Wednesday, September 29, 2010

Beesha H/Yoonis Ceerigaabo Oo Baaq & Canbaarayn U Jeediyey Xukuumadda.

Ceerigaabo(burcotoday)- Kulan Ballaadhan Saxaafaddana u furan oo Madax-dhaqameedyada  Guutida  Waxgaradka  iyo Dhallinyarada Beesha H/Yoonis-bari ku qabteen fagaaraha beerta xorriyadda ee magaalada Ceerigaabo ayaa halkaas waxa xukuumadda Somaliland ay uga soo jeediyeen canbaarayn kuu waajahan guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland C/raxmaan Ducaale oo xukuumaddu xayiraad dhaqdhaqaaq kusoo rogtey iyo xubno madaxdii xukuumaddii hore ka tirsanaa oo la sheegay iyagana in xukuumaddu baadi goob noocan oo kale ah la daba joogto, iyadoo sidoo kalena halkaas xukuumadda uga soo jeediyey dhalliilo dhinaca maammulka iyo baaq ku waajahan in 24-ka saacadood ee innaku soo fool leh xukuumaddu xayiraadda kaga qaaddo guddoomiyahan hore (C/raxmaan Ducaale) sidoo kalena ka waantowdo sida ay sheegeen Aargoosiga xukuumaddu xilligan kula kacayso xubnaha madaxda ka ahaa xukuumaddii hore ee lagaga guulaystey doorashadii Somaliland ka dhacday.
 
“Arrintan maanta kicisay beesha H/Yoonis-bari ee ah xayiraadda guddoomiyihii hore ee Baanka (C/raxmaan Ducaale) iyo baadi-goobka loogu jiro xubnaha kaleba waa mid ay qaadan waayeen oo sii xoojisey shakiyo iyo dareenno hore oo arrimahaas ka jirey”. Sidaas waxa yidhi guddoomiyaha H/Yoonis-bari Faarax Cali Jaamac oo ugu horrayn halkaas ka hadlay.
Chief-Caaqil-Xuseen Xasan Cali oo isaguna fagaarahan ka hadlay ayaa yidhi “Dadkan waxa soo gaadhey guddoomiyihii hore ee baanka oo xilkii laga qaaday haddana xayiraad iyo dabagal lagu sameeyey. Arrintaas waxannu leenahay xukuumadda cusubi waa ku qaldan tahay,  waxannuna filayney markii ay dalka qabsadeen isbeddelkii ay ku baaqi jireen in uu noqonayo wax ay dawladdii hore dheer yihiin laakiin toosh laysla daba galo iyo hadba kan qabo meesha lagama filayn”. “Madaxweynaha waxannu leenahay wasiirradaada jabhadaynaya haddii aanad la ogayn dadka ka qabo waayo jabhadayn Ina Cigaal baa soo afjaray Rayaalena waddadiisii ayuu marayey  Somalilanfd-na waxad kula wareegety dal dhisan dhinac kastaba oo xasiilloon oo ictiraaf keli ahi ka dhiman yahay  madaxweynihii horena uu si sharaf ah kuugu wareejiyey imminkana xaaladdii amnigu waa kasii daraysaa waxayna arrintu maraysaa hebelow kursi soo eego oo ila ciidammadii ku siman markaa Somaliland haddii aanad meel kale ku wadin halkii ay maraysey ha laga sii wado”.
“Madaxweynaha waxannu ugu baaqaynaa in C/rxmaan Ducaale si deg deg ah xorriyaddiisa loo soo celiyo oo afduubka jabhadeed ee lagu haysto laga sii daayo. Haddii ilaa beerito aan xorriyaddiisii loo soo celin wixii dhibaato arrintaas ka dhasha idinkaa mas’uul ka ah”.
 
Chief-Caaqil-Saalax Maxamed Xirsi oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Arrintani waa mid argagax leh una muuqata sidii inqilab millateri dalka lagu kala qabsaday waayo nin xilkii laga tirsaday in xadhig loogu daro suurtagal ma aha”. “Madaxweynaha waxannu leenahay nin ciil qaba ama Muqdisho ku socd dalka yaan laga tala gelin, dawladdii iyo dalkii dhisnaana farahaaga yaanay ku burburin. Ninkaas inqilabka lagu qabsadayna xorriyaddiisa degdeg ha loogu soo celiyo”.
Xildhinaab-Dinnad ayaa hadallo dhinacyo badan taabanayey oo uu halkaas ka yidhi waxa ka mid ahaa
“Madaxweyne-Siilaanyo xukuumadda iyo nidaamka uu la wareegey waa kii uu wasiirrada (Qorshaynta iyo Maaliyadda) kazoo ahaan jireyixtiraam iyo hab dawladnimona wa jiraan markaa haddii waxyaabaha uu sheegayaa jiraan waa wax ilaa xilligiisii soo jiitamayey oo uu ogyahay”.
“C/raxmaan Ducaale isagaa dawladda lafdhabar ka ahaa, ninka baanka joogaana haddii aanu la shaqaynayn oo dadka  hay’adaha  dawladaha iyo hadba meel aanu xukuumadda amah uga soo qaaday madaxweynuhuna koob ma caanayn karayo, waayo xukuumaddu dhaqaale ma haysee waxay wax ku waddaa waa cashuurta yar iyo amaah baankuna taasuun buu wax ku wadaa. Siilaanyona isagoo madaxweyne ah manta $ 7,000,000. Doollar ayuu dad ka amaahday oo mushahaarooyinka iyo deyn ku bixiyey . Markaa haddii Siilaanyo xeer ka dhigo ninka baanka joogaa wixii uu soo qaado iyo wixii uu qabto waa loo xidhayaa isaga ayaa ku xigi doona. Haddii aad kaas karaamada ka qaadoona adiguna karaamo yeelan maysid”.
Isagoo ka hadlaya baadhista la sheegay hanti-dhawrka guud in uu la daba joogo guddoomiyihii hore ee baanka (C/raxmaan Ducaale) wuxu yidhi “Odhitku baanka ma baadhi karo waayo baanku waa laan madax bannaan oo sida ganacsatada iyo hay’adaha kale akkoonnadu ugaga furan yihiin ayaa xukuumaddana akkoonkeedu uga furan yahay waxayna baananku leeyihiin odhit u gaar ah haddii ay meesha soo gasho odhit-ka in uu baadhayo baankana waxay keeni kartaa kala shaki iyo in dadkii kalena lacagahoodii kala baxaan baankaas, markaa taasi sharci ma aha”.
Isagoo ka hadlaya xubno madax sare ka ahaa xukuumaddii Rayaale oo la sheegay in iyagana lagu raad joogo wuxu yidhi “Wasiirrada iyo madaxda kale ee la leeyahay waa la daba jooga nidaam sharci ma aha laakiin waa aargoosi waxayna qayb ka tahay hadalladii qolada Kulmiye odhan jireen aakhiraannu idiin diri doonnaa “.
“Qolada aannu ilma’adeerka nahay waxan leeyahay ama madaxweyne samaysta ama raysal-wasaare annaga C/raxmaan Ducaale wuxu nooga dhigan yahay Siiilaanyo”. Sidaas waxa yidhi Nabaddoon-Cismaan Faarax Xaammud.
“Horaa nalooku sheegay maagga laakiin maantuu noo muuqatay umna dul qaadan doonno arrimaha lagu kacayo iyo aargoosi, waxannuna leenahay dalka ke daaya yaanu maammul-goboleedyo u kala go’ine, wad gtihiin imminka afarta jaho afduub in uu ka dhacay iyo xataa ciidammadii oo odayal ka talinayaan oo warbaahinta ka hadlayaan, waana arrimo ugub ku ah Somaliland”. Sidaas waxa yidhi Siciid Cilmi Hoorri.
“Dalka xilligan khalkhal nabadgelyo ayaa ka jira dadkuna waa dadkii dalkuna waa dalkii markaa xukuumadda cusub waxannu leenahay meelo day-daye in aad noqotaan looma baahna umana dulqaadanayno arrimaha jira ee aannu horraantoodii arkayno”. Sidaas waxa yidhi Nabaddoon-Saalax Ducle carraale.
“Talo fara ka haaddeye nabadgelyadeenna aan ilaashanno oo dawlad aynu u ahaannaa ma jirtee nafteenna aan heegan u ahaanno. Somaliland-na meel fog bay kasii laad-laaddaa oo wax kasii dhaca mooyee waxba uma kordhine alle haynoo ilaaliyo isbeddelkii dawladdan cusubina waa innoo caddaadaye waxba yaan laysu qarsan, ninka meesha haystaana waxba ma oga ayaa la yidhiye raysalwasaare la sheegayo oo la leetyahay toorreyo ayuu haystaana waa jiraa, wad ogtihiinoo manta budhcad-badeeddii lasii daayey ilaa Seylac ayaa amnigii faraha ka baxday, ninka isku hayeyna C/raxmaan Ducaale ayuu ahaayoo marka la daba galay waa noo caddaatay in raggii Somaliland rabey la raafayo, qabyaaladina waa noo muuqataa. Inta hawshan waddaana waa raggii Somalia rabey markaa annagu taas kuma jirno”. Sidaas waxa yidhi Dacar Aadan Cadde.

Boqor-Maxmed Nuux Aadan oo ugu danbayn fagaarahan ka hadlay ayaa yidhi “
“Anigoo ku hadlaya afkayga isim ahaneed iyo afka isimmada maqan intaba arrinta manta halkan laydsugu yimid waa mid H/Yoonis-bari mid jooga iyo mid maqaniba ka midaysan tahay annaguna aannu hormuud ugu nahay”. “Arrintii lagu sameeyey guddoomiyihii hore ee baanka Somaliland m aha mid ku habboon qof mas’uul ah gaar ahaanna isaga in lagula koco, wax aannu ka miis qaadan karnona ma ahayn waayo C/raxmaan dalka miisaan weyn ayuu ku leeyahay. Waxannuna madaxweynaha (Siilaanyo) ka codsanaynaa arrintaas baadhis degdeg ah in uu ku sameeyo oo raalligelin degdeg ah naga siiyo”. Wuxuna intaas kusii daray “Madaxweynaha waxannu leenahay ragga la daba socdo warkoodu reerka (H/Yoonis) waa ku badan yahay adigana kii ku doortay iyo kii aan ku dooranba madaxweynaad u tahay laakiin ragga waxaas wadaa waa kuwii aad magcawday ee adigu meesha keentay markii aad ololh ku jirteen isbeddelkii aad ku baaqayseen ma aargoosi buu isu beddeley, markaa beeshan oo markii horeba saluugsanayd saamiga xukuumadda cusb laga siiyey haddii maantana rggii xilka laga qaaday la yidhaahdo waa la daba socdaa ama waa loo hanjabayaa ama waa la xidhay taasi waa ka-dar oo dibi-dhal umana dul qaadanayno, wixii in badan shacabku noo sheegayeenna waa timid”. “Madaxweyne wad na xukuntaa waannuna ku ayidsan nahay laakiin ragga aad wasiirrada ka dhigatay waxa ay meesha ka doonayaan wx ka qabo, waynuna ognahay bari iyo galbeed afduubyada ka dhacaya iyo kacdoonnada ka jira iyo maanta halka nabadgelydii marayso markaa xaggee loo socdaa maxaase la qodqodayaa. Taasi socon mayso ee ha laga noqdo oo mdaxweyne h fududaysn codkayagan manta arrintaasina waxay leedahay ayaannu u fadhinaa oo jawaab deg-deg raalli gelin ah ayaannu kaaga fadhinaa ninkaasna xorriyaddiisa degdeg ha loogu soo celiyo”.


SAWIRKA MAANTA. walli Ma,Aragtay Geel Laga Dhigay Gaadhi Dameer

 

Sawirka Maanta Ay Idiinsoo Gudbinayso Shabakada Caalamiga Ah Ee burcotodayWaa. Neef Geel Ah oo Inta Gaadhi Dameer Lagu Xidhay Alaabtii Sida Waliba Parking-ka Si Wanaagsan u Taagan Magaalada Dhexdeeda,                                         MAXAY IDINLA TAHAY

Nin Mayd Ah oo Laga Helay Gudaha Magaalada Burco

 

BURCO(burcotoday)- Waxaa laga healay meel ka mid ah koonayaasha magalaada Burco nin mayd ah oo aan la garanaynin cid dishay iyo cid uu yahay toona kaas oo maydkiisa la keenay cisbitaalka guud ee Burco.

 Ninkani meydka ah ee la helay ayaan jidhkiisa sare wax nabara oo ku yaalaa anay jirin taas oo dhaakhaatiirta Cisbitaalka Burco ay sheegeen in lagu dilay ninka nidaamka ceejinta amaba uu haleelay wadku.

 

Dawlada Hoose ee Degmada Burco ayaa iyadu Aastay maydka ninkani ka dib markii maydka laf ahaantiisa la waayay cid garata taas oo ay ugu wacanayd isaga oo dhamaantiisba bedelmay taasina ay keentay in cidina ay garanwaydo muuqaalkiisa dhabta ah.

 

Maaha Markii Ugu horaysay ee qof sidani oo kale mayd u ah laga helo magaalada Burco balse dhawrjeer oo hore ayay jireen in laga helay  gobo kala duwan oo ku yaalamaaalada Burco dad mayd ah oo aan la garanaynin cid idshay amaba cid ay yihiin toona.

 

OOG: Kooxda SSC Ee Aaga Buuhoodle Oo Weerar ku soo Qaaday Ciidan Somaliland Ah Oo Ku Sugan Magaalada Oog + Dhimasho Iyo Dhaawac-na Gaystay

Oog (burcotoday)- Kooxda nabadiidka ah ee deegaanka Buuhoodle ee SSC, ayaa weerar lama filaan ah oo ay xalay ku soo qaadeen bar Kaantarool oo ku taala magaaladda Oog, ilsa markaana waxa ay halkaas dil toogasho ugu gaysteen hal askari oo ka tirsan ciidanka qaranka eek u sigan Kaantaroolka Oog.
Waxa kale oo halkaas dhaawac loogu gaystay hal askari, iyada oo ay sida oo kale ay askari kale iyo qof kale oo shicib ah-na ay afduub u gaysteen, oo aan war laga hayn meel ay la aadeen.
Weerarkan ay soo qaaday Kooxda nabadiidka ah ee SSC, oo ahaa mid ay si laana oo gaadmo ah ugu soo galeen Oogmaa,  ayaa ka dambeeyey ka dib markii ay Si gaadno ah iyaga oo ka soo galay dhinaca wadada ka timaada Yeyle taas oo keentay in askartii ilaalinta amaanka ee ku sugnaa bar kaantarol oo lagu eego ama lagu baadho gawaadhida isaga gooshta  degaankaasi kuna yaala dhinaca wadada u baxda Laascaadoon , kadib markii ay soo gaadheen Kooxdaasi bartaa kontrol ayey rasaas ku fureen ciidamadii ku sugnaa goobtaasi taas oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca iyo waliba labadan nin ee ay qafaasheen,
Sida wararku sheegaya Taliska ciidanka oo ka baxsan magaalada ayaa markii ay ogaadeen shilkan gaadmada ah ayaa ay ka daba ruqaansadeen kooxdii soo weerartay bartan kantoolk ee ku taalay magaalada dhinaceeda  taas oo la sheegay in kooxda oo wadatay laba baabuur oo uu mid ku dhacay inta u dhaxaysa Oog iyo Yeylehalkaas  oo ay ku qaadeen dhaawac iyo khasare wixii naf ka soo gaadhay .
Sidoo kale Ciidmada Qaranka ee ku sugan Jiida hore ayaa la sheegay in ay xidheen dhamaan jiida ay ku sii jeedeen kooxdaas  taas oo la sheegay in ay ciidamda qaranku geeso badan kaga soo baxeen sida Widhwidh , Laascaanood, Qorilugud,  taas oo la filayo in dhawaan war cusubi inaga soo gaadhi doona iyo iyaga oo soo qab qabtay kooxdii falkan geesatay.
Geesta kale Wararka  ayaa sheegaya in weerarkan ay uga dan lahaayeen in ay ku furtaan maxaabiis hore looga qabsaday ciidamadadooda dagaal hore uga dhacay magaalada Widhwidh.

Gardarada reer boorama iyo seetodheeraynta dowlada cusub dhib maku keeni kartaa jiritaanka soomaliland‏,By: Mohamed Cabdi Caynab Tiger

waxan hawada ka salamaya shaqalaha shebekeda casriga ah ama aan idhaade  qarniga ee OODWEYNEWS.COM iyo dhamaanba akhristaayasheda karaamada leh,

waxan jecelahay maqalkaygan maanta in taabto arrimo dhowr ah oo kusoo badanaya, Gobolada soomalilnad gaar ahaan reer boorama, oo sidii dowlada cusub ee horkacayo madaxweyne ahmed mohamed mohamud (siilanyo) xilka ugala wareegtaay, dowlad hore ee riyaale horkacayay  ka dib markii ,baayihi dowladnimo ee shacabka u igmaday buuxi wayday dowladi hore  shacab reer soomalilnad taa bedelkeedi usiiyeen aftidi iyo kalsoonidi hore loo siiyay kala laabtan,
isla markaan shacabka badidoodu u gartay codkooda u hibeeyaan xisbul xaakimka  ee kulmiye si uu dalka u badbaadiyo uguna samato bixi qo-qobka kala xidhxidhnaanta bulshada dhexdeda

hadaba waxad mooda ilaa xiligaa shacabku kala noqday kalsoonidii xisbigi udub in reer boorama ay ka niyad jabeen soomaaliland oo looga gacan haadinayo meel daran iyo meel daadays oo  iyago adeegsana habab kan casriga ah ee hada caalamka loo daagalamo, tusaale hadaan sooqato dowlada cusub waxay xilka haysa laba bilood waxay soo bandhigeen reer boorama sadex mudaharaad, maanta oo la joogona waxay ku dhawaaqeen mudaraad afraad taas oo horkaacayan cuqaashi iyo sulaadinto Gobolku hadaba mar aan hadalka salaadinta u fiirsaday waxay daarnayd cabashadoodu maxa loo bedelay Taliyihi cidanka qaranka Gobalada awdal iyo salal ee xilkisa gudan wayay

1.horta reer booramow xilku meerto ninkii xilkisa gudan waayana ee waa laga qaadaya oo xilka qaranka ruuxna malaha iyo reer malaaha

2.suldaan dhawal wuxu ku dooday in ay ahayd dhacdhacadii xeebaha galbeed dhacdo argaxiso oo ay lamid tahay tii lagu qarxiyay madaxtoodayad soomaliland xiligii madaxweyne riyaale wadanka haystay, hadaba suldaan ka waxan odhan laha dowlada cusub ma dugsayso mana eexaysanayso shakhsigii xilkiisa kasoo bixiyay caaqil iyo suldaantona u daba fadhisan mayso ee ku abshira kuna caana malaa

3. qodobka saddexaad waxay reer boorama ku andacoodan in aan dowlada cusub saami goodi lasiin lakiin waxan odhan lahaa hadii sami  dowladeed ku dhergaysan ama waxtarayo sideedsano ayaa dalka madaxka ahaydeen maantana madaxweyne ku xigeen baad noqoteen hal derejo uun hoos udhacdeen ee iimansada oo hana ku doodina saami ee ku dooda waxhala noo qabto

4. qodobka afraad waxan odhan dowlada cusub waxan ku boorin laha reer boorama waa lagu dhexjiraa oo waxana ku dhexjira shakhsiyaad aan tan reer boorama, iyo mid soomaliland toona wadin waxa maanta kasoo jiji leh wax la garanayn waxayn halku dheg ka dhigteen marwalba lasoo bodayaan calankii soomaliweyn iyo filimadii lixdankii lagu hungoobay

hadaba ila eega sheeko badan oo aan ku tusaaleynayo reer boorama iyo filinka ka socda

sheeko gaban beribaa waxa gaadhi darawalka ahaa oday la odhan jiray adan xaraami waxa  gaadhi saqeeye ama kirish boy ka ahaa uu wiil uu dhalay adan xaarami wiilku waxa uu aabihi ugu yeedhi jiray aabow wuxu sidii ahadaa oo wiilkii aabihi u ixraami jiray maalintii danbe ayuu ugu yeedhay aabihi abee adanow isla markiiba oday adan oo u caqli badnaa waa dareemay in wiilki bilaabay ixtiraam la,aan odayn adan maba warwareegin dhirbaaxo ayuu labada indhood muudsaday

ragabkii gaadhi saarna oo aad u jecla wiilka ayaa oday aadan markiiba canaan indha kaga bedelay ,kuna boobay su,aalo ay ka mid yihiin maxad u dilaysa wiilka.waa wiil wacan ee iyo suaale lamid ah

hadaba oday adan xarami oo aha oday aad u caqli badan ayaan jawabti meel fog ka doonin ugu  jawabay ragabki gaadhiga saarnaa wiilkaygu wuxu igu yeedhi jiray aabow maanta wuxu igu yeedhay aabe adanow beri wuxu odhanayaa abe adan xaaramiyow

 hadaba waxan uga socda sheekada reer boorama awal calanka soomaaliland bayla soo bixi jireen maanta kii soomaliya  ayay lasoo baxeen  berina waxay ka tagayaan xeerya dowlada markaa maantay dhow yihiin haday dowladu gacan bir leh waxkaga qabanwaydo  saadan bay garan

intaas waa iga talo,
 
bilaal_85@hotmail.com
mohamed cabdi caynab tiger
abudhabi

Burco: Dhaawicii Ka Dhashay Dagaalkay Soo qaadeen Dablay Deegaanka Oog Oo Maanta Soo Gaadhay Cisbitaalka Magaalada Burco

SAWIRKA MAANTA. Diyaaradii Somali Airlines Maxaad Ka Xasuusataa Halkayse ku Danbeysay

Sawirka Maanta Ay Idiin soo Gudbinayso Shabakada Caalamiga Ah Ee Burcotoday Waa Diyaaradii Somali Airlines. Taas oo Dad Badan oo Qurbaha Jooga oo Reer Somaliland & Somaliyaba Ay Kaga soo Dhoofeen wadankii Soomaaliya,  Hadaba halkay Ku Danbeysay Diyaaradaasi Baad u Maleynaysaa Garoonka Ay Iminka fadhidana Halkaad u Maleynaysaa,   

Friday, September 24, 2010

Maayorka Ceerigaabo oo Xadhigga Ka Jaray Dugsi-Xirfadeedka Candlelight.







 

  Ceerigaabo(burcotoday)- Munaasibad ballaadhan oo maalintii khamiista (maanta) lagu qabtay isla dhismaha labada dabaq ee iskuulkan cusub ayna kazoo qayb galeen maammulka heer-gobol iyo degmo ee Ceerigaabo. Mas’uuliyiin ka socota hay’adaha Candlelight iyo ISF Shirkadaha Isgadhsiinta. Boqorro iyo Salaadiin iyo Marti-sharaf kale oo badan ayaa waxa halkaas xadhigga laga jaray Dugsiga Tababbarrada iyo Xirfadaha dhallinyarada ee Candlelight/Erigavo.

 

Madaxa hay’adda waddaniga ah Candlelight(CLHE) ee gobolka Sanaag Mr-Xasan Diiriye oo ugu horrayn halkaas ka hadlay ayaa wuxu ka xog warramay xaaladda waxqabadka hay’addan iyo muddadii 2004—2010 ay gobolka Sanaag ka hawl gelaysey oo uu sheegay in ay fuliyeen mashaariic tiradoodu ka badan tahay siddeed mashruuc oo isugu jira mashaariicda horumarinta bulshada iyo faya-dhawrka deegaanka ee kala duwan iyo gargaarka degdegga ah oo ay ka mid tahay lcag mararka qaarkood loo qaybiyey bulshada danyarta ah iyo weliba gudniinka fircooniga ah. (Livelyhood projects, Emergency, and FGM projects), kuwaas oo sida uu sheegay ay kala qayb qaateen hay’adaha Caalammiga ah ee ay kamid yihiin CARE NOFIP WFP SCF hay’adda Waddaniga ee PENHA iyo hay’adda caalammiga maalgelisey mashruucan ugu danbeeyey ee dugsigan barashada xirfaduhu ka mid yahay ee ISF.

 

Madaxa hay’adda CLHE Somaliland Mrs-Shukri Bandare oo iyaduna munaasibaddan ka hadashay ayaa iyadoo guud ahaan mahadnaq usoo jeedisey madaxda maammulka iyo bulshada Ceerigaabo iyo hay’adaha gacanta ka siiyey fulinta mashaariicdaas intaba, sidoo kalena hawl-wadeennada iyo shaqaalaha CLHE ku ammaantay gudashada hawlaha hay’addan, sidoo kalena ay sheegtay in hay’addan oo 1995 laga abuuray degmada Oodweyne ay maanta ka hawlgasho guud ahaan gobollada Somaliland. Waxa kaloo hadalladeedii soo jeedinta ahaa ka mid ahaa “Maanta oo dawlad cusubi innoo dhalatay oo weliba aan filayo gobollada bariga in ay wax weyn innoo qaban doonto waxan ku talinayaa in diiradda la saaro saddex arrimood oo ah Biyo ku filan miyi iyo magaaloba gobolka Sanaag sidii loo heli lahaa waayo baahida manta ugu darani waa biyaha, Caafimaad bulshada Sanaag hesho iyo weliba Tacliin socota”.

 

Maayorka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxan si weyn uga mahadnaqayaa hay’adaha CLHE iyo ISF waxqabadkan aynu aragno ee ay muujiyeen. Hay’ad kastaana haddii ay intan oo kale innoo qabato horumar la taaban karo ayay noqon lahayd. Innakana waxan leeyahay waa in aynu ka faa’iidaysanno horumarkaas oo dhibaatooyinka shaqo la’aaneed ee jira aan lagu cajisin waayo mustaqbalka fursadda shaqo ee dadka xirfadaha kala duwan bartay wuu iman doonaa”.

Madaxa shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL Axmed Ibraahin oo ka mid ahaa madaxdii munaasibaddan kazoo qayb gashay ayaa wuxu isaguna dugsigan cusub ugu deeqay Telefoon (Wireless) wacitaankiisu lacag la’aan yahay sidoo kalena madaxdii iyo bulshadii munaasibaddan kazoo qayb galay oo tiro badan dhammaan guddoonsiiyey kaadhadhka ku-hadalka shirkaddiisa SOMTEL. 

 

Madaxa hay’adda ISF Finland iyo Somaliland ee maalgelisey mashruuca iskuulkan manta xadhigga laga jaray oo haweeney caddaan ah runtiina xusid mudan hadalkeedii qaybta hore oo Af-Soomaali ahaa ayaa waxay si weyn ugu mahad celisey guud ahaan maammulka dawladda iyo hay’adda mashruucan fulisey kazoo qayb galayasha iyo guud ahaanba bulshada reer Sanaag.

 

Waxana munaasibaddan soo gebagebeeyey Kuxigeenka Badhasaabka gobnolka Sanaag C/casiis Xasan Siciid oo isaguna dhiniciisa hay’addan Candlelight iyo hay’adaha mashaariicdan horumarineed kala qayb qaatayba halkaas uga mahad celiyey sidoo kalena bulshada Sanaag iyo dadka xirfdahan fursadda u helay iee bartay ku boorriyey in ay ka faa’iidaystaan, bulshadoodana ugu adeegaan aqoontan ay barteen.

Kaddibna Maayorka Ceerigabo ayaa Iskuulkaas cusub halkaas xadhigga kaga jaray. 

Madax-dhaqameedyadii iyo xubnihii kale ee munaasibaddan ka hadlay ayaa iyaguna dhinacooda.usoo jeediyey maammulka iyo hay’adaha iska kaashaday mashruucan iyo guud ahaanba horumarinta gobolka Sanag, sidoo kalena bulshada iyo dadka xirfadahan la barayo usoo jeediyey talooyin kala duwan. 


Dhinaca kalena Kulan Xarunta Waxbarashada Ceerigabo ay isugu yimaaddeen Badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre Guddoonka Waxbarashada Waalidiinta iyo Macallimiinta dugsiga sare (Haji Aden Secondary School) ayaa laysla qaatay dugsiga sare (Haji Aden) ee Ceerigaabo oo saxitaan dartiis laba casho xidhnaa in Sabtida soo socota dib loo furo oo lasoo gebagebeeyey arrimihii dhaliyey hakadka muddada kooban dugsigaas ku yimid.

Halkan Ka Daawo Madaxweyne Obama oo ka hadlaya shirka Millenium Development ee Qaramada Midoobay

Somaliland Iyo Puntland Oo Maxaabiis Iyo Gaadiid Kala Bedeshay

 

Hargeysa (burcotoday)- labada dawladood ee Jamhuuriyada Somaliland iyo ismaamul-goboleedka Puntland, ayaa saaka taariikhda markii ugu horaysay la kala wareegay maxaabiis iyo gaadiid labada dhinac lagu kala hayay.



Kala wareejinta maxaabiista iyo gaadiidkaas ay labada dhinac la kala wareegeen, oo ka dhacay magaalo la yidhaahdo Gambadha oo u dhexaysa Garoowe iyo Laascaabood, ayaa xagga Somaliland waxa  masuul uga ahaa hawshaa wefti uu hogaaminayay Gudoomiyaha gobolka Sool Maxamed Jaamac Diiriye, halka dhinaca Puntland-na wetfigii hawhaa wadday uu madax u ahaa Caaqil Cabdi Wahaab Maxamed Guray.



Dawlada Somaliland ayaa maamulka Puntland ku wareejiysay 11 Maxbuus iyo 2 gaadhi, halka Puntland ay soo wareejisay 7 baabuur iyo 5 darawallo ah.



Maxaabiista ay Somaliland wareejisay oo ku xidhnaa Jeelka Mandheera ee gobolka Saaxil, ayaa hore maxkamadi ugu riday xukunno kala duwan, iyaga oo ku eedeysnaa inay ka tirsan yihiin kooxaha budhcad-badeeda, kuwaas oo laga soo qabtay xeebaha Somaliland oo ay damacnasanayeen inay wax ka soo af-duubaan.



Iyaga daraadood, ayaana loo af-duubay gadiidka iyo darawallada reer Somaliland oo muddo sannad ku dhaw ku xidhnaa Hobyo iyo meelo kale oo mudug ka tirsan.


Si kasta ha ahaatee is-u-socod badan iyo wada-xaajood muddoyinkaaba ka dhex-socday Somaliland iyo Puntland ayay ku suurtagashay Maxaabiistaa iyo Gaadiidkaas.

QABANQAABADA AFTI-QAADKA KOONFURTA SUDAN OO LOOGA CABSI QABO IN UU DIB U SOO CELIYO DAGAALKII SOKEEYE EE RUBUC QARNIGA KA SOCDAY KOONFURTA WADANKA SUDAN

 

KHARTOUM(burcotoday-) Aftiqaadka madaxbanaanida koonfurta Sudan oo la filayo in uu  qabsoomi doono 11 January sanada 2011 ayaa ahaa heshiis ay si wada jir ah u saxeexeen xukuumada iyo mucaaridka koonfurta Sudan sanadkii 2005. Waxaa jira walaaca laga qabo in hawsha aftiqaadku u qabsoonto sidii loogu talagalay.


Wasiirka Arimaha Debeda ee Norwey Mr Jonas Gahr Stoere ayaa sheegay in mudada loo cayimay hawshu ay tahay mid xaasaasi ah, waxaanu intaa raaciyay in 9 January loo baahan yahay in dhamaanba agabka aftiqaadka la soo dhamaystiro. Gudoomiyaha Gudida abaabulka aftiqaadka Mr Mohamed Ibrahim Khalil oo u waramayay wakaalada wararka ee Rueters waxaa uu yidhi: “Hadii laga baaqsado wax dib u dhac keeni kara qabsoomida hawsha, Isla markaasina ay gudida aftiqaadku u shaqeeyaan sidii loogu talagalay dhanka kalena aanu ka badbaadno faragelin nagaga timaada dhinacyada ay hawshu khusayso, waxaanu awoodnaa in aanu ka soo baxno hawsha na loo igmaday isla markaasina waxaanu la iman doonaa dedaal dheeri ah.


Madaxweyne Omar Hassan Al-Bashir oo lagu eedeeyay in uu geystay xasuuq ka dhan bini aadminimada oo ay xadhigiisa amartay maxakamada caalamiga ah ee danbiyada dagaalka ayaa sheegay in uu aqbali doono natiijada ka soo baxda aftiqaadka ka dhici doono koonfurta Sudan balse wuxuu sheegay in isaga iyo xisbigiisa National Congress Party ay isku deyi doonaan in ay ka dhaadhiciyaan dadka koonfurta Sudan in ay u codeeyaan sidii midnimada dalka loo ilaalin lahaa. Weriye ka tirsan Telifishanka Al-Jazeera oo lagu magacaabo Haru Mutasa oo ka waramayay sida xaaladu tahay ayaa  yidhi: “Waa laga yaabaa in dagaalkii dhamaaday balse dadka reer koonfureedku ma aamini doonaan shucuubta reer waqooyiga”.


Koonfurta wadanka Sudan ayaa ah goob qani ku ah shidaalka, hadii ay dadka reer Koonfureedku goostaan in ay madaxbanaani qaataan waxaa dawlada Sudan halkaas ku waayi doontaa lacagtii ka soo geli jirtay shidaalka dalka waloow dhuumaha qaada saliida ay maraan dhanka waqooyi ee wadanka. Iftiqaadka koonfurta Sudan waxaa u dhegtaagaysa Jamhuuriyada Somaliland oo aan weli la ictiraafin isla markaasina dhibane u ahayd dawladaha Afrika oo inta badan caalamku ku riixo in ay iyagu aqoonsadaan

Siidhi Walaha Caalamiga Ah Ee Byron Moreno oo Ciyaarihii Laga Joojiyey Kadib Markii Lagu Qabtay Isagoo tahriibinaya Lix Kiiloo oo Daroogo Ah

 

ITALY(burcotoday)- Saxaafada dalka Talyaaniga & dalka Ecuadoria ayaa sheegay maanta in Siidhi walihii caalamiga ahaa ee Byron Moreno sababta ciyaaraha looga fadhiisiyay ay ahayd isagoo lagu qabtay lix kiiloo oo daroogo ah oo uu tahriibinayay, Moreno oo ahaa siidhi wale caalami ah ayaa la sheegay in lagu qabtay daroogadaa isagoo ku qarinaya surwaalka hoose,


Byron Moreno oo 40 jir ah ayaa laga joojiyey inuu kala xukumo ciyaaraha sanadkii 2003 kadib markii lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee  John F. Kennedy ee magaalada New York isagoo hoosta ku sita lix kiiloo oo daroogada Herion-ta ah,  Moreno ayaa xiligaa la qabanayay soo dhameystay ciyaaro uu siidhi wale ka ahaa oo ka dhacayay dalka mareykanka,

Telefishinka Talyaaniga ah ee Renioz ayaa sheegay maanta in Siidhi walahaa la qabtay isagoo sita lix killoo oo Daroogo ah. Arintan ayaa ku noqotay saaxada ciyaaraha wax layaab ah iyadoo uu Moreno ahaa siidhi wale caalami ah oo aan looga shakisnayn inuu arimahaa oo kale galo,

Byron Moreno ayaa hore u qabtay ciyaaro muran badan dhaliyey kuwaas oo ay kamid ahayd ciyaar ay dalka Talyaanigu ilaawi waayeen taasoo ahayd ciyaartii ay la yeesheen dalka South Korea ee wareegii 16 aad ee koobkii aduunka 2002, Ciyaartaa ayuu Siidhi wale Moreno garoonka ka saaray laacibkii Reer Itaaliya ee  Francesco Totti kadib markii uu kaadhka cas u taagay & Talyaaniga oo ka cabanayay in goolkii lagaga badiyey uu khalad ahaa oo uu Siidhi wale Moreno ku saxay kuna meel mariyey, Siidhi wale Moreno ayaan isagu xukumin ciyaar danbe oo caalami ah kadib markii laga joojiyey inuu ciyaarahaa Siidhi wale ka noqdo,
 

SAWIRKA MAANTA iyo Biriishka Cali Dhooqe ee Magaalada Hargeysa

 


Sawirka Maanta Ee Shebekeda Caalamiga Ah Ee burco today idiin soo gudbinayso, waa Biriishkii Cali Dhooqo ama Biriishka laalaada ee agagaarka Hargeisa Club. Akhristow hadii danta guud laga hormariyo taada gaar ah waxbadan baa inoo qabsoomi lahaa. Bal aan idinku yara nasiyo baydad ka mid ah gabaygii Tabantaabo ee Abwaan Cabdilaahi Muuse Jiciir (AHUN).
Tabantaabaday laba gacmood tamar ku yeeshaane
Tiska waxaa la qaadaa markay tiirisaa bidixe
Haday midigtu keli taagan tahay tahar ma gooyseene
Rag tashaday dhul wey toli karaan, taako labadeede.

Ninka Dhalinyarada Ah Ee Iska Leh Shabakada Facebook Ayaa sheegay Inuu Ku Caawin Doono 100 Malyuun oo Doler Iskuulada Magaalada Newark

NEWYORK(burcotoday)- Ninka Dhalinyarada ah ee iska leh Shabakada aduunka Qabsatay ee Facebook Mark Zuckerberg ayaa sheegay inuu ugu deeqayo Boqol Milyan oo Doller Iskuulada Magaalada Newark oo u dhow magaalada New York,

Jariiradaha Waaweyn ee The Wall Street Journal & New York Times ayaa sheegay in Shabakada Facebook ay sheegeen inay lacagtaa u bixinayaan iyagoo doonaya in lagu hagaajiyo tacliinta iskuulada magaalada Newark oo ay sheegeen in heerka tacliinta ee magaaladaasi uu aad u hooseeyo,

deeqdan uu bixinayo Facebook ayaa jaraa,idkan sheegay inay ku soo bandhigi doonaan barnaamijka Telefishinka ee Oprah Winfrey Show maalinta Bari ee jimcaha ah, Ninka dhalinyarada ah ee Asaasay shabakadan Facebook ayaa warku sheegay inuu doonayo inuu hagaajiyo sumcadiisa aduunka iyo dalka Mareykanka isagoo dhawaana kusoo bandhigi doona shabakadaa facebook filim cusub oo la filayo inuu ka heli doono faa,iido badan,

Mark Zuckerberg oo 26 jir ah ayaa iminka ku jira kaalinta 35 aad ee dadka maalqabeenada ah ee mareykanka ah isagoo lagu qiyaasay hantida uu haysto 6,9 Billion doller,