“Waxa Jirtay Gal-daloolo Aan Muddo Badan Lahaa Oo Tacabkayga Iyo Taarikadaydu Ay Kala Duwanaayeen” Maxamed Nuur Caraale (Duur)
Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Gudaha Oo Sheegay Inuu Ka Baxay UDUB, Tilmaamayna In Waxqabadkiisii Iyo Astaantii Xisbi Ee Uu Sitay Aanay Is LahaynHargeysa, September 5, 2011 (Haatuf) – Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa sheegay inuu ka baxay xisbigii uu hore uga tirsanaa ee UDUB, isla markaana uu ku biiray xisbul xaakimka Kulmiye kadib markii loo magacaabay Wasiirka Daakhiliga.Duur oo hore uga mid ahaa Xildhibaanada golaha Wakiiladda ee laga soo doortay Gobolka Saaxil, isla markaana iska soo sharaxay Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB ayaa dhawaan Madaxwayne Siilaanyo u Magacaabay jagada Wasiirka Arrimaha Gudaha, taas oo uu iska Casilay...