-ka waxaanu rajaynaynaa inaanu dhawaan horgeyno Golaha Wakiilada. Waxaan filayaa  Guddida Dhaqaalaha ee Wakiiladdu (Wasaarada) nagula naaqishaan oo ay wixii ay ku darayaan iyo wixii ay ka bedalayaanba ku sameeyaan. Ka dibna ay Golaha Wasiirrada laga ansixiyo si loogu gudbiyo Golaha Wakiilada. Balan qaadkii KULMIYE ee ahaa in mushaharka la kordhiyo 300% waa la heli lahaa haddii aanay jirin dayntaasi badan ee aanu la wareegnay. Waxaanu imika kordhinay 100% sida Madaxweynuhu sheegay.”

Waxa kale oo uu Wasiirku tilmaay in  Xisbiga Klmiye ay ka go an tahay in uu fuliyo balandaaydii wakhtigii Ole-olaha Doorashada waxa uu yidhi “ Xisbiga KULMIYE wuxuu fuliyay inta badan balan qaadkii boqolka maalmood ee u horeeya, oo waxaanu bixinay mushaharkii shaqaalaha  sadex bilood iyo ciidamada raashinkoodii oo aan muddo la bixin, Boqolkii maalmood ee u horeeyay waxaanu ku  talaabsanay inaanu tiro koobno shaqaalaha iyo ciidamada dawlada,Ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu.

Wasiirka Maaliyadu wuxuu sheegay inay joojiyeen feegii laga qaadi jiray ardayda dugsiyada Hoose/Dhexe ee dawlada waxaanu yidhi “Maanta laga bilaabo waxaanu dugsiyada dhexe ee dawlada aanu ka dhaafnay fiigii laga qaadi jiray (lacag bileedkii).macalimiintuna waxay ka mid yihiin shaqaalahaasi dawlada iyo Ciidamada ee 100% mushaharku u kordhay.”

Wasiirka Maaliuyada Eng . Maxamed Xaashi wuxuu ugu baaqay Ganacsatada dalka inay iska bixiyaan cashuuraha ku waajibay ganacsigooda, isaga oo arintaasi ka hadlayan waxa uu yidhi  “Ganacsatada dhawr jeer ayaanu u yeedhnay oo aanu ugu baaqnay inay iska bixiyaan cashuuraha ku waajibay ganacsigooda, balse noomay iman, sida sharcigu ii ogolaanayo waxaanu awoodi karnaa inaanu liisanka ka qaadno oo aanu taqsiirno (ganaaxno), balse taas yeeli mayno oo waxaanu jecelahay inay macaashaan oo khasaare waxba ma soo kordhiyo, laakiin ay iska soo bixiyaan cashuurtii waajibka ahayd ee lagu lahaa.”

Wasiirka oo ka hadlayay shaqaalaha dawlada wuxuu yidhi “Shaqaalaha imiku wuxuu u badan yahay dhalinyaro oo waxay taagan yihiin xiligii kor loo qaadi lahaa waxbarashadooda iyo mihnadooda shaqo,Anagu waxaanu nidhi shaqaalaha da’yarta ah hala tababaro, idinkuna (saxaafada) siyaabo kale ayaad u dhigteen. Waxaan idinku dardaarayaa inaad ilaalisaan mihnadiina iyo sumcada saxaafadiina,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi.

Wasiirku wuxuu u soo jeediyay dhalinyarada tahriibaysa inaanay u tacabirin dalal shisheeye waxaanu kula taliyay inay dalkooda wax ka qabsadaan oo ay aaminaan.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo Maanta Si rasmi Ah Xadhiga Uga Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta.

Hargeysa(bct)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray dhismaha Cusub ee Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta.

Dhismahan ayaa waxa lagu sameeyey dib u habayn balaadhan waxana  hore u daganaan jirtay intii aanay ka guurin Wasaarada Qorshaynta Qaranka, munaasibad balaadhan oo maanta loo sameeyey furitaanka dhismahaasi ayaa waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin uu ka mid yahay  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirada Diinta iyo Awqaafta, Maaliyada, Gaadiinka iyo Guryeynta, Ganacsiaga iyo Warshadaha, Wasiirka Cusub ee Warfaafinta Md.Xabsade, Xogahaya Guud ee xisbiga Kulmiye, Ganacsato, Xildhibaano, Ganacsato iyo Culimo Awdiin.

Furitaankii munaasibadaasi ayaa waxa ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Saylici hadaladiisiina waxa ka mid ahaa “ Maanta farxad weyn ayey ii tahay in aan ka soo qayb galo munaasibada xadhiga laga jarayo dhismaha Cusub ee Wasaarada diinta iyo awqaafta, waana halkii inoogu saraysay diintu, in diinta la wanaajiyaan waa wax aad u qaali ah, waana wax aad loogu faano in aan hagaajinaa, Wasiirka Sheekh Khaliil runtii aad ayuu u dadaalay waana uu ku mahad sanyahay, sidoo kalena waxa aad u muhiima in uu Sheekhu dhul aad u weyn u helay Wasaarada, sidii dhulkaas loo dhisi lahaana Xukuumadu diyaar ayey u tahay waanay ka hawl galaysaa, in la helo Wasarad ka dhismo weyn tan na waa mid aad u muhiim ah.”

Waxa Kale oo uu Md. Saylici intaas ku daray “ waa in aan shareecada ku dhaqanaa, maaha in aan gaadh ka hayno, Wasaarada dhismaha aan u dhisayno waxa ay tahay in cid walliba doorkeeda ka qaadato, anaga Xukuumad ahaan waxa naga go’an, in wixii kolba la badali karo la badalo dalkan halkii aanu ugu nimid  qabyo badan in wixii isbadal lagu samayn karo  qabyadaasna lagu sameeyo anaga oo la kaashanayna Bulsho weynta reer Somaliland.”

Waxa kale oo uu Madaxweyne ku xigeenka Somalilan ka hadaly abaaraha dalka soo food saaray waxana uu yidhi “ waxa aad la socotaan in dalka ay abaaro iyo biyo la’aan soo food saareen, waanad ogaydeen in aynu salaadii roob doonta tuknay ,waxana aan fursadan maanta uga faaiiidaysanayaa in aan

Baaq ugu diro bulshada reer Somaliland, waxana aad la socotaan in maanta magaalda hargeysa foostada biyaha  in 10’000 oo shilig la kala sii sanayo, waxa aad qiyaasi kartaan dadka ku nool meelahaas tuulooyinka ee ay Ceeladhii biyhuna ka gudheen inta biayaha siinayo, waxa ay tahay in maadaama aynu Umada Islaama nahay in aynu iskaashano.”

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadalay Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Kaliil Cabdilaahi Xasan waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ walaalayaal waad ogtihiin masuuliyada Diintu waa mid aad u weyn, waana la socotaan taariikhada Wasaaradan maamuladii ka horeeyey maamulkan Wasarada cagta hoosteeda ayey galiyeen, waxa ay ka tageen waxa ay qabsan karaan, oo aanu angauba maanta qabsanay,  oo diintii IlAAHAY oo ahayd tii ugu qiimaha badnayd, culimadii joogay weydadaalayeen laakiin lalama wadin hadaan lagula wadinta waxaba kuu hagaagi maayaan”

waxa kale oo uu Sheekhu intaas ku daray “ wixii ugu horeeyey ee aanu ku fakarnay anaga oo Madaxweyanah la kaashaneyna waxa ay ahayd sidii Wasaarada Godkaas looga soo saari lahaa Madaxweynuhuna balantaas uu oofiyey oo maanta waa ta halkanka muuqata, waxana walaayaal ay himiladayada koowaad ay ahay in meeshii ay ku Culimadu ku kulmi lahaayeen, ku fakari laaayeen , ku wada tashan layaayeen loo diyaariyo, intii aanaa soo guurin waxa aanu dayrnay dhul  aad u balaadhan waxa dhulkaas oo aad u qiimo badnaa waxa lagu soo wareejiyey Wasaarada, waxa aanu isku danay in aanu Dhisme ka hirgalino qorshahaasina waa uu noo socdaa.” Ayuu yidhi Sheekh Khliil.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Sheekh Maxamed Aadan Muxumed waxan uu tilmaamay in ay waxa wanaagsan oo aad u qaali ah  la wanaajiyo Dhisama wasaarada, isaga oo tilmaamy in ay tahay in iyadan la hagaajiyo dadka ka hawlgalaya.

Waxa kale oo uu baq u diray Sheekh Maxamed Aadan Wasiirka Cusub ee Wasaarada Wafaafinta  Somaliland Md.Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu yidhi “ Xaaji Axmadoow waxa lagaa doonayaan in adiga oo kaashanaya wasarada diinta Umad in aad jianaysaan Umadan inaad toosisaan,Umadan in aad hormood u noqotaan, hadii aad idinku wakhtigiina dadka siisaan  oo aad wakhtgiina hurtaan, oo  aad umada jihaysaan waxaan shaki ku jirin in inbadan ladinka sheekayn dooni sida uu Ilaahayba Quraankiisa ku sheegay, waxa ay tahay in aad umadan u samaysaan barnaamijyo huru marinaya Diinta, dhqaalaha, dhaqanka, waxana naga baalna culimo ahaan in aanu Xukuumada la shaqayno.” Ayuu Sh. Maxmed Aadan.