Thursday, March 31, 2011

Maska dilaaga ah ee Cobra oo ku lumay Magaalada New York iyo booliska oo dadka uga digay

America (Burcotoday) Shaqaalaha Xerada Xayawaanaadka Bronx Zoo ee Magaalada New York ayaa baadi goobayo halka uu jaan iyo cirib dhigay mas nuuca ugu sunta badan Cobra kaasoo ka baxsaday halki uu ku jiray

America (Burcotoday) Shaqaalaha Xerada Xayawaanaadka Bronx Zoo ee Magaalada New York ayaa baadi goobayo halka uu jaan iyo cirib dhigay mas nuuca ugu sunta badan Cobra kaasoo ka baxsaday halki uu ku jiray


Maskan ayaa ah Cobra nuuca laga helo Masar waxaana qofka uu qaniino uu ku dhiman karaa ilbirqsiyo ama sikino sida ay sheegeen saraakiisha ku xeel dheer dhinaca masaska.

Jimcihi ayuu kasoo baxsaday Xarunta lagu xanaaneeyo xayawaanka ee Bronx Zoo Magaalada New York, waxa lagu sheegay dhererkiisa inuu dhanyahay 50cm waxaana la rumeysanyahay inuu ku dhuumaaleysanayo meelaha ay ku yaryihiin dadka ee magaalada.

Saraakiisha ayaa sheegay in masaska ay jecelyihiin in ay had iyo gooraale raadsadaan meelaha xiran iyo deegaanada aaney dadka jecleyn, sidaasi daraadeed dadka ay uga digeen in meelaha sifooyinkaasi leh ay iska jiraan.

Afhayeenad u hadashay xarunta ayaa sheegtay in wali uu socdo baadigoobka laakin waxa ay ka gaabsatay halka ay wax u maryaan.

"Waxaan ku wargelineynaa dadka in ay ka tagaan meelaha laga guuray si aysan ugala kulmin qatarta maskan, anaga waxaan wadnaa wax walbo oo taagneena ah oo dadaal ah si aan u xaqiijino amaanka dadka" ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xarunta Bronx Zoo.

Wariyaha ooga soo warama New York: Maxamed Axmed Ismacil

Wafti balaabdhan oo uu Hogaaminayo Wasirka Cadaalada oo Booqday magaalada Berbera

Saturday, March 26, 2011

MUCJISO- Wiil Yar Oo Seddex Jir Ah Oo Lagu Arkay Astaamo Amakaag Leh Oo Ay Werwer Xoog Leh Ka Muujiyeen Waalidkii.

China-(BCT)- Wiil aad u da” yar oo Seddex jir ah oo u dhashay dalka China ayaa lagu soo waramayaa in uu ka yaabiyay waalidkiisii dhalay iyo guud ahaan dadka dunida ku noolba.

China-(Burcotoday)- Wiil aad u da” yar oo Seddex jir ah oo u dhashay dalka China ayaa lagu soo waramayaa in uu ka yaabiyay waalidkiisii dhalay iyo guud ahaan dadka dunida ku noolba.

Wiilkan yar  oo cuna maalin walba xilliga qadada Seddex sixni oo waaweyn oo bariis ah ayaa culayska miisanka jidhkiisu uu shan jeer ka weyn yahay kii caadiga ahaa ee looga bartay da”diisa, waxaanu gaadhay in ka badan Lixda kiilo oo xoogga ka maso ah.
Qadadii ayuu cunaa 3 Saxan oo Bariis ah oo Saxuuntan ah

Ilmahan yar oo lagu magacaabo Lu Hao, ayaa lagu soo waramayaa in niisaankiisa culayska jidhkiisu uu ahaa 2.6kg (5lb 8oz), balse, markii laga soo bilaabo markii ay da”diisu gaadhay Seddex bilood ayuu bilaabay in miisaankiisu uu si xawli ah oo qayral caadi ah uu u kordho, iyada oo sanadkii u danbeeyay uu missaankiisa ku kordhay culays gaadhaya 10 kg.

Hooyada dhashay wiilkan yar ayaa ka dhawaajisay in ay dhib xoog leh kala kulanto kor u qaadista cunugeeda, oo aanay kor u hinjin karin culays xad dhaaf ah awgii, waxaanay xustay in ay dugsiga carruurta ku geyso Dhugdhugley, halkii ay ka lugaysiin lahayd.

Waalidka ilmahan yar dhalay ayaa xoogga saaray sidii ay ilmahan yar ugu samayn lahaayeen jimicsi culays dhimis ah, laakiin waxay tibaaxeen in arrintani ay sii kordhisay uun culayskiisa jidhkiisa, sabatoo ah bay yidhaahdeen waxa uu jimicsigani ku keenay gaajo saa”id ah oo keentay in uu cuno raashin badan.
Aabaha dhalay wiilkan ayaa warfidiyeenada u sheegay in uu aad uga werwersan yahay xaalada caafimaad ee wiilkasan yar.
 

Dhulgariir ka dhacay dalka Burma oo ay dad ku dhinteen.

Burma -(BCT)-Mas´uuliyiin u dhalatay dalka Burma ayaa sheegay in dhulgariir shalay galab uu ka dhacay laba magaalo oo katirsan bariga dalkaas,iyadoo ay ku dhinteen 5o qof gurya badana ay ku burbureen.

Burma -(HWN)-Mas´uuliyiin u dhalatay dalka Burma ayaa sheegay in dhulgariir shalay galab uu ka dhacay laba magaalo oo katirsan bariga dalkaas,iyadoo ay ku dhinteen 5o qof gurya badana ay ku burbureen.


Machad laga leeyahay Mareykanka oo daraaseeya arrimaha dhul gariirka ayaa tilmaamay in labada dhulgariirka ee isu dhowaa oo shalay galab ka dhacay waqooyi bari dalka Borma oo xuduud la ah dalka Thailand ay awoodiisu dhameyd 7-doba darajo oo Rictor.

labada dhulgariir ayaa la sheegay in uu u dhexeeyay Secon-o, dadka ku dhaqan goobaha uu ka dhacay dhulgariirkaas ayaa la sheegayaa in ay lasoo gudbaanaty cabsi ku aadan in ay sii badato khasaaraha.

Waxaa cabsi soo wajahday dalalka u dhow dalkaas sida Thailand iyo Vitnam waxaa lagu soo waramayaa dadka ku nool xarunta dalka Vitnam in ay u carareen goobaha ay ku yaaliin buuraha dhaadheer iyagoo ka cabsi qaba in uu ku dhufto dhulgariir.

ilaa iyo imika majirto diginiino ku sabsan in dhulgariirku uu isu bedelo Sunami, Khubarada ku taqasusay arimaha dhulgariirka ayaa sheegaya in dhulgariirku uu ka dhacay gudaha dalka oo uu ka fog yahay xeebah


Yuhuuda oo weli duqeynaya Marinka Qaza iyo waziirka gaashaan dhigga Mareykanka oo taageeray.

New York-(BCT)-Ciidamada Isra´el ayaa weli wada duqeynta ay u geysanayaan Marinka Qaza iyagoo shalay galab saddex qantaal ku dhuftay Maringa Qaza, gantaalada ayaa lala beegsanayay kooxda Cizaddiinal Qassaam

BCTHWN)-Ciidamada Isra´el ayaa weli wada duqeynta ay u geysanayaan Marinka Qaza iyagoo shalay galab saddex qantaal ku dhuftay Maringa Qaza, gantaalada ayaa lala beegsanayay kooxda Cizaddiinal Qassaam ee ka dagaalama Waqooyiga Qaza iyo goob kale oo lagu magacaabo Asafiinah oo ay ku sugnaayeen ciidanka Xamaas.

Duqeynta ay isra´iliyiinta fuliyeen ayaa waxaa ku dhintay 3 qof afar kalana wey ku dhawaacmeen, kooxaha muqaawada ee ka dagaalama Falastiina waxey sheegtay dhowr gantaal oo lagu tuuray koonfurta Isra´el gaar ahaan magaalada Ashduud iyo koonfurta Tal-abib.

dhanka kale Waziirka gaashan dhigga Mareekanka Robert Gate oo booqasho ku tagay Isra´el ayaa sheegay in Isra´el ay xaq u leedahay in ay duqeyso marinka Qaza iyadoo ka jawaabeysa gantaallada ay tuurayaan kooxaha muqaawamada ee ka dagaalama Qaza.

Gate ayaa intaaasi ku daray in Iasra´el ay tahay sida dowladaha kale oo ay xaq u leedahay in ay difaacdo nafteeda iyo dalkeeda, wuxuuna carabka ku dhuftay in cadaaladda lahorgeynayo kuwa gantaallada ku tuuraya Isra´el ee diidan nabadda bariga dhexe.

Robert Gate ayaa dhanka kale ugu baaqay dowladda falastiin iyo Isra´el in ay qaadaan tallabooyin lagu xaqiijinayona nabadeynta dhibaatada ka oogan Bariga dhexe iyadoo si wada jir ahna loola dagaalamayo kooxaha nabadda kasoo horjeeda ee ka dagaalamaya Marinka Qaza.

Magaalada Hargaysa Oo Biyo La´aantii Ugu Xumayd Soo Wajahday, Qiimaha Foosta Oo Cirka Galay Iyo Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha Oo Sheegay Inaanu Wax Ka Qaban Karin Biyo La´aanta Hargaysa

Hargaysa (BCT):-Iyadoo wakhtiyadii u dambeeyey ay deegaanada Somaliland iyo Dhulka kale ee Soomaaliduba ay jiraan Abaaro aad u ba´an oo daba dheeraaday ayaa waxay Saamayn xoog


Aamiin Hassan Daacad
Maamulha shabakadan
Hargaysa (BCT):-Iyadoo wakhtiyadii u dambeeyey ay deegaanada Somaliland iyo Dhulka kale ee Soomaaliduba ay jiraan Abaaro aad u ba´an oo daba dheeraaday ayaa waxay Saamayn xoog leh ku yeelatay  Dadka iyo Duunyadaba, isla markaana waxaa adkaata oo cidhiidhi gasha Waxkasta oo qawtal daruuri ah, kuwaasoo inta badan la jaan-qaada hadba xilliga lagu jiro, hase ahaatee marka ay yimaadaan duruufaha noocan oo kale ahi waxa lagu baxsan jiray oo Dad iyo Duunyaba ciirsi la bidi jirey Magaallooyinka waa weyn, kuwaasoo Gurmad iyo taakulayn looga samayn jirey Dadyowga abaaruhu saameeyaan.

Magaalada Hargaysa ee caasimadda Somaliland waxa ka jirta Biyo la´aan baahsan, taasoo dhawrkii sanno ee u dambeeyey marba marka ka dambaysa isa soo taraysay, isla markaana ay soo badanayeen Xaafadaha aan Biyuhu gaadhin ee iyagu Maalinkasta isticmaalla Foosto Biyo ah oo Qiimaheedu heerar kala duwan soo maraayey, iyadoo Wakhti xaadirkan ay Qiimaha foostada biyaha ahi Hargaysa marayso 15 oo Somaliland Shillin ah, waxaana duruuftaasi haysataa Boqolaal qof oo ku Nool daafaha magaalada Hargaysa oo aan awoodi karin Maalintii inay cabbaan Foosto qiimaheedu 15-kun oo Lacagta Somaliland shillinka ah.

Xukuumadda tallada haysa oo iyadu Muddo Sideed bilood ka hor Xilka la wareegtay ayaa sheegtay inay wax ka qabban doonto aya aan ilaa hadda aanay muuqan wax dedaal ah oo ay ugu jirto sidii ay u yarayn lahayn Biyo la´aanta ku sii fidaysa dhammaanba Caasimadda Hargaysa, taasoo ay balan ku qaadeen inay wax ka qaban doonaan Biyo la´aanta ragaadisay magaalada Hargaysa.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo dhawaan ay Su´aallo weydiiyeen Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay in Biyo la´aanta Hargaysa ay tahay mid aan wakhtiyadan si fudud wax looga qaban karayn, waxaanu shaaca ka qaaday inaanay jirin qorshe hadda u diyaara oo wax ay kaga qabanayaan, hase yeeshee waxa uu tilmaamay inay Mustaqbalka dhaw rajaynayaan in Biyo loo hello magaalada Hargaysa.;

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale waxa kale oo uu sheegay inaanay Miisaaniyada sanadkan loo qoon-deeyey Wasaaraddiisu aanu ku filnayn qorshayaashooda ay rajaynayaan sanadkan inay fulliyaan, taasoo uu walaac ka muuiyey, waxaanu daboolka ka qaaday inuu isaga laftiisu (Wasiirka Macdanta iyo Biyaha), ay Gurigiisa u dhaamiso Booyadi, isla markaana uu isticmaallo Biyaha ay booyaduhu iibiyaan, hase yeeshee waxa aanu ka fekerin in Bulshada ku dhaqan Caasimadda Hargaysa ay iska wada bixin karayaan Qiimaha booyada iyo in kale, balse waxa jira Duruufo adag oo haysta dadka ku nool daafaha magaalada, kuwaasoo sixir bararkii qawtal daruuriga ku darsaday sixirka biyaha  ee Kor u kaca weyni ku yimid.

Si kastaba ahaatee Xukuumadda cusub ee dhawaan talada dalka la wareegtay waxa looga fadhiyaa inay la timaado Qorshayaal deg deg ah oo wax lagaga qabanaayo Biyo la´aanta baahsan ee ku habsatay magaalada Hargaysa.

Wednesday, March 23, 2011

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo U Magacaabay Agaasime Cusub Waaxda Farsamada Wasaaradaasi Agaasimihii Horena Xilka Ka Qaaday

Hargeysa (Burcotoday)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maanta agaasime cusub u magacaabay Waaxda farsamada ee wasaaradaasi Mr. Axmed Saleebaan Maxamed, kadib markii uu isla



Wasiirka muu  sababayn xil ka qaadista masuulkaasi oo ah nin khibrad u leh farsamada uu ku shaqeeyo, ahna daacad, dadkuna wada jecel yihiin

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Xaabsade wax fah-faahina kamuu bixin xilka qaadista masuulkan Mr Ibraahin Shiine  kana mid ahaa aasaaseyaashii iyo xubnihii ugu miisaanka weynaa suxufiyiintii ka hawl geli jiray Idaacadii madaxa banaanayd ee Radio Horyaal, sidoo kalena ka mid ahaa aasaasayaashii iyo masuuliyiintii Idaacaddii Radio SNM ee Baligubadle wakhtigii halganka adag loogu jiray xoraynta dalkan Somaliland.

Ilaa imika lama garanayo waxa keenay qaadista Agaasimaha Waxaada Farsamada, Ibraahim Shiine, hasayeeshe sida ay tibaaxayaan warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya inay xilka qaadistiisu ka danbeysay, kadib markii ay isku dhaceen Agaasimaha guud ee wasaaradda Faysal Cali Sheekh.

Inkasta oo Wararka qaar sheegayaan  xilka qaadista Agaasimaha waaxda Farsadamada inay salka ku hayso ka hor intii aan la bedelin Wasiirkii hore ee Warfaafinta Cabdilaahi Geel-jire  inay isku dhaceen Agaasimaha Farsamada Ibraahim, kadib markii ay isku qabteen mishiino duug ah oo uu Wasiirkaasi soo iibiyey, kadibna Agaasimaha Farsamadu uu wasiirku ku wargeliyey inaanay anfacayn mishiinada noocan ah ee uu soo iibiyey, laakin uu Wasiirku keeno agabkii lagu dayactiri lahaa.

Xilka qaadistan degdega ahayd ee uu Wasiirka Warfaafintu xilka kaga qaaday agaasimaha waaxda Farsamada Ibraahim Shiine ayaa waxa si weyn uga xumaaday Shaqaalaha iyo wariyayaasha ka hawlgala Idaacada iyo telefiishanka qaranka, kuwaas oo welwel weyn ka muujiyey xilka qaadistaasi.

Mid ka mid ah Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigelinta oo ka hadlayey saida uu arko xilka qaadista Masuulkani, waxaanu yidhi “Waanu ka xunahay xilka qaadistan degdega ah ee wasiirkan loo soo magacaabay wasaaradayadu uu ku eryay agaasimihii farsamada ee khibrada u lahaa farsamada warbaahinta, waana arrin aanu aad uga xunahay waaayo waxaanu filanaynay maaha, sababta oo ah aqoonta uu ninkani u leeyahay shaqada uu hayay iyo sida fudud ee uu wasiirkani isaga eryay.”

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade
Hargeysa (HWN)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maanta agaasime cusub u magacaabay Waaxda farsamada ee wasaaradaasi Mr. Axmed Saleebaan  Maxamed, kadib markii uu isla maanta xilkii ka qaaday Agaasimihii hore Waaxda Farsamada Ibraahim Axmed Maxamed (Ibraahim Shiine).

Tuesday, March 15, 2011

Maydadka Laba Kun Oo Qof Oo Maanta La Helay Iyo Qarax Kale Oo Ka Dhacay Dab Dhaliye Ku Yaala Warshad Nukliyeeka Ee Japan

Wakaaladaha Wararka-(Burcotoday)- Wararka ka imanaya dalka Japan ayaa sheegaya in qarax kale uu ka kacay

 Wakaaladaha Wararka-(burcotoday)- Wararka ka imanaya dalka Japan ayaa sheegaya in qarax kale uu ka kacay dab dhaliyaha saddexaad ee ku yaala xarun Warshad Nukliyeer ah oo waxyeelo ka soo gaadhay dhulgariirkii ka dhacay dalka Japan.

Qaraxan ayaa sababay in uu dab ka kaco iyada oo uuro iyo qiiq aad u badani ay cirka isku shareereen, waxaana goobtaa ku xidhmay dayaan iyo daruuro ceeryaan ah.
Xoghayaha golaha Wasiirada ee dalka Japan ayaa ka dhawaajiyay in aanay khatar badan lahayn halista ka iman karta qaraxa shucaaca ka soo burqanaya walxaha hydrogen-ta ah ee ku yaala
War ay maanta faafisay Wakaalada wararka ee dalka Japan ayaa daboolka ka qaaday in ciidamadda samata bixintu ay maanta ka heleen goobo ku yaala dhinaca Waqooyi bari ee dalkaas, waxaanu warku intaa ku daray in Kun qof oo maydadkaa ka mid ah laga helay deegaanka lagu magacaabo Ojika peninsula, halka Kun qof oo kalena mayadadkooda laga helay deegaano ku yaala oo ay waxyeelo badani ka soo gaadhay mawjadihii sunaamida ahaa ee ka dhacay dalka Japan.
Waxa lagu soo waramayaa in ay weli go”doonsan yihiin magaalooyin aad u tiro badani, taas oo meesha ka saartay gebi ahaanba gargaarkii  degdeg ahaa ee samato bixinta ahaa ahaa ee goobahaa la gaadhsiin lahaa.
Geesta kale, Shirkada gacanta ku haysa maamulka sare ee Warshadan Nukliyeerka ah ee Tokyo Electric Power ayaa ku dooday in qaraxu aanu wax khasaare ah soo gaadhsiin konteenarka dab-dhaliyaha, waxay ka dhawaajiyeen waa sida ay hadalka u dhigeene in Seddex ay ku dhaawcmeen, Todoba qof oo kelana weli la la”yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.
 balsewaxaase goor dhow ay sheegeen in sadex qof ay dhaawacmeen iyadoo ilaa 7 qofna ay maqan yihiin, sidoo kale dadkii deganaa agagaarka warshadan ayaa lagu amray in ay aad u taxadiraan oo aanay guryahooda ka soo bixin.
Si kastaba aha ahatee, tirada dadka ku dhintay masiibadan ayaa kor u dhaaftay dad gaadhaya ilaa Laba iyo Toban Kun oo qof, welina waxa socda dadaalada hawlaha gurmadka degdeg ah ee samoto bixinta.

Monday, March 14, 2011

Dawladda Kenya Oo Shaaca Ka Qaaday Cabsi Ay Ka Qabto Suurtta Galnimada Weeraro Is Qarxin Ah Oo Xarakada Al-Shabaab Ay Ka Fuliso Gudaha Dalka Kenya

Kampala- (Burcotoday) –Dawlada dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay ka baqdin qabto weeraro is miidaamin ah oo
Kampala- (HWN) Dawlada dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay ka baqdin qabto weeraro is miidaamin ah oo qaraxyo ah in Xarakada Al- Shabaab ay ka fuliso meelo ka midb ah gudaha dalka Kenya, gaar ahaan caasimada dalkaa ee Nairobi, sidaana waxa daboolka ka qaaday afhayeen maanta u hadlay xukuumada Kenya oo lagu magacaabo Bogita Ongeri.
Af hayeenku waxa uu si weyn uga dayriyay cabsida dalkiisa kala soo kala gudboonaatay dagaalada ka socda xadka uu dalka Kenya la wadaago dalka Soomaliya, waxaanu tibaaxay in ay halkaa geeyeen ciidamo tiro badan oo aad u hubaysan si ay u baajiyaan halisaha jira, isagoo xusay in ay ka warqabaan hanjabaadihii is daba jooga ahaa ee dalkiisa uga imanayay dhinaca Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku sheegayeen in ay weeraro la beegsanayaan gudaha dalka Kenya.
Masuulkan u hadlay Dawladda Kenya waxa uu ku dooday in uu dalkiisu ka foojigan yahay qaraxyada noocan ah, isaga oo ka dhawaajiyay in heegan culus la galiyay ciidamada amaanka ee dalka Kenya.
Hadalkan ka soo baxay xukuumada dalka Kenya ayaa daba socda digniino hanjabaado ahaa oo uu Urrurka Al Shabaab wacad ku maray in ay weeraro la beegsan doonaan dalal dhawr ah oo ku yaala Mandaqada oo ay Kenya ay ka mid tahay.

Xarumaha Hubka Nugliyeerka ee wadanka Japan oo cabsi xoogan ay kajirto

Jaban (Burcotoday) Waxaa sii kordhaya dhibaatooyinka kusoo aadan xarunta fokoshiima ee nuc-lairka ee ku taala waqooyi bari ee dalka jaban kadib markii uu dhacay dhulariirkii baaxada weynaa ee sonami oo geystay

Jaban (Burcotoday) Waxaa sii kordhaya dhibaatooyinka kusoo aadan xarunta fokoshiima ee nuc-lairka ee ku taala waqooyi bari ee dalka jaban kadib markii uu dhacay dhulariirkii baaxada weynaa ee sonami oo geystay dhibatooyin ad u baahsan iyadoo dadka dhintay iyo kuwa la weysanyahay ay gaarayaan 1800  oo qof.

Shirkadda ku howlan xarunta saddexad ee sameynta Nuclierka ayaa sheegtay in uu kordhay heer kulka gudaha xarunta kadib markii uu halaaway qaboojiyihii deg dega ahaa, taasoo lamid ah midii horey ugu dhacday xaruntii 1aad ee qaraxday oo 270 Km waqooyi ka xigta caasimadda dalka Japan ee Tokyo.

Waxaa aad looga deyrinayaa dhibaatada  ku soo beegmeysa xarumaha hubka  Nuclier-ka iyadoo khsaarooyin farabadan ay jiraan taasoo cabsi galisay shacabka dalka Japan.

Police-ka dalkaas ayaa sheegay in hal xaafad oo kaliya ay ka heleen meydad gaaraya ilaa 300 oo qof.

Sunami-yada ku dhufatay dalka Japan ayaa waxey gaartay dalal badan oo kamid ah Mareekanka iyo Asia iyadoo ay sii badaneyso dalalka looga cabsi qabo in ay ku dhufato Sunami

SAwir Qaade ka tirsana Al-jazeera oo lagu dilay dalka Liibya

Chanel-ka Aljazeera ayaa waxey shaacisay in lagu dilay meel u dhow magaalada Banqazi mid kamid ah shaqaalaheeda oo lagu magacaabayay Cali Xasan Al-Jabir oo ahaa filim qaade aad looga qadariyo Saxaafada isagoo dhashay 1955-tii

Chanel-ka Aljazeera ayaa waxey shaacisay in lagu dilay meel u dhow magaalada Banqazi mid kamid ah shaqaalaheeda oo lagu magacaabayay Cali Xasan Al-Jabir oo ahaa filim qaade aad looga qadariyo Saxaafada isagoo dhashay 1955-tii.


Al-jabir oo ahaa sawir qaade ayaa u dhashay dalka Qadar waana qofkii ugu horeeyay oo katirsan chanelka Aljazeera oo ku geeriyooda dibad baxyada kasocda liibiya ee bilowday bartimihii bishii February.

Wariyaha Chanelka Al-Jazeera ugu soo warama Banqazi ayaa sheegay in Aljabir ay ku dhacday 3 xabad  dhaawaca dardiina uu u geeriyooday, Naasir Alhadar oo kamid ah wariyayaasha Aljazeera ayaa sidoo kale ku dhaawacmay rasaastaas.

Madaxa guud ee Chanel-ka Aljazeera Wadaax Khanfar ayaa cadeeyay in aysan ka aamus doonin dhacdadan islamarkaana ay maxkamad la tagi doonaan cid kasta oo ka dambeesay arinkaasi.

Weli dalka liibiya waxaa ka socda dagaalada iyo duqeynta ay isaga soo horjeedaan fallaagada iyo xukuumadda liibiya, Ciidamada daacadda u ah hoggaamiyaha dalka Liibiya ayaa qabsaday magaalooyin badan oo ay kamid tahay Ra´s Lanof, Zaawiyah iyo Binjad sidoo kale waxey weli wadaan dagaalo ay doonayaan in ay gacantooda markale kusoo celiyaan  gebi ahaanba  dalka liibiya

Hoggaamiyaha dalka liibiya ayaa u muuqda mid ka dhabeeyay hadal uu horey ugu jeediyay Tv-ga qaranka ee dalkiisa isagoo carabaabay in uu dagaalami doono inta ay meesha kabaxayaan waxa uu ugu yeeray argagixiso dooneysa in ay carqaladeeyaan degenaashaha iyo amniga dalka liibiya, ciidamada qadafi ayaana u muuqda kuwa ka awood roon fallaagada oo aan awood u laheyn sida bilowgii dibadbaxa inkatoo ay weli ka taliyaan qeybo kamid ah bariga libiya gaar ahaan magaalada Banqazi. 

Saturday, March 12, 2011

Faah Faahinta kulanka Caawa ee Darbiga ah Waa Man Utd vs Arsenal iyo Qodobo kale oo Muhiim ah

Waxaa kadhici doona garoonka Old Trafford caawa kulan adag oo dhex mari doona kooxda iska leh garoonkaas ee Man United iyo kooxda reer London Arsenal

Waxaa kadhici doona garoonka Old Trafford caawa  kulan adag oo dhex mari doona kooxda iska leh garoonkaas ee Man United  iyo kooxda reer London Arsenal

Kulaan oo katirsan koobka ugu da,da weyn wadanka ingriiska ee FA Cup-ka ayaa waxaa laga daawan doona Geeska Afrika saacadu Markey tahay 8:15.
Xusuusta labadaan kooxood
Kulankaan waxaa uu dhex marayaa indhaha koobka FA up-ka maxaa yeelay waa labada naadi ee ugu badan hanashada koobkan

Kooxahan Man United waxaa ay isku cel celkis ahaan qaadeen koobkan 21 jeer United ayaa hanatay koobkan 11 mar halka Arsenal ay qaaday 10 jeer

Labadan koox waxaa kadhaxeysa cadow tooy weyn waaana labada koox ee ugu xafiiltanka badan wadanka ingriiska

Waxaa xusid mudan in Gunners-ka dhowaan lagu hor qaatay koobka Carling Cup-ka waxaana sidoo kale laga soo cirib tiray koobka horyaalada yurub waxaana lafilayaa in ay caawa ciyaarto banooni adag si ay ugu yaraan sanadkaan 1 koob uqaaado.

Labadan nadi waxaa ugu danbeysay koobkan oo ay qaadaan 2004 iyo 2005 waxaana xusid mudan in Arsenal ay koobkan 2005-tii rigoorayaal kaga qaaday Man United

Labadaan koox waxey kukulmeen  koobka FA Cup  13 jeer waxaa  6 kamida adkaatay United halka  5 kulana ay badisay Arsenal  2 kulana bar bar dhac ayey galeen

Guud ahaan waxey kooxahani kulmeen  dhamaan tartamada  211 kulan   87 kamida waxaa adkaatay kooxda caawa martida loo yahay ee Man United 78 jeerna waxaa badisay Arsenal halka 46  kulana ay bar bar dhac galeen

Warbixinta kulanka Caawa
Naadiga Man United ayaa caawa wayn doonta xidigeeda Reer Portugal Nani kas oo dhaawac uu kazoo gaaray kulankii Liverpool iyo Man United laakin waxaa kooxda dib ugu soo laabtay kabtan  Nemanja Vidic oo ganaax kumaqnaa

Xidigaha Rio Ferdinand iyo  Park Ji-sung ayaa iyana seegi doona kulankaan waxaana sidoo kale wli rajadiisu yartahay in uu ciyaaro ninka garabka ah ee Antonio Valencia

Kabtanka da,dayar ee kooxda Arsenal Cesc Fabregas ayaa markale waxaa uu kamaqnaan doonaa kooxdiisa  kadib markii uu dhaawac kazoo gaaray kulankii ay kooxdiisu laciyaartay kooxda Barcelona .

Robin van Persie  ayaa markale hogaamin doona kooxda Arsenal waxaana sidoo kale kooxda kamaqan oo aan ciyari doonin kulan xidigo ay kamid yihin Wojciech Szczesny, Theo Walcott, Alex Song iyo  Thomas Vermaelen oo dhamaantood dhaawac qaba


Kooxda Arsenal oo kulankii ugu danbeysay oo ay kooxda United wada ciyaareen lagu maray 1-0 13-kii December ee sanbadkii tagay ayaa doonaysa in ay boorka iska jafto caawa


Waxaa sidoo kale xusid mudan in kulankii ugu danbeeyay oo ay labadaan koox kukulmaan koobkan FA Cup-ka lagu raaxeeystay Arsenal markaasoo looga badiyay 4-0

Kulanka caawa waxaa dhex dhexaadin doona garsooeraha caanka ah ee Chris Foy oo laga soo doorto gobolka Merseyside-ka waxaana caawin doona ama calan wadayaal unoqon doona Adam Watts iyo John Flynn garsooraha keydkuna waa Mark Halsey

Zlatan Ibrahimovic oo Murugo iyo foolxumo kutilmaamay in ay Tottenham Reebto Milan
Weerarahanka kooxda AC Milan iyo xulka Sweden Zlatan Ibrahimovic ayaa wax murugo leh kutilmaamay guul daradii kooxiisa kazoo gaartay koobka horyaalada yurub habeenkii arbacada.


Isagoo lahadlaya warbaahinta wadanka Talyaaniga Ibra waxaa uu sheegay in  aaney Tottenham uqalmin in ay soo reebto kooxda facaweyn ee AC Milan waxaana uu taageerayaasha kooxda Milan karaali galiyay kazoo haritaankii koobka horyaalada yurub.


 Zlatan Ibrahimovic oo warbaahiunta talyaanigu ay ugu yeereen Flop-kii kulankii Tottenmham iyo Milan ayaa sheegay in uusan isagu masuul ka aheyn guuldaradii  soo gaartay kooxiisa

“Waan dadaalay waxaan sameeyay waxii aan awooday waaan ogahay in uu Pato siwanaagsan uciyaaray laakin xaqiiqdii isma dhahayo adiga ayey ku eersatay Milan ayuu yiri Ibra.



Leonardo  oo sheegay in Inter ay leedahay Awood ay kuqaado Horyaalka Talyaaniga

Macalinka kooxda Inter Milan Leonardo  ayaa kadhawaajiyay in kooxdiisu ay soo kabsatay waxaana uu qiray in lagaaray waqtgiii guusha ee kooxdiisa Inter Milan

Isagoo hadlayay kahor inta aaney kooxdiisu wajihin Brescia ayuu macalinka Inter sheegay in ay muuqato fursad ay kooxdiisu kuqaadi karto horyaalka wadnka Talyaaniga

Waxaa uu hoosta kaaxariiqay in loolanka horyaalka uu udhaxeeyo mataanaha Milan waxaana uu sheegay in marka ay labadaan koox kulmaan la ogaan doono cida kuguuleysan karta horyaalka Talyaaniga.

Mar uu kahadlay guusha iyo rajada ay kaqabto koobka horyaalada yurub kooxda Inter waxaa uu sheegtay in ay hami fiican kaqabaan in ay soo dhaafaan kooxda Reer Jarmal ee Bayer Munich.
 

Garsooraha labaad ee ugu wanaagsan wadanka Ingriiska Graham oo sheegay in ay sharci daro aheyd wixii lagu sameeyay Van Persie.
Garsooraha labaad ee ugu fiican wadanka ingriiska ee Graham Poll ayaa sheegay in wax lalayaab ay aheyd wixii uu Camp Nou kasameeyay garsooraha reer Switzerland


Garsoorahaan caalamiga ah ayaa sheegay in garsoore Massimo Busacca looga baahnaa in uu kafakaro waxa uu sameeynayo intii aanu kasaarin ciyaarta weeraryahanka kooxda Arsenal Van Persie.

“Waxii dhacay habeenkii talaadada waxaa ay kutusineysa in mar marka qaar ay garsooerayaashu kuciyaaraan ciyaaraha runtii ma,ahan wax xitaa saxda udhow wixii uuu sameeyay Busacca waxaana aheyd wax kayaabiyay dhamaan garsoorayaasha aduunka ayuu yiri garsoore Graham Poll

Garssoraha kudhashay magaalada Bellinzona, ee wadanka Switzerland Massimo Busacca oo 42 jir ah ayaa lagu dhaleecceeyay in uu si aan wanaasaneyn ula dhaqmay kooxda Arsenal habeenkii Talaadada.
 


Xiriirka France oo Ganaaxay Madaxweynaha koox Dalab udirsatay Messi waa maxay sababtu?
Xirrirka kubada cagta ee France ayaa ganaaxay mid kamida madaxweynayaasha kooxaha ciyaara horyaalka heerka labaad ee France kadib markii uu dalab udirsaday weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi.


Cedric Enjolras oo ah madxweynaha kooxda FC Borne,oo ciyaarta horyaalka heerka labad ee France ayaa laganaaxay 6 bilood kadib markii uu dalbaday laacibka aduunka iyo kooxda Barcelona Lionel Messi.

Madxweynaha kooxdaan ayaa sida uu qabo sharciga heerka labad ee france waxaa uu ugud biyay xiriirka wadanka France qoraal dhameystiran oo ay kooxdiisu kaua soo saxiixneyso Messi si ay ugu gudbiyaan kooxda Barcelona laakin waxaa lagu abaal mariyay ganaax

Sargaal uhadlay xiriirka Frace ee loo soo gaabiyo FFF ayaa sheegay in  ay aad uga caroodeen in kooxdaasi kadhisan tuulada  Haute-Loire oo leh garoon qada 400 oo qof ay dalab udirto laacibka aduunka oo asbuucii garoonka Camp Nou kaqaata £180,000 oo bound



Massimo Busacca.




Tuesday, March 8, 2011

Wararkii ugu Danbeeyey Magaaladda Laas-caanod iyo Dilal ka dhacay.

PDF Print E-mail
Monday, 07 March 2011
Laas-caanod-(burcotoday)-  Masuuliyiinta Booliska ee gobolka Sool ayaa Cadeeyey in Caawa Taliyihii Ciidanka S
irdoonka gobolkaasi Mr: Muxamuud maxmed Xirsi(Asad) Toogasho lagu Dilay Gudaha magaaladda Laas-caanood, isla markaana Dhaawacna loo gaystay ku Xigeenkiisi Carab Qawdhan Warsame.

Falkan ayaa la sheegay in koox dablay ahi Fuliyeen, kuwaasoo  oo aan ilaa hadda la Aqoonsanayn.

Sida Masuuliyiinta booliska gobolkaasi sheegeen waxa kale falkaasi ku dhaawamay qof Haweenay ah oo maraysay gobotaasi Falku ka dhacay.

Arrimaha ayaa ku soo beegmaaya Wakhti ay magaaladda Laas-caanood ay ku sugan yihiin Wafti balaadhan  oo ka socda Xukuumadda Soomaaliland.

Sidoo kale dagaaladda manta ka dhacay degaanka Ganbadha, ayaa la sheegay inay in khasaare Weyn loo gaystay Kooxdi ka soo jeeday Maamulka Puntland, isla markaana dib loogu celiyey goobihi ay weerarka ka soo qaadeen, Xaaladda degaankaasina hadda degan tahay iyadoo Maxaabis iyo Gaadidba laga hayo Ciidamada Weerarka soo qaaday
Wararkii ugu Danbeeyey Magaaladda Laas-caanod iyo Dilal ka dhacay. PDF Print E-mail
Monday, 07 March 2011
Laas-caanod-(Togdheernews)-  Masuuliyiinta Booliska ee gobolka Sool ayaa Cadeeyey in Caawa Taliyihii Ciidanka S
irdoonka gobolkaasi Mr: Muxamuud maxmed Xirsi(Asad) Toogasho lagu Dilay Gudaha magaaladda Laas-caanood, isla markaana Dhaawacna loo gaystay ku Xigeenkiisi Carab Qawdhan Warsame.

Falkan ayaa la sheegay in koox dablay ahi Fuliyeen, kuwaasoo  oo aan ilaa hadda la Aqoonsanayn.

Sida Masuuliyiinta booliska gobolkaasi sheegeen waxa kale falkaasi ku dhaawamay qof Haweenay ah oo maraysay gobotaasi Falku ka dhacay.

Arrimaha ayaa ku soo beegmaaya Wakhti ay magaaladda Laas-caanood ay ku sugan yihiin Wafti balaadhan  oo ka socda Xukuumadda Soomaaliland.

Sidoo kale dagaaladda manta ka dhacay degaanka Ganbadha, ayaa la sheegay inay in khasaare Weyn loo gaystay Kooxdi ka soo jeeday Maamulka Puntland, isla markaana dib loogu celiyey goobihi ay weerarka ka soo qaadeen, Xaaladda degaankaasina hadda degan tahay iyadoo Maxaabis iyo Gaadidba laga hayo Ciidamada Weerarka soo qaaday

War Deg Deg Ah Dawladda Ingiriiska Oo Ka Fiirsanaysa Inay Ku Darto Liiska Argagixisada Adduunka Kooxda SSC, Warbixin Ay Soo Saaray Wasaaradda Arrimaha Guduhu.

London-BURCOTODAY) Dawladda Ingiriiska ayaa qarka u saraan inay u aqoonsaro koox argagixisada caalamka kamid ah, ururka nabadiidka ah ee SSC, xog ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha ee Home Office loyaqaan ayaa lagu sheegay in xubno kamid ah ururkani ay maganyihiin weraro

(London-Burcotoday) Dawladda Ingiriiska ayaa qarka u saraan inay u aqoonsato koox argagixisada caalamka kamid ah, ururka nabadiidka ah ee SSC, xog ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha ee Home Office loyaqaan ayaa lagu sheegay in  xubno kamid ah ururkani ay maganyihiin weraro ismidaamin ah oo lagu soo qaado dawladda ingiriiska. Xogaha ku saabsan weerar ay kooxdani la damacsantahay waddanka Ingiriiska ayay ka warheshay dawladda Britain
Sidoo kale dawladda Ingiriisku waxay si taxadir leh ula socota arrimaha nabad gelyo darro ee kooxdani ka wado gobolka geeska Afrika, gaar ahaan degaanada hawdka oo xad laleh waddanka Itoobiya, Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay arrimaha kooxdan kala xidhiidhi doonto dawladda Itoobiya, sidoo kale ay tageero ballaadhan la garab istaagi doonto Somaliland oo ay kooxdani dhawr jeer soo werareen. Warxibintan ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Ingiriisku, waxaa lagu cadeeyay in ay dawladda Britain ka fiirsan doonto  sidii liiska argagixisada caalamka  loogu darilaha kooxdan SSC, tasoo mabnuuci doonta inuu ku noolado waddanka Uk qof si  toosa u sheegta kooxdaas, isla markaana danbi uu mudan doono shakhsigii dhaqaale uga gura waddanka Britain koxdaas. 

Xogtan iyo walaacan dawladda Ingiriisku ka bixisay kooxdan SSC, ayaa ku soo beegmay wakhti calanka Ingiriiska lagu gubay magaalada Buhoodle isla markaana hanjabaado loogu jeediyay waddanka Britain. Waxayna arrintani xoogaynaysaa dawladda Somaliland oo dhawr jeer ka dhawaajisay in kooxda SSC ay xidhiidh la leedahay kooxaha Argagixisa caalamka, ku waas oo taakulada iyo saanada ciidanba ka tageera kooxdan SSC,  waddanka Ingiriiskuna wuxuu noqonayaa waddankii kobaad ee kamid ah waddamadda adduunka oo ilgaara ku haya kooxdan.

Tuesday, March 1, 2011

Madaxweynaha Somaliland Oo Dhamaal Tacsi Ah U Diray Eheladii, Qoyskii iyo Guud Ahaan Shacabka Reer Somaliland Ee Uu Ka Baxay Marxuum Maxamed Cabdi Dhoore

 Hrgeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ayaa dhambaal tacsi ah u diray Eheladii, Qoyskii,Qaraabadii,Mudanayaasha Golaha Guurtida iyo Guud ahaan Shacabka reer Somaliland,isaga oo ka tacsiyadeynaya Geeridii naxdinta lahayd


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ayaa dhambaal tacsi ah u diray Eheladii, Qoyskii, Qaraabadii, Mudanayaasha Golaha Guurtida iyo Guud ahaan Shacabka reer Somaliland, isaga oo ka tacsiyadeynaya Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Maxamed Cabdi Dhoore oo ahaa xubin sharafeed ka tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland
 

Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir [Cukuse] oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Hadhwanaagnews ee Magaalada Hargeysa
Waxaanu u dhigna Warsaxafadeedkii isaga oo dhameystiran sidan:

“Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) waxa uu Tacsi u dirayaa Eheladii, Qarabadii, Asxaabtii, Golaha Guurtida iyo Dhamaan Shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay MARXUUN MAXAMED CABDI DHOORE oo maanta lagu aasay Magaalada Hargeisa.

Marxuumka oo ka mid ahaa Golaha Guurtida JSL waxa uu Madaxweynuhu ILAAHAY uga baryey inuu Naxariistii  Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Golihi Guurtida  iyo Shacabkana uu Samir iyo Iimaan ka siiyo.”

Alle ha u naxariiste Marxuum Maxamed Cabdi Dhoore oo ahaa Xubin Sharafeed Golaha Guurtida Somaliland, muddo dheer ka tirsana Golaha Guurtida Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo]

Madaxweyne Siilaanyo Oo Qasrigiisa Ku Qaabilay Wefti Maal-gashadayaal ah Oo Ka Kooban Todoba Xubnood

War-saxaafadeed uu ka saxiixanyahay Afhayeenka Madaxtooyada Mr Cukuse, oo Kulankaasi lagu faahfaahiyey ayaa goor dhawayd soo gaadhay xafiiska warqabadka Hadhawnaag Media, waxaanu u qornaa sidan:

War-Saxaafadeed

Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) ayaa Qasriga madaxtoooyada maanta ku qaabilay Wefti 7 xubnood ka kooban oo Maal-gashadayaal ah kana socda Dalka Maleysiya.

Madaxweynuhu waxa uu Xubnaha Weftiga uga Waramay Siyaasada Xukuumada Somaliland ee la Xidhiidha Maalgashiga Dalka, waxaanu Madaxweynuhu si faah-faahsan u cadeeyey inay Dawlada Somaliland Gacmo furan ku soo dhawaynayso Cidkasta oo maalgashi ku samaynaysa qaybaha kala duwan ee khayraadka Dalka. Sida:-

Beeraha, Kalluumaysiga, Bada, Ganacsiga, Macdanta, Shidaalka iyo IWM.
 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay Shuruucda Maalgashiga iyo Nabada taala  Dalku u fududdaynayso una suurta gelinayso, cidii Danaynaysa in ay maalgashato Somaliland.

Xubnaha weftiga ayaa iyaguna sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin kulanka madaxweynaha iyo sida loogu soo dhaweeyey Dalka, waxaanay sheegeen in ay Nabadgelyada Somaliland iyo Khayraadka Dihin ee yaallaaba ku dhiiri gelinayaan maalgashiga dalka ee ay u yimaaeen.

Dhinaca Xukuumada waxa madaxweynaha ku wehelinaayey ,Madaxweyne ku xigeenka JSL &  Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada JSL.

Dhinaca Weftiguna waxay kala ahaayeen Sidan :-

1.        Dato Ir. Aziz bin Mustafa                        Director of JPZ & Advicer
2.       Shamsul Anuar bin Shasudin     Director, Cosign Sdn bhn
3.      Nik Arshad bin Nik Mohamed     Director, Kumpulan Senireka
4.     Nik Azlan bin Nik Mohamed        Director, Kumpulan Senireka
5.      Idris bin Mohamed Noh              Director, Arab Saudi
6.      Rosli bin Abu Bakar                              Broadcast
7.       Hassan bin Samian                                Regional Manager, Propel Abu Dhabi, UEM




 





ALLAA                         MAHAD                             LEH


Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )
    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.