Wednesday, February 22, 2012

Jaaliyadda Somaliland Ee Ku Dhaqan Dalka Holand Oo Maanta Xarunta Dalkaa Ka Dhigay Mudaharaad Ay Ku Dalbanayeen In Somaliland Hesho Aqoonsi Caalami Ah (Daawo Video).

Jaaliyadda Somaliland Ee Ku Dhaqan Dalka Holand Oo Maanta Xarunta Dalkaa Ka Dhigay Mudaharaad Ay Ku Dalbanayeen In Somaliland Hesho Aqoonsi Caalami Ah (Daawo Video).Hargeisa(burcotoday) Feb.22, 2012 – Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Holand, ayaa maanta isu soo bax balaadhan ka dhigay xarunta dalkaas, isu soo baxan oo ay ku dalbanayeen, in dalka Somaliland aqoonsi buuxa ka helo beesha caalamka.  Jaaliyaddaha Holand iyo Ingiriiska, ayaa todobaadadii ugu dambeeyey ku hawlanaa isu soo bax mar ka wada dhaca labada wadan, kaas oo ku aadan shir dalka Ingiriisku maalinta berriya xarunta dalkiisa ugu qaban doona maamulada kala duwan ee...

Jaaliyadaha Reer Somaliland Ee Dalka Ingiriiska Oo Dibad-bax Balaadhan Oo Ictiraaf Lagu Dalbanayo Ka Wada London Iyo Shacabka Gudaha Oo Kala Socda Idaacadda Hargeysa

Jaaliyadaha Reer Somaliland Ee Dalka Ingiriiska Oo Dibad-bax Balaadhan Oo Ictiraaf Lagu Dalbanayo Ka Wada London Iyo Shacabka Gudaha Oo Kala Socda Idaacadda Hargeysa London (burcotoday) Feb 22,2012 – Caasimada dalka Ingiriiska ee London ayaa waxa dibad-bax balaadhan ka wada jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan Magaalooyinka kala duwan ee dalkaas. Dibad-baxan ay dhigayaan muwaadiniiinta reer Somaliland ayaa waxa uu hadda ka socdaa badhtamaha London iyo waliba agagaarka xafiiska raysal-wasaaraha dalka Ingiriiska Mr David Cameron . Dibad-baxayaasha ayaa sita calanka saddexda midab ah ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo waliba boodhadh...

Ciidamada Dawlada Ku Meel-gaadhka Ah Ee Soomaliya Iyo Kuwo Itoobiya Oo Al-shabaab Kala Wareegay Magaalooyinka Baydhabo Iyo Bardaale Oo Ka Tirsan Gobolka Bay

Baydhabo (burcotoday) Feb 22,2012 – Ciidamadda Itoobiya iyo kuwo Milatariga ah ee dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaliya ayaa maanta la wareegay gabi ahaanba gacan ku haynta Magaladda Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay. Ciidamada Itoobiya iyo kuwo Soomaliya oo is-garabsanaya ayaa la sheegay inay saaka Magaaladda Galeen iyagga oo aan wax iscaabin ah kala kulmin kooxda Al-shabaab oo hore halkaasi u maamulaysay. Dadka deegaanka Baydhabo ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalyahanada Al-shabaab ay subaxdii hore ee saaka ay ka baxeen Magaaladda Baydhaba ka dib markii ay ka war-heleen in ciidamo isgarabsanaya oo awood ku soo jeedaan “Degmada Baydhabo waxa soo galay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya, magaaladuna way xidh-xidhan tahay dadkuna waxay ku jiraan guryahooda.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid...

Monday, February 20, 2012

Garabka Dhalinyaradda Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Oo Xuska Maalinta Dhalinyaradda Awgeed Hambalyo U Diray Dhalinyaradda Iyo Daladda SONYO.

Garabka Dhalinyaradda Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Oo Xuska Maalinta Dhalinyaradda Awgeed Hambalyo U Diray Dhalinyaradda Iyo Daladda SONYO.Hargeysa (Ramaas) Feb 20,2012 – Garabka dhalinyarada xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa xuska 30-guuradda maalinta dhalinyaradda Somaliland dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaan dhalinyaradda Somaliland.War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xisbiga UCID ee Magaaladda Hargeysa ayaa lagu sheegay in garabka dhalinyarada UCID ku faraxsan yahay xuska maalinta dhalinyaradda Somaliland oo laga soo dheegay kacdoonkii dhalinyaradii UFO kala hor-tageen taliskii Siyaad barre muddo 30 sanadood ka hor ah.War-saxaafadeedka...

Pages 381234 »